Soomalida ku nool Columbus, Ohio oo ku Balansan
sidii Gargaar loogu fidin lahaa Walaalaha
Soomaliyeed ee masiibadu ku haleeshay Xeebaha W/Bari
ee Dalka Soomaliya
Magaalada Xaafuun oo ay ka muuqato qasaare
balaaran oo ay masiibada Bad-gariirku u
geysteen
Aduunka
indhihiisa iyo wax tarkiisaba waa ka sii
jeediyay Masiibadii ka dhacday Xeebaha Soomaliya,
marka loo eego sida loo hadal hayo meelihii kale
oo iyagana masiibadii dhulgariirku saameyay.
Dalka soomaliya kama jiran Gargarka dagdaga,
xaqiiqada dhabta ah ee dhaawac iyo dhimasho
majirto cid haysahi daruufo badan awgood.
650-kilomitir oo Xeebaha W/Bari ayaa lagu
qiyaasayaa in masiibadan rabaaniga ahi wax
yeelaysay in lagu qiyaasay 50.000 ilaa 60.000
kun oo qof ay Guriyo laani kudhacday wax biyo
iyo baadtonana aan haysan, Xaafuun ayaa 30% la
sheegaya in Biyahu wali ceegagan, sidoo kale
Bander-Beyla, Baargaal, Eyil dhaawac iyo
dhimasho fara badan ayaa ka jira kumanaan
Muslimiin Soomaliyihina waa ku naf, hoy, iyo
hantibeelen.
Waa isla magaalada
Xaafuun oo ay ka muuqato dhibaatada ay
masiibada Bad-gariirku u geysteen
Ilaa
iyo hada ma jiraan shirkadaha Xawaaladha ee
Soomalidu wax Sanduuq dhaqaala oo ay u fureen
dadkaasi tabalaysan sidii wax loogu ridi lahaa
ama lacag loogu uruurin lahaa. Warbaahinta
Soomaliduna ma booqan goobahas ilaa iyo hada
sidii la rabay ama si u dhow toona marnaba ugama
aanay baraarujin Shacabka Somaliyeed iyo
Aduunwenahaba sidii Dawo iyo Nafaqo loo gaarsiin
lahaa goobahasi.
Saxaafada
reer galbeedku waxay ka hadlaan 89%
Dalxiisayashoodii iyo Safaradahodi joogay Qarada
Asia, hadba waxay ku sugan yihiin iyo sidii
qaraabadoodi loowada xariirin lahaa, meesha 2%
ay reer Galbeedku ay Xuseen Dhibaatadii
Soomaliya ka dhacday.
Degmada
Xaafuun oo ay biyahii Badda harqiyeen iyo
haraagii qaar guryaha magaalada ka mid ah oo
iyaguna bur-bursan
Sida
dhaqanka Islamka iyo kan Somaliduba u ahaan
jiray waa in aan u istaagna in kastaba ha
le’ekadee inaan kalmo ka geysano sida ugu
dhaqsaha badan ee loo taakulayn lahaa dadkeena
dhibaatada la ildaran. Allaha Subxaanu wa
tacaalahiuna waa uu na eeganayaa isagu ficilka
iyo Sadaqada aanu ka gaysano Arinkan.
Jaamacada
Carabta iyo Wadamada Afrika toona ilaa iyo hada
lama sheegin wax Dawo iyo dhaqaatiir ay
leeyihiin oo meesha dhibku ka dhacay tagay,
xataa Jabuutina Allaha ka dhigee.
Waxaa
manta Salaadii Jimcaha ka hadlay Iimaamkii
Masajidka
weyn ee makaalada
Columbus-Ohio, oo ay ku tukadan qiyaasti
2000-kun oo qof maalinta Jimcaha, waxa Immamku
ka codsaday Jameecadii manta inay Janaayo 7,
2005-ta oo ku aadan Jimcaha dambe in ay kusoo
talagalan sidii ay uga qayib qadan lahaayen
Tabaraucaadka loo fidanayo walaalaha Somaliyeed
ee Masiibadu ku haleeshay Xeebaha Soomaliya.
Hadaba
waxaa Ummada Soomaliyeed, Culumada iyo
Warbaahintaba ku waajiba inay u istaagan sidii
loo caawin lahaa dadkaas dhibataysan ee
Muslimiinta ah. Sidoo kale Ganacsatada
Soomaliyeedna meel kastoo ay joogan gaar ahaan
Shirkadaha Xawaaladaha inay Sanduuq dhaqaale
furan. Madama Dalka iyo Dadkaba ay 14kii Sano
Shirkadaha Xawaaladuhu ay soo wadeen adeega
Bulshada.