HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 
March 2, 2005

 

Weerow nin aan ku aqoon ku waac dheh

 

Shaafici Xassan Maxamed 

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

 

”Waac” waa si gaar ah oo ay bahallada qaarkood u ciyaan, waxaana dugaagga waacleeya ka mid ah bahalka loo yaqaan ”weer” ama ”dhidar”, oo ah bahal markii uu ciyayo uu qofkii aan aqooni u malayn karo in uu halis yahay ama uu dhibaato dadka u geysan karo, hase ahaato ee weerka ama dhidarku waa bahal ka maangaabsan dugaagga kale, kaas oo aan awoodin in uu dad waxyeelo, waxaa uuse marmar si nacasnimo ah u xasuuqaa ariga.

 

Sida badan waxaa uu weerku ariga warjeefaa ama xasuuqaa habeenkii, waxaa uuna ilbaadsadaa xoolaha dibboodda ah oo cidlooyinka jooga. Dugaagga kale waxaa uu kaga duwan yahay in uu yahay axmaq oo uu boqollaal ari ah haddii uu helo uusan neefna ka fiigayn ee uu dhammaantood madaxyada ka jaro asaga oo midkii uu dilo cunayn aan ee inta uu dhaqso dhuunta u kala gooyo kuwa kale ku xijinaya.

 

Sababta uu weerku ariga u xasuuqo waxaa loo malaynayaa in uu u qabo in aysan gaajadu ka ba’ayn haddii uusan ariga oo dhan isku mar keligiis cunin, waxaa ayna taasi daliil u tahay in uu weerku iimaan la’ yahay, oo uusan xisaabtamin, mana uu jecla in xoolaha la xereeyo, waayo weerku xoolo xero ku jira ma uu hunguriyeeyo, waxaana arrintaan gabay ku xardhay mudane Samatar Baxnaan, oo yiri:

 

Weerkuba wuxuu xirar galoo, xiixda ka hayaaba

Xanuunka iyo gaajada wuxuu, la xabbisnaadaba

Xoolaha wax laga ooto oo, laga xaraystaaba

Markay xayni soo goosatuu, ugu xasuugaaye

Mana xishoodo jeeray ilkuhu, xanaf darreeyaane

Markaasuu calooshii xirnayd, xalus ku yeeshaaye
 

Waxaa gabayga Samatar Baxnaan ka muuqata in uusan weerku xishoon jeer ay ilkihiisu afbeelaan, taas oo muujinaysa in uusan maskax ku socon ee ay hub iyo hungurixumo hagaan. 

Inta aynaan doodda uu qoraalkaan yari ku arradtiran yahay dhexgelin ayeynu isxasuusinaynaa shirkii ay soomaalidu dawladda ku dhisteen ee Nayroobi in lagu heshiiyey in dalka lagu dhaqi doono nadaamka ”federaal”, oo ay dooddiisu muddo socotey dabadeedna loo arkay in aan la fursan karin oo ay ummaddu u baahan yihiin in ay ku xasilaan federaal iyo barwaaqo.

 

Markii sidaas lagu heshiiyey bay dadka qaarkood waxaa ay keeneen magac kale oo dawladda loogu lifaaqo ”federaal”, kaas oo ahaa ”kumeelgaar”, oo aan run ahaantii wax nuxur ah xanbaarsanayn, isla markaas ah hadal dheer oo aan loo baahnayn.

 

Ujeeddada ay dadkaasi magacaas isugu qallajiyeen oo looga furfuri waayey waxaa ay ahayd in ay dawladda ku hoosaasiyaan magac ay kooxaha gaarkood awal lahaan jireey, oo lagu bahdilo dawladda ay wada dhisteen dhammaan kooxihii ummadda kala metelayey iyo in loogu raadgado magaca ”federaal” oo ummadda u leh macne iyo nuxur ay kuwaasi dano xunxun dartood uga biyodiidsanaayeen.

 

Isla ayaamihii dawladda la unkayba waxaa warbaahinta ku soo batay in magacii ”federaal” oo ay ummaddu ku heshiiyeen la tuuray, oo booskiisii la geliyey magacii ay kooxdu shirka la yimaadeen, oo aan macnaha sii ridan lahayn.

 

Haddii denbiga la iska dhawro idaacadaha af soomaaliga waxaa loogu dhegaysi badan yahay laanta afka soomaaliga ee BBC, waxaana maragmaddoonto ah in aan magaca ”federaal” laga maqal laanta labadii ama saddexdii bilood ee ugu danbeeyey, oo sannadda 2005 magacaas lagama maqal BBC.

