Guddoomiyaha Ururka Waxbarashada ee Gedo Education Development Organization
oo marka lasoo gaabiyo ah GEDO
Mr. Ahmed Farah Abdullaahi (Ahmed Yare) Faafin:
Allgedo, December 30, 2004
Bismilahi,
allgedo.com
Taariikhdu
markii ay aheyd December 25, 2004 ayaa waxaa
shir balaaran oo laga hagayay magaalada
Columbus, Ohio isugu yimid qaar jaaliyadda
reer Sade ka mid ah oo ku kala nool
magaalooyinka USA qaarkood. Shirkaan
oo u dhacay qaab is hor fadhi ah iyo mid
(Teleconference) ah ayaa u dhacay sidii
loogu tala galay oo is afgarad iyo is fahan
ay ku dheehneyd, taasoo la oran karo shirka
maalintaas dhacay waxuu ahaa mid u qabsoomay
sidii loogu tala galay. Ujeedada ugu
weyn ee shirkaan loo abaabulay ayaa aheyd
sidii loo soo nooleyn lahaa loona horumarin
lahaa waxbarashada Gobolka Gedo, gaar ahaan
tan Degmada Luuq. Wada hadal iyo dood
dheer oo ay dhamaan xubnihii shirkaas kasoo
qeyb galay is dhaafsadeen maalintaas ayaa
waxaa la'isla gartay in Dugsiga H/Dhexe ee
Degmada Luuq dib u habeyn lagu sameeyo, deg-degna
loo dayactiro, isla markaana dhaqsiyo loo
furo.
Shirkaan balaaran oo ay kasoo qeyb galeen
dadweyne aad u badnaa oo isugu jiray rag iyo
dumar ayaa dhamaan xubnihii shirkaas kasoo
qeyb galay oo dhan ay ka muuqatay xamaasad
iyo in ay u heelanaayeen sidii ay wax ugu
ugu qaban lahaayeen dhinaca waxbarashada
dadka walaalahood ah ee iyagu aanan muddo 15
sano ah wax barasho helin. Wada hadal
dheer iyo su'aalo iyo jawaabo ay xubnahaasi
is dhaafsadeen kaddib, guud ahaanba
qodobadii la'isla go'aamiyay waxaa ka mid
ahaa kuwaan:
1. Waxaa la'isla gartay isla meeshiina lagu magacaabay abuuris Urur
waxbarasho oo magaciisa la yiraahdo Gedo
Education Development
Organization oo marka lasoo gaabiyo ah (GEDO.)
2. Waxaa la abuuray guddi ka masuul noqon doona abaabulka
lacag uruurinta la xariirta mashruucaas waxbarasho ee loogu tala
galay in wejigiisa koowaad laga hergeliyo
Degmada Luuq, ayada oo aanay mustaqbalka
waxqabadka mashruucaan ama Ururkaan
waxbarasho ku ekaan doonin magaalada Luuq oo
kaliya ee uu u gudbi doono magaalooyinka ama
degmooyinka kale ee Gobolka Gedo.
3. In si deg-deg ah loo dayactiro loona furo Dugsiga H/Dhexe ee
Degmada Luuq.
Qaar ka mid ah magacyadii shirka maalintaas kasoo qeyb galay oo iyagu ku
nool North America, USA ayaa ah kuwan hoos ku qoran:
Xubnihii Guddiga Horumarinta Waxbarashada Gobolka Gedo oo maalintaas
la magacaabay waxay kala yihiin sidaan:
1. Ahmed Farah Abdullaahi (Madaxa
Gudiga)
2. Shaakir Mohamed Ibrahim (Xubin)
3. Abdirashiid Abdi Hassan Hoolaa (Xubin)
4. Seynab Ugaas Daahir (Xubin)
5. Ayaan Mohamed Ali (Xubin)
6. Ibrahim Tabay abaale (Lacag hayaha)
Fiiro gaar ah: In kasta oo ay
maalintaas xubnaha Columbus isugu yimid iyo
kuwa qadka soo galayba ay ku sugan yihiin
USA oo kaliya, waxaa la'isa gartay in
mustaqbalka dhow shirarka ku wajahan
mashruucaan wax barasho ee la qaban doono
lasii balaariyo lana gaarsiiyo sidii ay
tirada dadka iyo xubnaha ururkaas waxbarasho
ka tirsan loo sii balaarin lahaa oo loogu
fidin lahaa dhamaan wadamada dibadda oo dhan
iyo dalka Somalia gudahiisaba.
Sida aad masawiradaan ku aragtaanba, inkastoo aanan
la oran karin Degmada Luuq waxaa ka jirta waxbarasho tayo iyo tiro fiican leh, haddana
waxaa jira Iskuulo aanay sidaas tayadooda u fiicneyn oo ay dad yar wax ku bartaan.
Masawiradaan hoose hadaad u kuur gasho, waxaad arki doontaa in maanta Ururka la
aas-aasay ee u istaagay sidii uu wax uga qaban lahaa waxbarashada Gobolka Gedo,
gaar ahaan magaalada Luuq ay waajib ku tahay in uu gacan ka geysto horumarinta
waxbarashada Gobolka Gedo, gaar ahaan tan magaalada Luuq oo aan muddo 15 sano ah
wax barasho iyo dowlad toona helin.
Waa
macalin ka mid ah kuwa Degmada Luuq ee iskaa wax u qabso ku shaqeeya oo
arday
wax baraya
Waa
mid ka mid ah macalimiinta iskood isu xil qaama sidii ay dadka wax u bari
lahaayeen oo
arday waxbaraya
Waa
muuqaalka sare ee Dugsigii Dhexe ee Luuq oo aad dareemi karto in uu dayac tir weyn
u baahan yahay.
Waa
arday fadhida qaar ka mid ah fasalada Dugsiyada Luuq oo sida aad aragtaanba
aanan haysan miisas
ay buugaagta saartaan.
Cid alaale iyo cidii dooneysa in ay ka qeyb qaadato mashruucaan waxbarashada ee
Ururka GEDO ee wajigiisa koowaad ka howl-geli doona Degmada Luuq ee Gobolka Gedo
waxay lasoo xariiri kartaa Guddoomiyaha Ururka Mr. Axmed Farah Abdulahi oo ay
cinwaanada lagala soo xariiri karo yihiin sidaan hoos ku qoran: