HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK | SIGN/VIEW: GUESTBOOK    

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 


Wareysi lala yeeshay Wariye:  Axmed Cumar Saalixi
 

allgedo.com

Wariyaha Allgedo u fadhiya Jubbaland
Ahmed Mohamed Aden (Timajilic)
Faafin:  Allgedo, December 27, 2004

 

Waxaa saaka nagu soo booqday xarunta Allgedo ee degmada Luuq weriyaha idaacadda Shabelle ee gobolka Gedo Axmed Cumar Saalixi oo la socday ururka samafalka ee SADO oo wada kormeer aqoon is weydaarsi baraarujinta nabadda ee gobolka Gedo, waxana aannu ka qabannay wareysi dhinacyo badan taabanaya oo u dhacay sidan: -

                                                                                            Wariyaha Idaacadda Shabeelle ee gobolka Gedo, Axmed Cumar Saalixi

 
Allgedo: Ahmed ku soo dhowow shabakadda allgedo online
 
Saalixi:  Waad mahadsan tahay.
 
Allgedo:  Ugu horreyn waxa aad iiga warrantaa safarkiinna iyo waxa uu ku saabsanaaba?
 
allgedo.com
Saalixi:  Bismillaah, Marka ugu hooreysa annagu waxa aan ka soo ambabaxnay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxana aan la socdaa hay'adda samafalka ee waddaniga ah ee SADO oo uu fadhigeedu yahay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxana safarkannagu ku saabsanaa barnaamij aqoon is weydaarsi baraarujinta nabadda ee gobolka Gedo, waxana aan wada gaarsiin rabnaa gobolka Gedo oo dhan, waxana aan soo marnay degmooyinka iyo Buurdhuubo iyo tuulooyin badan oo ku teedsan inta u dhexeysa Luuq iyo Baardheere.
 
Allgedo:  Barnaamijkan aqoon is weydaarsiga baraarujinta nabadda yaa idinka caawiya oo idin maalgeliya, yaase ka qayb qaadanaya?
 
Saalixi:  Waxaa naga caawiya Canadian International Development Agency (CIDA) iyo SADO.  Waxana aan ku qorsheysannay in aan dhammaan gobolka wada gaarsiinno barnaamijkaan, waxana ka qayb qaadanaya dhamman ururrada bulshada rayidka ah iyo dadka nabadda jecel ee gobolka Gedo si ugu dambeyntana loogu gudbo shir weyne la isugu yimaado meel lagu heshiiyay isla markaasna lagu soo afjaro khilaafka dabada dheeraaday iyo colaadaha gobolka Gedo ku habsaday.
 
Allgedo:  Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo oo iminka ku sugan Kenya iyo Somaliyaba sidee ayey u arkaan barnaamijkaan nabadeed ee aad waddaan, mase kala hadasheen?
 
Saalixi:  Nimankaas waan ka wada hadalnay wayna soo dhoweeyeen, waxayna dalbadeen in nabad lagu soo dabbaalo gobolka.  aqoon is weydaarsi midkan la mid ah ayaana magaalada Nayroobi lagu qabtay wayna soo dhoweeyeen.
 
Allgedo:  Waxaad iiga warrantaa xaaladda dhulkii aad soo marteen ee u dhexeeyay Baardheere iyo Luuq?
 
Saalixi:  Intii aan marayay gobolka, waddada dheer ee isku xirta Baardheere iyo Buurdhuubo, Tuulada Faanweyn oo ka tirsan degmada Baardheere masalan ayaa waxaan ku arkay dad badan oo la il daran cudurka Malaariyada oo faro ba'an uu ku hayo cudurkaas, qaar ka mid ah odayaasha ayaa waxa ay ii sheegeen in cudurka malaariyada uu soo rido qiyaastii 8 ruux maalintiiba, waxa kale oo ay ii xaqiijiyeen in xooladhaqatadii tuulada degganayd ay ka hulleeleen tuulada ugana guureen meelaha ay is leeyihiin way dhaantaa xagga kaneecada.   Ka sib waxaan soo gaarnay degmada Buurdhuubo oo iyaduna sida Faanweyn la il daran cudurka Malaariyada, waxana ay odayaasha degmadani ii sheegeen in 15 qof ay maalintii la soo dhacaan cudurka Malaariyada.  Madaxa guddiga caafimaadka ee degmada Buurdhuubo Cali Xasan Buraale ayaa sheegay in dadka degmada Buurdhuubo iyo xoolahaba ay kaneeco uga qaxeen degmada, wax daryeel caafimaad oo ay dadku helaanna ma jiraan.  Hay'adda GHC oo degmada ka caawin jirtay xagga caafimaadkana sida uu Cali Xasan Buraale ii xaqiijiyay 3 dii bilood ee u dambeeyay wax dawo ah kama aanan helin ayuu yiri Cali Xasan Buraale.   Odayaasha tuulada Raysqode ee degmada Garbahaarrey oo aan kula kulmay degmada Buurdhuubo ayaa iyaguna sheegay in cudurka SHUBAN DHIIGGA uu ka dillaacay degaanka Rays qode, waxana ay sheegeen in 4 qof ay cudurka Shuban dhiigga ugu dhinteen tuulada Raysqode halka kuwa kalena ay weli la il daran yihiin, waxana ay sheegeen in aysan helin wax daryeel caafimaad ah iyo daawo toona ayay yiraahdeen odayaashaas.
 