 

Shakhsiyaadkii ”federaal” diiddanaa oo markii laga tirabatay jeebka kala soo baxay ”kumeelgaar” iyo shakhsiyaadka BBC awoodda ku leh baa waxaa ka dhexeeya wada shaqayn tuugaysi ah oo aan loo hoggaansanayn waxyaalihii ay ummadda soomaaliyeed ku heshiiyeen muddadii dheerayd oo kooxaha qaarkood lagu baryayey in ay oggolaadaan in dalka la nabadeeyo, oo dawlad federaal ah la wada dhisto si aan mar danbe la isugu saqajaamin oo caalamka casriga ah looga mid noqdo.

 

Saxaafadda inteeda kale waxaa ay u badan yihiin kuwo aan garan karin magacyadu in ay muhiim yihiin, oo waxaa qaarkood afka loogu tiray ”dawladda kumeelgaarka ah”, oo ah magacaabid laga soo xiisodhacay, oo ay dad waxmatareyaal lagu tilmaami karaa magac iyo raad taariikheed oo aysan mutaysan ama mudnayn ku doonayaan.

 

Run ahaantii waxyaalihii lagu heshiiyey waxaa ugu cuslaa in ay dadku hubka u dhiibaan dawladda loo dhan yahay iyo in la qaato nadaamka federaalka, waxaase la moodaa in rag in ay wax xadaan u bartay ay kala xadayaan magacyadii ay ummaddu ku heshiiyeen, oo aysan si bareer ah ugu qanacsanayn xeerkii la dhigtay iyo ballamihii la isku dhaarsaday

 

Maahmaahda qoraalkaan ciwaanka u ah waxaa loo soo qaadan karaa in maanta ummadda soomaaliyeed isbaratay oo qofkii ama kooxdii nadaam iyo kala danbayn ummadda la jecel iyo kooxaha burcadda ah uu qof kastaa eegga kala yaqaan. Waxaa kale oo ay shacabku ka ilbaxeen in uu qof burcad ahi qabiil ahaan caaddifaddooda u kiciyo oo uu qabyaalad iyo qalalaaso aan dan u ahayn ku jahawareeriyo.

 

Qof kasta oo soomaali ahi waxaa uu ka dheregsan yahay in hubka, dhiillada iyo colaadda sokeeye aysan keeni karin wax aan burbur iyo aayo xumo ahayn, isla markaas aysan qabiilooyinku horumar ku gaari karin in ay soomaalida kale dulmiyaan.

 

Intaas waxaa shacabka u dheer in ay wada og yihiin in dawlad la’aantu ay tahay cadaab kulul oo adduunka la keenay. Qof kastaa waxaa uu og yahay in bad iyo birriba degaankii soomaalida sun iyo xaalufin aan macquul ahayn lagu halaajiyey, oo dhir iyo dhaqaaqilyo laga dhawray geyigii ay dadka soomaalida loo yaqaani ku dhaqnaayeen. Dal iyo debedba waxaa calool xumo soomaalida ugu filan in sumo haliska ay shisheeye ugu daadiyeen badaha Soomaaliya.

 

In kasta oo muddadii uu dalku ruxanayey meelaha qaarkood laga sameeyey maamullo ay ka mid yihiin Soomaalilaan, Puntlaan iyo ”Shabeellada dhexe” haddana taasi qarankii dunsanaa kama ay caawin karto waxyaalihii ay dawlad soomaaliyeed qaban lahayd, oo waxaa keli ah oo ay shacabka aagaggaas dega maamulhoosaadyadaasi ka caawiyeen nabadda, nadaamka canshuuraha iyo adeegyo aan u sarrayn.

 

Hawlahaas laftooda in si buuxda loo taabbogeliyo waxaa diidey in dalka intiisa kale ay kaga furnaayeen fidmooyin siyaasadeed iyo kuwo xagga ammaanka ah, isla markaasna uusan nadaam aan qaran muctarif ah dugsanayni hurumar miiggan ku tillaabsan karin. Tusaale ahaan maamulka uu Maxamed Cumar Xabeed madaxda ka yahay ee Shabeelle ka cagodhigtay waxaa labada dhinac oo ay waddada dheeri uga kala gudubto ka xiga meelaha ugu nabadda liita gebi ahaan caalamka, taasina waxaa ay keentay in dadkii waddada marayey oo ka imanayey dhulalka ay burcaddu haystaan ay nadaamka iyo nabadda gobolka waxyeelleeyaan ama maamulkii laga qaloodo oo ay dadkii xumaanta u bartay ka didaan kala danbaynta iyo sharciyada meeshaas laga sameeyey.

