HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK | SIGN/VIEW: GUESTBOOK    

 

G.E.D.O.
Luq Education Development Project
 

 

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 
 
                                             Waa wareysi gaar ah


Muqdishu, Somalia (Allgedo) - January 10, 2005

 

Waxa aan wareysi la yeeshay Yaxye Cabdirisaaq Soofe oo ka mid ah weriyeyaasha Allgedoedo oo aannu ka wareysannay xaaladda Muqdishoo isaga oo jooga magaalada Muqdisho waxana uu wareysigii u dhacay sidan:

 

 

Allgedo:  Fadlan Yaxye ku soo dhowow shabakadda Allgedo

 

Yaxye: Waan dhowahay, waadna mahadsan tahay

 

Allgedo:Waxaad iiga warrantaa sida dadka reer Muqdisho ay u arkaan dowladda Jimcihii la soo dhaafay lagu soo dhisay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya?

 

Yaxye: Dadka magaalada Muqdisho waxay isugu dhex jiraan kuwo dowladda taageersan oo soo dhoweynaya iyo kuwo aan soo dhoweynaynin oo diiddan, wayna is dhex yaallaan dadka magaalada Muqdisho dareenkooda ku aaddan dowladda Soomaaliyeed.

 

Allgedo:  waxaa dhowaan kulankii midowga afrika ee ka dhacay magaalada AddisAbaba lagu ansixiyay in mabda’ ahaan la geeyo Soomaaliya ciidammo afrikaan ah, arrinkaas sidee ayey dadka Muqdisho u dareemeen?

 

Yaxye:  Dadka reer Muqdisho waxay dhibaatada dowlad la’aantana la qabaan bulshada Soomaaliyeed ee dowlad la’aanta ahaa muddada dheer, waxana ay u oomman yihiin badankoodu in dowlad la helo, cid kastana way og tahay in ciidan dowladdaas dalka ku suga in uu muhiim yahay, waxase jira dad yar oo aan rabin in ciidan la keeno, laakiin waxaa badan bulshada inteeda diyaarka u ah in ciidan la keeno si kala dambeyn loo helo.

 

Allgedo: Waxaa maalmahaan la hadal hayaa in Dowladda laga soo dejiyo magaalada Baydhabo si ku meel gaar ah, haddaba sidee arrinkaas looga arkaa magaalada Muqdisho?

 

Yaxye: Sida xaqiiqada ah dadka magaalada Muqdisho waxa ay xiiseynayaan in dowladdu ay caasimaddii Muqdishu timaaddo laakiin waa jiraan dad u arka inaysan xilligaan suurto gal ahayn imaanshaheeda Muqdisho, marka waxaan dhihi karaa way ku kala qaybsan yihiin aragtidaas.

 

Allgedo: Waxaa la sheegayaa in ay jiraan ciidammo daraawiish iyo Boliska Puntland oo sida warar hoose ay sheegayaan ka imaanaya dhinaca Puntland oo ku socda magaalada Baydhabo si ay ugu sii googol xaaraan dowladda imaanshaheeda magaalada Baydhabo, arrimahaas maxaad kala socotaan, sideese loo arkaa?

 

Yaxye: Wax xaqiiqa ah oo arrintaas ku saabsan ma aanan maqlin, laakiin waan arkayay shabakadaha qaarkood oo arrintaas qoraya, waxase jirta in gobolka Bakool lagu sheegayay ciidammo Itoobiyaan ah, kolleyna waxa ay ka qayb yihiin kuwa Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

 

Allgedo:  Waad ku mahadsan tahay wareysigaas.

 

Yaxye:  Idinkana sidoo kale.

 

Kaasi waxa uu ahaa Yaxye Cabdirisaaq Soofe oo ah weriyaha sahabakadda Allgedo ee magaalada Muqdisho oo aannu ka wareysannay xaaladda Muqdisho isaga oo jooga magaalada Muqdisho

 



Ahmed Mohamed Aden (Timajilic)

Tifaftitaha Allgedo Online
ahmedtimajilic@hotmail.com


 


allgedo@allgedo.com

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com