Hanbalyo aroos
Jan. 3, 2005
Maalin dhaweyd buu nin xajka in uu aado rabey waxaa uu arkay diyaarad
cagaaran oo geed hoostiis taal. Geedku higlo ayuu ahaa, waxaa ayna
diyaaraddu hoostiisa kaga dhuumatay saddex faras oo gadgaduudan, oo
geedka duleedkiisa ka cabbayey biyo qabow.
Xaajigu fardaha iyo biyaha uma uu jeedin, ee waxaa uu arkay diyaaradda
cagaaran oo dhabbacan geedka hoostiisa. Higlo waa geed uu midabkiisu
madow iyo cagaar isku jira yahay, oo ay diyaaradaha jinku hoostiisa kaga
dhuuntaan fardaha jinka.
Haddii ay fardaha jinku arkaan diyaaradaha jinka waxaa shirkaddii jinka
oo diyaaradda lahayd la ganaaxaa labo kumi iyo taano lacagta jinka ah.
Haddii uu faraska diraayadda arkay irmaan yahay ganaaxu waa labojibbaar,
oo waa sumuli dhan.
Bayloodkii diyaaraddu markii ay diyaaraddu fariisatay buu geedkii
higlada ahaa fuulay, oo laamo caleemo badan dhexdood buu ku dhuuntay si
aysan farduhu u ganaaxin. Higlada caleemeheeda qolo jin ah oo tirokoobay
waxaa ay ku sheegeen afar kun iyo shan boqol oo caleemood, laakiin
markii ay diyaaraddu degaysey baa waxaa ka daatay afartan iyo saddex
caleemood.
Bayloodka jinka ahi gacan buu geedka ku cuskan yahay, gacanna waxaa uu
ku haystaa tusbax madow oo uu hoos u laalaadinayo. Waxaa uu afka ku
hayaa oo uu tusbaxa ku tirinayaa wardi duco ah oo uu Rabbi ka baryayo in
aysan fardudu ganaaxin shirkadda diyaaradda leh.
Labada gacnood oo jinka midina bidix ma ay aha, oo labaduba waa midig,
laakiin jinka labka ah labadiisa xaniinyood mid baa bidix ah oo xaniinta
midig baa ragannimada jinka badankeeda fulisa. Jinka dhaddig laftiisa
labadiisa naas mid baa midig ah oo waxaa caano badan naaska midig,
waxaana dareen badan naaska midig oo gabar jin ah haddii lala cidloodo
waxaa habboon in naaskeeda midig aad iyo aad loo salaaxo.
Xaajiga insiga ah oo diyaaradda arkay iyo bayloodka jinka ah indhohoodu
isku nooc ma ay ah, oo haddii ay cirka eegaan waxaa xaajiga u muuqda cir
baluug ah iyo daruuro uu midabkoodu cawl iyo caddaan yahay. Waxaa kale
oo u muuqda qorrax uusan indhaha u dhammayn karin oo uusan si fiican u
fiirin karin oo kulul oo aad u cad.
Jinka indhihiisu midabka baluugga ah ma ay qabtaan, oo cirka jinku waa
uu gaduudan yahay, isla markaas daruuruhu waxaa ay ula eg yihiin ”saliid
macasaro”. Qorraxdu indhaha jinka waxba uma ay dhinto oo waxaa ay ula eg
tahay caano dhay ah, waxaana jinka har iyo habeen cirka uga muuqda
xiddigo badan oo badan.
Tusbaxa jinka oo geedka ka lusha ayuu xaajigu indhaha la raacay, waxaana
u muuqday baylood jinni ah oo xiran dabogaab kaaki ah iyo funaanad
dhaxameed madow. Xaajigu waxaa uu yiri: ”Ma cawobarideen”.
Fardhihii biyaha cabbayey baa isku mar madaxyada kor u qaaday, oo waxaa
ay soo eegeen geedka xaggiisa. Nasiib darro waxaa ay arkeen diyaaradda
cagaaran oo higlada hoosteeda dhabbacan.
