Xildhibaanad Caasho Geelle oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha
Puntland oo sheegtay inay rajo ka qabto…
allgedo.com|
Wariye Garyare
Waxaa
qorey Wariye: Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare”
Allgedo, Jan. 3, 2005
Sida aad la socoteen baryahanba
waxaa deeganada Puntland ka socday mowjado siyaasadeed oo wajahan
abaabulka doorasho ee lagu wado inay dhawaan ka dhacaan deegaanada
Puntland.
Waxaana sidoo kale soo kordhayay
Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamul Goboleedka
Puntland,kuwaasoo mid wali uu u han weyn yahay sidii uu mar un ku noqon
lahaa Madaxweynaha sharciga ah ee Maamulka Puntland.
Haddaba
Musharixiintaasi waxaa ka mid Haweeneynada lagu Magacaabo Caasho Geelle
Diiriye oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland,Caasho waxa ay
Maanta ku sugan tahay Magaalada Caasimada u ah Maamul Goboleedka
Puntland.
Wariyaheena Magaalada Muqdisho
Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare” oo bilihii ugu danbeeyay Socdaalku
marayay Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa uu ku sugan yahay
Magaallada Garowe oo uu kula kulmay
Musharaxada Caasho Geelle Diiriye, waxaana uu la yeeshay
Waraysigan ku saabsan bal sida ay wax u rabto Caasho iyo caqabada ay ka
baqaneyso inay ka horyimaadaan.
Waxaa uu waraysigii u dhacay
sidatan:---
“Wariye
Garyare” su’aasha
ugu horeeysa ee aan Caasho ku weydiinayo waxay tahay waxaad dhawaan
shaaca ka qaaday inaad tahay musharaxad u taagan xilka Madaxweyne ee
Maamul Goboleedka Puntland,bal waxaad inooga warantaa halka ay kuu
marayso abaabulka aad ugu jirto in aad ku hanato xilkaasi???
“Caasho G Diiriye”
marka hore waad mahadsan tahay marka xigta haddii aan isku dayo su’aasha
aad iweydiisay jawaabteeda,waxaan inbadan ka dhex shaqeeyay arimaha
bulshada oo aan ka helay waaya aragnimo aad u wayn,waxaan dhawaan
booqday inta badan gobolada iyo dedmooyinka oo aan ku soo arkay inay ka
jirto maamulka oo aan u gaarin sidii loogu talagalay,marka ay dalkan ka
talin jirtay Dowladii dhexe waxaad xasuusataa in xukunka Soomaaliya uu
ku aruursanaa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,taasoo dadka ku qasbi
jirtay in marka uu rabo inuu dhoofo uu tagi jiray Muqdisho haddii uu
isbital baro waxaa uu tagi jiray Muqdisho kadib burburkii dalka waxaan
sameeysanay Maamul la yiraahdo Puntland arintii hore un baa nagu
qufulan,anagoo caasimadii ka dhiganay Garowe puntland waxaa ay noqotay
meel lagu soo ardo,wasiirado iyo xildhibaanado meelkasta oo ay ka dagan
yihiin Puntland meeshaasi ayay isugu yimaadaan,waxaad mooda in laga
nastay wadadii dheereed ee muqdisho,laakiin waxaa muuqata inay jiraan
baahi ay qabaan dadka ka fog fog Magaalooyinka waa wayn,haddii ay dhacdo
in qof loo magacaabo degmooginka fog fog ee hoosyimaada Maamulka
Puntland waxaa ka muuqaneysa inuusan jecleysan magacaabistaasi,marka
aniga waxaan is leeyahay Puntland haddii aad Madaxweyne ka noqotid
malaha waxaad sameyn lahayd isbadal guud ahaan,taasoo ay ugu horeeyso in
dadka loo badalayo Gobolada,degmooyinka iyo Tuulooyinka inay noqdaan
dadka ugu mushaharka badan Dowlada,iyadoo aan xooga u saari doono inay
helaan Mushahar ku filan Gawaari ay is ticmaalaan,iyadoo aan is dhahayo
taasi waxa ay keeni kartaa in marka danbe ay dadka isku dili doonaan in
loo badalo Gobol ama degmo ka fog meesha uu dagan yahay,marka mahan in
howshu ay tahay in lagu ardo laami oo kaliya.
“Wariye
Garyare” waa
tahay dadka badan oo soomaaliyeed ayaa akhrisanayay Waraysigan aad
maanta bixisay oo marka ay maqlaan Xildhibaanad Caasho Geelle Diiriye oo
sidoo kale ah xubin kaalin firfircoon ku leh Ururada qabta howlaha
Bulshada ee ka howl gala Deegaanada Puntland inay maanta isku soo
taagtay Xilka Madaxweyanah Maamul Goboleedka Puntland dadka ku yaqaan
iyo inta aan ku aqoon Caasho Geelle Diiriye marka lagu yiraahdo u
doorta Madaxweynaha Maamulka Puntland Caasho Geelle Diiriye maxaad u
qaban kartaa marka laga soo tago howlahan ah in dadka gobolada loo
badalayo aad mushaharka u kordhin lahayd oo la taaban karaa Caasho???
