|
|
|
Allgedo!
Maqaal, Saturday, April 30, 2005 |
Murunka Siyaasadeed ee intii Muddo ah Cirka
ku Sareernaa,Ummadana jahawareerka geliyeey,
Xildhibaanadda,Wasiiradda iyo Beelaha Taageeraba u kala qaaday
bari iyo galbeed, Muqdisho iyo Neyroobi, Kooxdda ama
Isbaheeysigga Safka Horre Diid iyo Safka Horre Doon, iyo Habka
kala yaacidda,is cambaareeynta,is-dhaafsigga hadaladda iyo
warar-saxafadeedka Kul-kuluun.
Dowladda Somaaliyeed ee aan Cagaha adag ku
taagneeyn,fara-gelinta Debedeed ku Lamaan tahay,Madaxdeedda
Sarre niyad samid iyo kalsooni laheyn,Xildhibaanadu gacan ka
hadal iyo dhiig daadiini u dhexeeyso,Wasiiradu is
diidan-yihiin,kala dameeyni jirrin,hab siyaasadeed oo la raaci
karraa meesha ool,Dowladaha Gobolku yihiin kuwa aan awood weyn
laheyn,aragti iyo mawqif mideeysan dhex-dooda ka jirrin,hanaan
wanaagsan oo hab Dowladeed ahna Dalalkoodu heeysan, Beesha
Caalamkuna sidii habooneyd ugu hagar bixiin hirgelinta iyo
tiirar u taagidda u dhiska Dowladda Somaaliyeed iyo ka shaqeynta
xalinta Khilaafka caqabadda ku ah socodka dib heshiisiinta iyo
soo nooleeynta Qaranimadda Somaaliyeed.
Haddaba,waxaad moodaa in maalmahan damme eey
soo shaaca baxaayeen,si weyna u soo taraayeen wax lagu tilmaami
karro isu-soo dhowaansho iyo furidda wadooyinka wadda hadalka
iyo isla eegidda qodobadda khilaafka keenay,iyo in eey tahay
lagama maarmaan helitaanka habka lagau raacin lahaa is hor
fariisigga labadda dhinaca ee kala jooga Caasimadda Qaranka
Somaaliyeed muqdisho iyo Magaaladda Neyrobi Kenya,oo ka wadda
tirsan Golaha Wasiiradda iyo Barlamaanka oo kala maqnaanshohoodu
dhibaatadiisa leeyahay,howla qabadkiina suurta gel
noqonaan,wixii la soo dhisaneyn khasaarre noqonaayo, Sidda Warku
sheegaayaan Waxaa Furmay Habkii wadda Xiriirka iyo Ergooyin is
dhaafsigga, iyo iyadoo howshii kuwa Muqdisho joogaa u muuqato
mid si gaabis ah u socota, laakiin wax la bilaabay, lagama
maarmaana tahay in la helo doorka Rasmigga ah ee Xukuumadda
Somaaliyeed taageeradeedda (Siyaasadeed, Dhaqaalle, iyo Talo
bixineedba), Kuwa Dalka Kenya joogaana kama maarmi karrin
kalsoonidda iyo wadda jirka iyo wadda shaqeynta kuwa Muqdisho
Jooga,maadaama qaarkood yihiin Wasiiro iyo weliba hogaamiyaasha
Kooxaha hubeeysan ee Muqdisho.
Sidda uu Shaaciyeey-Ra,iisal Wasaare-Cali
Maxamed Geedi,wuxuu Maalinta Jimcaha 29/04 si rasmi ah ugu
safraayaa Caasimadda Qaranka Somaaliyeed Muqdisho,oo isaga iyo
Madaxweyne C/Laahi Yuusuf Axmed ka caga jiidaayeen,arrinta
Muqdishona ka mid tahay kuwa ugu waaweyn khilaafka cirka isku
sareeray ee labadda kooxood,waxaa arrimahan si weyn u riixaaya
Beesha Caalamka iyo Dowladaha Urur Goboleeda Igad,oo eey ka
go,aan tahay in Dowladda Somaaliyeed Dalkeedda Hooyo tagto,kana
shaqeyn,intii eey fadhi laheyn Hoteeladda Neyrobi oo
kharaskoodii la bixin le,yahay,sidoo kalle Kooxdda Muqdisho ayaa
u aragta in howsha Muqdisho qaadan doonta muddo dheer,caqabado
badani ka hor imaan karaan,habaka Xukuumadda iyo Golaha
Barlamaanka oo mideeysani eey wax weyn qaban karaan,ka jabka iyo
muranka ayaa faa,iido lagu gaari karrin,waqtiguna qaali yahay,oo
maalinba maalinta ka dameeysaa la imaaneeyso waayaheeda.
