HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 
February 5, 2005
 

SIDEEN DADKA DIINTA UGU SHEEGNAA???.

By Mohamed Hasan Yusuf (Sharifka)
Faafin:  Allgedo, February 5, 2005

















 

Dib umilicso urur diimeedyadii is-badal-doonka ahaa ee soo maray dunida, ama la aas-aasay kadib burburkii dowaladii islaamka.

Urur diimeedkaas waxaa ugu horeeyey uguna caan sanaa Ururkii al ikhawaanul-muslimiin, ee uu sameeyey, Sheekh Xasan Albnaa ee ka dhisnaa dalaka Masar, oo markii danbe si aad ah ugu faafay meelo badan oo dunida islaamka ka mid ah, in badan oo ka mid ah dadka u dhuun duleela ama wax ka qora kacaanada islaamiga ahi ayaa is waydiiyaan wax uu soo kordhiyey Ururukaas iyo halka uu ku danbeeyey.

shaki kuma jiro in Ururkaas uu ahaa Urur isbadal doon ah laakiin qof waliba waxaa uu leeyahay maxaa ku dhacay isbadalkii ay uhanqal taagayeen masuuliyiintii iyo waliba taageerayaashoodu, waxaa larumaysan yahay inuu horjoogsaday xowligii uu kusocday iyo firfircoonidii Ururku isku dhacii dowlada ay sida tooska ah isugu dhaceen,cidkastab masuuliyada isku dhacaasi dusha ha laga saaree, taas waxaa ay sabataya in hogaankii talda wadanka hayey ee Milatariga ahaa uu si toos ah ula diriro kooxdaas islaamiyiinta ah ee jecel in la dhaqan galiyo shareecdada islaamka,waxaa xabsiyda loo taxaabaya kumanyaal ka mid ah xubnihii Akhwaanka,ayagoo lagu eedeeyey qiyaamo qaran iyo in ay hor kacyeen kacaan kasoo horjeeda midka wadanka uyaal, waxaa lagu xukumay ciqaabo kala duwan oo isugu jirta daldalaad iyo xabsi daain ama madaxaa ha ku furto.

ragaasi ladaldalay waxaa kamid ahaa uguna caansanaa, Sayid Qudbi oo ahaa qoraa wayan oo in badan wax ka qoray diinta islaamka,qoraaladiisa waxaa ka mid ah uguna caansan kitaabkiisa caanka ah ee (Dilaalul qur'aan) oo ah kitaab uu ku tafsiiray qur'aanka kariimka ah,iyo sidoo kale (Macaamil Cala Dhariiq),waxaan la rumaysan yahay in fikirkiisa ku salaysan wax loogu yeero (ALxaakimiya iyo ALjaahilya ALmucaasara) uu in badan ku sharxay labdaan kitaab.

inkastoo ay jiran culimo badan oo naqdin iyo duritaanba ku sameeyey qoraalda Sayidka guud ahaan gaar ahaan labadaan kitaaba, hadan qaar badan oo kamid ah kuwa jecal isbadalada islaamiga ah, iyo waliba taagerayaasha ururka ayaa aad ula dhacsan oo la haya qoraaga iyo qorladiisa.

tiro ayaan yarayan oo kamid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ururka ayaa ayaguna ka baxsaday dalkoodii iyo dadkoodii.

intaas kuma ekaanin dhibtii iyo fidnadii dhacday ee waxaa ay saamayan ku yeelataya figradiii iyo caqiidadii ay haysteen, waxaan uu isbadal wayan ku yimid wixii ay aaminsanaayeen iyo waliba fikradahoodii isbadal doonka ahaa, in badan oo kamid ah kuwii laxanuujiyey ama ladhibay ayaa aaminya ama iska dhaadhiciyey in ay ayaga kaliya muslin ka yihiin dadka dunida guudkeeda ku sugan oo dhan cadaan iyo madoowba, sidaa darteed waxaa soo ifbaxay oo bilowday figrada gaalayasiinta ummada islaamka -oo aan ahayan figrada ugub ah ee iyadu horay usoo maratay dunida islaamka, ayana bilaabeen qolyihii la oran jiray (Alkhawaarij) ee uu dagaalaka ku qaaday Sayid Cali Bin Abii Dhaalib oo ahaa khaliifkii afraad ee ummada islaamka- waxaan halkaas kasamaysmaya kooxda maanta loo yaqaan (Alhijra Watkfiir)

dhabtii cidina ma in kiri karto in ururkaas uu sameeyeye isku day ah in ladhaqan galiyo shareecda islaamka, uuna helaya taageerda in badan oo kamid ah dadyowga jecel islaamka iyo ku dhaqankiisa,laakiin waxaa la is waydinyaa isku daygaasi ma noqday mid lagu gaaro oo wasiilo unoqda hadafkii la higsanayeye iyo yoolkii loo socday ee ahaa in mar labaad lasoo celiye khalaafadii burburtay.

