Sidaan la socono
waxaa dhowaan dhalatay dowlad
soomaaliyeed oo ku meel gaar ah,
kadib markii uu cadaadis ka yimid
caalamka aduunka. Waarida ama
jiritaanka dowladdan ayaa ku xiran
masuuliyadda ay hogaamiyeyaasha
maamulka haya isa saaraan iyo
taageerada ay ka helaan shacbiga
soomaaliyeed.
Dowladi meel
walba oo aduunka ahba ha ka jirtee
marnaba ma dhisanto ama waarto hadii
ayan taageero ka heysan shacbiga
halkaa ku nool. Hadii la doonayo in
lahelo shacbi taageeraya dowlad,
kana qeyb qaata si firfircooni ah
hab siyaasadeedka waddanka waan in
la helaa shacbi aqoontiisa sareyso.
Qofka muwaadinka soomaaliyeed ee
maanta jiraa waa inuu bartaa inuu
dantiisa ilaashado, inuu xil qaado
si uu uga qeyb qaato doodaha iyo
waddahadala. Hadii ay waxgarashada
qofka ay hooseyso ama ay qaldantahay
waa in markaa la helaa awood qaran
oo qasbeysa qofka shaqsiga ah si
shacabka dhexdiisa loo kala
nabadgeliyo.
Aanu niraahno qaranku
wuxuu ka kooban shakhsiyaad
ismaamula kuna nool xuduud wadaagana
dhaqan, diin, luqad iwm. Muhiimadda
ugu horeysa ayaa waxay tahay in
marka hore shaqsiyaadkan wadda nool
isu arkaan shakhsiyaad siman kana
dhaxeyso dareen wadajir ah wadaagana
kheyraadka iyo hantida ka jirtaa
halkaa ay ku nool yihiin. Haddaba
hadii aynu niraahno aynu isku
qeybino kooxo kooxo, koox walibana
iyadu ha is qeexdo lama gaarayo
markaa sidaan qabo wax xal ah.
Natiijadu waxay noqonaysaa in la
helo burbur iyo tafaraaruq kuyimaada
qaranka dhexdiisa ugu danbeyntana
dhaliya (fowdo) anarchy. Waxaanu
isniri adigu waxaa tahay Midgaan,
jareer , adigu lahjadeyda aya kaa
wanaagsan, adinka anagaa idinka
badan, anagaa idiin talin jirnay ama
anaga idinka hanti badan iwm. Tani
waxay ka mid tahay sababaha dhaliyey
burburka ku yimid qarankii
soomaaliyeed.
Siyaasadu waa inay
noqotaa mid dhexdhexaadisa danaha
kala duwan ee ay leeyihiin
shakhsiyaadka ku nool qaranka
dhexdiisa waana inay jirtaa kala
soocnaan cad oo udhaxeysa hantida
qaranku leeyahay iyo mida shaqsiyeed.
Sharcigu waa inuu ilaaliyaa shaqsiga
hantidiisa siiyana fursad uu ku
gaaro dantiisa, halka siyaasadu ay
katahay tartan lagu tartamayo awooda
maamulka si markaa danaha
shakhsiyaadka loo daboolo.
Maadaama shakhsigu
dantiisa udadaalo gaaritaankeeda
ayaa waajibaadka dowladu tahay in
baahida shakhsiga ay daboosho. Hadii
dowladu kasoo bixi weydo wax
kaqabashada baahida shakhsiga waxaa
imaanaysa in shakhsigu dantiiraac
noqdo isla markaana uusan eegin
danta shakhsiyaadka kale ee kunool
qaranka. Waxaa imanaysa in uu
yaraado fahanka shakhsiyaadka kale
iyo baahidoodaba taasoo ugu
danbeyntii dhalisa is af-fahanwaa
iyo dagaalaba.
In lagu hortago
burbur inuu ku yimaado qaranka waan
in ay waajib noqotaa shakhsi walba
inuu ilaaliyo hantida iyo danta
bulshada isla markaana ka qeyb qaato
maamulka bulshada, tan ayaan sidaan
horey u sheegay ubaahan in
shakhsiyaadku leeyihiin waxbarasho/waxgarasho
sareysa.
Xalka dhismaha
qaranka soomaaliyeed :
1- Kaladuwanaan,
dulqaad iyo ka hortaga cunsuriyada
Waxaan ula jeedaa waa
in haddaanu soomaali nahay aqbalno
dhowrnana shakhsiyaadka kunool
Soomaaliya oo dhan hadii ay tahay
isirnimo, lahjad, taariikh iyo
dhaqanba. In dadku simanyahay
Ilaahay iyo adanaha hortiisaba.
Dugsiyada waa laga baraa caruurta
dulqaadka, xuquuqda iyo sharafta uu
ilaahay siiyey dhamaan umadiisa
muslimka ah iyo ka hortaga
cunsirinimada. Muwaadiniinta oo dhan
waa in ay helaan fursad ay u
simanyihiin sharciga hortiisa,
xuquuq isku mid ah iyo helitaan
fursad dhinac dhaqaale,
waxbarasho,siyaasadeed, bulsho iwm.