Fardihii oo soo yaacay markii uu xaajigu arkay buu waxaa uu go’aan ku
gaarey in uu sanadkaan xajka ka baaqdo oo uu fardaha dhaco. Xaajigu
waxaa uu ku farxay fardaha fiicfiican oo baarriyaasha ah oo xaggiisa u
soo ordaya, bayloodkuna waxaa uu ogaadey in la ganaaxayo sumuli lacagta
jinka ah, waayo waxaa fardaha u soo horraysa geenyo irmaan.
Faras lab oo geenyada ka danbeeyey baa waxaa uu la soo baxay qalin qaali
ah iyo waraaq, waxaa uuna qoray in sumuli dhan ay shirkaddu bixiso.
Xaajigii waa uu qarracmay, waayo fardaha wax qoraya markii uu arkay buu
ogaadey in uu ku jiro degaan uu jin leeyahay.
Fardihii uu dhaci lahaa ayaga oo qoslaya ayey meeshoodii ku laabteen, oo
waxaa ay cabbayaan biyo xareed ah, isla markaas bayloodkii oo murugaysan
baa waxaa uu ka soo degey geedkii higlada ahaa, waxaa uuna bayloodkii
xaajiga ku yiri: ”Reer baadiye ayaad tahay, waayo waxaas oo ganaax ah
adiga ayaa shirkadda u soo jiidey”.
Diyaaradda guradeeda ayuu xaajigii eegay mase waxaa saaran gabar
qoslaysa oo jin ah. Markii uu gabadha u qoslaysa arkay buu fardihii
illaawey, waayo waxaa uu xaajigu jecel yahay dumarka fanaxda leh.
Af
aysan weligeed sigaar ku cabbin bay ku qoslaysaa. Naagaha jinka waxaa ka
xaaraan ah sigaarka, jaadka iyo ookiyaalaha. Xaajigu xaj iyo fardo midna
ma uu xasuusto, ee waxaa uu ku dhaygagay gabadha fiican oo kubabka
qaawan.
Naaseheeda waxaa la moodaa labo bakeeri oo la genbiyey, indheheeduna
waxaa ay u eg yihiin labo karbuuno oo isku mar la daaray. Surkeeda waxaa
la moodaa daasad khamro ah, ilkaheeduna waxaa ay u eg yihiin caano dhay
ah oo sonkoraysan. Carrabkeeda waxaa la moodaa xalwad cusub,
bushumeheeduna waxaa ay u eg yihiin jukutaad. Timeheeda waxaa la moodaa
qaansoroobaad, wajigeeduna waxaa uu la mid yahay barlammaan federaal ah.
Xaajigii xajka u socdey waxaa uu garabka fariistay gabadhii, waxaana la
duushay diyaaraddii jinka. Bayloodkii baa markii ay diyaaraddii hawada
gashay waxaa uu yiri: ”Xaggee baad u socotaa?”. Xaajigii asaga oo uu
qalbigiisu gabadha la jiro, oo aan waxa uu sheegayo maqlayn buu waxaa uu
yiri: ”Xajkii”!
Gabadhii waxaa ay fahamtey in uu xaajigu ka helay oo uu inshaa Allaahu
jeclaan doono, waxaa ayna ku soo jiifsatay xaajiga dhabtiisa. Dumarka
jinku suuro iyo isyeelyeel ma ay yaqaanniin, oo ninkii ka hela haddii ay
ayaguna ka helaan markiiba dhabtiisa ayey ku seexdaan ama gacanta ayey
qabsadaan ama garabka ayey qabsadaan. Gabar jin ah oo saaxiib lala
noqdaa waxaa ay ka faa’iido badan tahay saddex kun oo naagaha insiga ah
in isku mar lala saaxiibo.
