HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK | SIGN/VIEW: GUESTBOOK    

 

G.E.D.O.
Luq Education Development Project
 

 

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 
Ksimayo (Allgedo) - January 7, 2005
 
WAFDIGII UGU HOREEYEY EE U KUUR GALAYA QASAAROYINKII AY U GEEYSTEEN DUFAAMIHII SUNAMISKA EE KU DHUFTAY BADWAYNTA HINDIYA  XEEBAHA JUBBADA HOOSE
 

Wafdigaan oo ka koobnaa sadex xubnood una ka mid ahaa agaasimaha hay'ada afrik cabdi cali raage &labo xubnood oo ka tirsan hay'ada word concern,ayaa maanta ka soo dagay gigiga calamigaa ee kismaayo. 

Waxa ay isla saacadiiba bilaabeen hawlahooda u kur galida ayaga o soo indha indha indheeyay ugu horaynba jasiiradaha qandal ilaa fuma  oo ay ku soo arkeen raadadkii raadkii musibadii sunami ay ku yeelatay xeebaha gobolka jubbada hoose. 

Sidoo kalana wafdiga oo ku guda jiray xaalada qiimaynta dhibaatada soogaartay deegaanka kismaayo ayaa caawa soo gaba gabeeyay booqashadii ay ku tageen xeebaha waqooyi ee degmada kismaayo iyo gooba kale. 

Wafdigan oo noqonaya midkii ugu horeeyay ee u kuurgala waxyeeladii soogaartay dadka kunoolaa xeebaha g/jubbada hoose ayaa waxa ay maanta la kulmeen masuuliyiinta isbahaysiga dooxada jubba & madaxda ururada bulshada rayidkaa ee ku bahoobay dalada jubba net si loo balaariyo iskaashiga wax ka qabashada musiibada sunaami. 

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta ee dawlada F.K.M.G. ah xildhibaan barre aadan ahna ninka ugu sareeya taliska isbahaysiga ayaa maanta magacaabay gudi la hawl gala wafdigan iyo shaqoyinkiisa soona xaqiijiya inta uu le'egyahay qasaaraha ay gaysteen dufaanahani. 

Gudiga uu maanta magacaabay ayaa waxaa madax looga dhigay diblumaasi lagu magacaabo cabdi cartan oo ahaan jiray safiirka somalia u fadhiya dalka kanada ahna ninka madaxda u ah gudiga sahay gaarsiinta deeqaha ee g/jubbooyinka. 

Sikastaba ha ahaatee imaanshaha wafdigan kasocda hay'ada caalamigaa ee world concern,  mida maxaligaa ee afrik & kooxda ka socota ururada bulshada ayaa waxaa lagu wadaa in ay horseedo gar-gaar loo fidiyo dadka waxyeeladu soogaartay ayada oo laga shidaal qaadanayo dadka ku dhibaatoobay dhul gariirka sunaami ee ku dhuftay 11dal oo ay somalia ka mid tahay. 

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay ururada bulshada u ololaynayeen sidii ay hay'adaha samafalku markale ugu soo laaban lahaayeen gobolada jubboyinka oo ay sheegeen in ay ka jiraan xaalado bini aadanimo oo aad u xun.
 

Siyaabaha looga kala arkay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ka dib magacaabistii golaha wasiirrada ee dowladda Federaalka ku meel gaarka ah
 

Ka dib markii saakay lagu dhawaaqay golihii wasiirrada ee dowladda federaalka ee ku meel gaarka ee Soomaaliyeed ayaa waxa ay dadweynaha reer Sade ee gobolladani weli ka biyodiidsan yihiin habka loo qaybiyay wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada, waxana ay dad badan oo aan kala sheekeystay arrimahan magacaabista golaha wasiirradu ii sheegeen in habkan uuba dhaami lahaa kii ka horreeyay ee la diiday bishii hore. 

Golaha wasiirrada ayaa waxa ay dadka ku nool gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee ka soo jeeda beesha Sade ka filayeen in haddiiba la badiyay tirada golaha wasiirrada in iyaga qisim ka weyn kii hore ay helayaan, laakiin waaba ka dar oo dibi dhal ayey yiraahdeen. 

Dhanka kale waxa aan weli war ka soo saarin madaxda isbahaysiga dooxada Jubba iyo weliba madaxda SNF ee ku jira baarlamaanka ku meel gaarka ah iyo kuwa degaankan joogaba.

 

Deeqo Yuusuf (D/sonna)allgedo
Kismayo-Smalia

 

allgedo@allgedo.com

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com