Madaxweyne C/Laahi Yuusuf,ayaa u muuqdda in
isbedel ku sameeyeey habkii iyo wadadii uu markii horre qaaday
oo qodxo badan laheeyd,una cuntami weeyday Ummadda Somaaliyeed
Qeyba ka mid ah iyo Xildhibaanadda Golaha Barlaanka intiisa
badan iyo gaar ahaa kuwa ah Hogaamiyaasha Kooxaha hubeeysan ee
Muqdisho,oo markoodii horeba farta qaniinsanaa guul daradii eey
kala kulmeen Tartankii Doorashadda Madaxweyne-nimadda iyo Guusha
Weyn ee C/Laahi Yuusuf soo hooyeey,iyo Ra,iisal Wasaaraha uu
Doortay,taasoo sumcad xumo weyn iyo dhaliilo ku keentahay
Hogaamiyaasha Muqdisho ee awoodda Maleeshiyaadak iyo Dhaqaalaha
badan sheeganaayeey,laakiin cidladda la diray.
Calaa kulin-Talaabooyinka soo shaac baxaaya
ayaa ah kuwa la oran karro waxaa iftiin wanaagsan ee wadadda
toosan ku taagan,waana kuwo Ummadda Somaaliyeed ku eegeeyso
indho iftiin soo gelaayo,iyo xoogaa niyad sami ah,oo eey daba
yaaliin ka fiirsasho iyo feejignaan weyn,waayo cid eey
romeeystaan ayeey la,yihiin,Wajigga Wanaagsan Farxadda leh oo
eey maanta la yimaadaan ayaa maalinta damme loo abaal gudaa wax
ka naxiyo oo jaha-wareer geliya,arrimahana halkoodii iyo ka
daranba geeya,Geedi iyo guusha uu Magaaladda Muqdisho kala soo
laabta ayaa ahamiyadeedda yeelan doonta,iayadoo sidda la
sheegaayo Wadadda loo sii falay,yacni loo hagaajiyeey,oo
Ganacasatdda Awooda iyo Magac Weyn ku Leh Muqdisho,Dhanka
Isirkana is xigaan eey diyaar u yihiin,xiriirna horre u dhex
maray,uuna helaayo soo dhowaan dadweyne iyo Maamulka Gobolka
Banaadir ee uu dhowaan sameeyeey oo ahamiyadiisa leh,Waana
Talaabo Wanaagsan Safarka Geedi ee uu Beri ku tegi doono
Magaaladda muqdisho,waxaana la filaayaa in Wafi Beesha Caalamka
ah uu Beri Muqdisho tago,soona eego sidda xaaladeedu tahay,la
soo kulmaan Xildhibaanadda iyo Wasiiradda halkaas jooga,inshaa
Guulshu weey imaan.
Danta Ummadda Somaaliyeed waxeey ku jirtaa in
la helo is-afgarad iyo ka wadda shaqeynta danaha dadka,lagana
fogaayo muranka iyo khilaafka hadda jirra,iyadoo wax walba lagu
saleeynaayo waayaha, mustaqbalka, sumcadda, qaranimadda
Somaaliyeed,ooaan marna la qaadan karrin wixii wax yeelaaya
Jiritaanka iyo Sharfta Dalkeena iyo Dadkeena,Ciideena iyo
Calankeena,lagana fogaayo daneeysigga gaarka ah,danaha Dowladaha
kalle,ee mudnaanta Somaalinimadu leedahay, dib u dhiska
Dalka,Cadaalad ku shaqeynta iyo Illaalinta Midnimadda iyo
Difaaca Dalka Hooyo.