Xaajigu waxaa uu qabaa labo xaas oo soomaali ah, weligiisna dhabtiisa
midina kuma ay jiifsan. Mid walaalkiis buu ka dumaaley, oo waxaa ay
habeen kasta ku caydaa in ninkeedii dhintay uu asaga ka fiicnaa, oo
uusan xaajigu macne lahayn. Midda kale markii ugu horraysey oo uu bartay
aad bay u suuro iyo been badnayd oo aad bay xaajiga u dhibtay,
dabadeedna waxaa ay ku dhibtay arooskii iyo aqalgalkii, waxaa ayna ka
soo jeedaa reero socod xun oo uusan xaajigu ku farxin sida ay ula soo
xariiraan.
Labadooda midna ma uu jecla, oo waxaa uu carruurta uga dhalaa oo uu
niyadda ku dhistaa in uusan markii uu la hurdo sino ku dhexjirin, ee uu
guurkusheeg xalaal ah ugu galmoodo. Xalaashaas ma aha ee sida kale oo
dhan waxaa uu dareemaa in uu khasaaray, oo uu noloshii adduunka ka
qaday. Sababta uu xajka u aadi lahaa waa in uu naago jannada aakhiro
lagu sheegay raajiciyo.
Waxaa uu ogaadey in haddii aakhiro uusan jannada dumar ka helin uu
labada daaroodba seegay, waayo xaasaska soomaalida ah oo uu qabaa ugama
ay duwana in uu naar ku jiro. Labadooduba hadalka si caadi ah uma ay
fahmaan oo waa ay dhoohan yihiin.
Alxamdu lillaahi! Gabadha jinka ahi aad bay ku faham fiican tahay, oo
xaajigu labadiisii xaas mar hore ayuu ka raystay, waxaana weli la
hadlaya bayloodkii oo leh: ”Xajkaaga ma aha ee iska bixi lacagtii
diyaaradda”.
Xaajigii waxaa uu jeebka ka soo saaray boqol doollar, waxaana mar kale
la hadlay bayloodkii oo ku yiri: ”Sallacalee! Lacag jin ma haysid miyaa?
Waa maxay lacagta insiga oo aad dhuunta naga soo
gelinaysaa?”. Bayloodku hadalkii ayuu sii watay, waxaa uuna yiri: “Ma
maanta ayaa kuugu horraysa in aad raacdid diyaarad ay shirkad jin ahi
leedahay?“.
Intii uusan xaajigii jawaabin buu bayloodkii waxaa uu yiri: “Haddii ay
markii kuugu horraysey tahay waa lacag la’aan, ee aan kuu sarrifo
lacagta insiga, waayo haddii aad magaalada jinka la gashid waa
koontrabbaan oo waa lagugu xiri doonaa“.
Gabadhu waxaa ay la yaabban tahay bayloodka beentiisa, maxaa yeelay
lacagaha insigu siiba doollarka maraykanka waxaa lagu kala sarriftaa
suuqyaga iyo bangiyada ugu waayeyn magaalamadaxda jinka Soomaaliya.
Xaajigii waxaa uu jeebka ka soo saaray kun doollar, waxaana ka qabtay
bayloodkii oo yiri: ”Ma intaas ayaad magaalo jin oo ay hoteelladeedu
qaali yihiin ugu soo safartay?”, waxaana iscelin weydey gabadhii oo
tiri: “Xaajigu aniga ayuu ii casuman yahay, aniga ayaana u sarrifi doona
lacagtiisa ee u soo celi!“, waxaa ayna xaajiga ka qandhuufatay bawdada
si uu u dareemo in uu bayloodku rabo in uu lacagta qiimo kaga sarrifto.
“War dhammaaday weeye“ ayuu bayloodkii ku jabaabey, waxaa uuna asaga oo
lacagtii soo taagaya yiri: “Laakiin ninku haddii uu adiga kuu casuman
yahay waa in la bixiyaa lacagtii diyaaradda, waayo qofkii jinka casumaad
ka hela waxaa kharashkiisa qaba jinka“.
