HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 


WARBIXIN GAAR AH OO LA XARIIRTA SKUULADA DEGMADA LUUQ


By AHMED MOHAMED ADEN (TIMAJILIC)

Luuq, SOMALIA (Allgedo) - January 15, 2005



Dugsiga hoose ee Siinaay ee degmada Luuq

 


Luuq, SOMALIA - Magaalada Luuq waxa xilligii dowladdii Soomaaliyeed ay lahayd Dugsi hoose oo lagu magacaabi jiray Dugsiga Hoose ee Siinaay, waxana uu ka koobnaa 10 qol iyo laba xafiis, musqulahoodii iyo barxadda iskuulka, waxa uu ahaa iskuul ku yaallay xaafadda Sheekh Maxaad ee degmada Luuq,  Dugsigaas hoose waxa uu lahaa deyr ku wareegsan iyo barxad aad u weyn una bilicsan, waxa dhinaca uu ku hayay beeraha webiga Jubba, qalabkiisuna waa uu u dhammaa.  Dugsigaasi wuxuu ka koobnaa fasallada 1aad ee billowga ah illaa iyo fasalka 4aad ee dugsiga hoose, waxaa ku jiray oo dhigan jiray celcelis ahaan arday tiradooda lagu qiyaasay 228 arday in kasta oo tiradaas mararka qaarkood ay ka badanyeen, haddana waa sida qiyaastu ahayd.  

 

Dugsigaasi markii uu dalku burburay waxa uu ka badbaaday in gebi ahaanba la burburiyo, laakiin waxa laga biliqaystay dhammaan agabkii waxbarashada ee uu lahaa, waxana sidoo kale daryeel la’aan u baaba’ay dhismeyaashii iskuulkaasi uu lahaa, waxana meesha ka baxay derbigiisii wareegsanaa iyo daaqadihii iyo weliba albaabadii, iyo qaar ka mid ah jiingadaha iyada oo ay saqafyada ka hooseeya laamayeerigu wada baaba’een.


Waxaa uu dugsigan Siinaayo noqday mid ay isaga dambeeyeen ururro siyaasadeed iyo ciidammo sida kuwii Al itixaadka oo mar degay, kuwa SNF oo iyaguna mar degay iyo RRA oo sidoo kale ay kol xarun u ahaan jirtay, waxaa intaasba ka darnaa ciidammada Itoobiyaanku xilligii ay joogeen magaalada Luuq ayey waxa ay u ahayd goob ay ciidammadaasi degganaayeen qaybo ka mid ah.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa ugu dambeyntii uu dugsigani noqday goobo kala qoqoban oo ay deggan yihiin qoysas Soomaaliyeed oo aan haysannin meel kale oo malaha ayba degaan, waana ay kala googoosteen.  Sida sawirkaan ka muuqatana waxa la kala dhex dhigay barxaddiisii ood lagu kala xayndaabanayo iskuulkii Siinaay ee degmada Luuq.



Dugsiga dhexe ee degmada Luuq
 

 

Sidoo kale waxaa jiray dugsi dhexe oo ay degmada Luuq lahayd waxana uu ku yaallay welina raadkiisii ka sii muuqdaa inta u dhexeysa aargada iyo saldhigga booliska waxana uu dhinaca ku hayaa xabsiga degmada Luuq iyo xafiiska Asluubta.  Dugsigani waxa uu dhisme ahaan ka koobnaa 3 dhisme oo mid kasta uu ka koobnaa 2 fasal marka laga reebo kan ugu soo horreeya oo uu xafiis u dheeraa labada Fasal, isu geyn fasallada iskuulkan dhexe ayaa waxa ay ka koobnaayeen 6 fasal iyo xafiiskoodii, waxana dhigan jiray arday tiradoosa lagu qiyaaso 150 illaa 200 arday in kasta oo mararka qaarkood ayba ka badnaan jireen intaas. Waxana ay ahaayeen fasallada 5 aad illaa 8aad ee dugsiga dhexe.


Dugsigani isaguna waxa uu dhibaatada burburka la wadaagaa iskuullada kale ee degmada Luuq, wax loo reebtayna ma jiraan, waxa weliba uu dheer yahay in dhismihiisu uu ahaa kii Talyaaniga ee qadiimiga ahaa.  Waxana aad u yaraa dayactir soo dambeeyay oo lagu sameeyay.  Laakiin dhamman qalabkii yaallay waa ay baaba’een, waxna waa la bililiqaystay, waxana uu u baahan yahay dayctir xoog leh, waxana iminka deggan qoys ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed oo uu hoy u yahay.