inkstoo uu wali shaqaynayo ururkii walow ay ka farcameen kuwo kale oo aan yaran, hadan tijaabadaas ah in la furo xisbi islaami ah ama urur diimeed, waxaa ay ka noqotay daldka Masar mid aan wax tar ahayan oo ku dhamaatay wado soo xiran tay.

hadii aan usoo laabto gudaha Soomaaliya waxaan wada xasuusanaa wax qabdkii ururkii Al itaxaadul islaami iyo hawshii uu ka waday guda Somaliya mase ogin halaka ay ku dhamaataya hawshaas ama natiijadii iyo guushii ay soo hoyeen, marka laga reebo dagaaladii ay lagaleen qabaailka am qabqablayasha qaarkood.

waxaan hubaa in Ururkaasi uu hantay ama uu kasbaday taageerada in badan oo kamid ah dhalinyarii aqoonta lahayad iyo waliba xubno firfircoon oo kamid ahaa askartii dowaldii Siyaad Bare ee ay shaqa la,aantu ku dhacaday kadib burburkii dowlada.

waxaa ay ahayd isku day wayan oo ay madaxda ururkaasi ku qorshayanyeen sidii ay hogaanka iyo talda dalka ula wareegi la haayeen, ma ahan ujeedada qoraalkan inaan kaga warbxino waxqabadkii (Al itaxaad) ee waxaan u carabaabnaya waa in uu ahaa isku day ama kacaan fashilmaya oo lagu doonayey ugu yaraan in laga dhaqan galiyo shareecdada islaamka gudaha Soomaliya, haduu rabo ha ahaado kii ugu danbeeyey oo noociisa ah.

kacaanada islaamiga ah ee dunida soo maray kaliya ma ahayan kii ugu horeeye ee Akhwaanka Masar iyo Alitaxaadka Soomaliya oo kaliya, ee iyana waxaa jiray ururo kale sida (Dhaalibaantii Afgaanistaan) iyo isku daygii Dumiquraadiyada Islaamiga ah ee Aljeriya ka dhacaday bilowgii sagaashameeyadii ee uu hogaaminyey Dr.Cabaas Almadani.

si kastaba xaalku ha ahaadee in badan oo kamid ah muslimiinta dunida ku nool ayaa aminsan in laga weecday oo lagarab maray wadadii xaq ahayd, kadib markii ladhaqan galin waaye Manhajkii iyo Dastuurkii alle noo soo dajiyey oo uu yiri asaga isku dhaqa dhan walbaba waad liibaanaysaan labda daaroode,waxaan ay ku doodayaan in aan guul indhaha lasaarayan inta Kitaabka alle loo soo laabanayo oo la dhaqan galinyo, waa arin aan muran la hayan oo la isku wada raacsan yahay in inta kitaabka alle ku dhaqankiis meesha ka maqan yahay aan la guulaysan doonin, laakiin hadii la waydiiyo dadyowga jecel dhaqan galinta kitaabka guud ahaan gaar ahaana kuwa isbadal diimeedka aad ugu judbaysan ee loo yaqaan islaamiyiinta kacaaka ah sida iyo qaabka ay u rabaan in aan uqaadano kitaabka waxaan hubaa in ay su,aashaas jawaabteedu keenayso buuq aan yaran, waxaan xaqiiqa ah in qof walba ama urur walaba uu ku doodi lahaa in sida uu asgu rabo ee kusalaysan aydoolajiyadiisa iyo figradihiisa diimeed ay tahay mida ugu fiican in loo fahamo dhaqan galinta iyo qaadashada kitaabka.

taas macnaheedu waxaa weeye, Tusaale ahaan qolyaha loo yaqaan Jihaadiyiinta ama kuwa jecel in ay alle dartiis udhintaan waxaa ay aamin san yihiin ama ay urkaan Kitaabka ku dhaqankiisu in ay tahay in gaalada lalaayo oo dhagata dhiiga loodaro, waxaan ay u haystaan ama ay aamineen in aan guul iyo barwaaqo la gaarayan inta Jihaad la,aani jirto, aanana rajo laga qabin in ay soo noqoto sharaftii iyo cisadii islaamku la haan jiray waayo waayo.

