HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

 

     SOO GUDBIN MAQAAL
 

Walaalayaal bahda allgedo.com waan idin salaamay waanad ku mahadsantihiin saxafadda xorta ee aad qortaan, haddana waxaan idiin soo gudbinayaa maqaal cusub oo la yiraahdo QABQABLE WAREEREY QABIIL BUU CUSKADAA.

 

1-Talo qab-qable + damanaan shacab + quus aqoonyahan + qayb-sanaan

     culimo = Qaran la’aan

2- Qaafanaan shacab +Han  qab-qable = Xabasho  dalka la keeno.

3- Qoqob gobol + qadarin Qori = qaybsanaan shacab.

4- Guubaabo colaad + dhago nuglaan dhallin = ciribtir shacab

5- Jaahil talo loo daayey + Maxishoode fursad qabiil helay + qabiil hamatul hamag ah =        

     wax-garad qaxooti ah.

6- Hayaayda qabiil + qadarin Qabqable = gablan hooyo

 


Sida ay arigtidaydu tahay 6da qodob ee kor ku xusan waa sida maanta haysata soomali wayn, oo ku jirtey mudo 14 sano ah dhibaato ay ugaysteen danaystayaal ku fakaraya afka buuxso  cidi kuma arkaysee. Waayo waxay heleen dad soomaaliyeed oo ay ku beer laxawsadaan  qabiilka iyagoo ku hanjaba  waxaan idinka hor joogaa in la idiin qabsado  marka keena taageero aan idinku difaaco. Marka  waxaa guubaabo bilaabo dad  aan wax garad ahayn oo u dhiiba qori dhilinta oo ay daroogeeyaan ka dib. Su’ aal,  majiraa qabqable qoyskiisa dan u haya? Jawaabtu waa maya, waayo hadey jirto hal qabqable oo qoykiisa dan u haya waxaa la heli lahaa xal.

 

Taasoo aan aaminsahanay waxa qoyskaa u dan ah ayaa soomaali oo dhan dan u ahaan lahayd . shacabka soomaaliyeedow   haddaanan tashan oo aan joojin waxa aan ku jirno waxa aan lamid noqon doonaa falastin oo aan u noqan doonaa dawladaha aan dariska nahay, ee u haliilaya in ay na qabsadaan ama na soo weeraan. Mar alla iyo markii qable uu fursadda ka bixi rabo waxaa taageera dad la beer laxawsado oo lagu beer laxawsado qabiil.marka xaajudu soo ma aha qabqable wareerey qabiil buu cuskadaa. waxaa xaqiiq ah in qabqablayaashu ay heshiis yihiin oo marka mid meel laga qabsado kan kale lacag ayuu u diraa taasoo ku kalifeysa in had iyo jeer iyaga loo baahnaado, arinkaa ka fakara soomaaliyeey.

 

 Hadaba ummad yahay damani khamaarka qablayaasha ay ku cayaarayaan dadkeena iyo dalkeena ma raali baan ka noqonaa?jawaabtu shacbkaan u daayey.xaqiiqdu waxa ay tahay in ay soomaali dal kala lahayn cid wax qabsato iyo cid laga qabsadeyna aysan jirin  taa waxaa daliil u ah qab-qablihii laga qabsadaa meel shacabku ma raacaan mise waxay joogaan guryahooda?  dhabtii shacab ma qaxaan ee waxaa carara waa dadka ay adeegsadaan iyo isaga. Dagaalka soomaaliduna ma’aha mid xaq ah, waxa uuna soconayaa inta fursadda qabiil ay helayaan qabqablayaashu. 

 

Ugu dandayn waxaan ku soo gunaanadayaa arigtideyda in aan laga caajisin wacgelinta shacabka si loo soo afjaro dhiaatada qab-qablayaasha kuwaasoo ku nool daadinta dhiigga shacaqbka Soomaaliyeed kuna dadaalaya inay dadka dalkaba cadow gacanta u galiyaan.

 

 

By  C/rahman B. Musse

Barremusse2003@hotmail.com

 



Fiiro gaar ah:  Fariinta uu wato qoraalka sare waxay gaar u tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan. 

 

 



allgedo@allgedo.com



 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com