|
|
March 2, 2005
Weerow nin aan
ku aqoon ku waac dheh
Shaafici
Xassan Maxamed
”Waac” waa si gaar
ah oo ay bahallada qaarkood u ciyaan, waxaana dugaagga waacleeya ka mid
ah bahalka loo yaqaan ”weer” ama ”dhidar”, oo ah bahal markii uu ciyayo
uu qofkii aan aqooni u malayn karo in uu halis yahay ama uu dhibaato
dadka u geysan karo, hase ahaato ee weerka ama dhidarku waa bahal ka
maangaabsan dugaagga kale, kaas oo aan awoodin in uu dad waxyeelo, waxaa
uuse marmar si nacasnimo ah u xasuuqaa ariga.
Sida badan waxaa uu
weerku ariga warjeefaa ama xasuuqaa habeenkii, waxaa uuna ilbaadsadaa
xoolaha dibboodda ah oo cidlooyinka jooga. Dugaagga kale waxaa uu kaga
duwan yahay in uu yahay axmaq oo uu boqollaal ari ah haddii uu helo
uusan neefna ka fiigayn ee uu dhammaantood madaxyada ka jaro asaga oo
midkii uu dilo cunayn aan ee inta uu dhaqso dhuunta u kala gooyo kuwa
kale ku xijinaya.
Sababta uu weerku
ariga u xasuuqo waxaa loo malaynayaa in uu u qabo in aysan gaajadu ka
ba’ayn haddii uusan ariga oo dhan isku mar keligiis cunin, waxaa ayna
taasi daliil u tahay in uu weerku iimaan la’ yahay, oo uusan
xisaabtamin, mana uu jecla in xoolaha la xereeyo, waayo weerku xoolo
xero ku jira ma uu hunguriyeeyo, waxaana arrintaan gabay ku xardhay
mudane Samatar Baxnaan, oo yiri:
Weerkuba wuxuu xirar galoo, xiixda ka hayaaba
Xanuunka iyo gaajada wuxuu, la xabbisnaadaba
Xoolaha wax laga ooto oo, laga xaraystaaba
Markay xayni soo goosatuu, ugu
xasuugaaye
Mana xishoodo jeeray ilkuhu,
xanaf darreeyaane
Markaasuu calooshii xirnayd,
xalus ku yeeshaaye
Waxaa gabayga Samatar
Baxnaan ka muuqata in uusan weerku xishoon jeer ay ilkihiisu afbeelaan,
taas oo muujinaysa in uusan maskax ku socon ee ay hub iyo hungurixumo
hagaan.
Inta aynaan doodda uu
qoraalkaan yari ku arradtiran yahay dhexgelin ayeynu isxasuusinaynaa
shirkii ay soomaalidu dawladda ku dhisteen ee Nayroobi in lagu heshiiyey
in dalka lagu dhaqi doono nadaamka ”federaal”, oo ay dooddiisu muddo
socotey dabadeedna loo arkay in aan la fursan karin oo ay ummaddu u
baahan yihiin in ay ku xasilaan federaal iyo barwaaqo.
Markii sidaas lagu heshiiyey
bay dadka qaarkood waxaa ay keeneen magac kale oo dawladda loogu lifaaqo
”federaal”, kaas oo ahaa ”kumeelgaar”, oo aan run ahaantii wax nuxur ah
xanbaarsanayn, isla markaas ah hadal dheer oo aan loo baahnayn.
Ujeeddada ay dadkaasi
magacaas isugu qallajiyeen oo looga furfuri waayey waxaa ay ahayd in ay
dawladda ku hoosaasiyaan magac ay kooxaha gaarkood awal lahaan jireey,
oo lagu bahdilo dawladda ay wada dhisteen dhammaan kooxihii ummadda kala
metelayey iyo in loogu raadgado magaca ”federaal” oo ummadda u leh macne
iyo nuxur ay kuwaasi dano xunxun dartood uga biyodiidsanaayeen.
Isla ayaamihii dawladda la
unkayba waxaa warbaahinta ku soo batay in magacii ”federaal” oo ay
ummaddu ku heshiiyeen la tuuray, oo booskiisii la geliyey magacii ay
kooxdu shirka la yimaadeen, oo aan macnaha sii ridan lahayn.
Haddii denbiga la iska
dhawro idaacadaha af soomaaliga waxaa loogu dhegaysi badan yahay laanta
afka soomaaliga ee BBC, waxaana maragmaddoonto ah in aan magaca
”federaal” laga maqal laanta labadii ama saddexdii bilood ee ugu
danbeeyey, oo sannadda 2005 magacaas lagama maqal BBC.
