Waxaanu wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelanay
Xildhibaan Maxamud Sayid Aaden ahna Gudoomiyaha SNF/SRRC.
Wareysigana wuxuu ku saabsan yahay xal u helida mushkiladda
Gobolka Gedo iyo guud ahaan siyaasada cayriinka ah ee Soomaaliya.
Allgedo:
Xildhibaan ku soo dhowoow allgedo online. Goormaa kuuga
dambeysay Gobolka Gedo?
Xildhibaan Sayid:
Waxaa iigu dambeysay sanadkan horraantiisii, laakiin mar walba
waan la xiriiraa oo waan ka war qabaa.
Allgedo:
Bal nooga waran xaalada guud ee nabad-gelyada iyo isu socodka
dadka iyo gaadiidka?
Xildhibaan Sayid:
Hadda Gobolka Gedo waa uu xasilloon yahay waana la isu socdaa
xaaladda guudna waa ay hagaagsan tahay.
Allgedo:Waa
sidee xaalada dhaqan- dhaqaale iyo midda bulsho ee gobolka?
Xildhibaan Sayid:
Gobolka dhaqaalihiisu waxa uu ku xiran yahay Soomaaliya inteeda
kale dadkuna waa ama xoola dhaqato ama beeraley ama ganacsato,
intabana haddaan loo helin suuq iyo meel lagu gado ganacsiga waa
iska hooseynayaa, laakiin dhaqan ahaan gobolka Gedo waa
gobollada Soomaaliya ugu xoolaha badan, webi iyo dhul beereed
leh, xudduudo waddamada aan dariska nahayna leh, waxaana la
dhihi karaa waa gobol qani ah.
Allgedo:
Gobolka Gedo waxa uu ka mid yahay gobollada ugu qanisan uguna
weyn dalka Soomaliya, maxaa keenay inuu noqdo mid aad ugu liita
xag kasta? Yaa isku heysta gobolka, maxaase la isku hayaa?
Xildhibaan Sayid:
Aadanaha kama dhamaado khilaaf mar walba, haddii uusan meel ka
jirin maamul iyo kala dambayn waxaa imaanayaa dhibaato dhan
kasta ah. Maalmahaan waxaa jiray in dhibatooyin yari ka soo
cusboonaadeen Gedo, gaar ahaan magaalooyinka DAAWO la isku
yiraahdo, magaalooyinkaasna waa kuwo uu mudo dheer ka soo jiray
khilaaf dheer oo ku saabsan gacan ku hayntooda waxa uuna ka
dhashay markii hore dagaal u dhaxeeyay ururka ITIXAAD iyo SNF,
waxii intaas ka dambeeyayna waxaa jiray dagaaladaas oo siyaabo
kala duwan u dhacayay, balse hadda wax badan ayaa iska badalay
oo waxaan samaynay wada hadalo xaaladduna meel laga dayriyo ma
joogto hadda.
Allgedo:
Maxaa hortaagan in nabad iyo xasaloni lagu soo dabaalo Gobolka?
Xildhibaan Sayid:
Sidaan horeyba kuugu sheegay dadku wuu is khilaafaa, khilaafkii
gobolka ka taagnaana wuxuu ka soo billowday gacan ku haynta
degmo kasta maamulkeeda, haddana xaalku sida la moodayo ma ahan
oo waa la heshiiyay. waxaan kaloo wadnaa wada hadalo waxaana
dirnay dhawaan xildhibaano deegaanadaas u dhashay, siyaasiyiinta
beeshana waa ku sugan yihiin waxaana socda wada hadalo nabadeed,
aniga ayaa dhawaan ka imid waxaana ku raja waynahay in wax badan
hagaagi doonaan. Dhinaca Kismaayana waxaa jira oo wada hadallo
ka wada Bare Aadan Shire dagaaladii ugu dambeeyay ee dhex maray
dadka deegaanka iyo Gen morgan ka dib.