Gabadhii waxaa ay boorsadeeda ka soo bixisay sumuli lacag jin ah. Waa
markii ugu horraysey oo uu xaajigu arkay lacag jin, waxaana lacagtii
khaanadda ku ridey bayloodkii oo aan baaqi soo celin ee yiri: “Xaajiga
haddii aad hoteel ku casumaysid aniga ayaa hotel fiican haya ee i raaca,
laakiin haddii aad guri geynaysid waa aad fasaxan tihiin“.
Gabadhii waxaa ay tiri: “Dhegayso saaxiib! Adigu ma shirkad diyaaradeed
baad u shaqaysaa mase shirkad hoteello leh?“. Hadalkii intaas ugama ay
harin ee waxaa ay tiri: “Maxaa xaajiga martida ii ah iyo aniga noo kaa
afduubay; sow xor ma aannu ahin?“.
Bayloodkii hadalkiisii xoogaa buu ka shallaayey, laakiin qosol been ah
buu ku qarsaday murugadii iyo naxdintii, waxaana uu hadal lagu mashquulo
ka dhigtay “Alla xaajigu nasiib badanaa! Haddii aysan fardihii ganaaxu
jireen ma uu heleen fursaddaan qaaliga ah oo ay gabadhu gurigeeda ku
casumi doonto“.
Diyaaradaha jinku waxaa ay ku socdaan xawli la mid ah midka ay sharqantu
ku socoto, oo sidaas darteed waxaa ay cagodhigatay xaajigii oo aan
dareemin in markii ay kacday laga soo wareegey xilli safar. Waxaa
diyaaradda shirkeeda fadhiya bayloodkii oo funaanaddhaxameeddii iska
siibey oo feeroqaawan. Waxaa uu qabaa dabogaab keli ah, waxaa uuna sii
eegayaa xaaji ku xarragoonaya bakoorad gaduudan iyo koofiyad cad, oo ay
garabka haysato gabar jin ah oo boorso baroon ah laalaadsanaysa.
“Dhegaysta! Waa xaajiga iyo saaxiibtiis!“ ayuu asaga oo qaylinaya ka
daba yiri, waxaana isku mar soo wada eegay labadii qof oo degdegsanaa,
waxaa uuna markii ay soo fiiriyeen xaggooda u soo tuuray tusbaxii
madoobaa oo markii uu fardaha ganaaxa ka baqayey uu ducada ku akhriyey,
waxaana uu yiri: “Tusbaxaas ku wardiya markii aad xaafadda isla tagtaan,
oo igu soo xasuusta“.
Xaajigu waxaa uu ku sigtay in uu tusbaxa dhulka ka qaato, laakiin waxaa
uga hormartay gabadhii, oo inta ay bayloodka xaggiisa tusbaxii xoog ugu
soo tuurtay tiri: “War belaayo ku xasuusatay ee ammaan na sii!“.
Bayloodkii waxaa uu jeclaa in uu kaftan iyo cayaar sii wado, laakiin mar
danbe xaajiga iyo saaxiibtiis ma ay soo eegin. Tusbaxii diyaaradda
hoosteeda ayuu ku dhacay, labadii ruux oo isu martida ahaana garoonkii
diyaarada waa ay ka baxeen.
Dhul doog ah bay labadoodii oo garabka isku dheggani sii xulayaan,
waxaana toos loogu jeeda cimaamadda cad oo xaajiga garabka u saaran iyo
dabogaabka cad oo gabadha. Korkooda waxaa hoganaya daruuro madmadow, oo
ay hoostooda duulduulayaan shinbiro badani. Qorraxdii sii dhacaysey
waxaa ay ku qarsoontay buur weyn oo magaalada jinka duleedkeeda ku taal,
labadoodiina waxaa ay ku yaryaraadeen dabaqyo jin oo muraayado ah iyo
geedo waaweyn dhexdood.
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Fiiro-gaar ah: Fariinta uu wato
qoraalka sare waxay u gaar tahay qoraaga uu magaciisa kor ku qoran
yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan.
allgedo@allgedo.com
|