 

Meelaha ay maamulladu ka jiraan waxaa ka maqan burjigii iyo haybaddii uu qaranku lahaa, oo hay’adaha laga sameeyey siyaasadda iyo maamullada gudaha uguma ay guulaysan sidii uu qaranku ugu guulaysan lahaa, waayo hubka haddii aan waddanka oo dhan laga dhigin waxaa xagga ammaanka isnajaasaynaya gobollada daahirka ah iyo kuwa weli faddaraysan, isla mar ahaantaas waxaa maqan siyaasaddii uu qaranku debedda ku lahaa iyo karaamadii ummadnimo, oo maamulgoboleed iska harjadayaa ma uu dabooli karo baahiyaha badan oo dadka iyo degaanka laga bi’in lahaa.

 

Aqoonsi uu qofka soomaaliga ahi dunida ku maro si uusan u ihaanoobin oo aan loogu xadgudbin ama uu danihiisa u gaaro ayaa ugu yar waxyaalaha ay siyaasadda debedda ee qaranku kala maqan tahay qof kasta oo maamulgoboleed hoosgala, lamana soo koobi karo danaha ka dhexeeya caalamka, waayo ummado boqollaal ah oo kala faa’iidaysta iyo ururro badan ayeysan soomaalidu xaqoodii ka helayn intii ay iyagu isku habsaansanaayeen, waxaana taas beddeshey in ay ayaga iyo dalkoodu noqdeen meelo aragtiyaha xunxun iyo qashinka lagu tuuryeeyo oo la yaso.

 

Halgammadaas ay gobollada qaarkood galeen xilligii burburka waxaa habboonayd in ay dalka intiisa kalena kaga daydaan si loo soo dhaweeyo in nabaddii faraha ka baxday gacanta lagu soo celiyo, hase yeesho ee dad burcad ah baa waxaa ay wateen dano xaaraan ah oo qalalaasaha lagaga faa’iido, taasina waxaa ay keentay in maamulladii soomaalida dadka loo tuso in ay shisheeye u adeegaan, halka meelaha fawdada ah lagu milmaamay meelo ay dacwada islaamku ku fiddo oo ka nabadgalay faragelinta dalalka deriska ah!

 

Run ahaantii ma uu jiro qabiil soomaaliyeed oo eed gaar ah dhammaantiis ka galay Soomaaliya, hase ahaato ee dadka qaar baa beelaha qaarkood ku dhaleeceeya in ay isku liqdaaraan qof kasta ama cid walba oo qarannimadii u halgamaysa. Haddaba in qolooyin ama qolo soomaaliyeed si guud afka loo mariyaa waa xilkasnimo xumo, waana wax aan xal u keenayn ummadda, waxaase hubaal ah in ay dalka meelo ka mid ahi aad iyo aad u qasan yihiin.

 

Dadka soomaalida ah oo meelaha qaarkood ku nool haddii nabad iyo kala danbayn laga hadlo waxaa ay u qaataan in ayaga la caayayo, waxaa ayna isku difaacaan in dadka nabadda raadinayaa ay u shaqeeyaan dalalka Soomaaliya xudduudda la leh, oo sidaas darteed ay haddoon tahay in la diido wax kasta oo ay sheegaan!

 

Si kasta oo waddannada deriska la isugu eedayn jirey, haddana laftoodii ayaa soomaalida shir u qabtay, waxaa uuna shirkaasi noqday shir soomaali loo qabtay midkii ugu baaxad weynaa, oo markii dawladda lagu dhisayey ay ka wada raalli ahaayeen dhammaan shakhsiyaadkii iyo kooxihii ka muuqdey garoonka siyaasadda iyo dagaallada marka laga reebo maamulka Soomaaliland oo ayagu shirarka soomaalida ka cagojiida si ay meeshooda isugu sii nagaariyaan inta ay dadka kale ku dadaalayaan qarannimadii lagu cayaaray in ay soo celiyaan.

