Waxa amaan Mudan Allgedo
iyo sida fiican ee ay ugu adeegaan bulshada
soomaaliyeed marka ay noqoto ka haqab tirka
wararka dalkeena hooyo.
Marka labaad waxan
jecelahay in aan waxoogaa ka idhaahdo
dowlada cusub ee maanta la dhisay!. Runtii
ma fiicna in mar walba la is dhaliilo oo la
arko kaliya sheqsiyaad aan helin jagada ay
rabeen. Waxase muhiima in la helo dawlad
guud oo dadka oo dhan u adeegta, kana saarta
Dulmiga , dhaca iyo Aqoondarada.
Sida la ogyahay waxa ay
Soomaali soo martay mudadii 14 sano ee ugu
danbeysay wax la sheegi karo ma aha. taasi
oo loo baahan yahay in si cilmi ku dhisan
loo xaliyo mashaakilkii dhacay iyo waxa hada
taaganba.
Waxa aan ilaahay ka
baryeynaa in uu inooga dhigo dowladii
dadkeeda anfacda. Intaas marka aan ka gudbo.
waxa jira wasiiro aad u badan oo xilal kala
duwan loo dhiibay. Dhamaantoodna waxa laga
rabaa in ay ka soo baxaan xilka loo dhiibay,
laakiin waxan waano yar u qori lahaa
Wasiirka wax barashada:-
Waxan ognahay in Mudo 14
sano ah aan dhalinyarada iyo Umada
soomaaliyeed ayna helin wax waxbarasho ah.
Taasoo wiilkii dagaalku markii uu bilaabmay
dhashay maanta uu yahay 15 jir waxna aanu
qorin waxna aqriyin!!! Madaama waxabarashadu
muhiim tahay waxan kula talin lahaa wasiirka
waxa barashada in lagu dadaalo sidii umada
soomaaliyeed looga haqabtiri lahaa aqoonta
iyo waxbarashada. Waxa fiicnaan lahayd si
aan u helno Aqoon yahano aan u baahnayn
Turjubaan in afafka internationalka aha sida
Carabiga iyo Ingriiska wax lagu barto
Tusaale ahaan in dugsiyada hoose iyo dhexe J
maadada uqraafiga iyo taariikda lagu barto
Af-carabiga, maadooyinka kalena af
ingiriiska , taasoo keenaysa in aan helno
aqoon yahano aan u baahnayn turjubaano oo la
socon kara caalamka. Afsoomaaligana loo
dhigto luqad ahaan iyo sugaan ahaan. waa
talo!