“Caasho G Diiriye”
marka hore waxay dadku ogyihiin in aan leenahay ilo dhaqaale oo aad u
wanaagsan,kuwaasoo loo baahan yahay in laga faa’iideysto,waxaa kale oo
jirta in dadka reer puntland inay yihiin dad u bislaaday inay bixiyaan
canshuurta laga qaado,laakiin ma oranayo qarashkaasi kasoo xarooda waa
lagu tagri falaa,hase yeeshee waxaa meesha ka maqan qaabkii loo
isticmaali lahaa dhaqaalahaasi ilaahay ku maneystay Deegaanada
Puntland,waxaana qabaa in hadii la isku dayi lahaaa in arintaasi wax
laga qabto in Gobolkasta uu meesha uu joogo ku barwaaqoobi lahaa,hadii
aan wax ka iraahdo Dowlada waxaa jirta in wax lagu qeyb sado Beel ama
waxa dhici karta in laguu yimaado oo lagu yiraahdo an ku doortee maxaad
ii qabaneysaa,isagoo hadhow kuu keenaya wiil uu dhalay kuna dhahaya wax
iiga dhig,marka aniga mahan caqabada I hortaal in dadku dadnimo xumi igu
dooran waayo,waxaana sidoo kale aan ogahay oo aan idiin sheegayaa in
gobolada dalka aan ku leeyahay dad aad u wanaagsan oo aan isleeyahay waa
dadka ugu magaca dheer Gobolada,laakiin caqabada aan is leeyahay way ku
hortaal waxaa ay tahay in marka hore ay dadku qaarkiis I oran doonaan
waxaad tahay Haween oo haweenka ma qaban karaan xilka ugu sareeya dalka
iyo iyadoo musharixiinta kale ee ila tartameysa ay wadaan lacago ay ku
doonayan inay ku iibsadaan codadka ay ku qaadi lahaayeen Xilkaasi aan
iminka u taagnahay,laakiin aniga maanta iyo horey waxaan warbaahinta uga
cadeeyay in aan aniga diyaar u ahayn in xukunka aan ku iibsado Lagac iyo
in aanan qofna kula hishiinin inuu igu doorto in aan hadhow wax u
qabto,waxaana aniga aan horay u sheegay hadana aan u sheegay waxaa ay
tahay in dadku hadii ay igu doortaan waxqabadkeyga aan soo dhaweynayo
haddii la igu dooran waayana waan aqaan sida loogu shaqeeyo Ururada oo
Bulshada wax loogu qabto.
“Wariye
Garyare”
Su’aasha kale ee aan ku weydiinayo Caasho waxa ay tahay waxa ay dadka
Soomaaliyeed la socdeen Doorashadii Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada
Soomaaliya oo ay isku soo taageen Musharixiin badan oo ay kamid ahayd
Haweyneyda lagu magacaabo Caasho Xaasho Axmed Cabdala,iyadoo aad ogtahay
in Soomaalida marka la yiraahdo Haween xilka Madaxweyne u taagan inaysan
jecleysan,iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaad ogeyd in Caasho ay Doorashii
ka dhacday bishii tobanaad ee Sanadkii 2004 ay ka heshay 2 Cod oo
kaliya,haddaba ma isleedahay adigana waxaad la mid noqon doontaa Caasho
Axmed oo Kale mise rajadaadu intaasi way ka badan tahay???
“Caasho G Diiriye”
waad mahadsan tahay Garyare marka hore Shirka Soomaalida markii uu
bilaabanayay waxaan kamid ahaa 26-ka Hogaamiye xoghaynadooda waxaana
sidoo kale ka mid ahaa guddi 9 qof ah oo ay lahaayeen Bulshada
Rayidka,waxaan dhanka kale aan gudoomiye ku xigeen ka ahaa guddigii la
oran jiray gudiga dastuurka kadibna waan isaga soo tagay shirka sadex
bilood kadib sabata aan ugu soo tagay waa la dareemi karaa oo qof wax
qaban kara laba sano meel cidla ah is kama fadhin karo,shir ka Kenya
waxaa isugu tagay dad u jilba jabsaday sidii ay wax ku noqon lahayeen
marka anig waxaan isleeyahay Caasho Axmed Cabdlah waxay kamid noqotay
dadka is yiri meesha waxaan joogay laba sano ee waa in aan wax
helaa,laakiin aniga waxaan aan qabaa haddii aan joogi lahaa meeshaasi
waqtigaasi labada sano ah ma noqdeen Caasho oo kale ee waxaan meesha ka
heli lahaa codad intaasi kabadan Puntland xitaa waxaan qabaa hadii aysan
ragu wax isdaba marsiin oo ay joojiyaan gees uriixa ay ku sameeyaan
Haweenka waxaan qabaa in %100 aan ka heli doono Doorashada,iyadoo ay
taasi jirto ayaan waxaan uga gol leeyahay xilkan aan u taagnayay in
hawenka soomaaliyeed ee raga sacabka u tumaya in aan dareensiiyo in ragu
waxba u ogoleen Dumarka,waxaana xaqiiqo ah haddii aniga la idooran waayo
inaysan jirin haween kale oo wax loo ogol yahay ayaan rabaa in aan
dareeynsiiyo Dumarka reer Puntland.