Shakhsiyaadkii ”federaal”
diiddanaa oo markii laga tirabatay jeebka kala soo baxay ”kumeelgaar”
iyo shakhsiyaadka BBC awoodda ku leh baa waxaa ka dhexeeya wada shaqayn
tuugaysi ah oo aan loo hoggaansanayn waxyaalihii ay ummadda soomaaliyeed
ku heshiiyeen muddadii dheerayd oo kooxaha qaarkood lagu baryayey in ay
oggolaadaan in dalka la nabadeeyo, oo dawlad federaal ah la wada dhisto
si aan mar danbe la isugu saqajaamin oo caalamka casriga ah looga mid
noqdo.
Saxaafadda inteeda
kale waxaa ay u badan yihiin kuwo aan garan karin magacyadu in ay muhiim
yihiin, oo waxaa qaarkood afka loogu tiray ”dawladda kumeelgaarka ah”,
oo ah magacaabid laga soo xiisodhacay, oo ay dad waxmatareyaal lagu
tilmaami karaa magac iyo raad taariikheed oo aysan mutaysan ama mudnayn
ku doonayaan.
Run ahaantii
waxyaalihii lagu heshiiyey waxaa ugu cuslaa in ay dadku hubka u dhiibaan
dawladda loo dhan yahay iyo in la qaato nadaamka federaalka, waxaase la
moodaa in rag in ay wax xadaan u bartay ay kala xadayaan magacyadii ay
ummaddu ku heshiiyeen, oo aysan si bareer ah ugu qanacsanayn xeerkii la
dhigtay iyo ballamihii la isku dhaarsaday
Maahmaahda
qoraalkaan ciwaanka u ah waxaa loo soo qaadan karaa in maanta ummadda
soomaaliyeed isbaratay oo qofkii ama kooxdii nadaam iyo kala danbayn
ummadda la jecel iyo kooxaha burcadda ah uu qof kastaa eegga kala
yaqaan. Waxaa kale oo ay shacabku ka ilbaxeen in uu qof burcad ahi
qabiil ahaan caaddifaddooda u kiciyo oo uu qabyaalad iyo qalalaaso aan
dan u ahayn ku jahawareeriyo.
Qof kasta oo
soomaali ahi waxaa uu ka dheregsan yahay in hubka, dhiillada iyo
colaadda sokeeye aysan keeni karin wax aan burbur iyo aayo xumo ahayn,
isla markaas aysan qabiilooyinku horumar ku gaari karin in ay soomaalida
kale dulmiyaan.
Intaas waxaa
shacabka u dheer in ay wada og yihiin in dawlad la’aantu ay tahay cadaab
kulul oo adduunka la keenay. Qof kastaa waxaa uu og yahay in bad iyo
birriba degaankii soomaalida sun iyo xaalufin aan macquul ahayn lagu
halaajiyey, oo dhir iyo dhaqaaqilyo laga dhawray geyigii ay dadka
soomaalida loo yaqaani ku dhaqnaayeen. Dal iyo debedba waxaa calool xumo
soomaalida ugu filan in sumo haliska ay shisheeye ugu daadiyeen badaha
Soomaaliya.
In kasta oo
muddadii uu dalku ruxanayey meelaha qaarkood laga sameeyey maamullo ay
ka mid yihiin Soomaalilaan, Puntlaan iyo ”Shabeellada dhexe” haddana
taasi qarankii dunsanaa kama ay caawin karto waxyaalihii ay dawlad
soomaaliyeed qaban lahayd, oo waxaa keli ah oo ay shacabka aagaggaas
dega maamulhoosaadyadaasi ka caawiyeen nabadda, nadaamka canshuuraha iyo
adeegyo aan u sarrayn.
Hawlahaas laftooda
in si buuxda loo taabbogeliyo waxaa diidey in dalka intiisa kale ay kaga
furnaayeen fidmooyin siyaasadeed iyo kuwo xagga ammaanka ah, isla
markaasna uusan nadaam aan qaran muctarif ah dugsanayni hurumar miiggan
ku tillaabsan karin. Tusaale ahaan maamulka uu Maxamed Cumar Xabeed
madaxda ka yahay ee Shabeelle ka cagodhigtay waxaa labada dhinac oo ay
waddada dheeri uga kala gudubto ka xiga meelaha ugu nabadda liita gebi
ahaan caalamka, taasina waxaa ay keentay in dadkii waddada marayey oo ka
imanayey dhulalka ay burcaddu haystaan ay nadaamka iyo nabadda gobolka
waxyeelleeyaan ama maamulkii laga qaloodo oo ay dadkii xumaanta u bartay
ka didaan kala danbaynta iyo sharciyada meeshaas laga sameeyey.