waa shaya xaq ah in la jihaadaa waan mid ay ku faaftay Dowaladii islaamiga ahayd ee uu sameeyey (Nabi Mux,med S.C.W).

waxaase iyana meesha ku jirta sidee ayaan ujihaadnaa iyo xiligeen jihaadi karnaa? maxaase na looga baahana yahay inta aanaan qariga qaadin ama aanaan miinada isku qarxinin?, waxaa kale oo muhiin ah inaan naqaan cida aan la jihaadayano ma kuwa maanta madaxda ka ah dunida islaamka sida boqorda khaliijka iyo madaxwayanayaasha caalmka islaamkaa?.

qolyaha ah jihaadiyiinta marna ma jeclaa in ay maqlaan su,aalahan iyo kuwa lamid ka ah waxaan ay u arkaan kuwa caqabad looga dhigayo shaqada ay hayaan ee ah gaalo ladirirka, waxaan ay ula muuqdaan dadka su,aalahaan wadaa in ay wali ku howlana yihiin hadal maligii galay, waxaa ay jawaabtooda ku aadan su,aalhaas oodhan kusoo gaabinyaan waa dhamaataya xiligii dooda iyo muranka ee orad oo qorigaaga soo qaado maanta waad aragtaa in la ugaarsanyo qofkasta oo muslin ah meel walba dunida ha ka joogee.

baryahaan danbe waxaaba ay taargada kadhiganyeen madaxda wadamada islaamka iyo in ay falal isugu jira dil iyo qarbudaad kasmeeyaan gudaha wadamada muslinka ah, waxaa ay ku andacoonayaan in aysan gaari karin gaalkii ay usocdeen inta ay ka sukeeyaan kuwan muslin u eka ah- waa sida ay aaminsan yihiin- ha ahaado askari ama masuul kale,waxaan ay ku xukumeen gaala raacnimo iyo in ay yihiin khaaimiin dhulkii iyo dhaqaalihii islaanka gacanta ugaliyey gaal si ay isii haystaan xukunkooda ama ay ugu ilaashadaan kursigooda.

iyana waxaa dhanka kale taagan oo figaradaas si wayan uga soo horjeeda qolyo kale oo aaminsan in Jihaadka ay ka horayso oo laga hormariyo hagaajinta caqiidada dadka islamar ahaantaasna la dhiso shaqsiyada qofka muslinka ah si loo helo shaqsiyada muslin ah oo fiican dhan walabana ka dhisan, ama ummada aydoon laqasbin madax iyo shacaba diyaar unoqata in ay qaataan oo ay dhaqan galiyaan diinta islaamka, waxaan ay ku celcelinyaa in awooda lasaaro wax loogu yeero (Atarbiya Watasfiya),oo ay ula joodaan barbaarinta qofka lagu barbariyo culuumta islaamka aydoo qalbigiisa laga nadiifinyo wax kasta oo wax u dhimi kara iimankiisa iyo islaanimadiisa,markaas kadibana loo gudbo udiyaar garowaga jihaadka wayan ee uu qur'aanku xusay,

waxaan ay uyaqaan ama ay uhaystaan in qolyaha maanta ku baaqaya jihaad ayasan wax natiija ah iyo guul mida usoo hoyanaynin islaamka in ay dhib iyo fidno soo kordhiyaan ma ahane,waxaan ay ugu yeeraan in ay yihiin dhalin yaro xanaaqsan oo aan cilmi sidaa usii buuran lahayan oo wax ku salayanaya xamaasad iyo judbo aan xiligeedii la joogin.

marka laga hadalyo madaxda islaamka waxaa ay aaminsan yihiin in ay yihiin dad muslimiin ah isla markaan ah (Waliyul Amri) loona baahan yahay in la maqlo oo la adeeco ayana xaaran tahay in dagaal lagala hortago, waxaan waajib ah ayay leeyahihiin in loo duceeyo si ay u noqdaan kuwo ku toosan wadada xaqa ah oo cadaalda iyo diin jacayal dadkooda ku dhaqa.

max,med xasan yuusuf(shariifka)
email.shariifka99@hotmail.com
Nairobi,  kenya

Lasoco qatbta saddexaad


 

SIDEEN DADKA DIINTA UGU SHEEGNAA???.
Qaybtii 1aad Riix halkan...


 

Shariif Hassan Yosuf 



Fiiro gaar ah:  Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar yahay qoraaga uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeed, Allgedo shaqo kuma lahan.

 

allgedo@allgedo.com

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com