 

Markii uu shirku dhammaaday waxaa shacabka iyo hoggaamiyeyaasha oo dhan ka muuqatay wax aan marna soomaalida ka muuqan oo ahaa in ay ku wada qanceen natiijadii ka soo baxday shirkii ay dalalka deriska ahi u qabteen walaalohooda soomaaliyeed oo isku afgaran waayey sidii ay dalkooda u nabadayn lahaayeen oo ay caalamka wax ula qabsan lahaayeen.

 

Dalalkii ku soo dhibtooday shirka iyo dhammaan caalamka kaleba aad bay ugu farxeen in ay soomaalidu wada dhisteen dawlad ay ka wada raalli yihiin, waxaana loo ballanqaaday in haddii aysan ayagu iscuryaamin guud ahaan caalamka iyo gaar ahaan Afrika aan waxba laga hagranayn, oo sidii loogu dulqaatay muddadii ay shirayeen loogu sii dulqaadan doono in lala garabjoogo xoog, xeel iyo xoolo waxii loo awoodo si ay uga soo baxaan xabaasha ay muddada dheer ku xayirnaayeen.

 

Xilligii uu shirku socdey badankiisii waxaa lagu mushquulay in qabiilooyinka ama ummadda soomaaliyeed dibuheshiisiin rasmi ah laga dhexsameeyo, waana lagu guulaystey oo ayada oo aan loo kala maqnayn baa waxaa la wada qortay axdi qaran, waxaana dadkii ay colaaddu ka dhexaysey la gaarsiisey in ay wada samaystaan barlammaan guddoomiye iyo madaxweyne doorta oo codkoodu uu yahay go’aankii ummadda soomaaliyeed.

 

Dadkii ay beelaha soomaalidu xildhibaannada u soo xusheen badankoodu waxaa ay ahaayeen dad tacliin fiican leh ama shaqooyin qaran oo ciidan iyo maamul heer sare soo qabtay marka laga reebo tiro aan badnayn oo ay ka mid yihiin qabqableyaashii magaalada Xamar, oo u badan dad aan khibrad dawladeed iyo aqoon midna lahayn, laakiin barlammaanka u galay in ay beelahooda dhexdooda ku haystaan burcad ay jidgooyooyin ku sameeyaan, oo ay qabiilkooda iyo masaakiinta ku dhexnool ku dhibaan

 

In xildhibaannada soomaaliyeed qabiil lagu soo xulo waxaa ka fiicnayd in degaan lagu soo xulo, waxaase arrintaas looga tanaasuley beelo aan dhulka ay degaan ku kalsoonayn, oo ka jecel in qabiil ahaan loo xuso, taasna waxaa looga oggolaaday in loo dabacsanaado dibuheshiinta oo dadka colaadda wada loo seetodheereeyo si fidmadooda looga sabatabixiyo qaranka Soomaaliya.

 

Dawlado hore loo dhisay oo shaqayn waayey waxaa la isku raacay in ay sababtu ahayd in madaxdii loo doortay ay ahaayeen dad aan karti lahayn oo aan masuuliyad sare ee qaran u lahayn mug ay ku hantaan, siiba xilligaan qallafsan oo ay ummadda soomaaliyeed ku jirto marxalad adag ayna soo martay 35 sannadood oo ay horboodayeen dad aan u qalmin in ay soomaali soo hor istaagaani.

 

Sidaas awgeed xildhibaannada xulka ahi waxaa ay inta aan madaxweyne la dooran ka sii doodeen aan qof la iska dooran ee uu xildhibaan kastaa qarankii uu u dhaartay codkiisa ugu hiilliyo oo uu doorto qof ka duwan dadkii hore ee lagu sirmay, waxmatareyaasha ahaa.

 

Waxaa doodda hareeyey in qofka ummadda soomaaliyeed la horkeenayaa uusan lug ku lahayn dawladdii kacaanka oo ay dadkii ka mid ahaa yihiin denbiileyaal qaran, oo dhibaatada taagan in lagu maxkamadeeyo loo baahan yahay iyo in uu qofka la doortaa ammaanka wax ka qaban karo oo uu ciidanka booliska iyo milleterigaba u leeyahay khibrad fiican, isla markaasna uusan sujuu ama khashiin ahayn ee uu soomaalida degaannadeeda iyo dhaqanhoosaadyadeeda kala yaqaan, haddana qof nabad iyo dagaalba geli kara uu yahay ee uusan qof daciif ah oo boorso sita ahayn.

