|
WAREYSI GAAR AH
Xaliimo
Cabdi Caruush “Ururka iida waxaa la aasaasay 1991 oo ahayd xilli ay
dalka ka jireen Dhibaatooyin badan,laakiin waxaa xaqiiqo ah in aan wax
badan dalka ka qabanay haddii aan nahay Ururka horumarinta Haweenka ee
Iida”
Weriye
Cabdiweli Gar Yare oo Waraysi la yeeshay Xaalimo Cabdi Caruush oo uu
kula kulmay Magaallada Marka,
Allgedo - Nov. 23, 2004

Akhristayaal
waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Waraysi aan la yeelanay
Guddoomiyaha Ururka horumarinta haweenka iida ee xaruntiisu tahay
Magaallada Marka Xaliimo Cabdi Caruush ayaa waxaanu ka waraysanay bal
waxa uu qabto ururkooda iyo caqabadaha inta badan ka hor yimid intii uu
jiray ururkaasi iida,Waxaana Waraysikaasi inoo qaaday Wariyaheena
Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare” oo baryahanba
socdaal ku marayay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waraysigiina
waxaa uu u bilowday qaabkan:-
“Garyare” Xaliimo su’aasha aan ku
waydiinayo waxay tahay waxaad inooga warantaa howlaha uu qabto Ururka
aad madaxda ka tahay ee iida???
"Xaliimo
C. Caruush" waxaan marka hore aan ku faraxsanahay in aad
iweydiisaan waxa uu qabto ururka horumarinta haweenka iida ee xaruntisu
tahay Magaallada Marka,haddii aan isku dayo bal in aan dib idiin
xasuusiyo xilligii dhidibada loo taagay ururkan iida waxaa ay ku
beegneyd sanadkii 1991 oo ahayd uu dalka ka jiray dhibaatooyin badan oo
ka duwan kuwa haatan ka jira guud ahaan dalka oo dhan,waxaana Ururkan
iida aasaasay 18 Haween aqoon-yahano Soomaaliyeed ah,kuwaasoo rabay inay
aqoontooda wax ugu qabtaan inta u baahan,waxaadna ay soomaali oo dhami
ogtahay in wixii ka horeeyay 1991 uusan dhismi karin urur Haween madax
banana ama mid kale haddii uu ahaan lahaaba,iyadoo ururadii xilligaasi
jiray ay ahaayeen kuwo hoos taga Maamulkii rajiimgii ee waqtigaasi dalka
ka talinayay,kadib markii aan aragnay dhibaatooyinkaasi oo dhan ayaan
waxaa u istaagnay in aan dhisno dhismaha ururkan oo aan magaciisa ka
dhignay iida oo macneheedu yahay gabar Soomaaliyeed oo maalin ciida ah
dhalatay soona gudbineysa codgeeda,intaasi haddii aan uga gudbo ka
hadalka sida uu ku soo bilowday Ururkan iida waxaan u soo laabanayaa
dulucda su’aasha aad I weydiisay ee ah waxa uu ururkan qabto,waxaan wax
badan u qabanay dadka dhibaatadu ku haysato Soomaaliya gaar ahaan kuwii
ku jiray isbitaalada,markii danbana waxaa uu u gudbay wax ka qabashada
xeryaha qaxootiga,waxana jirta xeryo qoxooti oo ku yaala Magaallada
Muqdisho oo aan gacansiino,iyadoo qaxootiga kujira ay ka mid yihiin kuwo
xitaa u dhashay Wadanka Itoobiya oo ku soo barakacay Dagaalkii 1977
kaasoo dhexmaray Somaliya iyo Itoobiya,intaasi kadib ayaa waxaan isku
keenay dhamaan haweenka Soomaaliyeed inta uu waqtiga inoo saamacay una
sheegnay inay haboon tahay in aan dhinac ka soo wada jeesano.
“Garyare” waa tahay Xaliimo waxaad ku
dheeraatay ka hadalka Ururka aad Madaxda ka tahay ee iida,haddaba waxaad
inoo sheegtaa maxaa idiinka qabsoomay hadafgii aad ka laheedeen aasaaska
Ururkan iida???