Sidda la wadda ogyahay waxaa dhowaan la
filayaa in eey dhacaan Doorashooyinka Golayaasha Degaanka
Degmooyinka Maamulka Goboleedka P/Land,si toos ahna
dadweynuhu u soo dooranaayaan Gudiyadda Golayaasha oo habka
cod-bixinta lagau saleeynaayo,iyadoo ujeedada ka dameeysaa
Doorashadda tahay ka bixidda habaka hada lagau dhamqo oo ah
Mgacaabidda Masuulinta Maamulka D/Hoose ee Maamulka.
Hadaba iyadoo waqtigii Doorashadda
dhoow-yahay,la bilaabay ololihii iyo isu diyaarintii ka qeyb
qaadashadda hanaanka wanaagsan ee Doorashadda Madaxa banaan
ee Dadweynuhu ku soo xulanaayo shakhsiyaadka eey u arkaan in
eey ku aamini karran Hoggaaminta iyo ka Shaqeynta danaha
Dadweynaha,loo arko in eey yihiin kuwo
leh-Aqoontii,Kartiddii,Xilkasnimo, Daacadnimo,iyo Gudashadda
waajibaadooda,Dadkuna Kalsooni ku qabi karro,ayaa waxaa si
weyn Aniga Shakhsiyan iiga yaabiyeey Wareegtadda Madaxweyne
ku Xigeenka Maamulka P/Land Mudane-Xassan Daahir Af-qurac ku
Magacaabayo Duqa Magaaladda Laascaanood iyo ku
Xigeenkiisa,iyadoo doorashii qarka loo saaran yahay,taas
micnaheedu Doorasho kama dhaceeyso Laascaanood miyaa,Mise
Madaxweyne ku xigeenka ayaa loo doortay soo xuliyadda
Duqa,ku xigeenkiisa iyo Xubnaha golaha Degaanka Magaaladda
Laascaanood, ma Garaan ee waxaa jirra.
Haddii Degaamadda kalle ee Maamul
Goboleedka P/Land eey ka dhacaayaan Doorasho dadku si
Xoriyad leh u soo Xulanaayaan kuwa metelaaya,Masuuliyadda
eey ku Aaminaayaan, Maxaa ka reebaaya Laascaanood oo ah
Magalaao Madax Gobol Dhan,si weyna loo Degan yahay,arrintu
waaney aheyn xijo cusub,iyo arrin la yaab leh,wax iska
weydiina mudan, xaqa iyo Masuuliyadda Ummadda Reer
Laasacaanoodna u muuqata in lagu tumanaayo,korna looga
keenaayo kuwo la soo Magaacaabo,Wanaagooda iyo Xumaantooda
midna anigu kama hadlaayo ee waxaan si weyn u diidanahay
waxa laascaanood gooni ka dhigaaya,Mudane- Madaxweyne ku
Xigeen,u ogoloow Dadka Xorta ah, waxgaradka ah, Cuqaashadda,
Odayaasha, Culimaa, udiinka, Dhalinyaradda, Haweenka, Hogaan
Dhaqameedka iyo Guud ahaan Bulshadda Reer Laascaanood in eey
ra,yigoodda dhiibtaan, loona Doortaan Ciddii meteli
laheyd,Waa laga Soo daaleey kor ka keenidda iyo Mgacaabidda
Dowladeed,wax faa,iido ahna lagama helin kuwa aad Garoowe ka
soo Magacoowdaan oo ah kuwo loo arko in eey Shaqaalle iyo
adeegayaal ku yihiin Maamulka Garoowe Fadhiya oo aad ka mid
tahay,balse wanaagu wuxuu ku jirra in Dadka degaanku
xaqoodda gutaan oo soo doortaan kuwo eey beri la Xisaabtami
karaan,oo Kalsoonidooda Xilka ku soo gaaray, adigana Masuul
ahaan waxaa sharaftaadu ku jirtaa halka danta Ummadaadu ku
jirto Mudane-Madaxweyne ku Xigeen, Dadka reer Laascaanoodna
waxaan kula talinaayaa diidmadda Dadka korgga la keenaayo,
oo lagu Khasbaayo, xaqoodana eey u gutaan sidda ku haboon,
soo doorta Duqa iyo Gudigga Degaanka Xubnahoodda, idiinkoo
danta guud illaalinaaya, midka wanaagsan dooranaaya,
dadnimadiisa eegaaya, Daacadnimadiisa ku Xisaabtamaaya, Alle
ka cabsigiisa eegaaya, dhaqan wanaagiisa
Dersaaya, waayo aragnimadiisa
tixgelinaaya iyo amaano xejinta, Reernimaddu qiimo weyn ma
laha Mudanayaal,Walaalayaal Reer Laascaanood.