 

Si kastaba ha ahaato ee waxaa la soo gaarey in uu ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi dhisay wasiirro awoodda uu si isu dheellitiran beelaha ugu qaybiyey, oo ka koobnaa dad aqoon ama khibrad dawladeed leh marka laga reebo in yar oo ay ka mid yihiin qabyableyaal dhawr ah oo ay ra’iisul wasaaraha isku qabiil yihiin, kuwaas oo jagooyin aysan u qalmin loo dhiibey si ay nabadda uga qaybqaataan maaddaama ay koofurta Soomaaliya siiba Banaaddir dhibaato weyn ku hayeen muddo aad iyo aad u dheerayd.

 

Maaddaama dawladaha Afrika siiba IGAD oo shirka gacanta ku hayn jirey ay dawladda Soomaaliya uga baahnaan kartey gacanqabasho dheeraad ah ayey xukuumaddii la dhisay codsi xagga ciidanka u badan u jeediyeen midowga Afrika, waxaana soo baxday in ay dalal Afrikaan ahi u guuxeen in Soomaaliya xagga ciidanka laga caawiyo maaddaama uu dalku muddo dheer ku soo jirey burbur isla markaas ay ammaanka iyo aqoontuba aad u liitaan.

 

Intii aysan wasiirrada iyo xilbibaannadu arrinta ciidanka qalaad u codayn ayey qabiilooyinka Xamar qaarkood shakhsiyaad ka soo jeedaa aad uga dhirfeen ciidanka ajnebiga ah. Saddex hadal baa cirka lagu shareeray oo uu midka kowaad ahaa in ay Soomaaliya ciidan leedahay, oo aan loo baahnayn ciidan kale, hase ahaato ee dadkii ciidan aqoonta u lahaa sida Maxamed Abshir Muuse, Maxamed Cali Samatar, Cabdullaahi Yuusuf iwm waxaa ay isku raaceen in burcadda ay qabiilooyinku isku bililiqaystaan aan ciidan qaran lagu tilmaami karin, isla markaasna ciidankii hore ee Soomaaliya uu isugu jiro wax dhintay, wax aan muddo dheer shaqayn oo shaqadii illaawey ama gaboobey iyo wax aan awalba ciidan ahayn ee uu Maxamed Siyaad garaaddo isaga taxay oo aan ummadda lagu soo celin karin, oo saaqidiin ah.

 

Hadalka labaad waxaa uu ahaa in la iclaamin doono jihaad islaami ah haddii ciidan qalaad dalka la keeno, waxaana sidaas ku hanjabey labo nin oo isku qoys ah oo uu mid Xamar joogo midna uu degmada Marka iyo nawaaxigeeda burcad ku haysto! Horta aroos baa la iclaamiyaa ee jihaad lama iclaamiyo, waxaana jihaadka ku xiran shuruudo xooggan oo ay diintu u dhigtay oo aan qabyaalad ku salaysnayn.

 

Midda kowaad dadka jihaadka lagu qaadayo waa in la hubo in ay gaalo yihiin, maantana lama oran karo wasiirrada iyo xildhibaannadu waa gaalo, isla markaas ciidamada dalka la keenayo waxaa laga yaabaa in ay yihiin muslimiin, waayo dalalka ay ka imanayaan waxaa malaha kuwa ugu gaalsan ka mid ah Itoobiya iyagana waxaa dadkooda muslimiin ah 70%. Sidaas awgeed waa in la xaqiijiyaa in ay rasaasta jihaadku ku dhacayso gaalo ee aan diinta qabyaalad loogu soo gabban!

 

Midda kale jahaadku iclaan ma ah ee waa amar ay soo saari karto dawlad islaami ah sidii dawladdii Nebiga CSW, waana in ay imaamka muslimiinta iyo shuuradiisu soo saaraan amar buuxa oo ku wajahan muslimiinta. Maanta qofkee imaan ah oo ay muslimiintu doorteen? Mase qof suuqa iska jooga ayaa imaam iska sheeganaya oo jihaadka sidii arooskii u iclaaminaya? Dadka uu dhexjoogaa inta aysan jihaadin sow looma baahna in ay u kala soocan yihiin xalaasha iyo xaaraantu? Qof ku quraacda xaaraan, oo ku qadeeya xaaraan, oo guri xaaraan ah ka soo toosa, oo surweel uu xaday gashan miyuu Rabbi jihaad ka aqbalayaa?!

