- maraaxiisha taxan ee kala guurka koriinka & hagista
ababkiisa ayey ka dhalataa nooca shaqsiga & qadarka khibradiisa,
taasoo sal unoqata horukac/dibdhaca soo foodsaara
- Nolashu waa sida mowjadaha bada oo aan kala go’ laheyn tasoo
ka buuxaan kheyr & shar
- Insaankuna waxaa uu halgan joogta kula jiraa sabada ku
xeeran, isla markaa halgan lamid ah taasna kula jiraa sidii uu
kasban lahaa sharaf & ixtiraam bulshada dhexdeeda.
waxuuna kala kulmaa kufis faro badan, noqdaana “dhibane” naftiis
tasoo mar walba oo uu jilbo murxo u kordhisa waayo aragnimo & isku
tashi, ma’ahan dadka meel sare gaarey inaaney kufin ee mar walba oo
ey kufaan adeyg & aadimi barasho ayaa u kordheysey.
taa darted jiilwalba oo dunidan soo mara, marwalba waxaa ku jira
cadad tirsan ee gaara horumar shaqsiyadeed. Waa dad caadi ah kase
dhexmuuqda asaagood.
- Waxaad maqasha dad kasbadey magac&mansab,maal&aqoon waxey
fahmeen sidii lugu gaari lahaa joogteeyeena dedaal adiguna lamid
baad tahey!!!
Sifooyin ah, karti, go’aan, dulqaad, ayey sitaan, fahmaana
xaqiiqooyinka gudahooda & dabaro aaney sidan inta kale.
Iska dulqaad habeenka dheer ee aad jiiftey, feyd daruuraha ku
dulhogan ee cajsiga & qalbijabka, 1000 mile ninka jooga maalin un
buu halka aad taagan tahey amase ka hoos taagnaa.
- Biyo-xoownimada aqoonta,ilmaha,hantida,hu’&hoy-sare waa sida
muraayad weyneyso ahoo dadku si fiican kuugu hogtaan abuurtana
isku kalsami,xabiibtinada dadka
- waa inaad miisaan saartaa inta aad u jirto ilaah, ku
xirnaanta alle waa hubka ugu weyn ee haganka nolasha
Horukaca shaqsiku waa mid sahlan,waana markii imkaaniyaadka &
qalabkii uu helo.
- Markii si run ah aad iskula falgashid lana xariirtid
dareemayaashaada, rabitaankaaga,&baahidaada waxaad isku xirtey
habdhiska dareensidka gudaha&habdhaqankii dibada.
Waxaana kadhasha qofmiisaaman, oo, kala-reeban maxsuulkuna, waa
farxad, jaceyl,qadarin,ixtiraam,oo ahaa sifooyin asalka ahaa ku
aasna qaabdhismeedkaaga oo dusha un soo marey.
Balse markii aad xumaan, fahamdaro, kala kulanto bulshada,waxaa un
habow ka noqotey qaayadii nolasha oo aheyd in insaanku dhexyaal
degaal qabow,waxaana ku kadiyey dhoola cadeynta beenta ah (fake
smile), waxaana si ku meelgaar ah u kala go’an adiga & xisaabtankii
dareemayaashaada gudaha.
Mar walba oo aad gaari weydo wixii aad dooneysey, waxaa un jira
kala go dahsoon.
Xaqiiqatan dunida aad ku nooshey waa un humaag celiye
dhaqankaaga, sidoo kale inta kale waxey u tahey falceliye suuro
galna weeye inaad saameyn ku yeelato aragtidooda, hana noqoto in
salaanta lagaaga leexdo amase meylal lagooga soo safro aragtidaada.
Marwalba oo aad aragto caqabado ku horyaal dib u kici
dareemayaasha soo celi awoodaada,garo inaad leedahey awooda
Bedelis. Hadii xubin kaa jabto waxaa heli kartaa fursadihii lagu
bogsiin lahaa. hadii tareenka nolasha aad ka dhacdo, khladku waa
adigee agow inaan cidi kuu maqneyn.
iska ilow inaad qeryrkaa kula calaacasho talobixin guriga hoos
kaxiro oo dheh::: aniga ayaa ka mas’uul ah khaladkaan waa inaan ka
baxaa. Waan inkudhexyaasanaheye waa inaan is agaasimaa etc!!!!!
