HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Xagee Maraysaa Wadahalkii u socday Wafdiga Beesha Mareexaan iyo Maamul Goboleedka Puntland (Waraysi Hilowle Aadan):-

February 15, 2005

 

Mudane: Hilowle Aden Maxamud



Waxaa jiray wafdi ka socday Beesha Mareexaan oo in mudo ah ku sugnaa Magaaladda Garoowe, kaasoo ku hawlanaa sidii ay Beelaha Mareexaan ugu soo biiri lahaayeen Maamul Goboleedka Puntland.

 

Waxaa noo suuro gashay in aan waraysi la yeelano EX, Xildhibaan TNG Hilowle Aadan Maxamuud oo ka mid ah ahaa dadkii inta badan u fadhiyey Wadanka Kenya in la helo Dawlad Soomaaliyeed waxna ka soo dhisay Dawlada Federaalka ah ee hadda jirta.

 

Qorahay Online, Haddaba, Su’aasha ugu horaysay ee aan weydiinay Hilowle waxay tahay, Mudane waxaad warbixin naga siisaa Halka ay haatan idiin marayso idinka iyo Maamulka Goboleedka Puntland wada hadalkii ku saabsanaa ku soo biirida Maamul Goboleedka Puntland beelaha Mareexaan?

 

Hilowle, Waxay maraysaa Meel hadda laga anba qaadi karo midowga labada dhinac Puntland iyo Beesha Mareexaan, taasoo aanu isku afgaranay in Puntland ay u magacowdo Guddiga qaban qaabiya Shirweynaha la isugu imaan doono Sodonka 30 Bisha, dhinaca Beesha Mareexaan ay ka soo baaraan degaan wafdigii uga qayb geli lahaa shirweynaha wada xaajoodka labada dhinac, waxaa hakad na geliyey isku dhacyar oo ka dhacay Magaalada Caabud waaq oo ay hadda isimada iyo waxgaradku ay gacanta ku hayaan, aanuna rajeynayno in usbuucan uu soo gabo gaboobo wadahadalkaas nabadeed, kadibna ay jaanis u helaan arrintii qaban qaabada shirweynaha oo meel dhexe u marayey markii hore.

 

Qorahay Online, Mudane Waxaa jira in Haatan Dawlada Soomaaliyeed lagu soo dhisay Dalka Niarobo oo aad adiguba ka mid ahayd dadkii wax ka soo dhisay, marka waa maxay baahida haatan loo qabo in Puntland iyo Beelaha Mareexaan ay ku midoobaan Maamul Goboleedka Puntland?

 

Hilowle, Sida aad la socoto, dastuurka Federaalku wuxuu qorayaa qodobkiisa 11-aad in ay Tahay Dawladaani ismaamul Goboleed cid kastana ay la midoobi karto ama ku midoobi karaan labo Gobol iyo in ka badan iyadoo al dhowrayo Rabitaanka Xorta ah ee Shacabka, sidaas darteed, ma’aha mareexaan oo kaliya beelaha Doonaya in ay la midoobaan Puntland waxaa ka mid ah kuwo kale oo degan Gobolada Dhexe, oo iyaguna xiriir fiican naga dhexeeyo hadda, taasoo aan u eegayno in laga faa’iidaysto meelaha ay hadda nabada iyo Maamuladu ka jiraan in ay ku biiraan kuwa aan Maamulada iyo nabadu hadda ka jirin deegaanadooda si ay ula qaybsadaan ka faa’iidaysiga khayraadka iyo taakulaynta Dawlada dhexe wakhtiyada dhow.

 

Qorahay Online, Wafdigiinii kala dambeeyey ee badnaa haddana ku noqday intooda badan Magaaladda Caabud waaq, ma waxaa jira is afgaranwaa dhexdiina ah mise waxay ku tageen arrin aad ka midaysan tihiin oo idinkana la idinku reebay iyaguna ay ku tageen?.