 

In kasta oo aysan dawlad islaami ahi jirin xataa haddii ay wadaaddada soomaalidu isku raacaan oo ay wada iftoodaan in ay dawladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalintu gaalo yihiin oo lala jihaadi karo dood baa furmi lahayd, laakiin wadaaddada soomaalidu ma aha labo nin oo 15 sannadood gabdhaha soomaaliyeed hortooda lagu kufsanayey oo jihaadka ugu gabbanaya in ay difaacdaan guryo iyo beero ay eheladoodu ka xoogeen dad masaakiin ah!

 

Waxaa jira hadal kale oo ciidamada iyo dawladda in lagaga hortago ay dadka qaarkood u adeegsadeen oo magaalada Xamar dad qaarkood lagu dhexfaafiyey, waana in ay ciidamada la sheegayaa yihiin ciidanka Itoobiya! Dad qiiro ama caaddifad iska muujinaya ayaa waxaa ay cuskadaan dagaalkii Siyaad iyo Mingistu dhexmaray 1977, waxaase isweydiin mudan labadaas nin 1988 sow dib uma ay heshiin markii uu kacaanku gubayey soomaalida woqooyi qaarkood? Haddii dagaalkii labadaas keligitaliye uu diin inoo noqonayo maxaa la isaga indhotirayaa heshiiskoodii, sow heshiiskoodu ma uu danbayn?

 

Madaxda maanta Itoobiya ka taliyaa waxaa ay siddeetanaadkii joogeen Xamar ayaga oo Maxamed Siyaad la saaxiib ah, ee taas lafteedana waa in sheekada lagu daro oo aan jabhadihii soomaakida oo Wardheer joogey keli ah laga fakarin. Haddii Madaxweynaha Soomaaliya ee maantu uu Keenya u fakaday 1978, waxaa ka danbaysey in Maxamed Siyaad 1991 Kenya soo galay, waxaana taas keentay in uu joogey meel xadka Keenya u dhow ee waxaa uu u carari lahaa Itoobiya oo uu markaas joogey Mingistu, oo ay ahaayeen saaxiibbo heshiiyey 1988.

 

Dooddu ma ay taagna Itoobiya, waayo dalkaasi waxaa uu ka mid yahay ururro caalami ah sida Qaramada midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD, waxaana khasab ah tillaabo kasta oo urur ahaan loo qaado in uu xubintiisa ku leeyahay. Shakhsi soomaali ah oo Xamar iska joogaa urur caalami ah kama uu saari karo xubin xubnihiisa ka mid ah, isla markaas shantaan sannadood waxaa go’aanka Soomaaliya leh barlammaanka iyo xukuumadda federaalka ee lagu hashiiyey.

 

Shacabka soomaaliyeed waa ay u furan tahay in ay suuqa kaga doodaan in ay Soomaaliya ciidan ururrada caalamiga ah ka socda u baahan tahay iyo in kale, laakiin taasi go’aan qaran ma aha ee waxaa go’aankaas qaadan kara xukuumadda iyo baarlammaanka, waayo ayaga ayaa xilka Soomaaliya la saaray muddo shan sannadood ah, ayaga ayaana lagula xisaabtami doonaa oo ama taariikh fiican reebaya ama mid xun.

 

Sababta barlammaanka iyo xukuumadda loo sameeyey waxaa ay ahayd in laga baxo isbarbaryaaca oo ay dadku ku kala miirmaan shacab iyo dawlad uu mid kastaa abbaartiisa yaqaan. Dhibaatada ugu weyn oo soomaalida haysataa waa in aysan garanayn sababta dad gaar ah xilal loo saaraa in ay tahay in hawshooda lagu ixtiraamo, oo ay dadku kala soocmaan

 

Qof waa hore madax ahaan jirey oo haatan shacab ahi haddii uu aragti dhiibto waxaa ay soomaalidu u qabaan in ay aragtidiisu tahay go’aan qaran, oo qofka markaas masuulka ah hadalkiisu dadka suuqa taagtaagan ugama uu duwana, taaso keentay in aan la ogayn sababtii labada sannadood iyo dheeraad Kenya loo joogey in ay ahayd in la sameeyo dad Soomaaliya wax u go’aamiya, oo ay caalamka iyo soomaaliduba la xisaabtamaan.