Meelaha ay
maamulladu ka jiraan waxaa ka maqan burjigii iyo haybaddii uu qaranku
lahaa, oo hay’adaha laga sameeyey siyaasadda iyo maamullada gudaha uguma
ay guulaysan sidii uu qaranku ugu guulaysan lahaa, waayo hubka haddii
aan waddanka oo dhan laga dhigin waxaa xagga ammaanka isnajaasaynaya
gobollada daahirka ah iyo kuwa weli faddaraysan, isla mar ahaantaas
waxaa maqan siyaasaddii uu qaranku debedda ku lahaa iyo karaamadii
ummadnimo, oo maamulgoboleed iska harjadayaa ma uu dabooli karo
baahiyaha badan oo dadka iyo degaanka laga bi’in lahaa.
Aqoonsi uu qofka
soomaaliga ahi dunida ku maro si uusan u ihaanoobin oo aan loogu
xadgudbin ama uu danihiisa u gaaro ayaa ugu yar waxyaalaha ay siyaasadda
debedda ee qaranku kala maqan tahay qof kasta oo maamulgoboleed
hoosgala, lamana soo koobi karo danaha ka dhexeeya caalamka, waayo
ummado boqollaal ah oo kala faa’iidaysta iyo ururro badan ayeysan
soomaalidu xaqoodii ka helayn intii ay iyagu isku habsaansanaayeen,
waxaana taas beddeshey in ay ayaga iyo dalkoodu noqdeen meelo aragtiyaha
xunxun iyo qashinka lagu tuuryeeyo oo la yaso.
Halgammadaas ay
gobollada qaarkood galeen xilligii burburka waxaa habboonayd in ay dalka
intiisa kalena kaga daydaan si loo soo dhaweeyo in nabaddii faraha ka
baxday gacanta lagu soo celiyo, hase yeesho ee dad burcad ah baa waxaa
ay wateen dano xaaraan ah oo qalalaasaha lagaga faa’iido, taasina waxaa
ay keentay in maamulladii soomaalida dadka loo tuso in ay shisheeye u
adeegaan, halka meelaha fawdada ah lagu milmaamay meelo ay dacwada
islaamku ku fiddo oo ka nabadgalay faragelinta dalalka deriska ah!
Run ahaantii ma uu
jiro qabiil soomaaliyeed oo eed gaar ah dhammaantiis ka galay
Soomaaliya, hase ahaato ee dadka qaar baa beelaha qaarkood ku
dhaleeceeya in ay isku liqdaaraan qof kasta ama cid walba oo
qarannimadii u halgamaysa. Haddaba in qolooyin ama qolo soomaaliyeed si
guud afka loo mariyaa waa xilkasnimo xumo, waana wax aan xal u keenayn
ummadda, waxaase hubaal ah in ay dalka meelo ka mid ahi aad iyo aad u
qasan yihiin.
Dadka soomaalida ah
oo meelaha qaarkood ku nool haddii nabad iyo kala danbayn laga hadlo
waxaa ay u qaataan in ayaga la caayayo, waxaa ayna isku difaacaan in
dadka nabadda raadinayaa ay u shaqeeyaan dalalka Soomaaliya xudduudda la
leh, oo sidaas darteed ay haddoon tahay in la diido wax kasta oo ay
sheegaan!
Si kasta oo
waddannada deriska la isugu eedayn jirey, haddana laftoodii ayaa
soomaalida shir u qabtay, waxaa uuna shirkaasi noqday shir soomaali loo
qabtay midkii ugu baaxad weynaa, oo markii dawladda lagu dhisayey ay ka
wada raalli ahaayeen dhammaan shakhsiyaadkii iyo kooxihii ka muuqdey
garoonka siyaasadda iyo dagaallada marka laga reebo maamulka
Soomaaliland oo ayagu shirarka soomaalida ka cagojiida si ay meeshooda
isugu sii nagaariyaan inta ay dadka kale ku dadaalayaan qarannimadii
lagu cayaaray in ay soo celiyaan.
