HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK | SIGN/VIEW: GUESTBOOK    

 

G.E.D.O.

Luq Education Development Project
 

 

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

 


Jan. 14, 2005

Ma Hirgali Doonaa Hadafka Zenawi?

Dowlada Ithiobya oo in muda ah faraha kula jirtey arimaha Soomaaliya  isla  markaana si cad oo ganbasho lahayn isku hortaagtey dowladii lagu soo dhisey Carta waxay maanta haysataa fursad qaali ah oo ay ku hanan karto siyaasada iyo hogaanka Soomaaliya madaama awooda wadanka ugu sareyso gacanta u gashey raggii ay taageeri jirtey sidaa daraadeed waxaa aad u adkaan doonta in dowlada cusub ay caasimad ka dhigato magaalada Muqdisho, arintu ma aha wax C/lahi Yuusuf  iyo Geedi ku xiran.

Baydhabo: Caasimad ku meel gaar ah

Dowlada Itiobiya waxay ku qasbi doontaa madaxda dowlada cusub in caasimad ka dhigtaan magaalada Baydhabo sababo badan awgood:

1- Magaalada Baydhaba kooxaha maamula waxaa gacanta magaalada u geliyey 1999 dowlada Ithiobiya oo waqtigaas ka saartey maleshiyadii Xuseen Caydiid kadib markii uu magaalada Marka ka soo dejiyey niman Oroma ah oo hubeysan saldhig ugu dhigey magaalada Baydhaba. Arintaa waxaa ka danbeysey dowlada Eretareya oo wagaa dagaal qaraari ka wada dhaxeeyeen dowlada Ithiobiya, qorshahana ujeedada ka danbeysa wuxuu ahaa in dowlada Ithiopia dagaal loogu soo furo dhanka xuduudka Soomaaliy. Xuseen Caydiid oo siyaasad xumo haysey wuxuu talaabadan ka fiirsashada lahayn u sameeyey in dowlada Ithiobiya ku xumeeyo madaama waqtigaa dowlada Ithiobiya gacan saar fiican la lahaayeen kooxihii ku shirey Soodare. Maanta hogaamiyayaasha reer Baydhabo wey la socdaan abaalka ay u gashey dowlada Ithiobiya mana diidi karaan in qorshaha dowlada
Ithiobiya wadato laga fuliyo dhulkeeda. Qofkii is hortaagana wuxuu raacayaa dariiqii Shaatiguduud oo mar isku magacaabey in uu yahay madaxweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed ee Soomaaliya, maantana aan ku lahayn awood sidaa u weyn magaalada Baydhabo.

2- Magaalada Baydhabo dowlada Ithiopiya waxay rabtaa in ay ka dhigato saldhig milatari. Waxay rabtaa in ay keento hub cusub oo casri ah oo Soomaaliya hore u oolin iyo ciidan Ithiobiyaan ah oo u badan Soomaalida Ithiobiya degan iyo Oromo qaarkood af Soomaaliga yaqaan. Waxay kaloo rabtaa dowlada Ithiobiya in ay tababar ay siiso ciidamo beeleedyo taabacsan dowlada kumeelgaarka ah si marba magaalo u qabtaan.


3- Dowlada Ithiopiya dan kama laha dib u heshiisiin oo hadey dan ka leedahay ma caburiseen kooxaha Oromada iyo Soomaalida ee maamulkeeda ka soo hor jeeda. Waxay dowlada Ithiopiya rabtaa in xoog ku qabsato koonfurta Soomaaliya inta ka hooseesa koonfurta magaalada Gaalkacyo. Sidaa darteed C/lahi Yuusuf iyo Geedi dan kama laha dib u heshiisiin, waxay rumeysteen balan qaadka Ithiobiya oo ah in Soomaaliya gacanta loo gelin doono.


Maamul gobaleedyo

Arinta Muqdisho waxay noqon doontaa tan ugu danbeyso waxaa marka hore la qabanayaa gobolada Bay, Bakool, Gedo Jubada Dhaxe iyo Jubada Hoose, oo
maamul dowlada Ithiobiya ka amar qaata laga dhisayaa. Shabeelada Dhaxe looma baahna in xoog lagu qabto madaama Maxamed Dheere ka taliyo si toos ah ayey u hoos imaan doontaa maamulada dowlad cusub. Gobolka Hiiraan maamulada ka dhisan hadda ayeyba gacan saar la leeyihiin dowlada Ithiopiya sidaa darteed ma adkaan doonto in maamul loo sameeyo oo hoos taga dowlada Ithiopiyaanka wata.