Fahamka khaladku waa furihii aad ku furi laheyd irdaha hormumarka,
oo ah safarkii ugu horeeyey ee aad ku tegi laheyd caalamkan.
Waa lama huraan inaad sidato aaladaha fahamka, si aad iskaga
wareejiso carqalaha hortaagan horukacaaga aalad walba waxey ku
caawineysaa kun goor inta aad meerahan dul socoto.
Horukaca waa mid dhex-libirsan shaqsiga, lagumana cabiro jinsiga,&
dhalasho,sidoo kale horumarka shaqsigu kuma timaado nasiib,dhaxal,
magac, riyo & xitaa dabaqada uu ka soo jeedo.
Ee waxaa halbeega u ah kartida, besayl, fahamka waaqaca,
iskutashi, xadka & rabitaanka shatyga, odorista yoolka. Maamaah:
“ninkii aan horaantii soo guban ma yeesho mustaqbal ifa”, waxeyna
qolyaha cilmi nafsigu leeyijhiin waxa jira marxalado sal u ah
horumarka shaqsiga.
1:Sameyso bartilmaameed aad hiigsato:
xasuusnow halka aad taagan tahey, si cad u qeex una fiiri waxaad
dooneyso inaad gaarto,marwalba oo jidkii yool-tiigsigu lumo waxaa
qaadey jidad sharaf-dhaca, fowdo-nafeedka & is-hanan la’aan.
micno buuxa masameyneyso iney fog tahey amase adag tahey yoolku,
nuxurkuse waa adkeysi/dedaal.markii taasi waafaqdo jeceylka
ruuxdaada waxaad saantii ugu horeysey u qaadey dhabihii guusha.
2:Go’aan.
Waxaa la yiri safarku wuxuu leeyahey rarasho,sahey,& go’aan,
waxaa ugu adag go’aan qaadashada. qiimee sidaad u unki laheyd
doonista ka runsheeg oo xaqiiqso inaad jeceshahey.tuur
hayi-lakac,xiisahaba.
Go’aanso waxaad dooneyso si daad u kasban laheyd, ku darso
xisaabta halka aad ka dhutineyso/duldulaaladaada ka ilbax balwad,
waqti lumin, islaweni,arki jira-doone & raaxa badan, caqabad walba
oo ku gudban waxaa kaa dhigtaa bar,ka takhlus gudaha & dibada
gufafka ku owdan
caqabadaha mugdigu waa kuwa libra markii ifka horukaca aad shido.
Si aad u gaarto qaayadaada waa inan ka shaqeysiisaa awooda
kartida, nalka oo dansan waxaa kaa rabaa daaris ,macnihii markii aad
hesho shayga xogtiisa,ciribtiisa,ayuunbaad la xariiri , jaceylna kaa
galaa.
Sida jirku ugu baahan yahey biyo,cuno,hawo,nafaqo& macdan ayaa
ruuxduna ugu baahan tahey.
Xuska/Jaceylka alle & ku xirnaantiisa, doonis,himilo,
himo,deganaan, aqoon, ilaa ruuxdu hesho waxey u baahan tahey waa mid
aan qanacseneyn oo xabsi ku jirta.
Nafaqooyonku waa mid ey ku kala duwan yihiin degaanada & diimuhu.
Si ey u noqoto ruuxdu mid adag oo caafimaad qabta waa iney
quudataa nafaqooyinkan“vitamins”
1: nafaqada jaceylka alle & ku xirnaantiisa.
2: : nafaqada caawinta & barbaarinta waalidka.
3: : nafaqada xariirka ehalada & qaraabada (( maya qabyaalada)
4: : nafaqada asaagood & saaxiibo isku himilo ah.
5: : nafaqada isjeceylka naftiisa.
6: : nafaqada oorada & ilmahiisa.
Marwalba oo dhalaanku waayo barnaarin & ka warqabka waalidka
waxaa ka luma qabkiisa,& qiimahiisa waxaana kala go’a dabciga
gudahiisa& kan mujatmaca.
