ISLAAM-KA, Kirismis-ka
iyo Happy New Year-ka
_______________________________________
Bismillahi, Alxamdulillaah.
Walaalayaal sidaad
lasocotaan-ba waxaa lugu jiraa sanad cusub
ee 2005,hadaba walaalayaal dadka aan haysan
diinta Islaam-ka ee gaalada ahi waxay u
dabaal dagayaan sannad-kaan cusub (Happy New
year),maalmo ka horna waxay u
dabaal-dagayeen ciidoodii kirismiska (christmas),sidoo
kale waxaa ciidahaan u dabaal-dagaya dadka
Islaam-ka sheegta balse run ahaantii
Munaafiqiin ah, waayo Islaam-ku maahan
sheegasho ee waa ku dhaqan. Qofkii ku dhaqma
wax aan diinteena Islaam-ku raalli ka ahayna
wuxuu kamid noqonayaa qolada uu falkaas kaga
dayday ama ku raacay,tusaale ahaan: qofkii
ciida kirismis-ka ama Happy New year-ka wax
uga dabaal-daga hadana Islaam sheegta waa
beenlow, wuxuuna kamid yahay gaalada uu
ladabaaldagayo waayo Islaam-ku wuxuu
leeyahay 2ciidood,gaaladuna intay doonto (ciidood)
hala-haatee qof-kii ladabaaldaga ayaka ayuu
kamid yahay.Taas-na waxaa daliil ama caddayn
u ah xadiis-kii (xadith) Nabigeena (C.S.W)
uu ku yiri "QOFKII QOLO ISU EKAYSIIYA AYAKA
AYUU KAMID YAHAY". Hadaba walaalayaal mar
haday sidaas tahay soo ma haboona inaan ka
dheeraano fitnadaas?. Xitaa waxaa
walaalayaal aan diinteenu ogalayn inaan
muujino shucuur farxadeed ama isu hambalyayn,
waayo markii aad maanta la faraxdid birri
caadi baad ula dabaaldagaysaa "wadiiqada yar
wadada wayn bay kugu ridaa".
Waxaa is waydiin leh
ayaku (gaaladu) markii anaku islaam ahaan
aan ciidayno manala ciidaan mase nala
farxaan?. Aqristow adiga ayaan kuu daayey
jawaabta su'aashaas.
Walaalayaal sideedaba
gaalada iyo islaam-ka waxba iskuguma
qasna,waxna isuguma jiraan, xiriir-ka
gaalada iyo Islaam-ka ka dhexeeyaa waa
cadaawad,isnacayb iyo dagaal. Nabigeenu (C.S.W)
wuxuu xadiis ku yiri "jid hadaad isaga hor
timaadaan nin gaal ah waa inaad ku
ciriirisaa", hadaba hadii layiri waa inaan
jid-ka ku ciriirinaa xagee bay joogtaa inaan
la faraxno ama la ciidno!!. Anugu waxaan-ba
oran lahaa markii ay gaaladu ciidayaan ama
faraxsanyihiin waa inaan anaku ka xumaanaa
oo caro muujinaa.
Waxaan ugu nasteexaynayaa
dadka Islaam-ka ah gaar ahaan soomaalida
inay iska ilaaliyaan inay gaalada kala qayb
qaataan ciidohoodaan ama ay muujiyaan wax
farxad ah oo ku aadan ciidohooda. Waxaan si
gaar ah ugu nasteexaynayaa dadka ku nool
wadamada gaalada inay is ilaaliyaan oo ay
diintooda ku dhawrsanaadaan.
Walaalayaal waxba kuma
jabna inaan taariikhdaan miilaadiga ah
xisaabsano, laakiin waxaan haboonayn inaan
ku hilmaamno taariikhdeenii hijriga ahayd,
waxaa markasta haboon inaan taariikhdeena
hijriga ah hormarino oo aan mudnaanta
koowaad siino,waxaan hubaa in badan oo naga
mid ah hadii lawaydiiyo inta ay marayso
taariikhdeenna hijirigu inaysan garanayn
taasina waa nasiib darro. Waxaa xusid mudan
macallim iskuul ii dhigi jiray oo hada
dhintay (raxmatullaahi calayhi) markuu
sabuurada ku qorayo taariikhda wuxuu samayn
jiray, taariikhda miilaadiga ah wuxuu ku
qori jiray far aad u yar-yar,taariikhdeena
hijrigana far aad u waawayn buu ku qori
jiray. sidaas ayaana haboon in qof kasta oo
naga mid ah uu mudnaanta koowaad siiyo
taariikhdeenna hijriga ah.
Waxaan u hambalyaynayaa
wadaadada maxkamadaha islaamiga ah ee ka
jira Muqdisho sida kartida leh ee ay u hor
istaageen xafladihii ay dabadhilifyadu kusoo
dhawaynayeen ciiddaan gaalada ee Happy New
Year-ka.