2- Waxbarida
siyaasiyiinta iyo shacbiga
Waxaan ula jedaa
hadii la doonayo in la helo
siyaasiin iyo institushino dowladeed
oo wax qabad wanaagsan leh waa in
kor loo qaadaa heerka waxbarashada.
Markay tahay musuqmaasuqnimada
waxaanu leenahay qeexid ka duwan tan
dhabta ah. Mararka qaarkood waxaa
dooneynaa inaanu helno qof masuul ah
oo anaga ehel ahaan inoo dhow, si
aanu u helno fursado ayan
shaqsiyaadka kale helin.
Musuqmaasuqnimada ma aha oo kilya in
laaluush la qaato ee waxaa soo raaca
oo kale in si xun loo isticmaalo
hantida shacbiga, in si qaldan oo
isticmaalo awooda maamul ee lahayo
iwm. Marka dhamaan waa in la fahmo
markii lala dagaalamo
musuqmaasuqnimada waxaa dhalanaysa
maamul waxqabad leh, kor u qaadaysa
maalgelinta wadanka islamarkaana kor
uqaadaysa nolosha bulshada.
3- Xoojinta
lahaanshaha hantida iyo yareynta
faragelinta dhaqaalaha
Waxaan ula jeedaa
hadii la xoojiyo lahaanshaha hantida
waxay suura gelinaysaa in soomaalidu
ay awood uhelaan wax ka qabashada
xaaladooda. Markii shakhsiyaadku ay
xilqaadaan ganacsigooda waxaa
yaraata ubaahnaanshahooda hantida
qaranka dhalinaysana in isbedel iyo
horumar dhaqaale lahelo.
Hadii siyaadu ay
badato faragelinteeda dhaqaale waxaa
yaraanaya maalgelinta shisheeye
waxaana yimaada musuqmaasuq iyo
ukala eexashada shakhsiyaadka
tartanka ganacsi ka wada waddanka.
Waxaa kaloo iyadana meesha ku jirta
in hantidii lakala boobay sababtana
uu uyahay dagalkii sokeeye oo
Soomaaliya in laysku wareejiyo.
Marka shakhsiga latuso in dowladu
damaan qaadeyso lahaanshaha
hantidiisa, amaankiisa iyo
xuquuqdiisa baniŽaadanimo waxaa
imanaysa inuu masuuliyad noloshiisa
ah qaado hadii kale wuxuu xilkiisa
faraha ugelinaya siyaasiyiinta
maamulka haya tanoo ah midaan
wanaagsaneyn.
4- Bedelida fikradaha
Waxaan ula jeedaa in
aanu bedelo sida qaldan ee aan
mararka qaarkood u fekarno. Fikrada
qabiil ayaa waxay tahay nagu weyn.
Waxaa jira rabitaan balaaran maanta
oo ah in lala dago dad sidaanu
aaminsanahay aanan ubaahneyn inaan
ka cabsano (dad nagu qabiil ah),
weliba kadib markii ay maskaxdeenii
weli ku jiro dagaalkii sokeeye ee
Soomaliya iyo welibana ay jirto
cabsi aan ka qabno kuwa maamulka
haya.
Hadii aan rabno
inaanu ku guulaysano ka dhalinta
nabada ee Soomaaliya waa inaan
qaadno talaabooyin ad adag bedelnana
ku fekarka qabyaaladeed. Waa lama
huraan in cunaqabateyn siyaasadeed
lagu soo rogaa maamulayaasha ku
xadgudbay sharafta iyo xuquuqda
shacbiga soomaaliyeed iyo weliba in
ilaalo adag lagu hayo saxafadaha
kala duwan(Media). Saxaafadaheena oo
aan qabo inayan ka faaiideysan
fursadahii qaaliga ah ee ay heshay
ka dib burburkii dowladii Siyaad
Barre.
Hadii aan dooneyno
inaanu helno mucaawimo dib udhisida
qarankii soomaaliyeed, mid xuquuq
baniŽaadanimo waan in aan aqbalnaa
faragelin dibadeed. Madaama ay sax
tahay in qaran walba uu xaq
uleeyahay inuu iskii isku xukumo,
waxaa hadana jirta marar qaarkood oo
loo baahanyahay in lakala dhexgalo
kooxaha isku haya wadamadamada
gudoohooda (dagaalada sokeeye).
Akhristow waxaa ogaataa in dagaalada
maanta dunida ka socda intooda badan
ay yihiin dagaalo sokeeye oo
wadamada gudahooda ka dhex socda
tanoo ina tusaysa in loo baahan
yahay fekar kale.
Hayaan Cabdisalaam Ismaaciil,
Stockholm
Maamule hayŽadda shaqada ee Sweden
hayan74@hotmail.com