HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK | SIGN/VIEW: GUESTBOOK    

 

G.E.D.O.
Luq Education Development Project
 

 

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 
Waraysi ku saabsan Wada hadal Puntland iyo Caabud waaq   


Wariye: Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare”
Laascaanood, Puntland, SOMALIA (Allgedo) - January 10, 2005

 




   
 

 

Hilowle Aden Maxamuud

allgedo.com

Sida aad la socoteen Baryahan waxaa deegaanada Puntland ku sugnaa Wafdi ka socday degmooyinka Caabudwaaq, Balanbal iyo Dhabad oo halkan ka waday bal sidii ay Maamulka Punt Land ugu soo biiri lahaayeen, haddaba bal si aynu xog badan uga helno ujeedooyinka ka denbeeya arintaasi waxaan waraysi la yeelanay qaarka mid ah xubnaha howshaasi u jooga Caasimada Maamulka Puntland ee Garowe.

 

 

Hilowle Aden Maxamuud waxaa uu yahay Guddoomiyaha  wafdiga howshaasi wada ee jooga Garowe . Wariyaheena  Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare” oo bilihii ugu danbeeyay Socdaal ku marayay Soomaaliya haatanse ku sugan Magaalada xarunta u ah Gobolka Sool ee Laascaanood, iyadoo uu soo gaaray  manta gelinkii hore.

 

Haddaba Garyare inta uusan ka soo bixin Garowe saacad un ka hore ayuu waxa uu la kulmay Hilowle Aden Maxamud oo ah  ninka hogaaminaya wafdikaasi aanu soo sheegnay,waxaana uu garyare ka waraystay arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay arinta uu Garowe u yimid Hilowle  arinta Doorashadii dhawaan ka dhacday Magaallada Garowe iyo sida ay ula muuqato dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Col,C/laahi Yuusuf Axmed.


 

Waraysigiina waxaa uu u dhacay sidan:-

 
 

“Wariye Garyare”  Hilowle waxaad iiga warantaa bal halka ay idiin mareeyso howshii aad u joogteen Caasimada Puntland ee Garowe taasoo ahayd in aad kusoo dartaan Puntland degmooyinka Caabud-waaq, Dhabad iyo Balanballe bal meesha ay ku danbeeysay?

 

“ Guddoomiye Hilowle” Marka hore Garyare waan kuu mahadcelinayaa adiga iyo shabakadda aad ka socoto intaba marka xigtaa haddii aan u soo laabto Su’aasha aad iweydiisay waxaan kuu sheegayaa in arintan aan kala hadlay in badan oo ka mid ah raga Magaca ku leh Puntland  oo ay ka mid yihiin Madaxdii hore ee Puntland, sidoo kale waxaan la kulmay qaar ka mid ah isimada Puntland oo aan u soo bandhignay arinta aan u joogno Garowe,waxaana ay dhamaadtood inoo sheegeen inay soo dhaweynayaan diyaarna ay u yihiin howshaasi, laakiin waxaad ogaataa in dadka aan arintan kala hadalnay ay ku mashquul sanaayeen howsha doorashada Puntland oo iminka dhamaatay, waxaana dhihi karaa iminka gaba gabo ayay inoo mareeysaa Garyare.

 

“Wariye Garyare”  waxaan la soconaa Hilowle in marka laga hadlayo Gobolka Galguduud oo qeyb ka mid ah aad adiga ka socoto inay idin la degan yihiin dad kale, kuwasoo xaruntooda tahay Dhuusamareeb iyo Cadaado oo labada laga yaabo inay qabaan kifrado ka duwan mida aad u joogtaan Garowe, haddba haddii ay taasi jirto ma is leedahay inay caqabad ku noqon karto howsha aad inbadan u joogtay Puntland?

 

“ Guddoomiye Hilowle” anaga waxaan ka mid nahay dadka dega Gobolka Galguduud waxaana xaq u leenahay inaan ka mid noqono Maamulka aan markaasi la hishiino, waxaana arinta aan wadno nagu dhiri geliyay dhisitaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qodobka 11-aad ee ku yaal dastuurka Dalka kaasoo sheegaya in Gobolada Soomaaliya ay isku raaci karaan laba iyo in  ka badan, iyadoo ay arintaasi jirto ayaan hadana waxaan qabaa in kalsooni aan arintan uga heli doono dadka kale ee aanu wada degno Gobolka oo ay xaruntiisu tahay Dhuusamareeb, waxaadna ogaataa in dadka gobolka Galguduud ay daashatay dagaalo sokeeye oo soo noq noqday, taasi si looga baxo waxaan filayaa in dadka wada dega Gobolka ay nala qaadi doonaan howsha culus ee aanu ku jirno waana ku rajo weynahay arintaasi in lagu guuleysto.

 

“Wariye Garyare”  Haddii ay dhacdo in ay arinta aad wadaan ay gaashaanka ku dhuftaan Reer caadaado iyo Dhuusamareeb ma waxaad yeeli doontaan in  aad si toos ah ugu soo xirtaan Degmooyinka Caabud waaq, Dhabad iyo Balanballe ama waxay arintu noqon doontaa mid lagu kala tago?