Allgedo:  Waxaa sida aannu ka war qabno degaanno badan oo goblka Gedo ah laga qaybiyay Shandarawado amaba Maro kaneeco, haddaba dadka tuulooyinka iyo degmooyinka aad soo martay ee Kaneecada la il daran miyaanay helin gargaar noocaas ah?
 
Saalixi:   Sida ay ii xaqiijiyeen dadka degaannada aan soo maray ma jiraan wax gargaar caafimaad ah oo ay heleen haba yaraatee
 
Allgedo:    Dhinaca Ammaanka ee degaanka aad soo martay waa sidee?
 
Saalixi:   Dhammaan degaanka aan soo maray ammaankiisu aad ayuu u wanaagsanaa, mana aanan ku arkin jidkii aan soo marayay oo dhan wax isbaaro ah haba yaraatee.
 
Allgedo:  Waxaad war iga siisaa xaaladda maamulka degmada Buurdhuubo oo bilihii la soo dhaafay is khilaaf uu ka dhex jiray?
 
Saalixi:  In kastoo bartamihii sanadkan degmada Buurdhuubo loo dhisay maamul, haddana weli waa uu ka jiraa khilaafkii ka dhexeeyay maamulka cusub ee uu hoggaaminayo Axmed Aadan Warsame (Arday) iyo guddoomiyihii hore ee degmada Buurdhuubo Cabdullaahi Maxamed Shakuul, qaar ka mid ah odayaasha degmada Buurdhuubo ayaa waxa ay ii sheegeen in ay dadaal ugu jiraan dhameynta khilaafaadka xagga maamulka degmada Buurdhuubo.
 
Allgedo:  Maadaama ay maamullada degmada Buurdhuubo is khilaafsan yihiin, waa sidee xaaladda ammaanka iyo weliba maleeshiyaadka.
 
Saalixi:  In kastoo ay horay isaga soo hor jeedi jireen maleeshiyooyin labada dhinac ah, waxaan iminka ku soo arkay maleeshiyooyinkii oo iminka midaysan oo si wada jir ah u wada shaqeynaya.
 
Allgedo:  Waxaad iiga warrantaa xagga beeraha ee guud ahaan degaanka aad soo aragtay iyo wax soo saarkoodaba?
 
Saalixi:   Dadka reer Buurdhuubo sida kuwa Baardheere ayey waxa ay ku mashquulsan yihiin tacabka beeraha (Kuwa roobka iyo kuwa matoorrada weliga Jubba), Dhinaca degmadan Luuq waxaa la ii sheegay in ay dadku ka cabanayaan xagga beeraha iyada oo ay hay'adda CARE oo degaankan ka qaybisa raashiin mucaawino ah ay niyaddii ka jebisay beeralaydii reer Luuq, waxana sida ay beeraleyda reer Luuq ii sheegeen ay CARE raashiinka mucaawinada ah ku soo beegaan xilliga deleggu soo go'ayo, taasoo beeraleyda reer Luuq ku kalliftay in ay deleggooda oo shidaal badan oo qaali ah uga baxay ay ku qasaaraan.  Waxa ay beeraleyda reer Buurdhuubo iyo reer Luuqba ka codsanayaan hay'adaha Samafalka iyo dhammaan dadka daneynaya horumarkooda in ay ka caawiyaan xagga wax soo saarka sida Matoorrada beeraha, dayactirkooda, abuur iyo wixii la mid ah
 
Allgedo:   Ma jiraan wax mucaawino ah oo ay helaan dadka degaankaas?
 
Saalixi:   Dhinaca degmada Buurdhuubo ma jiraan wax hay'ado samafal oo badan.  dhinaca degmada Luuq waxaa bishiiba mar ay hay'adda CARE qaybisaa raashiin mucaawino ah oo wax weyn ka beddelay nolosha dadka degmada Luuq
 
Allgedo:   Dhinaca Dhaqaalaha ee degmooyinka Luuq iyo Buurdhuubo sidee ayaad u aragtaa?
 
Saalixi: Dhinaca dhaqaalaha ee degmooyinkani waxa ay ku xiran yihiin wax soo saarkooda, degmada Luuq intii aan joogay waxaan ku arkayay gaadiid xamuul oo badeeco kala geddisan waday kana yimid dhinaca Muqdisho, guud ahaanna dhaqaaluhu waa iska hooseeyaa, waxaa kale oo socday dayactir lagu sameynayay isbitaalka degmada Luuq oo hadda socda
 
Allgedo:   waad mahadsan tahay Axmed
 
Saalixi:  Adigaa mudan
 
Kaasi wuxuu ahaa weriye madax bannaan Axmed Cumar Saalixi oo booqasho shaqo ku jooga degmada Luuq oo nagu soo booqday xarunta Allgedo ee degmada Luuq.

 
 
Ahmed Mohamed Aden (Timajilic)
 

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com