Allgedo:
Waxaa jira warar sheegaya in faragelin shisheeye idinku kala
dhex jirto oo labada dhinacba hubaysanaysa, taas oo sababtay in
ay soo noqnoqdaan dagaallada gobolka Gedo, haddaba maxaa ka jira
arrintaas?
Xildhibaan Sayid:
Waxaa la yiri nin daad qaaday xumbo cuskay, inaan marba meel
eedda saarno waa wax aad u xun, Itoobiya ayaa laga hadlaa
Itoobiyana waa dal aan xuduud leennahay darisna nahay, Gen.
Morgan waa siyaasi aan isbahaysiga SRRC ku wada jirnay
Kismaayana waa tii laga saaray kaalmadii u dambaysana waxa uu ka
soo helay maamulka Puntland ee kama uusan soo helin Itoobiya
sida dad badan ay la socdaan, marka aniga ma aaminsani in ay
jirto arrinta lagu eedaynayo dowladda itoobiya in ay isku
hubayso dhinacyada isku haya Kismaayo iyo dhinacyada isku haya
Gedo midna, balse waa khilaaf u dhaxeeya Soomaalida kaliya.
Allgedo:
Ma waxaa la dhihi karaa dagaallada ka dhacay Gedo waxa ay ka soo
jeedaan shacabka reer Gedo ama Al-Itixaad oo keliya, sow
siyaasiyiintiinnaba lug kuma lihidiin?
Xildhibaan Sayid:
Horta waa sax taas, laakiin shacabka iyo wadaadaba qayb way ku
lahaayeen, maahan kaliya siyaasiyiinta waxa waday khilaafkan iyo
xal la'aanta ka jirta deegaamadaan, balse siyaasiyiinta wax
badan ayay ku dayeen in ay u sameeyaan nidaam guud oo hal meel
laga maamulo, nasiib darose marka la isku dayo in la dhameeyo
khilaafkaba meel ayay ka qaldamaysay sidaas ayayna wax ku dhismi
waayeen waxaanan ku rajo weyn nahay inaan wax badan ka beddelno
sida ay hadda tahay xaaladdu.
Allgedo:
Sidee lagu sixi karaa khaladaadkii horey u dhacay loogana
hortegi karaa dhicitaanka kuwa cusub?
Xildhibaan Sayid:
Waa wax laga xumaado in khaladaadkaasi ay dhaceen laakiin waxaa
looga hor tegi karaa iyada oo dadaal mideysan loo galo raadinta
xalka waxaa kale oo wax laga xumaado ah in intaas aysan waxba ka
soo baxin, laakiin waxaa halkaas isku hayay dagaalo xuna ku dhex
mareen sidaan horey kuugu sheegay ururka wadaada ah ee ITIXAAD
iyo Ururuka SNF oo dagaalo xun ku dhex mareen, wadaadaasna meel
fog kama imaanine waa niman degaanka ka yimid, waxii ka
dambeeyay waxaaa socday dagaalo kale, kuwii ugu dambeeyayna
waxay dhex mareen Gen. Morgan iyo Con. Barre Hiiraale laakiin
hadda wax wayn ma jiraan.
Allgedo:Dad
badan waxay qabaan waxa dagaalsan inay yihiin idinka
qabqableyaasha ah ee dadweynaha gobolka ay yihiin dad deegaan
iyo dhalashoba ka dhexeyso oo ay caadi u wada nool yiiin. Waxa
aad isku haysataana ay tahay dana gaar ah oo ku dhisan
daciifnima iyo raqiisnimo. Maxaad ka leedihiin eedeyntaas?
Xildhibaan Sayid:
Sida xaqiiqada ah annaga ama aan qabqablayaal ahaanno ama aan
siyaasiyiin ahaannee isma dagaalsanin, dadweynaha gobollada reer
SADE iyaguna isma dagaalsana, laakiin khilaafka ka soo billowday
xilligii Alitixaad ee ka dibna isku rogay hanashada gacan ku
haynta maamulka degmo ayaa sababay dagaallada, iyagiina waa la
xalliyay.
Allgedo:
Maxaa xal ah?