 

Hilowle, Ma’ya ma jiro wax is afgaranwaa ah waxaanu ka midaysan nahay in aan la midowno DGPL dhamaantayo waxay odayaasha qaarkod u noqdeen oo looga maarmi waayey la tashiga wafdiga siduu ku imaan lahaa DGPL Caasimada Garoowe iyo rag odayaal looga maarwiwaayey dhacdadii yarayd ee ka dhacday Magaaladda Caabudwaaq ragga kale waxay u joogaan inta ay ka imaanayaan odayaashaas in ay sii wadaan hawlihii geedi socodka qaban qaabada shirweynaha Guddiga ay u xilsaareen Dawlad Goboleedka Puntland waana wada xiriirnaa Maalin kasta dadka ay talada ka go’da ee Beesha Mareexaan meel kasta oo ay joogaan si ay arrintaani u noqoto mid loowada dhanyahay beesha Mareexaan noqotana  mid miro dhasha aayo ka talinta dadka ay Masiibadu afariyo tobanka sano ku habsatay sidii ay ugu bixil ahaayeen maamul la’aanta uguna faa’iidaysan lahaayeen khayraadka iyo adeegyada ay xaqqa u leeyihiin la wadaagida Dawlad Goboleeda Puntland.

 

Qorahay Online, Mudane waxaan maqlay in loogu balan san yahay in shir ay Beesha Mareexaan u dhantahay oo ay la yeelato Maamul Goboleedka Puntland lagu qabandoono Gobolka Mudug Gaalkacyo shirkaas ma rajeynaysaa in lagu soo afjaro wada hadalka la midoobidda ama ku soo biiridda Maamul Goboleedka Puntland?.

 

Hilowle, Sida aan la socono wali ilaa hadda waxaa go’aanka laga sugayaa Beesha Mareexaan Maaadaama DGPL ay Gudbisay Qoraal rasmi ah oo lagu marti qaadayo Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha Mareexaan, waxaan rajeynaynaa markii jawaab laga helo Beesha Mareexaan in la isla meel dhigi doono meeshii lagu qaban lahaa shirka wakhtigii iyo tiradda Ergada in kastoo hadda aan wax isla yare tibaaxnay laakiin go’aanka kama dambaysata ah waxaa iska leh waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Mareexaan waxaana filayaa in uu qabsoomi doono shirka ayna ka soo bixi doonaan wax miro dhala la midoobida  DGPL.

 

Qorahay Online.  Mudane, Su’aasha ugu dambaysa ee aan kuw aydiinayo waxay tahay Beelaha Dega Gobolka Galgaduud ee kale ee danaynaya in ay ku soo biiraan DGPL sida aad ka warqabto wax ma nooga sheegi kartaa?.

 

Hilowle, sida aad la socoto, labada Gobol Mudug iyo Galgaduud waa labo Gobol oo daris ah ayna ku noolyihiin dad walaalo ah oo aan kala maarmi Karin waxaana lagama maarmaan ah sida Dastuurka Federaalku qorayo in cid waliba ay danaynayso in ay la midowdo Gobol ama qoomiyad cidii ay is fahmi karaan ama ay wax wada qaybsankaraan marka waxaan la socdaa oo madaxdooda Dawlada Federaalka ku jirta aan wada xiriirnaa Beelaha aan wada degno sida Dirta iyo Saleebaanka waliba koonfurta Gaalkacyo Beesha Sacad qaarka mid ah in ay danaynayaan in nabad ku wada noolaanshaha iyo wax wada qaybsiga labada Gobol inta ayna imaan Dawlada Federaalka wadanka qaarka mid ahna ay haddaba nala joogaan Caasimadda Garoowe ama ay idaacadaha uga dhawaaqeen in ay la midoobayaan DGPL.

 

Waraysigaan waxaa qaaday Wariyaha Shabakada Wararka qorahay Online ee Magaaladda Garoowe A.M.C



axmedmaxamed calimaxamuud
axmeddool55@hotmail.com

 

 

 

allgedo@allgedo.com

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com