Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada
Marka,
Dr. Jeylaani Qaali Huurshe,
Allgedo - Nov. 22, 2004 Akhristayaal waxaan halkan
idiinku soo gudbineynaa Waraysi
aan la yeelanay Guddoomiyaha
Maxkamada Degmada Marka Dr
Jeylaani Qaali Huurshe oo ka
hadlaya habsami u socodka
howlaha Maxkamada Degmada Marka,
waxaana Waraysikaasi inoo qaaday
Wariyaheena Magaallada Muqdisho
Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare"
oo baryahanba socdaal ku marayay
qeybo badan oo ka mid ah Gobolka
Shabeelaha Hoose, waxaana uu
waraysiga u bilowday sidan:-
"Garyare"
waxaad iiga warantaa
Dr,Jeylaani Qaali huurshe bal
howlaha aad iminka qabataan???
"Guddoomiye
Dr,Jeylaani"
waad ku mahadsan tahay
marka hore Garyare booqashada
aad nagu soo booqatay Xarunta
Maxkamada Degmada Marka, haddii
aan u soo laabto Su’aasha aad
iweydiisay Maxkamadu howlahay
qabato waxaa ka mid ah qeyb
Madani iyo qeyb ciqaab,waxaa
kaloo intaasi dheer arimaha la
xiriira Dhaxalka iyo hantida
guurta iyo mida aan guurin,
haddii aan kuu cadeeyo hantida
guurta waa sida gaadiidka badda
iyo biriga mida aan guurin iyana
waa sida Guryaha, Beeraha iyo
dhulalka banana,waxaan intaasi
kuugu dari lahaa inay iyana
jirto qeybta guurka iyo
furiinka.ma garatay.
"Garyare"
Dr,Jeylaani Qaali Huurshe waxaad
inta badan aad ka hadashay
arimaha aad umada u
qabataan,haddaba Su’aasha aan
iminka ku weydiinayo waxay tahay
bal waxaad inooga warantaa
dacwadaha ugu badan ee maalmihii
ugu danbeeyay idin soo gaaray???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"
Dacwado badan ayaa jira Garyare
waxaa kamid ah
Dilka,Dhaawaca,kufsi iyo kuwo la
xiriira burcadnimo,laakiin
haddba waxay ku xiran tahay
dacwadaha ay soo gudbiyaan
Xafiiska xeer’ilaalinta iyo kan
danbi baarista.iyadoo markaasi
kadib qoftaasi la soo tag idoono
Maxkamada oo haddii ay ku
cadaato Danbiga lagu xukumi
doono hadba sharciga waxa uu ku
xukumo,laakiin haddii lagu waayo
waa la iska deynayaa sida uu
qabo Sharciga.
"Garyare"
Guddoomiye Dr,Jeylaani Qaali
huurshe adiga oo mahadsan bal
waxaa iyana aad inoo sharaxdaa
qaabka aad u wada shaqeysaan
idinka oo ah Maxkamada iyo Dadka
dacwada ay ka dhexeyso???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"
waxaa ka dhexeeya xiriir kaasoo
ah mid isku xiraaya Ciidamada
Booliska,Xafiiska danbi baarista
iyo dadka isku soo dacwaynaya
Maxkamada Degmada Marka,marka
qofka dacwada loo haysto la soo
qabto waxaa mudo 24-saac kadib
loo soo gudbinayaa
Maxkamada,iyadoo marka uu
danbiga ku cadaayo qofkaasi loo
sii dhaadhiciyo Xabsiga dhexe ee
Magaallada Marka.
"Garyare"
Su’aasha kale ee aan ku
waydiinayo Dr,Jeylaani waxay
tahay waxaad sheegtay in qofka
la soo eedeeyay xabsiga lagu
hayn doono mudo yar oo
gaaban,haddba ma inoo sheegi
kartaa waqtiga qofkaasi Maxkamad
sugaha uu yahay tiro ahaan???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"
haa
waan kuu sheegi karaa waqtiga
qofkaasi uu Maxkamad sugaha uu
yahay waa mudo dhan
45-Bari,haddii mudadaasi wax
danbi ah lagu waayo sharcigu
waxaa uu qabaa in la siidaayo
qofkaasi.