Xildhibaan Sayid:
Xalku waa sida hadda lagu guda jiro, waana ay hagaagaysaa insha
Allah, dadkana waa dad wada dhashay oo walaalo ah, ismana af
garan waayayaan.
Allgedo:
Sidee looga dhisi karaa maamul cadaalad ku dhisan Gobalka Gedo
oo dadkoo dhami mahadiyaan?
Xildhibaan Sayid:
Waxaan ku guda jirnaa inaan mar dhaw ka samayno maamul ku dhisan
cadaalad oo qof walba uu iska dhex arki karo, waxaana howshaas
wada hadda anaga oo ka nimid Gobolka Gedo iyo siyaasiyiin ka
tirsan beesha Sade oo ka yimid Jubbada Hoose waxana hadda socda
arrimahaas sidii loo dhamayn lahaa si uusan khilaaf kale u
imaanin, maamulkana waxa uu ku imaan karaa in la wada hadlo,
wada hadalkiina waa socdaa.
Allgedo:
Sow marka ma haboona in laga tashado dhamaan qeybaha kala duwan
ee ka soo jeeda gobalka oo dhan sidii loo hirgelin lahaa
sameynta maamul goboleed loo dhan yahay?
Xildhibaan Sayid:
Haa way habboon tahay, cid walba oo gobolka u dhalatayna waa
waajib saran in ay ku dadaasho wax u qabashada iyo horumarinta
siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee gobolka.
Allgedo:
Sidee baad u arataa mustaqbalka Dowlada Fadaraalka ah?
Xildhibaan Sayid:
Dowladdani waxa ay u dhalatay Soomaaliya, waxana aan Alle ka
baryaynaa in lagu guuleysto si caddaalad ahna wax loo dhiso.
Allgedo:
Sidee bay ku dhacday in adiga iyo ragii kale ee saxiixayaasha
ahaa oo shirka dib-u-heshiisiinta u matalayay beesha Sade aad
soo dhicin weyseen saamigii gobolada Sade ku lahaayeen qaranka
Soomaaliyeed?
Xildhibaan Sayid:
Shirkani waxa uu ahaa shir dib u heshiisiin, kolleyna
dadaalkeennu ma yareyn, Beeshayduna wasiirada kaga soo aaday ma
ahayn kuwa ay ku qanacsanaayeen jagadaas waxaana kala hadalnay
dowladdii kalsoonida lagala laabtay, hadda waxan filaynaa inaan
helno wasaarado ka wanaagsan kuwii aan horay u helnay.
Allgedo:
Dad badan ayaa qaba sababta keentay bahdilnimada la idinkugu
sameeyay inay ugu wacan tahay kala daadsanaantiina iyo kala
qeybsanaantiina. Maxaa ka jira arrintaas?
Xildhibaan Sayid:
Walaalle annagu maba kala qaybsanin.
Allgedo:
Wax xariir iyo wada shaqeyn ah ma idinka dhexeeyaa qolooyinkiina
ku jira baarlamaanka oo ka soo jeeda beesha Sade?
Xildhibaan Sayid:
Waa uu naga dhexeeyaa, waayo waxa aan ka soo wada jeednaa beel
keliya, waxana wax lagu qaybsanayaa waa hab beeleed, marka
sinaba xiriirkannagu isuma moogaan karo.
Allgedo:
Waxaa dad aqoonyahano idiin soo jeediyeen inaad iska casishaan
xubinamada baarlamaanka madaamaa aad ku guul dareysateen howshii
la idin diray Ma rumeysan tahaay inaa gudan weysay
waajibaadkaadii?
Xildhibaan Sayid:
Annagu waxaan metelnaa beeshayada, iyada ayuuna go’aanka ka
go’aa, waxana aan u shaqeynayno waa beeshayada.
Allgedo:
Waad mahadsan tahay mudane Maxamuud.
Xildhibaan Sayid: Adigaa
mudan.
Kaasi wuxuu ahaa Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo jooga
magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo u warramayay shabakadda war
baahinta ee Allgedo online.
Ahmed Mohamed Aden (Timajilic)