"Xaliimo
C. Caruush" haa Garyare arinta aan isleenahay hiigsada waa
sidii loo garab qaban lahaa haweenka Soomaaliyeed ee dhibaatada soo
gaartay,waxaan wali dhexda uga jirtaa howlgalkii aan bilownay 1991
taasii ahayd bilw fiican,laakiin waxaan rabaa in aan kuu sheego waxaan
haweenka ka caawinaa dhina Caafimaadka,Waxbarashada,Farsamada ay ku
shaqeysan karaan,waxaan sidoo kale aan qeyn weyn ka qaadanaa wax u
qabashada Caruurta Dhibaateysan ee Soomaaliyeed,waxaana ay Soomaalida
inta badan aaminsan yihiin in marka nin wax la rabaa ay taasi macnaheedu
tahay waxaa wax la baray nin oo kaliya,laakiin marka wax la baro
haweeney waxaa wax la baray dhamaan qoyska ay ka tirsan tahay iyo guud
ahaan mujtamaca Soomaaliyeed marka taasi ayaa ugu weyn waxa aan
hiigsaneyno Garyare.
“Garyare” xaliimo bal waxaad sharaxaad
yar inaga siisaa arintan aad shaaca ka qaaday ee ah in
haweenka,Caruurta iyo dhalin-yarada intaba aad ka gacan siisaan dhinaca
Caafimaad qaab ceynkee ah ayaad uga gacansiisaan???
"Xaliimo C. Caruush" waxaan sameeynay
in haweenka Soomaaliyeed qaar badan oo ka mid ah aan u tababarno sidii u
baran lahaayeen qaabka haweenka ilmaha looga dhaliyo iyo sidii aysan
haweenka ugu sii raagin guriga marka ay tahay xaamilo waqtigeedii
dhameeysatay,waxaan sidoo kale uga dignaa Cudurada halista ah oo ay ka
mid ka yihiin kuwa sababa dhimashada,halka aan caruurta ku dadaalno
sidii aan sare ugu qaadi lahayn xaaladooda caafimaad.
“Garyare” Haddii
aan u soo laabto arintan kale ee ah dhinaca waxbarashada oo lagu tiriyo
cabashooyinka ugu badan ee ka soo yeera Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo
ay joogaan gaar ahaan marka aynu ka hadalno kuwa ku sugan gudaha
Soomaaliya ee ah dhalinyarada waysay waayahoodii waxbarasho iyaga sidee
waxbarashada uga shaqeysaan???
"Xaliimo C. Caruush" Marka hore Garyare
waxaan ahay aniga qof aqoonyahan ah oo ka soo shaqeysay wasaarada
barbaarinta iyo waxbarashada,taasi ayaa igu qasbeysay in aan ogaado oo
aan la socdo hadba heerka waxbarasho ee uu dalku marayo,laakiin anaga ka
Urur ahaan ma kaafin karno baahida waxbarasho ee dalka ka jirta gaar
ahaan kuwa ka jira deegaanada aan ka howlgalno ee Muqdisho iyo Gobolka
SHabeelaha Hoose,hasse ahaatee waxaan sameeynay abaabul aan ku
raadineynay bal sida ugu sahlan ee waxbarashada Soomaaliya wax looga
qaban lahaa,iyadoo ay taasi jirtay ayaa waxaa inoo suurta gashay in aan
qaarka mid ah haweenka Soomaaliyeed aan u suurta gelinay inay ka
faa’iideystaan fursado waxbarasho oo uu soo qaban qaabiyay Ururkan
iida,waxaana inta badan ay ku barteen farsamo gacmeed iyo dhanka kale ay
taasi barbar socotay dhaqan-celin lagu sameenayay dhalinyaro tiradoodu
dhan tahay 150 oo aan u tababarney sidii ay wax uga soo saaran lahaayeen
qeyraadka badda iyo qeyraadka Beeraha ee uu hodanka ku yahay Gobolka
Shabeelaha hoose,waxaana diyaar u nahay in aan idin tusno xeryaha ay ku
jiraan dhalinyaradaasi iyo haweenka intaba.
“Garyare” haddaba Xaliimo ma inoo
sheegi kartaa tiro ahaan inta ka faa;iideysatay mashruucyada aad ugu
gar gaartaan Haweenka,Caruurta iyo dhalinyarada ee aad inta badan ka
hadasho??
"Xaliimo
C. Caruush" Run ahaantii Garyare haddii aan ku dhaho iminka
ayaan kuu sheegayaa tiro ahaan inta ka faa’iideysatay howlaha Ururka
horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Iida,laakiin waxaan
kuu sheegi karaa in halkii fasal inay soo fariistaan 30 qof oo ka
faa’iideysta hadaba waad dareemi kartaa tiro ahaan inta ka
faa’iideysatay wax qabadka Ururka iida oo ah mid soo bilowday
1991,waxaan intaasi kuugu dari lahaa in ururka iida uu qeyb weyn ka
qaatay dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee deegaanadooda uga soo
barakacay Dagaalo sokeeye oo xilligaasi ka jiray meelaha ay ka soo
guureen,waxaan ku soo afmeeri lahaa su’aasha aad iweydiisay Garyare in
wax qabadkeena uu ka soo bilowdo Magaallada xarunta u ah gobolka hiiraan
ilaa lagu keeno Gobolka Shabeelaha Hoose.