Markii uu shirku
dhammaaday waxaa shacabka iyo hoggaamiyeyaasha oo dhan ka muuqatay wax
aan marna soomaalida ka muuqan oo ahaa in ay ku wada qanceen natiijadii
ka soo baxday shirkii ay dalalka deriska ahi u qabteen walaalohooda
soomaaliyeed oo isku afgaran waayey sidii ay dalkooda u nabadayn
lahaayeen oo ay caalamka wax ula qabsan lahaayeen.
Dalalkii ku soo
dhibtooday shirka iyo dhammaan caalamka kaleba aad bay ugu farxeen in ay
soomaalidu wada dhisteen dawlad ay ka wada raalli yihiin, waxaana loo
ballanqaaday in haddii aysan ayagu iscuryaamin guud ahaan caalamka iyo
gaar ahaan Afrika aan waxba laga hagranayn, oo sidii loogu dulqaatay
muddadii ay shirayeen loogu sii dulqaadan doono in lala garabjoogo xoog,
xeel iyo xoolo waxii loo awoodo si ay uga soo baxaan xabaasha ay muddada
dheer ku xayirnaayeen.
Xilligii uu shirku
socdey badankiisii waxaa lagu mushquulay in qabiilooyinka ama ummadda
soomaaliyeed dibuheshiisiin rasmi ah laga dhexsameeyo, waana lagu
guulaystey oo ayada oo aan loo kala maqnayn baa waxaa la wada qortay
axdi qaran, waxaana dadkii ay colaaddu ka dhexaysey la gaarsiisey in ay
wada samaystaan barlammaan guddoomiye iyo madaxweyne doorta oo codkoodu
uu yahay go’aankii ummadda soomaaliyeed.
Dadkii ay beelaha
soomaalidu xildhibaannada u soo xusheen badankoodu waxaa ay ahaayeen dad
tacliin fiican leh ama shaqooyin qaran oo ciidan iyo maamul heer sare
soo qabtay marka laga reebo tiro aan badnayn oo ay ka mid yihiin
qabqableyaashii magaalada Xamar, oo u badan dad aan khibrad dawladeed
iyo aqoon midna lahayn, laakiin barlammaanka u galay in ay beelahooda
dhexdooda ku haystaan burcad ay jidgooyooyin ku sameeyaan, oo ay
qabiilkooda iyo masaakiinta ku dhexnool ku dhibaan
In xildhibaannada
soomaaliyeed qabiil lagu soo xulo waxaa ka fiicnayd in degaan lagu soo
xulo, waxaase arrintaas looga tanaasuley beelo aan dhulka ay degaan ku
kalsoonayn, oo ka jecel in qabiil ahaan loo xuso, taasna waxaa looga
oggolaaday in loo dabacsanaado dibuheshiinta oo dadka colaadda wada loo
seetodheereeyo si fidmadooda looga sabatabixiyo qaranka Soomaaliya.
Dawlado hore loo
dhisay oo shaqayn waayey waxaa la isku raacay in ay sababtu ahayd in
madaxdii loo doortay ay ahaayeen dad aan karti lahayn oo aan masuuliyad
sare ee qaran u lahayn mug ay ku hantaan, siiba xilligaan qallafsan oo
ay ummadda soomaaliyeed ku jirto marxalad adag ayna soo martay 35
sannadood oo ay horboodayeen dad aan u qalmin in ay soomaali soo hor
istaagaani.
Sidaas awgeed
xildhibaannada xulka ahi waxaa ay inta aan madaxweyne la dooran ka sii
doodeen aan qof la iska dooran ee uu xildhibaan kastaa qarankii uu u
dhaartay codkiisa ugu hiilliyo oo uu doorto qof ka duwan dadkii hore ee
lagu sirmay, waxmatareyaasha ahaa.
Waxaa doodda
hareeyey in qofka ummadda soomaaliyeed la horkeenayaa uusan lug ku
lahayn dawladdii kacaanka oo ay dadkii ka mid ahaa yihiin denbiileyaal
qaran, oo dhibaatada taagan in lagu maxkamadeeyo loo baahan yahay iyo in
uu qofka la doortaa ammaanka wax ka qaban karo oo uu ciidanka booliska
iyo milleterigaba u leeyahay khibrad fiican, isla markaasna uusan sujuu
ama khashiin ahayn ee uu soomaalida degaannadeeda iyo
dhaqanhoosaadyadeeda kala yaqaan, haddana qof nabad iyo dagaalba geli
kara uu yahay ee uusan qof daciif ah oo boorso sita ahayn.