 

“ Guddoomiye Hilowle” Horta anaga waxaan nahay Garyare xiriiriyeyaal u kala dab qaadaya dadka aan ka socono iyo Maamulka Puntland go’aan ka u danbeeya waxaa iska leh Siyaasiyiinta iyo isimada, waxaana aana wadnaa oo kaliya arin ah islaax beynanaas, laakiin ma jirto dad aan ku qas beyno inay nagula soo darsamaan Maamulka Puntland iyo cid aan arintaasi u diideyno in taba, waxaana naga go'an inanu isku keenu dadka aan ka socono iyo dadka haya Maamulka Puntland, waxaana jecelahay inaan idin xasuusiyo inay dhici karto qaabka haatan loo wada degan yahay Gobolka Mudug oo qeyb ka mid ah uu ka jiro Maamulka Puntland, taasina way dhici kartaa.

 

“Wariye Garyare”  8-dii bishan waxaa la doortay Madaxweynihii Puntland iyo ku xigeenkii meeshii ay ka dheceysay waad joogtay, haddaba maadaama aad qorshaha uu idiinku jiro in aad ku soo darsantaan Maamulka Puntland sidee ayay kuula muuqatay qaabka ay u dhacday Doorashadaasi Hilowle?

 

“ Guddoomiye Hilowle” Waxaan anaga nahay Garyare dad marti u ah Maamulka Puntland, waxaadna ogaataa marka ay doorasho socoto waxaad arki kartaa kala jiidasho ay wadaan qolyaha doorashada ku jira, laakiin anaga ma jirto cid aan gaar u soo dhaweysaneyno ama u riixeyno, laakiin waxaana dhihi karaa inay u dhacday si aad u wanaagsan, haddii aan mid kaa iraahdo raga maanta noqday Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaa horey inoo dhexmaray wada hadal  ku saabsanaa arintan, waxaana markasta aan ku rajo weynahay inay arintaasi wax ka qaban doonaan insha allaah.

 

“Wariye Garyare”  Su’aal kale haddii aan ku weydiiyo waxay  tahay waxay soomaalida oo dhan la socotaa in xukuumad loogu soo dhisay Dalka Kenya  taasoo uu Madaxweyne ka yahay Col,C/laahi Yuusuf Axmed oo horay Madaxweyne uga ahaan jiray Maamulkan aad hamineysaan in aad ka mid noqotaan,iyadoo uu xitaa Madaxweyne Col,C/laahi Yuusuf uu soo magacabay laba jeer Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi sidee haddba u aragtaa dowladaasi?

 

 

“ Guddoomiye Hilowle” Horta shaqsiyan waxaan ka mid ahaa ergadii Kenya u fadhiday sidii lagu dhisi lahaa Dowlad dhexe oo Soomaaliyeed, waxaan u soo taagnaa doorashadii baarlmaanka, doorashadii Col.C/laahi Yuusuf Axmed loogu doortay Madaxweynaha waan  joogay, waxaan sidoo kale joogay magacaabistii Cali Maxamed Geedi  loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, laakiin waxaan filayaa in Dowladan ay hortaalo caqabado badan taasoo ay ka socon weysay Dowladii aan aniga xildhibaanka ka ahaa ee lagu soo dhisay Carta Dalka Jabuuti, haddiise raga hogaamiyayaasha ah ay ku bilowbaan sidii loo meel marin lahaa Dowladaasi waxaan filayaa inay guul gaari doonto.

 

“Wariye Garyare”  Hilowle waxaad ka mid ahayd Xildhibaanadii Dowladii Carta lagu soo dhisay ee uu Madaxweynaha ka ahaa Dr,C/qassim Salaad Xasan, haddaba hadii aad isku eegto Dowladan cusub ee Soomaaliya u dhalatay iyo tii aad ka mid ahayd maxaad is leedahay  way ku kala duwan yihiin?

 

“ Guddoomiye Hilowle” Raga inta badan ka midka ah baarlamaanka iminka Soomaaliya loo dhisay waxaan is leeyahay waxaad isku leedihiin aqoon badan maadaama aan wada joognay mudo labo sano ah,waxaan is leeyahy way ku kala duwan yihiin waxaa ugu horeeyo iyada oo ay baarlamaankan yihiin rag u badan hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya xooga ku leh, waxaadna arki kartaa iyagoo xildhibaan ah inuusan wali ka lug bixin maleeshiyadii uu Madaxda ka ahaa, halka baarlamankii Carta ay ahaayeen rag aqoonyahano ah oo ka dhex yimid Umada Soomaaliyeed, waxaan intaasi ku dari lahaa in Madaxweynaha Soomaaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed ay ka go’an tahay sidii uu wax ugu qaban lahaa Soomaalida kala burburtay, laakiin waxaa ku gadaaman rag aan talo lahayn oo wixii uu qaban lahaa ka leexinaya, waxaanse ku soo afmeeri lahaa ma u maleeynayo inay noqon karaan sidii Xukuumadii Carta oo kale.

 

Kaasina waxaa uu ahaa Guddoomiyaha wafdiga ka socda degmooyinka Caabudwaaq, Dhabad iyo Balanballe ee howsha wada hadalka ah u jooga Caasimada Maamul Goboleedka Puntland  ee Garowe Md. Hilowle Aden Maxamud oo u waramayay Wariyaheena Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare” oo Socdaal howled ku maraya Soomaaliya haatanse ku sugan Magaalada Xarunta u ah Gobolka Sool oo uu soo gaaray Maanta  gelinkii hore.

 


 

WQ, Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare” Laascaanood,Puntland,Somalia

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com
 

 

 

allgedo@allgedo.com

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com