“Garyare” Xaliimo Cabdi Caruush waxaad
tahay Guddoomiyaha Ururka horumarinta haweenka iida ee xaruntiisu tahay
Magaallada Marka waxaan la soconaa in baryahan ay jiraan qeylo dhaan ka
soo yeereysa inta badan Ururada haweenka Soomaaliyeed taasoo ku wajahan
in lagu xaqiray qeybinta xubnaha Barlamaanka ee tiradiisu tahay
275-ta,haddaba adiga oo ku hadlaya magaca Ururka aad madaxda ka tahay ee
iida ma aaminsan tahay inay jiraan xaq haweenku lahaayeen oo la
duudsiiyay???
"Xaliimo
C. Caruush" waxaan aaminsanahay in meesha lagu qeybsanayay
Baarlamaanka ay joogeen qaarka mid ah Haweenka Soomaaliyeed iyaga ayaana
kula xisaabtami doonaa waxa ay halkaasi uga soo qaadeen bah weynta
haweenka Soomaaliyeed,halka aan ka hadlo tiada loo qoondeeyay haweenka
Soomaaliyeed in ay ka heleen baarlamaanka anigu waxaan u argaa mid
qaldan maadaama haweenku yihiin kuwo u dhixi kara qabiil aysan ahayn
dhali kartana mid kale oo aysan ahayn,taasi ayaa anigu is leeyahay inay
keeneyso in haweenka ay ka madax banana yihiin dhamaan qabiilada,laakiin
wixii haweenka ka maqan iminka waxaa la heli doonaa marka laga gudbo
xilliga adage e lagu jiro.
“Garyare” waa tahay xaliimo sida aan la
socono waxaa inta badan warbaahinta ku soo noq noqda ka hadalka
Ciidamada shisheeye ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane,Col,C/laahi
Yuusuf Axmed haddaba side u aragtaan haddii aad tihiin Ururka
horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee iida Xaliimo Cabdi Caruush???
"Xaliimo
C. Caruush" anigu ma qabo in iminka Wadanka la keeno Ciidamo
shisheeye sababtoo ah waxaan u soo joognay dhibaatadii la kala kulmay
ciidamadii shisheeye ee kol hore isku dayay inay wax ka qabtaan xaalada
Wadanka Soomaaliya,waxaan qabaa in dib loo soo ururiyo Ciidamadii hore
ee Soomaaliyeed iyo in iminka la bilaabo ururinta Ciidamo cusub oo ay
Soomaaliya yeelaneyso waa haddii talo ay Soomaalida isku leedahay.
“Garyare” Xaliimo Su’aasha ugu
danbeeysa ee aan ku waydiinayo waxay tahay maxaad ugu baaqeysaa Umada
Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ee akhrisaneysa waraysigan aad uga
hadlo xaalada wadanka Soomaaliya adiga oo ku mahadsan waraysiga aad
nasiisay ???
"Xaliimo
C. Caruush" waxaan oran lahaa in dantooda ay ku jirto
gacantooda oo aysan ka raadin meel kale haddii ay rabaan inay ka baxaan
dhibka dabada dheeraatay waxaan dhihi lahaa meel iska dhiga arinta
qabiilka usoo wada jeesta danta guud ee Umadda Soomaaliyeed,taasi ayaan
qabaa inay tahay inay Umadda Soomaaliyeed dhibka uga bixi karaan Garyare
waadna ku mahadsan tahay Su’aasha aad iga weydiisay xalka umadda
Soomaaliyeed halka uu ku jiro.
Taasina waxay
ahayd guddoomiyaha ururka horumarinta haweenka iida ee xaruntiisu tahay
magaallada marka, Xaliimo Cabdi Caruush. oo u waramaysay Wariyaheena
Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare” oo maalmihii ugu
danbeeyay socdaalku marayay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka shabeelaha
hoose,isla isaga ayaana inoo qoray waraysigan.
W/Qorey,Abdi
Wali Ibraahim Aden “Garyare”
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
allgedo@allgedo.com
|