 

Marxaladihii la maray waxaa ka mid ahaa in qof qabqable qabiil ahaa uu isu beddeley xildhibaan qaran, oo uusan markaas laga bilaabo sheegan karin hoggaamiye koox qabiil, ama in uu wasiir qaran noqday oo uu wasaarad ummadeed madax u yahay. Haddii qof loo dhaariyo wasiirka shinbiraha waa in uu ogaadaa in shinbiraha laga wado shinbiraha Soomaaliya oo dhan ee aan laga wadin shinbiraha Gaalkacyo ama kuwa Ceerigaabo, waana in aysan wasiirro isu qabiil ahi dan qabiil gooni uga shirin oo aysan soo saarin go’aan qabiil.

 

Ceebaha ugu waaweyn oo dhacay waxaa ka mid ah in ay xildhibaanno qabiil gooni u shiraan oo ay go’aan qabiil gaaraan sidii madax dhaqan. Markii ay xildhibaannadu shirayaan waa in uu guddoominayo qof madax ka ah barlammaanku, waana in ay dan qaran ka doodaan ama u codeeyaan, waayo waa laga soo gudbey jabhadihii qabiilka, oo waxaa loo dhaartay Soomaaliya.

 

Wasiir soomaaliyeed uma bannaana in uu mar danbe sheegto hoggaamiyenimo aan ahayn midda wasaaraddiisa, mana uu shirin karo wasiirro kale, waayo in wasiirrada la shiriyaa waa hawshii ra’iisul wasaaraha. Dhibaatada ugu weyni waxaa ay arrintaan ka haysataa qabyableyaashii Xamar oo wasaaradaha aysan u qalmin loo dhiibey, kuwaas oo weli sheegta hoggaamiye kooxeedyo oo aan ogayn in ay in hub la haystaa sharci darro tahay, waayo hubka soomaalida iyo maamulka soomaalidu shakhsi ama koox gaar ah ma ay khusayn karaan ayada oo ay xukuumad qaran dhisan tahay.

 

Qofkii wasiir ahi haddii uusan aqoon waajibaadkiisa iyo xuquuqdiisa waa in loo furaa koorso degdeg ah si aysan u dhicin ceebihii dhacay. Nin wasaarad dhan loo magacaabay oo oranaya ”Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu aniga ha ii yimaadeen si aan ugu waardiyeeyo buraddii isbaarooyinka ii hayn jirtey” ma uu fahmin macne dawladeed! Horta asaga oo wasiir qaran ah sharcigee baa u oggolaanaya in uu burcad qabiil iyo isbaarooyin yeesho?! Xilka wasaaradeed oo la saaray iyo xildhibaannimada masuuliyad aan ahayn ee qaran yaa u oggolaaday? Ra’iisul wasaaruhu sow asaga ma uu xukumo oo nadaamka iyo kaladanbayntu sharci kuma ay salaysna? In uu asagu ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha waardiyeeyo yaa u xilsaaray? Sow ma aha samuuliyiintii asaga ka sarreeyey oo shaqada asaga loo dhaariyey u gartay?

 

Arrimaha debedda iyo ciidamada maxaa ka galay wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta? Maxaa ka khuseeya dalabaadka uu madaxweynuhu madaxda la heerka ee Afrika ka codsaday? Markii ay dooddu golaha wasiirrada soo gaarto ayuu aragti ku leeyahay, codayntana hal cod buu leeyahay, haddii aragtidiisa laga batana waxaa u furan in nadaamka u hoggaansamo ama uu iscasilo asaga oo anshaxa dhawraya.

 

Xukuumaddu waa koox midaysan oo ereygii ay isku raacaan keli ah faafiya oo ummadda u soo gudbiya, isla markaas waxaa denbi ah in ay garoonka saxaafadda iska canbaareeyaan. Ma aha in uu qofkii jilibkiisa dhallinyaro ah u talin jirey oo la qayili jirey marna suuqa ku canaan jirey moodo in nadaamka dawliga ahi uu maleysiya beeleed la mid yahay ama weli la yahay kooxihii qabiillada oo BBC iska caayi jirey!

 

Maaddaama uu dalku muddo dheer fawdo ahaa ayaa waxaa adag in ay dadku fahmaan ama ay aqbalaan nadaam dawladeed, waxaase ugu daran haddii ay wasiirradii ka liitaan shacabkii wax loo qaban lahaa! Qaranka dhan oo hay’adihiisii la dhisayo dadka loo magacaabay weli waxaa ay isu haystaan hoggaamiye kooxeedyo, waayo jahli iyo qaabdarro lagu mabay baa qalbigooda qallajiyey.

