Beled-Xaawo, SOMALIA - Waxaa
shabakadda Allgedo u suurta gashay in ay wareysi
la yeelato ku xigeenka guddoomiyaha ururka SNF/SRRC
Col. Baalle Ibraahim Cabdi isaga oo jooga
magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, waxana
wareystay weriyaheenna Allgedo ee magaalada
Beledxaawo Cabdullaahi Cali Kaalmooy, waxana
wareysigii uu u dhacay sidan: -
Allgedo:
Col. Baalle waxaad iiga warrantaa nabaddii aad
ka waddeen degaankan Daawo ee ka socotay
magaalada Beledxaawo ma dhaqan gashay?
Col. Baalle:
Nabadii ilaa lixda bilood soo jiitameysay waxay
dhaqan gashay 5/1/2005 waana Ilaahay mahaddiisa,
waxaan isu keennay maleeshiyaadkii ay colaadda
ka dhexeysay ee gobolkan Gedo oo aannu heshiis
dhex dhignay.
Allgedo:
Yaa idinku gacan qabtay oo gacan idinku siiyay
si nabad aad u gartaan?
Col. Baalle:
Waxa nabadda iska kaashaday dowladda aan deriska
nahay ee Ethiopia iyo ururka SNF/SSRC, iyo
weliba odayaasha dhaqanka ee beesha SADE.
Allgedo:
Sida aad ka war qabtaan waxaa dhowaan laga
yaabaa in dalka la keeno ciidammo Afrikaan ah,
haddaba haddii ay dhacdo in ciidammo Afrikaan ah
la keeno dalka sidee ayaad ka Urur ahaan u
aragtaan ?
Col. Baalle
Waanu soo dhaweynaynaa ciidamadaas iskaashi
baana la sameynaynaa, weliba gacma furan baan ku
soo dhaweynaynaa si nabad loogu soo dabbaalo
dalka Soomaaliya.
Allgedo: Haddaan
ku laabto dhanka Maleeshiyaadka aad isku darteen,
Hadii aad isku darteen maleysiyaadka ma wax
dhib ah baa dhexyaala malleeshiyooyinkiina
maadama ay horey colaad ugu dhexeysay?
Col. Baalle:
Wwax dhib ah oo dhex yaala ma lahan waana
heshiisiinay, keliya waxaa noo daran waa
saadkoodii iyo raashiinkoodii sidaan ku heli
lahayn, maadaama aanan dhaqaale u haynin.
Allgedo:
Col. Baalle ma ku qanacsan tihiin xubnaha
wasiirrada ee hadda la dhisay inta ay ka heshay
beesha SADE?
Col. Baalle:
Haa waan ku qanacsan nahay maxaa yeelay xil uma
aragnee xal baan u aragnaa, wax walbana xalkaa
nooga muhiimsan.
Allgedo:
Waxa jirta in ay kormeer ku aadayaan qaar ka mid
ah ururka SNF/SSRC qaar degmooyinka kale ee
gobalka Gedo ka mid ah, arintaa maxa ka jira?
Col. Baalle:
Haa, waa jirtaa arintaa in ay baxayaan
qaar ururka xibnahiisa ka tirsan oo ay
adayaan degmoyinka gobolka.
Allgedo:
Wax dhisid ama badelaad ururka iyo maamuladda ka
jira degmooyinka uu ka taliya ururka SNF/SSRC ma
jiraan arintaa?
Col. Baalle:
Weli ma jiraan hadda, laakiin horta ha hirgasho
nabada hadda la wada oo socota kadib haa.
Allgedo:
Waxaa jira beelo wax kala tabanayo ama beelo
laga gubay suuqyadoodii ama guryahoodii maxad ku
xaliseen arrintaas?
Col. Baalle:
Beelaha ay dhex martay xoola kala qaadasho ama
guri gubis waxan u sameynay guddi ka kooban
odayaasha dhaqanka ee dadka ay wax ka dhexeeyeen
dhex dhaxadiya, waana la wadaa hawshaas.
Kaas waxuu ahaa Col. Baalle Ibraahim
Cabdi oo ah Guddoomiye ku xigeenka ururka SNF/SSRC
oo aan wareysiga kaga qadnay xafiiska allgedo ee
degmada Beledxaawo.