Murunka Siyaasadeed ee intii Muddo ah Cirka ku Sareernaa,Ummadana
jahawareerka geliyeey, Xildhibaanadda,Wasiiradda iyo Beelaha
Taageeraba u kala qaaday bari iyo galbeed, Muqdisho iyo Neyroobi,
Kooxdda ama Isbaheeysigga Safka Horre Diid iyo Safka Horre Doon, iyo
Habka kala yaacidda, is cambaareeynta, is-dhaafsigga hadaladda iyo
warar-saxafadeedka Kul-kuluun.
Dowladda Somaaliyeed ee aan Cagaha adag ku
taagneeyn,fara-gelinta Debedeed ku Lamaan tahay,Madaxdeedda Sarre
niyad samid iyo kalsooni laheyn,Xildhibaanadu gacan ka hadal iyo
dhiig daadiini u dhexeeyso,Wasiiradu is diidan-yihiin,kala dameeyni
jirrin,hab siyaasadeed oo la raaci karraa meesha ool, Dowladaha
Gobolku yihiin kuwa aan awood weyn laheyn,aragti iyo mawqif
mideeysan dhex-dooda ka jirrin,hanaan wanaagsan oo hab Dowladeed
ahna Dalalkoodu heeysan, Beesha Caalamkuna sidii habooneyd ugu hagar
bixiin hirgelinta iyo tiirar u taagidda u dhiska Dowladda
Somaaliyeed iyo ka shaqeynta xalinta Khilaafka caqabadda ku ah
socodka dib heshiisiinta iyo soo nooleeynta Qaranimadda
Somaaliyeed.
Haddaba,waxaad moodaa in maalmahan damme eey soo
shaaca baxaayeen,si weyna u soo taraayeen wax lagu tilmaami karro
isu-soo dhowaansho iyo furidda wadooyinka wadda hadalka iyo isla
eegidda qodobadda khilaafka keenay,iyo in eey tahay lagama maarmaan
helitaanka habka lagau raacin lahaa is hor fariisigga labadda
dhinaca ee kala jooga Caasimadda Qaranka Somaaliyeed muqdisho iyo
Magaaladda Neyrobi Kenya,oo ka wadda tirsan Golaha Wasiiradda iyo
Barlamaanka oo kala maqnaanshohoodu dhibaatadiisa leeyahay,howla
qabadkiina suurtagel noqonaan, wixii la soo dhisaneyn khasaarre
noqonaayo, Sidda Warku sheegaayaan Waxaa Furmay Habkii wadda
Xiriirka iyo Ergooyin is dhaafsigga,iyo iyadoo howshii kuwa Muqdisho
joogaa u muuqato mid si gaabis ah u socota,laakiin wax la
bilaabay,lagama maarmaana tahay in la helo doorka Rasmigga ah ee
Xukuumadda Somaaliyeed taageeradeedda(Siyaasadeed, Dhaqaalle,iyo
Talo bixineedba), Kuwa Dalka Kenya joogaana kama maarmi karrin
kalsoonidda iyo wadda jirka iyo wadda shaqeynta kuwa Muqdisho
Jooga,maadaama qaarkood yihiin Wasiiro iyo weliba hogaamiyaasha
Kooxaha hubeeysan ee Muqdisho.