Sideed ku dhisi kartaa horukac?
Isdaris aqoon isku yeelo, baro dabciga badalka kaaga baahan &
qaab-badelkiisaba
¯
bedel hab dhaqankaaga,akhlaaqiyaadkaaga, saluugaaga,fikirkaaga,
¯
iibso xauus-haye, diiwaan gali barnaaijkaga,dul istaag oo milcso
maalin walba 10daqiiqo. Dhaweyso oo ka dhigo saaxiib,miyaad og tahey
saacad ka qaalisan saacad aad ku bixiso mustaqbalkaaga?
¯
qor oo daris caqabada kugu gudban, u beyr oo abaar jidadka kale
oo lugu gaaro horumarka.
¯
dareensii ruuxdaada raaxo intii un aad jiq ahaan laheyd, markii
aad hadleyso eeg indhaha qofka, iska saar istuska /nifaaqa/ /fudeydka
/ kaftanka badan oo qosal sita.
markale kafagow dabciga askarta:amar & eedeyn & inaad faalo aan
cidu kuu dirsan ku hafato!!!u tur diiwaankaaga malugu qorayo!!!!
noqo xaqiiq ku nool/run sheeg/dhab ah ”+” isla hanweyn
qaacidadan waxey kugu caawineysaa muxtaranimo.
¯
2:kalsami intee la’eg ayaad isku qabtaa % dadkuse kugu qabaan %
? hadii ey yar tahey is weydii sababka xaga caqliga, qoonta, la
dhaqanka, waayo-aragnimo la’aan etc.
Hor istaag muraayad,u xisaabtama adiga shaqsiga muraayada ka
muuqda sida labo aano kala gashey. Jawigaa kadib dareen sidayaashu
hanoqdeen sida qaar xabsi loo taxaabey.
3:diiwaan gali miraha marxalada & waliba sida ey u dhaceen
shaqsi ,xaalad, & marxalad ahaan.go’aanso inaaney dib udhicin &
waliba ku dabar cafis & samir.
If you head toward your goal with courage, and determination, all
the powers of the universe will be come to your aid.
***Ralph waldo Emerson***
hadii aad ku wajahdo himaladaad,go’aan & firfircoonaan xoogaga
dunidan oo dhan ayaa ku saacidi.
Unless there are correct thought, there cannot be any action, and
when there is correct thought, right action will follow
***Henry George***
ila la helo afkaar sax ah, luguma dhaqaaqi karo wax ficil ah,
markase fikrado saxa ah la helo, ficillo sax ah ayuun baa raaca.
Buddhist: we are what we think…with our thoughts we make our
world. Waxeynu nahey wixii aanu ku fakerno….anagoo sidana
afkaarteena ayaan dinidan wax qabanaa.
Greek philosopher: to find your self, think for your self.
Si aad isku ogaato adigu, bal iskafaker.
8:Choose your own thoughts, don’t let anyone else choose them for
you.
***David Lawrence Preston****
dooro ifkaartaada hana u ogalaan iney cid kale kuu doorto
When we change our attitude toward our selves. Everything else
changes as well, for our life is reflection of the way we feel
inside
****Dr mansukh Patel****
markii aanu bedelno habdhaqankeena, wax walba waa ey isbedelaan,
nolosheenu waxay un homaagcelin u tahay sida dareenka gudahu yahey.
self esteem isn’t everything, it just that there’s nothing
without it.
****Gloria steinem****
sharfida naftaadu ma’ahan wax walba gaartey.la’aanteedna waxba
lama gaaro
for any of as to be truly free, we must first be willing to be
responsible for our lives
****David McNally***
cid walba oo naga mid ah waa xor.ugu horeyntiina waa inaan
mas’uuliyada nafteena jecleysanaa.
we have to learn to be our own best friend because we fall to
easily it the trap of being our enemies.
****Roderick Thorp****
waa inaan baranaa saaxiibkeena wanaagsan.maxaa yeeley waxeyny si
sahlan ugu dhacnaa dabinada cadowga.
Ahmed kaxdage
kaligii_xisbi
kaxdage99@hotmail.co.uk