Goboladada Dhaxe iyo Muqdisho

Dhibaatooyinka ugu weyn waxay ka dhici doontaa gobolada Dhaxe, dhulka Habargidirta degto iyo magaalada Muqdisho. Gobolada Dhaxe arinteeda waa fududahay sida loo xaliyo hadaaba laga sii shaqeeyey oo colaad iyo dagaal la dhaxdhigey Sacad iyo Saleymaan. Ithiobiya waxay fulineysaa siyaasadii gumeystiyaashii hore ee ahaa ”Qaybi ee Xukun”. Dad mideysan oo wadajira wey adagtahay sida loo xukumo laakiin dad colaadi ka dhaxeyso aad ayey u fududahay sida loogu taqaluso, markey labadaan beelood isku baaba’aan Ithiobiyaanka ciidamo uu wato iyagaa gacmo furan ku soo dhaweyn doona. Magaalada Muqdisho arinteeda laba uun ayey mid noqon in kooxaha hubeysani laysku jebiyo oo Ithiobiyaanka mid taageero ama in hogaamiya kooxeedyada laga dhigo dad madax ah oo cadow loo tuso nimanka wadaadada ah ee maanta diidan ciidamada shisheeye. In wadaadada  noqdaan ”Target” oo iyaga la ugaarsado, iyaga oo loogu yeerayo argagaxiso gacan saar la leh Al Qaacida. Waana  hab fudud oo reer galbeedka lacag looga heli karo. Koley dhiig badan waa daadan doonaa madaama Soomaalidu ay yihiin dad madax adag laakiin ugu danbeynta Muqdisho gacanta waxay u gali doontaa taageerayaasha Meles Zanawi.


Puntland iyo Somaliland

Goorta Taageerayaasha Zanawi SRRC gacanta u gasho guud ahaan dhulka maanta foodada ah waxaa lagu xirayaa Puntland oo maanta ka jira maamul madax banaan madaama iyadoo dowlad fadaraal ah Soomaaliya ka jirto hadana madaxweynaheeda iska dooratey iyada oo Geedi iyo C/lahi Yuusuf midna ka hadlin doorashada iyo waxa Puntland ka socda. Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya marka laysku xiro oo loo sameyo maamul dusha Ithiobiyaanka ka xukumo waxaa wada hadal loo furayaa Somaliland.  Somaliland marnaba ma diidi karto qorsha dowlada Ithiopiya, maxaa yeeley raga maanta ka taliya Somaliland waa ay la socdaan siyaasada Ithiobiyaanka, hadii ay ka horyimaadaan wey ogyihiin in ay burburi doonto nabadgelyada maanta ka jirta. Waxaa la soo hubeyn doonaa Cidagalaha ama kooxo reer waqooyi ah oo raba in koonfur wax lala qaybsado iyadoo weliba la  soo adeegsan doono ciidamo ka socda koonfurta Soomaaliya waxaa Somaliland ka dhici kara burbur iyo barakac. Xalka keliya wuxuu noqonayaa in Fadaraalka ka qaybqaadato oo Soomaaliya ka mid noqoto laakiin yeelato maamul u madax banaan, maamulkaas oo hogaamin doono nin Ithiobiyaanka soo xuley.


Mustaqbalka Dhulka Soomaalida

Mustaqbalka Dhulka Soomaalida wuxuu ka koobnaan doonaa:

1- Somaliland
2- Puntland
3- Middelland (oo ka koobnaan doono koonfuta Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan)
4- BanaadirLand (Sh/dhaxe, Sh/hoose Banaadir)
5- Koonfur Galbeed Soomaaliya (Bay, Bakool, Gedo )
6-Jubaland (Jubada dhaxe iyo Jubada hoose).

Maamul gobaleedyadaa waxaa ka talin doona niman damiir iyo dadnimo lahayn oo Ithiobiyaanka ka amar qaata. Shacabka Soomaalida waxaa la gelin doonaa caburin, ninkii laga dareemana dadnimo iyo dareen Soomaalinimo waa la  gumaadayaa ama xabsi ayuu noloshiisa ku dhameysan doonaa.


Wadaadada

Waxaa la gumaadi doonaa wadaadada wata fikrada Wahaabiyada, waxaa loogu yeeri doonaa argagixiso lama maqli doono qof sita magaca Al Itixaad, Al islaax, iwm. Waxaa kor loo qaadayaa Suufiyiinta. C/lahi Yuusuf iyo Geedi raga tahliisha u tufi doono waxay noqon doonaan wadaadada Suufiyiinta ah madaama siyaasada faraha la galin. Qudbooyinka laga jeedin doono salaadaha Jimcaha ama muxaadarooyinka la qaban doono mustaqbalka waxaa qori doonta wasaarada Diinta iyadoo lala kaashanaya dowlada Ithiobiya.


Gunaanad

C/lahi Yuusuf waa lagu owr kacsanayaa laakiin qorshaha Ithiobiyaanka Soomaali la damacsan tahay waa mid fog (C/lahi Yuusuf iyo beel Soomaaliyeed.)

Zenawi wuxuu rabaa in Somali noqoto gobol ka mid ah dhulka Ithiobiya laga xukumo sida saadaasha u ektahayna waa noqon doontaa. Ogsoonaadana in C/lahi Yuusuf iyo Geedi ay yihiin lahaystayaal aan madax banaaneen xukun jaceyl ayaana ka dhigaya. Hadalkayga waxaan ku soo xirayaa Dhulkii la oran jirey Jamhuuriyada Soomaaliya Tikrey baa ka talin doona. Soomaaliyey rab ama ha rabin hadafka Zenawi waa kaa.


Yonis H. Guulleed
maqaal@hotmail.com



 

Fiiro gaar ah:  Fariinta uu xambaarsan yahay qoraalka sare waxay gaar u tahay qoraaga uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan.

 


allgedo@allgedo.com
 

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com