Sidda uu Shaaciyeey-Ra,iisal Wasaare-Cali Maxamed
Geedi,wuxuu Maalinta Jimcaha 29/04 si rasmi ah ugu safraayaa
Caasimadda Qaranka Somaaliyeed Muqdisho,oo isaga iyo Madaxweyne C/Laahi
Yuusuf Axmed ka caga jiidaayeen,arrinta Muqdishona ka mid tahay kuwa
ugu waaweyn khilaafka cirka isku sareeray ee labadda kooxood,waxaa
arrimahan si weyn u riixaaya Beesha Caalamka iyo Dowladaha Urur
Goboleeda Igad,oo eey ka go,aan tahay in Dowladda Somaaliyeed
Dalkeedda Hooyo tagto,kana shaqeyn,intii eey fadhi laheyn Hoteeladda
Neyrobi oo kharaskoodii la bixin le,yahay,sidoo kalle Kooxdda
Muqdisho ayaa u aragta in howsha Muqdisho qaadan doonta muddo
dheer,caqabado badani ka hor imaan karaan,habaka Xukuumadda iyo
Golaha Barlamaanka oo mideeysani eey wax weyn qaban karaan,ka jabka
iyo muranka ayaa faa,iido lagu gaari karrin,waqtiguna qaali yahay,oo
maalinba maalinta ka dameeysaa la imaaneeyso waayaheeda.
Madaxweyne C/Laahi Yuusuf,ayaa u muuqdda in
isbedel ku sameeyeey habkii iyo wadadii uu markii horre qaaday oo
qodxo badan laheeyd,una cuntami weeyday Ummadda Somaaliyeed Qeyba ka
mid ah iyo Xildhibaanadda Golaha Barlaanka intiisa badan iyo gaar
ahaa kuwa ah Hogaamiyaasha Kooxaha hubeeysan ee Muqdisho,oo
markoodii horeba farta qaniinsanaa guul daradii eey kala kulmeen
Tartankii Doorashadda Madaxweyne-nimadda iyo Guusha Weyn ee C/Laahi
Yuusuf soo hooyeey,iyo Ra,iisal Wasaaraha uu Doortay,taasoo sumcad
xumo weyn iyo dhaliilo ku keentahay Hogaamiyaasha Muqdisho ee
awoodda Maleeshiyaadak iyo Dhaqaalaha badan sheeganaayeey,laakiin
cidladda la diray.
Calaa kulin-Talaabooyinka soo shaac baxaaya ayaa
ah kuwa la oran karro waxaa iftiin wanaagsan ee wadadda toosan ku
taagan,waana kuwo Ummadda Somaaliyeed ku eegeeyso indho iftiin soo
gelaayo,iyo xoogaa niyad sami ah,oo eey daba yaaliin ka fiirsasho
iyo feejignaan weyn,waayo cid eey romeeystaan ayeey
la,yihiin,Wajigga Wanaagsan Farxadda leh oo eey maanta la yimaadaan
ayaa maalinta damme loo abaal gudaa wax ka naxiyo oo jaha-wareer
geliya,arrimahana halkoodii iyo ka daranba geeya,Geedi iyo guusha uu
Magaaladda Muqdisho kala soo laabta ayaa ahamiyadeedda yeelan
doonta,iayadoo sidda la sheegaayo Wadadda loo sii falay,yacni loo
hagaajiyeey, oo Ganacasatdda Awooda iyo Magac Weyn ku Leh
Muqdisho,Dhanka Isirkana is xigaan eey diyaar u yihiin,xiriirna
horre u dhex maray,uuna helaayo soo dhowaan dadweyne iyo Maamulka
Gobolka Banaadir ee uu dhowaan sameeyeey oo ahamiyadiisa leh.
Danta Ummadda Somaaliyeed waxeey ku jirtaa in la
helo is-afgarad iyo ka wadda shaqeynta danaha dadka,lagana fogaayo
muranka iyo khilaafka hadda jirra,iyadoo wax walba lagu saleeynaayo
waayaha,mustaqbalka,sumcadda,qaranimadda Somaaliyeed,ooaan marna la
qaadan karrin wixii wax yeelaaya Jiritaanka iyo Sharfta Dalkeena iyo
Dadkeena,Ciideena iyo Calankeena,lagana fogaayo daneeysigga gaarka
ah,danaha Dowladaha kalle,ee mudnaanta Somaalinimadu leedahay,dib u
dhiska Dalka, Cadaalad ku shaqeynta iyo Illaalinta Midnimadda iyo
Difaaca Dalka Hooyo.

-ALLA MAHAD LEH-
-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH(XASSAN CARAB)-
-HUDDERSFIELD-ENGLAND-28-04-2005.
Figradda uu xambaarsan yahay qoraalka sare
waxuu gaar u yahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas
awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan.
allgedo@allgedo.com
|
|