Sida sawirka qaybo ka mid ah kaaga muuqata waxaad arkaysaa deyrkii ku wareegsanaa  iskuulka dhexe oo burburay iyo dhirtii waaweyneed oo qaar ahaan ku soo dudumay, waxa kale oo aad ku aragtaa carruur ka mid ah cidda deggan oo kubbado isaga dhex xayaaraya.


Si kastabase arrintu ha ahaatee waxa aanan idin tusi Karin waxa ay tahay gudaha iskuullada oo ah meelo ay qoysas deggan yihiin, mana jirto qol qura oo u muuqda inuu yahay mid waxbarasho lagu hayo, taasina waxa ay sababaysaa in aanay muhiim ahayn in aan reer qolkooda idiin soo sawiro, waxase aad ka qiyaas qaadataan in aanu qol keliyana ka shaqeynaynin meeshan.
 

 

Fiiro Gaar ah:
 

 

Qolalka iskuullada gebi ahaanba waxaa deggan qoysas Soomaaliyeed, waxana ay u yihiin HOY, sidaas awgeed, waxaa adkaatay in aan qoysaskaas guryahooda soo sawiro.  Teeda kale waxa aad ka qiyaas qaadataan in iskuullada dhexe iyo hooseba ay gebi ahaanba haysannin agabkii wax barashada ee iskuul uu lahaa sida kuraas, miisas, iyo weliba sabbuurado.

 

Dhanka kale waxaa jira iskuullo gaar ah oo PRIVATE ah oo ay shaqsiyaad iska leeyihiin oo min 10 qof camal dhigtaan ee kuwaasina waa kala teelteel illaa 5 ayaanan ku qiyaasi karaa.

 

 


Labada masawir ee ugu sareysa hadaad u fiirsato, waxaad dareemi kartaa in ay Iskuulada Degmada Luuq qaarkood u baahan yihiin dayacatir 
lacageed oo aad u balaaran, sidoo kalena haddii aad si fiican ugu kuur gasho masawirkan sare iyo labada masawir ee hoose, waxaad dareemi 
kartaan in dhismayaashii Iskuulada Degmada Luuq ay dad Soomaaliyeed ugu jiraan sidii guryo ay leeyihiin oo ay xataa Iskuulada hortooda ka 
dhisteen meelo ay u isticmaalaan (sidii fadhi, gole nasasho, ardaa, ama gamaas hadba sida aad u taqaanaan.)
 
 
 
 
 
 

 
 
 
Halkaan waxaad ku aragtaan Iskuuladii Luuq oo ay ku jiraan qoysas iyagu u isticmaalaya sidii guryahoodii
oo kale.  Caruurta ku hor ciyaareysa gidaarka (daarka ku wareegsanaa iskuulka, waxaraha dhex daaqaya iyo
dharka ku hor waran Iskuuladii waa loogu tala galay in ciyaalka Soomaaliyeed wax lagu baro ayaa ah 
calaamad cad oo na tuseysa baaxadda uu la egyahay burburka waxbarasho iyo dib u dhaca ubadka Soomaaliyeed.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Iskuulkaan waxuu ka mid yahay kuwa guryo ahaanta loogu jiro, ayada oo aad arkeyso in ay ciyaal ku ag
ciyaarayaan, sidoo kalena aad dareemi karto sida uu Iskuulkan ugu baahan yahay dayac tir guud ee banaanka 
iyo gudahaba leh.
 
 
 
 
 
 

 




Abuuristii Ururka waxbarashada ee Gedo Education Development Organization ee la aas-aasay December 25, 2004 iyo warbixintii la xariirtay 
(Riix halkan)


Cid alaale iyo cidii dooneysa in ay ka qeyb qaadato mashruucaan waxbarashada ee Ururka GEDO ee wajigiisa koowaad ka howl-geli doona Degmada Luuq ee Gobolka Gedo waxay lasoo xariiri kartaa Guddoomiyaha Ururka Mr. Axmed Farah Abdulahi oo ay cinwaanada lagala soo xariiri karo yihiin sidaan hoos ku qoran:
 

 

Ahmed Farah Abdulahi
farah04@email.franklin.edu
ahmedfarah69@yahoo.com
Tel. (614)313-4630 (Cell)

 
 
Warbixintaan sare waxaa noo soo diyaariyay Tifaftiraha Allgedo Online, Mr. Ahmed Mohamed Aden (Timajilic) oo isagu iminka ku sugan Degmada 
Luuq ee Gobolka Gedo, Somalia.



Ahmed Mohamed Aden (Timajilic)
Luuq, Somalia
ahmedtimajilic@fastmail.fm



allgedo@allgedo.com

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com