“Wariye
Garyare” waxad
la socotaa Caasho inay xilkaasi Madaxweyne ay u taagan yihiin Rag badan
oo magic ku leh Bulshada Puntland oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi
Xaashi,Gen,Cadde Muuse Xirsi iyo rag kale waxa ay dhamaan ku maqan
yihiin bulshada qeybaheeda kale duwan adigana waxaad sheegtay in aadan
cidina ka codsaneyn in ay ku doortaan marka sidee isledahay ragan har
iyo habeen u taagan dadaalka ay ugu jiraan inay ku hantaan xilkaasi
Madaxweyne waad kula tartani kartaa adiga oo meel iska fadhiya???
“Caasho G Diiriye”
horta doorashada Puntland ma ahan doorasho ee hadii ay ahaan lahayd
doorashada mid inta sanaadiiq la dhigo Gobolada Dalka waxaan filayaa in
sanaadiiqda intooda badan ay ahaan lahaayeen kuwo ay ka buuxsamaan
codadkeyga,laakiin taasi ma dhicin oo waxaa ay doorashadu tahay
baarlamanka aan ka tirsanahay midna ogow Garyare Gobolo ayaan soo maray
wax laguma doorto ee waxaa qofka lagu doortaa maxaad bulshada u qaban
kartaa,hadii ay taasi jirto waan filayaaiin in aan ku guuleysan doono
hadafkeyga.
“Wariye
Garyare”
Su’aasha ugu danbeeysa ee aan ku weydiinayo Musharaxad Caasho Geelle
Diirye waxaa ay tahay waxaad waqti dhow aad ka timid Dibada,iyadoo dadka
u dhuun-duleela Siyaasada Puntland ay kugu xamanayaan in aad dibadaha u
doonatay sidii aad u soo heli lahayd Dhaqaale kuu saamaxa in aad ku
guuleysato xilka Madaxweynaha Puntland ee dhawaan la filayo inay ka
dhacdo Magaallada Garowe maxaad hadaba arintaasi ka jira???
“Caasho G Diiriye”
waad mahadsan tahay waxaad ogaataa aniga walikey dibada waan aadi
jiray,waxaana jirta inaan mar u aado Shir marna aan u aado Caafimaad
aniga ii gaar ah,laakiin waxaana aan maanta raab inaan beeniyo inaan
dibada u aaday in aan ka soo helay lacag,haddii aan rabo lacag aan ku
iibsado codadka dadka ii codeynay waxaan ka heli karaa Puntland Lacag
iigu filin in aan dadka ku iibsado,hase ahaatee hore ayaan u cadeeyay in
aanan marnaba sameeyn hishiis aan dadka kula galayo inay igu doortaan
iyo balan qaadyo,waxaana markale aan ugu celinayaan Dhamaan Umada reer
Puntland iyo inta jecel horumarinta deegaanada Puntland in hadii la igu
doorto wax qabadkeyga aan soo dhaweynayo haddii la idooran waayana waan
aqaan sida bulshada loogu adeego waadna mahadsan tihiin.
Intaasina waxaa ku dhan waraysigii uu wariyaheena Magaallada Muqdisho
Abdi Wali Ibraahin Aden “Garyare” oo haatan Socdaal ku jooga Caasimada
Puntland ee Garowe uu la yeeshay Xildhibaanad Caasho Geelle Diiriye oo
ah haweeneyda kaliya ee u taagan Xilka Madaxweynaha Maamul Goboleedka
Puntland.
Wareysiyadii iyo qoraaladii hore ee Garyare hoos ka eeg:
Kulankii
ugu horeeyay ee Baarlamaanka cusub ee Puntland oo maanta lagu doortay
hogaankii hogaamin lahaa
Socdaalkii
Garyare iyo Gobalka Shabeeladda Hoose
Wareysi
gaar ah oo laga qaaday
Dr. Jeylani Qali Huurshe (Riix halkan)
Waa
wareysi laga qaaday Xaliimo Cabdi Caruush (Riix halkan)
Gudoomiyaha
maamulka magaalada Jawhar Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa
lagu soo waramayaa in uu wado dadaal uu ku doonayo in uu ku ballaariyo
awoodiisa gobolka shabeelaha dhexe oo ay ka wada arrimiyaan isaga iyo
Hogaamiye Kooxeedka kale ee Muuse Suudi Yalaxow
Garyare Guji A-J#s [A][B][C][D][E][F][G][H][I][J]
Gabdhaha
indho shareerka wata oo bilaabay inay ka hayaamaan Jawhar iyo warar kale
Wqorey: Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare”
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
allgedo@allgedo.com
|