Wariye Yaxye C/Risaaq Soofe oo ka
tirsan wariye-yaasha Allgedo ayaa
waxaa u suurta gashay in uu wareysi
la yeesho Wariye Ahmed Mohamed Adan
(Timajilic) oo isagana ka tirsan
wariye-yaasha Allgedo oo iminka ku
sugan Degmada Luuq ee gobolka Gedo,
wareysigiina waxuu u dhacay sidaan:
Allgedo:
Uugu horeyn, Ahmed kusoo dhawow
shabakadda warbaahinta ee allgedo
Online.
Ahmed:
Magaalada Luuq waa magaalo qadiimi
ah isla markaasna ah magaalo ka
tirsan gobolka Gedo oo l eg xudduud
ay la wadaagto gobollada Bay iyo
Bakool, dhanka xaaladdeeda amniga
iminka waa uu fiican yahay,
dhibaatooyinka dowlad la'aanna waxa
ay la qabtaa Soomaaliya inteeda
kale.
Allgedo:
Waxa aan la soconaa sanadihii la soo
dhaafay in ay halkaas dagaalo ka
dhaceen hadaba qasaro intee la ek
ayeey geesteen?
Ahmed:
Dagaalladii sokeeye ee
dhowaanahan ka dhacayay degaanka
waxa ay geysteen dhibaatooyin naf
iyo maalba, waxa ay hoos u dhigeen
dhaqaalihii gobolka waxana ay
saameyn weyn ku yeesheen dhammaan
qoysaska degaanka, waxana adkaatay
in si degdeg ah looga gaaro heshiis
iyo is dhex gal degdeg ah, waxa ay
arrintaasi saameyn weyn ku yeelatay
dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda
iyo weliba ammaanka guud ee ganacsi.
Allgedo:
Maxaa ka mid ah
qasaarooyinka?
Ahmed:
Waxaa ka mid ah:
1. Dhaqaalaha gobolka oo ay
curyaamiyeen, iyada oo ay tageen
amaba carareen inta badan hay'adihii
samafalka sida (Action Contre la
Faim).
2. Waxaa illaa iyo hadda aan si
rasmi ah isugu dhafnayn maleeshiyo
beeleedyada gobolka, waxana ay kala
degeen meelo ama baro u kala gaar
ah.
3. Waxaa jiro barakac guud oo ku yimid qoysas badan oo gobolka degganaa.
Allgedo:
Halkuu ku tiirsan
yahay ganacsiga magaalada?
Ahmed:
Waxa uu ku tiirsan yahay
dalalka Itoobiya, Kenya iyo
gobollada Bay iyo Bakool iyo
caasimadda Muqdisho, waxana laga
ganacsadaa dhammaan noocyada kala
duwan ee raashiinka iyo dharka iyo
daawada, Xoolaha nool oo illaa
Boosaaso la aadiyo iyada oo
Beledweyne la sii mariyo iyo
noocyada delagga beeraha oo dhan.
Allgedo:
Horay waxaad iigu
sheektay in ay haayadihii ay ka
guureen maxaa sababay in ay
haayadaha guuraan?
Ahmed:
Inay hay'adaha guuraan
waxaa sababay amniga oo xumaaday iyo
dagaallo ka dhacay degaanka, waxana
adkaatay in ay hay'adaha ka
shaqeeyaan degaanka iyada oo
baahidii ay dadka ka caawin jireenna
ay jirtay.
Allgedo:
Hadaba hadii ay
hay'adihii dadka caawin jiray ay
guureen horayna aad iigu sheektay in
ay jiraan dad bara kacay dad kaas
yaa caawimaad ku u fidiyo?
Ahmed:
Waxaa caawinaya Ilaahay,
laakiin waxaa jira hay'adaha
caafimaadka ku shaqada leh oo dib
isla markiiba shaqadoodii u
billaabay iyo hay'adda CARE oo
shamuurey u qaybisa bishiiba mar
qoysaska liita ee ugu dhaqaalaha
hooseeya degaanka.
Allgedo:
Dhinaca
kale ma jiraan ciidan u qaabilsan
dagmada xaga amniga?
Ahmed:
Haa
waa jiraa, Degmada Luuq waxaa
shaqeynaya ciidankii Booliska, in
kasta oo Saldhiggii booliska ee
degmadu uu burburay, waxa kale oo
jira Maleeshiyo ilaalisa amniga guud
ee degmada
Allgedo:
Yeey ka mar qaataan
ciidamada booliska iyo kuwa
malseesiyadaba?
Ahmed:
Waxa ay ka amar qaataan
maamulka degmada Luuq.
Allgedo:
Aad ayaad u mahadsantahay
Ahmed.
Ahmed:
Adinkaa mudan.
Kaasi wuxuu ahaa Ahmed Mohamed
Aadan (Timajilic) oo ku sugan
magaalda Luuq ee gobalka Gedo.