Si kastaba ha
ahaato ee waxaa la soo gaarey in uu ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi
dhisay wasiirro awoodda uu si isu dheellitiran beelaha ugu qaybiyey, oo
ka koobnaa dad aqoon ama khibrad dawladeed leh marka laga reebo in yar
oo ay ka mid yihiin qabyableyaal dhawr ah oo ay ra’iisul wasaaraha isku
qabiil yihiin, kuwaas oo jagooyin aysan u qalmin loo dhiibey si ay
nabadda uga qaybqaataan maaddaama ay koofurta Soomaaliya siiba Banaaddir
dhibaato weyn ku hayeen muddo aad iyo aad u dheerayd.
Maaddaama dawladaha
Afrika siiba IGAD oo shirka gacanta ku hayn jirey ay dawladda Soomaaliya
uga baahnaan kartey gacanqabasho dheeraad ah ayey xukuumaddii la dhisay
codsi xagga ciidanka u badan u jeediyeen midowga Afrika, waxaana soo
baxday in ay dalal Afrikaan ahi u guuxeen in Soomaaliya xagga ciidanka
laga caawiyo maaddaama uu dalku muddo dheer ku soo jirey burbur isla
markaas ay ammaanka iyo aqoontuba aad u liitaan.
Intii aysan
wasiirrada iyo xilbibaannadu arrinta ciidanka qalaad u codayn ayey
qabiilooyinka Xamar qaarkood shakhsiyaad ka soo jeedaa aad uga dhirfeen
ciidanka ajnebiga ah. Saddex hadal baa cirka lagu shareeray oo uu midka
kowaad ahaa in ay Soomaaliya ciidan leedahay, oo aan loo baahnayn ciidan
kale, hase ahaato ee dadkii ciidan aqoonta u lahaa sida Maxamed Abshir
Muuse, Maxamed Cali Samatar, Cabdullaahi Yuusuf iwm waxaa ay isku
raaceen in burcadda ay qabiilooyinku isku bililiqaystaan aan ciidan
qaran lagu tilmaami karin, isla markaasna ciidankii hore ee Soomaaliya
uu isugu jiro wax dhintay, wax aan muddo dheer shaqayn oo shaqadii
illaawey ama gaboobey iyo wax aan awalba ciidan ahayn ee uu Maxamed
Siyaad garaaddo isaga taxay oo aan ummadda lagu soo celin karin, oo
saaqidiin ah.
Hadalka labaad
waxaa uu ahaa in la iclaamin doono jihaad islaami ah haddii ciidan
qalaad dalka la keeno, waxaana sidaas ku hanjabey labo nin oo isku qoys
ah oo uu mid Xamar joogo midna uu degmada Marka iyo nawaaxigeeda burcad
ku haysto! Horta aroos baa la iclaamiyaa ee jihaad lama iclaamiyo,
waxaana jihaadka ku xiran shuruudo xooggan oo ay diintu u dhigtay oo aan
qabyaalad ku salaysnayn.
Midda kowaad dadka
jihaadka lagu qaadayo waa in la hubo in ay gaalo yihiin, maantana lama
oran karo wasiirrada iyo xildhibaannadu waa gaalo, isla markaas
ciidamada dalka la keenayo waxaa laga yaabaa in ay yihiin muslimiin,
waayo dalalka ay ka imanayaan waxaa malaha kuwa ugu gaalsan ka mid ah
Itoobiya iyagana waxaa dadkooda muslimiin ah 70%. Sidaas awgeed waa in
la xaqiijiyaa in ay rasaasta jihaadku ku dhacayso gaalo ee aan diinta
qabyaalad loogu soo gabban!
Midda kale jahaadku
iclaan ma ah ee waa amar ay soo saari karto dawlad islaami ah sidii
dawladdii Nebiga CSW, waana in ay imaamka muslimiinta iyo shuuradiisu
soo saaraan amar buuxa oo ku wajahan muslimiinta. Maanta qofkee imaan ah
oo ay muslimiintu doorteen? Mase qof suuqa iska jooga ayaa imaam iska
sheeganaya oo jihaadka sidii arooskii u iclaaminaya? Dadka uu dhexjoogaa
inta aysan jihaadin sow looma baahna in ay u kala soocan yihiin xalaasha
iyo xaaraantu? Qof ku quraacda xaaraan, oo ku qadeeya xaaraan, oo guri
xaaraan ah ka soo toosa, oo surweel uu xaday gashan miyuu Rabbi jihaad
ka aqbalayaa?!
In kasta oo aysan
dawlad islaami ahi jirin xataa haddii ay wadaaddada soomaalidu isku
raacaan oo ay wada iftoodaan in ay dawladda Soomaaliya iyo ciidamada
nabad ilaalintu gaalo yihiin oo lala jihaadi karo dood baa furmi lahayd,
laakiin wadaaddada soomaalidu ma aha labo nin oo 15 sannadood gabdhaha
soomaaliyeed hortooda lagu kufsanayey oo jihaadka ugu gabbanaya in ay
difaacdaan guryo iyo beero ay eheladoodu ka xoogeen dad masaakiin ah!
Waxaa jira hadal
kale oo ciidamada iyo dawladda in lagaga hortago ay dadka qaarkood u
adeegsadeen oo magaalada Xamar dad qaarkood lagu dhexfaafiyey, waana in
ay ciidamada la sheegayaa yihiin ciidanka Itoobiya! Dad qiiro ama
caaddifad iska muujinaya ayaa waxaa ay cuskadaan dagaalkii Siyaad iyo
Mingistu dhexmaray 1977, waxaase isweydiin mudan labadaas nin 1988 sow
dib uma ay heshiin markii uu kacaanku gubayey soomaalida woqooyi
qaarkood? Haddii dagaalkii labadaas keligitaliye uu diin inoo noqonayo
maxaa la isaga indhotirayaa heshiiskoodii, sow heshiiskoodu ma uu
danbayn?
Madaxda maanta
Itoobiya ka taliyaa waxaa ay siddeetanaadkii joogeen Xamar ayaga oo
Maxamed Siyaad la saaxiib ah, ee taas lafteedana waa in sheekada lagu
daro oo aan jabhadihii soomaakida oo Wardheer joogey keli ah laga
fakarin. Haddii Madaxweynaha Soomaaliya ee maantu uu Keenya u fakaday
1978, waxaa ka danbaysey in Maxamed Siyaad 1991 Kenya soo galay, waxaana
taas keentay in uu joogey meel xadka Keenya u dhow ee waxaa uu u carari
lahaa Itoobiya oo uu markaas joogey Mingistu, oo ay ahaayeen saaxiibbo
heshiiyey 1988.
Dooddu ma ay taagna
Itoobiya, waayo dalkaasi waxaa uu ka mid yahay ururro caalami ah sida
Qaramada midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD, waxaana khasab ah tillaabo
kasta oo urur ahaan loo qaado in uu xubintiisa ku leeyahay. Shakhsi
soomaali ah oo Xamar iska joogaa urur caalami ah kama uu saari karo
xubin xubnihiisa ka mid ah, isla markaas shantaan sannadood waxaa
go’aanka Soomaaliya leh barlammaanka iyo xukuumadda federaalka ee lagu
hashiiyey.
Shacabka
soomaaliyeed waa ay u furan tahay in ay suuqa kaga doodaan in ay
Soomaaliya ciidan ururrada caalamiga ah ka socda u baahan tahay iyo in
kale, laakiin taasi go’aan qaran ma aha ee waxaa go’aankaas qaadan kara
xukuumadda iyo baarlammaanka, waayo ayaga ayaa xilka Soomaaliya la
saaray muddo shan sannadood ah, ayaga ayaana lagula xisaabtami doonaa oo
ama taariikh fiican reebaya ama mid xun.
Sababta
barlammaanka iyo xukuumadda loo sameeyey waxaa ay ahayd in laga baxo
isbarbaryaaca oo ay dadku ku kala miirmaan shacab iyo dawlad uu mid
kastaa abbaartiisa yaqaan. Dhibaatada ugu weyn oo soomaalida haysataa
waa in aysan garanayn sababta dad gaar ah xilal loo saaraa in ay tahay
in hawshooda lagu ixtiraamo, oo ay dadku kala soocmaan
Qof waa hore madax
ahaan jirey oo haatan shacab ahi haddii uu aragti dhiibto waxaa ay
soomaalidu u qabaan in ay aragtidiisu tahay go’aan qaran, oo qofka
markaas masuulka ah hadalkiisu dadka suuqa taagtaagan ugama uu duwana,
taaso keentay in aan la ogayn sababtii labada sannadood iyo dheeraad
Kenya loo joogey in ay ahayd in la sameeyo dad Soomaaliya wax u
go’aamiya, oo ay caalamka iyo soomaaliduba la xisaabtamaan.
Marxaladihii la
maray waxaa ka mid ahaa in qof qabqable qabiil ahaa uu isu beddeley
xildhibaan qaran, oo uusan markaas laga bilaabo sheegan karin hoggaamiye
koox qabiil, ama in uu wasiir qaran noqday oo uu wasaarad ummadeed madax
u yahay. Haddii qof loo dhaariyo wasiirka shinbiraha waa in uu ogaadaa
in shinbiraha laga wado shinbiraha Soomaaliya oo dhan ee aan laga wadin
shinbiraha Gaalkacyo ama kuwa Ceerigaabo, waana in aysan wasiirro isu
qabiil ahi dan qabiil gooni uga shirin oo aysan soo saarin go’aan
qabiil.
Ceebaha ugu waaweyn
oo dhacay waxaa ka mid ah in ay xildhibaanno qabiil gooni u shiraan oo
ay go’aan qabiil gaaraan sidii madax dhaqan. Markii ay xildhibaannadu
shirayaan waa in uu guddoominayo qof madax ka ah barlammaanku, waana in
ay dan qaran ka doodaan ama u codeeyaan, waayo waa laga soo gudbey
jabhadihii qabiilka, oo waxaa loo dhaartay Soomaaliya.
Wasiir soomaaliyeed
uma bannaana in uu mar danbe sheegto hoggaamiyenimo aan ahayn midda
wasaaraddiisa, mana uu shirin karo wasiirro kale, waayo in wasiirrada la
shiriyaa waa hawshii ra’iisul wasaaraha. Dhibaatada ugu weyni waxaa ay
arrintaan ka haysataa qabyableyaashii Xamar oo wasaaradaha aysan u
qalmin loo dhiibey, kuwaas oo weli sheegta hoggaamiye kooxeedyo oo aan
ogayn in ay in hub la haystaa sharci darro tahay, waayo hubka soomaalida
iyo maamulka soomaalidu shakhsi ama koox gaar ah ma ay khusayn karaan
ayada oo ay xukuumad qaran dhisan tahay.
Qofkii wasiir ahi
haddii uusan aqoon waajibaadkiisa iyo xuquuqdiisa waa in loo furaa
koorso degdeg ah si aysan u dhicin ceebihii dhacay. Nin wasaarad dhan
loo magacaabay oo oranaya ”Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu aniga ha
ii yimaadeen si aan ugu waardiyeeyo buraddii isbaarooyinka ii hayn
jirtey” ma uu fahmin macne dawladeed! Horta asaga oo wasiir qaran ah
sharcigee baa u oggolaanaya in uu burcad qabiil iyo isbaarooyin yeesho?!
Xilka wasaaradeed oo la saaray iyo xildhibaannimada masuuliyad aan ahayn
ee qaran yaa u oggolaaday? Ra’iisul wasaaruhu sow asaga ma uu xukumo oo
nadaamka iyo kaladanbayntu sharci kuma ay salaysna? In uu asagu ra’iisul
wasaaraha iyo madaxweynaha waardiyeeyo yaa u xilsaaray? Sow ma aha
samuuliyiintii asaga ka sarreeyey oo shaqada asaga loo dhaariyey u
gartay?
Arrimaha debedda
iyo ciidamada maxaa ka galay wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta? Maxaa
ka khuseeya dalabaadka uu madaxweynuhu madaxda la heerka ee Afrika ka
codsaday? Markii ay dooddu golaha wasiirrada soo gaarto ayuu aragti ku
leeyahay, codayntana hal cod buu leeyahay, haddii aragtidiisa laga
batana waxaa u furan in nadaamka u hoggaansamo ama uu iscasilo asaga oo
anshaxa dhawraya.
Xukuumaddu waa koox
midaysan oo ereygii ay isku raacaan keli ah faafiya oo ummadda u soo
gudbiya, isla markaas waxaa denbi ah in ay garoonka saxaafadda iska
canbaareeyaan. Ma aha in uu qofkii jilibkiisa dhallinyaro ah u talin
jirey oo la qayili jirey marna suuqa ku canaan jirey moodo in nadaamka
dawliga ahi uu maleysiya beeleed la mid yahay ama weli la yahay kooxihii
qabiillada oo BBC iska caayi jirey!
Maaddaama uu dalku
muddo dheer fawdo ahaa ayaa waxaa adag in ay dadku fahmaan ama ay
aqbalaan nadaam dawladeed, waxaase ugu daran haddii ay wasiirradii ka
liitaan shacabkii wax loo qaban lahaa! Qaranka dhan oo hay’adihiisii la
dhisayo dadka loo magacaabay weli waxaa ay isu haystaan hoggaamiye
kooxeedyo, waayo jahli iyo qaabdarro lagu mabay baa qalbigooda
qallajiyey.