"Garyare"
markan waxaan baraa in aan ku
waydiiyo su’aal ku saabsan
Maxkamada iyo Dadka Degmada
marka Kalsoonida ay isku
qabaan,haddba Dr,Jeylaani taasi
iyana inooga waran???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"
Run
ahaantii haddii aan maanta ku
dhaho Garyare Dadka Degmada
Marka iyo deegaanada ku teedsan
kalsooni buuxda ayay nagu qabaan
waxaad u qaadan kartaa inay
tahay hadal uu sheegay in
howshiisa faaninaya,laakiin
waxaan taasi u deyn lahaa in aad
weydiisaan Dadka Degmada Marka
taasi ayaad ku ogaan kartaan
xaqiiqada jirta eek u saabsan
Su’aasha aad i weydiisay.
"Garyare"
waa
tahay Dr,Jeylaani Qaali Huurshe
qaarka mid ah Dadka akhrisanaya
Waraysikan aad siisay
shabakaddan waxaa macquul ah
inay maskaxdooda ka
dhex-guuxeyso su’aasha
ah,Jeylaani sow ma ahayn ninkii
lagu xukumay mudo xabsiyeed iyo
qarash la sheegay inuu horey u
lunsaday,hadana taasi marka laga
soo gudbo waxaa muuqata inaad ku
hadleyso isla xilkii aad dartiis
xabsiga u gashay,haddaba waxaad
inoo cadeysaa Markii danbiga la
kugu soo oogayay ma Maamulka
ayaa qaldanaa mise adiga ayaa
danbigaasi galay???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"
Walaahi ma jecli inaan hadda dib
ugu laabto wixii mar hore
dhacay,laakiin waxaan kuu
sheegayaa inay ahayd arintaasi
mid qalad u dhacday oo ka timid
dhinaca maamulka,laakiin haatan
waxaan dib ugu soo laabtay
howsheydii oo ay muuqato in la
iiga maarmi waayay,waxaan kaloo
rabaa in aan intaasi kuugu daro
Garyare soo laabashadeyda waxaa
qeyb wayn ka qaatay Dadka
Gobolka Shabeelaha Hoose gaar
ahaan Dadka Degmada Marka oo ah
kuwo lagu faani karo..
"Garyare"
Dr,Jeylaani Qaali Huurshe waxaad
bilo ka hor aad waday abaabul
aad ku dooneysay jago ka duwan
mid aad iminka ka hayso Degmada
marka ee ah Maxkamada Degmada
Marka oo ahayd in aad noqoto
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha
Hoose,taasi xagee ku danbeysay
Dr,Jeylaani???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"
taasi waa ay jirtay
Garyare,laakiin waxaan jeclaan
lahaa in arintaasi marka la
gaaro aan idiin soo gudbiyo.
"Garyare"Waxaad
la socotaa in Bilihii ugu
danbeeyay Gobolka ay ka jireen
xarig la kula kacayo qaarka mid
ah Mas’uuliyiinta dhinaca
garsoorka oo aad adiga ugu
horeeysay rag kalana ay kaaga
danbeeyeen,arimaha noocaas ah
bal inooga waran Dr,Jeylaani
maadaama aad tahay Mas’uul
arintaasi u dhuun-duleela???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"
Garyare waxaad ogaataa in qof
waliba uu ka sareeyo Sharciga oo
aysan jirin qof uu la dhashay
sharciga,,laakiin anaga oo
fiirineyna Wanaaga ay inoo
hayaan Dadka Gobolka Shabeelaha
Hoose ayaa waxaan u dulqaadan
doonaa dhibaata kasto oo naga
soo wajahda dhinaca dadka jecel
qiyaanada.Ma garatay.