 

Weerku ma uu jecla in xoolaha la xereeyo, oo waxaa uu risiqiisu ku xiran yahay ari dayacan oo cidla miranaya, waxaana dabeecaddaas oo kale leh dadka wasiirrada loo dhaariyey oo hubka sharci darrada ah weli haysta oo diiddan in hay’adaha qaabbilsan ku wareejiyaan. Haddii shacabka nadaam dawladeed loo sameeyo waxaa ay isu qabaan in ay yihiin weer ari laga xeraystay, mana ay laha garasho iyo xilkasnimo aan ahayn in sidii weer ay ilkihii ka afbeeleen laga dhigo oo qaranka ay ku cayaareen awood lagaga qabto. Waxaa ay u qabaan in aysan sharaf iyo nolol helayn haddii qarankii suuxay uu soo miyirsado.

 

Waddan haddii ay dawladi ka dhisan tahay dhammaan hubka yaal waxaa sharci ahaan leh qaranka, oo hubku ka mid ma aha waxyaalaha ay koox ama shakhsi gaar u lahaan karaan, waayo waa wax halis ah oo ay lamahuraan tahay in uu hal gacan galo, waana gacanta qaranka. In uu qof dawladda ka mid ah ama shacab ahi hub haystaa waa sharci darro, waayo waxaa dhacday dibuheshiisiin buuxda oo loo fadhiyey muddo labo sannadood ka badan, waxaana lagu heshiiyey in ay dawladdu xaq u leedahay dhammaan xuquuqihii ay dawladi lahayd, ayna saaran yihiin oo ay u dhan yihiin dhammaan waajibaadkii ay dawladi lahaan jirtey.

 

Waxaa la moodaa in shakhsiyaad sheeganaya siyaasiyiin waaweyn ama aqoonyahamiin sare ay caadifadaha makasta ku dhexdabaashaan, oo ay isaga khaldan yihiin danaha qaranka iyo hooskatuurka shakhsiyaadku. Kuwaas dhiigga shacabka ku naaxa oo aynu hore u soo sheegnay markii ay derbiyo siyaasadeed oo aysan aqoon hardiyeen baa waxaa is abaabuley kooxo aqoon iyo siyaasad lagu hafro oo dhiigyacabyada Xamar ee dawladda lagu daray si dhuuhayn ah ugu garabtaagan waxyaalaha sharci darrada ah oo ay dhabaqsadeen.

 

Danaha qaranka oo ay shisheeye iyo sokeeyeba nafta u hureen sidii loo soo celin lahaa bay dad aqoon iyo siyaasad sheegayaa waxaa ay u hagardaamaynayaan xin iyo xiqdi ay shakhsiyaad ka dheerey u qabaan ayaga oo hoos cararaya qofba qofka uu ka mooryaansan yahay, laakiin waxaa nasiib wanaag ah in shacabka soomaaliyeed uu maanta diyaar u yahay in uu taageero cid kasta oo nabaddoodii iyo sharaftoodii u soo celinaysa ayaga oo aan lagu beerlaxawsan karin qabyaalad iyo been aan qiimo lahayn.

 

Dadka uu qaranku ka kooban yahay ama ay hay’adaha qaranku ka kooban yihiin in ay isjeclaadaan sidii habar iyo carruurteed shardi ma aha, waxaase waajib ah in masuuliyadaha uu qaranku leeyahay sida ay yihiin loo wada meelmariyo, maxaa yeelay shakhsiyaadka iyo dalku waa labo arrimood oo aad u kala macne duwan. Danta wada noolaanshaha iyo qaranku shaqo kuma ay laha in ay labo qof isjecel yihiin iyo in ay isneceb yihiin, ee labadii isjecel iyo labadii isnecebba waxaa saaran waajibaad ay ku ilaalinayaan danaha ay labadooduba u baahan yihiin ee qaranka.

 

Nin kastaa waxaa uu gudo iyo waxaa uu galo maanta carruurta ayaa og, isla markaas qabyaaladdii qof kastaa iskiis buu uga daaley, waayo lama hayo cid wax ka faa’iiddey, laakiin in ay qarannimadu waxtar leedahay waa wax hubaal ah, oo ay xataa mooryaantu qirsan yihiin.

 

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se




Qoraalka sare waxuu ka turjumayaa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan.




allgedo@allgedo.com


 


 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com