Weerku ma uu jecla
in xoolaha la xereeyo, oo waxaa uu risiqiisu ku xiran yahay ari dayacan
oo cidla miranaya, waxaana dabeecaddaas oo kale leh dadka wasiirrada loo
dhaariyey oo hubka sharci darrada ah weli haysta oo diiddan in hay’adaha
qaabbilsan ku wareejiyaan. Haddii shacabka nadaam dawladeed loo sameeyo
waxaa ay isu qabaan in ay yihiin weer ari laga xeraystay, mana ay laha
garasho iyo xilkasnimo aan ahayn in sidii weer ay ilkihii ka afbeeleen
laga dhigo oo qaranka ay ku cayaareen awood lagaga qabto. Waxaa ay u
qabaan in aysan sharaf iyo nolol helayn haddii qarankii suuxay uu soo
miyirsado.
Waddan haddii ay
dawladi ka dhisan tahay dhammaan hubka yaal waxaa sharci ahaan leh
qaranka, oo hubku ka mid ma aha waxyaalaha ay koox ama shakhsi gaar u
lahaan karaan, waayo waa wax halis ah oo ay lamahuraan tahay in uu hal
gacan galo, waana gacanta qaranka. In uu qof dawladda ka mid ah ama
shacab ahi hub haystaa waa sharci darro, waayo waxaa dhacday
dibuheshiisiin buuxda oo loo fadhiyey muddo labo sannadood ka badan,
waxaana lagu heshiiyey in ay dawladdu xaq u leedahay dhammaan xuquuqihii
ay dawladi lahayd, ayna saaran yihiin oo ay u dhan yihiin dhammaan
waajibaadkii ay dawladi lahaan jirtey.
Waxaa la moodaa in
shakhsiyaad sheeganaya siyaasiyiin waaweyn ama aqoonyahamiin sare ay
caadifadaha makasta ku dhexdabaashaan, oo ay isaga khaldan yihiin danaha
qaranka iyo hooskatuurka shakhsiyaadku. Kuwaas dhiigga shacabka ku naaxa
oo aynu hore u soo sheegnay markii ay derbiyo siyaasadeed oo aysan aqoon
hardiyeen baa waxaa is abaabuley kooxo aqoon iyo siyaasad lagu hafro oo
dhiigyacabyada Xamar ee dawladda lagu daray si dhuuhayn ah ugu
garabtaagan waxyaalaha sharci darrada ah oo ay dhabaqsadeen.
Danaha qaranka oo
ay shisheeye iyo sokeeyeba nafta u hureen sidii loo soo celin lahaa bay
dad aqoon iyo siyaasad sheegayaa waxaa ay u hagardaamaynayaan xin iyo
xiqdi ay shakhsiyaad ka dheerey u qabaan ayaga oo hoos cararaya qofba
qofka uu ka mooryaansan yahay, laakiin waxaa nasiib wanaag ah in
shacabka soomaaliyeed uu maanta diyaar u yahay in uu taageero cid kasta
oo nabaddoodii iyo sharaftoodii u soo celinaysa ayaga oo aan lagu
beerlaxawsan karin qabyaalad iyo been aan qiimo lahayn.
Dadka uu qaranku ka
kooban yahay ama ay hay’adaha qaranku ka kooban yihiin in ay
isjeclaadaan sidii habar iyo carruurteed shardi ma aha, waxaase waajib
ah in masuuliyadaha uu qaranku leeyahay sida ay yihiin loo wada
meelmariyo, maxaa yeelay shakhsiyaadka iyo dalku waa labo arrimood oo
aad u kala macne duwan. Danta wada noolaanshaha iyo qaranku shaqo kuma
ay laha in ay labo qof isjecel yihiin iyo in ay isneceb yihiin, ee
labadii isjecel iyo labadii isnecebba waxaa saaran waajibaad ay ku
ilaalinayaan danaha ay labadooduba u baahan yihiin ee qaranka.
Nin kastaa waxaa uu
gudo iyo waxaa uu galo maanta carruurta ayaa og, isla markaas
qabyaaladdii qof kastaa iskiis buu uga daaley, waayo lama hayo cid wax
ka faa’iiddey, laakiin in ay qarannimadu waxtar leedahay waa wax hubaal
ah, oo ay xataa mooryaantu qirsan yihiin.
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Qoraalka sare waxuu ka turjumayaa aragtida
shaqsiga ah ee qoraaga uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna
allgedo wax shaqo ah kuma lahan.
allgedo@allgedo.com
|
|