"Garyare"
dhibaatooyinkaasi aad inta badan
ka cabataan ragiina dhinaca
garsoorka G/Sh/Hoose haddii aan
wax laga badalin sow ma keeni
karto inaysan gobolka imaan dad
badan oo is lahaa wax ka qabta
Gobolka???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"qofka
shaqsiyadiisa isaga ayay ku
xiran tahay arinta aad
iwaydiisay Garyare,laakiin
waxaan kuu sheegayaa qofka hadda
ugu danbeeyay ee lagu soo
eedeeyay faldanbiyeed waa
Kaaliyihii Maxkamada racfaanka
ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Abuukar Cali Maxamed "Abuukar
Calow" kaasina waxaa uu ahaa fal
danbiyeed la xiriiray been abuur
lagu sameeyay Saxiixeyga aniga
oo ah Guddoomiyaha Maxkamada
Degmada Marka iyo isticmaalida
Shaabada Maxkamada Racfaanka uu
isticmaalay,taasina waxay ahayd
qalad uu galay Mas’uul inbadan u
soo shaqeeyay wasaarada
garsoorka waana la dhameeyay.
"Garyare"
waxaa dhinaca kale jira
Dr,Jeylaani wararka soo baxayay
deegaanka Buulo mareer oo
sheegayay in gabi ahaanba la
kala diray shaqaalihii garsoorka
deegaankaasi,haddaba arimahaasi
maxaad kala socotaa adiga???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"
waa
ay jirtaa arintaasi Garyare oo
waxaa ku dhaqaaqay Guddoomiyaha
Maamulka Gobolka Shabeelaha
Hoose Sheekh Yuusuf Maxamed
Siyaad "Indha-cadde"laakiin ilaa
iyo inta maamul looga sameeynayo
aniga ayaa howlaha garsoorka ee
degaankaasi gacanta ku haynayo
oo waxaa ay qeyb ka yihiin howl
maalmeedkeyga.
"Garyare"
waxaa jirta eedeeymo loo soo
jeediyay Maamulka G/Sh/Hoose oo
ay saxaafada soo gaarsiiyeen
qaarka mid ah Dadka wada degan
gobolkaasi oo sheeganaya inay
jiraan Beero xoog looga
haysto,arimaha noocaas ah
dacwado ku saabsan ma soo
gaareen Maxkamada Degmada Marka
Guddoomiye Dr,Jeylaani Qaali
Huushe???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"
ma
jiraan Garyare Dacwado arimhaasi
ku saabsan oo la soo gaarsiiyay
Maxkamada Degmada Marka kolay
waxaad tahay qofkii ugu horeeyay
oo aan ka maqlo arimahaasi.
"Garyare"
Su’aasha ugu danbeysa ee aan ku
waydinayo waxay tahay
Dr,Jeylaani Qaali Huurshe
maadaama aad tahay Guddoomiyaha
Maxkamada Degmada Marka ma ku
qanacsan tahay adiga Xiriirka ka
dhexeeya Wasaarada garsoorka iyo
Maamulka Gobolka Shabeelaha
Hoose???
"Guddoomiye Dr,Jeylaani"
Waad ku mahadsan tahay Garyare
Su’aasha aad i waydiisay,haddii
aan isku dayo in aan kaaga
jawaabo,waxaa xaqiiqo ah in
arinta ay kala tahay garsoor oo
ah arimaha la xiriirra cadaalada
iyo sinaanta dadka Soomaaliyeed
ee ku dhahqan Gobolka iyo
arimaha Maamulka oo ay tahay mid
u qaas ah Maamulka haatan ka
jira Gobolka,laakiin waxaan
markasta aan idiin sheegayaa in
Wasaarada garsoorka ay ka madax
banana tahay Maamulka Gobolka.
Kaasina waxaa
uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamada
Degmada Marka eeXarunta u ah
Maamulka Gobolka Shabeelaha
Hoose Dr,Jeylaani Qaali Huurshe
oo u waramayay Wariyaheena
Magaallada Muqdisho Abdi Wali
Ibraahim Aden "Garyare" oo
maalmihii ugu danbeeyay
socdaalku marayay qeybo badan oo
ka mid ah Gobolka shabeelaha
hoose,isla isaga ayaana inoo
qoray waraysigan.