SIDEEN DADKA
DIINTA UGU SHEEGNAA???.
By
Mohamed Hasan Yusuf (Sharifka)
Faafin: Allgedo, February 5, 2005
Dib umilicso
urur diimeedyadii is-badal-doonka ahaa ee soo maray dunida,
ama la aas-aasay kadib burburkii dowaladii islaamka.
Urur diimeedkaas waxaa ugu
horeeyey uguna caan sanaa Ururkii al ikhawaanul-muslimiin,
ee uu sameeyey, Sheekh Xasan Albnaa ee ka
dhisnaa dalaka Masar, oo markii danbe si aad ah ugu faafay
meelo badan oo dunida islaamka ka mid ah, in badan oo ka mid
ah dadka u dhuun duleela ama wax ka qora kacaanada islaamiga
ahi ayaa is waydiiyaan wax uu soo kordhiyey Ururukaas iyo
halka uu ku danbeeyey.
shaki kuma jiro in
Ururkaas uu ahaa Urur isbadal doon ah laakiin qof waliba
waxaa uu leeyahay maxaa ku dhacay isbadalkii ay uhanqal
taagayeen masuuliyiintii iyo waliba taageerayaashoodu, waxaa
larumaysan yahay inuu horjoogsaday xowligii uu kusocday iyo
firfircoonidii Ururku isku dhacii dowlada ay sida tooska ah
isugu dhaceen,cidkastab masuuliyada isku dhacaasi dusha ha
laga saaree, taas waxaa ay sabataya in hogaankii talda
wadanka hayey ee Milatariga ahaa uu si toos ah ula diriro
kooxdaas islaamiyiinta ah ee jecel in la dhaqan galiyo
shareecdada islaamka,waxaa xabsiyda loo taxaabaya kumanyaal
ka mid ah xubnihii Akhwaanka,ayagoo lagu eedeeyey qiyaamo
qaran iyo in ay hor kacyeen kacaan kasoo horjeeda midka
wadanka uyaal, waxaa lagu xukumay ciqaabo kala duwan oo
isugu jirta daldalaad iyo xabsi daain ama madaxaa ha ku
furto.
ragaasi ladaldalay waxaa
kamid ahaa uguna caansanaa, Sayid Qudbi oo
ahaa qoraa wayan oo in badan wax ka qoray diinta
islaamka,qoraaladiisa waxaa ka mid ah uguna caansan
kitaabkiisa caanka ah ee (Dilaalul qur'aan) oo ah kitaab uu
ku tafsiiray qur'aanka kariimka ah,iyo sidoo kale (Macaamil
Cala Dhariiq),waxaan la rumaysan yahay in fikirkiisa ku
salaysan wax loogu yeero (ALxaakimiya iyo ALjaahilya
ALmucaasara) uu in badan ku sharxay labdaan kitaab.
inkastoo ay jiran culimo
badan oo naqdin iyo duritaanba ku sameeyey qoraalda Sayidka
guud ahaan gaar ahaan labadaan kitaaba, hadan qaar badan oo
kamid ah kuwa jecal isbadalada islaamiga ah, iyo waliba
taagerayaasha ururka ayaa aad ula dhacsan oo la haya qoraaga
iyo qorladiisa.
tiro ayaan yarayan oo
kamid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ururka ayaa ayaguna ka
baxsaday dalkoodii iyo dadkoodii.
intaas kuma ekaanin
dhibtii iyo fidnadii dhacday ee waxaa ay saamayan ku
yeelataya figradiii iyo caqiidadii ay haysteen, waxaan uu
isbadal wayan ku yimid wixii ay aaminsanaayeen iyo waliba
fikradahoodii isbadal doonka ahaa, in badan oo kamid ah
kuwii laxanuujiyey ama ladhibay ayaa aaminya ama iska
dhaadhiciyey in ay ayaga kaliya muslin ka yihiin dadka
dunida guudkeeda ku sugan oo dhan cadaan iyo madoowba, sidaa
darteed waxaa soo ifbaxay oo bilowday figrada gaalayasiinta
ummada islaamka -oo aan ahayan figrada ugub ah ee iyadu
horay usoo maratay dunida islaamka, ayana bilaabeen qolyihii
la oran jiray (Alkhawaarij) ee uu dagaalaka ku qaaday
Sayid Cali Bin Abii Dhaalib oo ahaa khaliifkii
afraad ee ummada islaamka- waxaan halkaas kasamaysmaya
kooxda maanta loo yaqaan (Alhijra Watkfiir)
dhabtii cidina ma in kiri
karto in ururkaas uu sameeyeye isku day ah in ladhaqan
galiyo shareecda islaamka, uuna helaya taageerda in badan oo
kamid ah dadyowga jecel islaamka iyo ku dhaqankiisa,laakiin
waxaa la is waydinyaa isku daygaasi ma noqday mid lagu gaaro
oo wasiilo unoqda hadafkii la higsanayeye iyo yoolkii loo
socday ee ahaa in mar labaad lasoo celiye khalaafadii
burburtay.
inkstoo uu wali shaqaynayo
ururkii walow ay ka farcameen kuwo kale oo aan yaran, hadan
tijaabadaas ah in la furo xisbi islaami ah ama urur diimeed,
waxaa ay ka noqotay daldka Masar mid aan wax tar ahayan oo
ku dhamaatay wado soo xiran tay.
hadii aan usoo laabto
gudaha Soomaaliya waxaan wada xasuusanaa wax qabdkii ururkii
Al itaxaadul islaami iyo hawshii uu ka waday guda Somaliya
mase ogin halaka ay ku dhamaataya hawshaas ama natiijadii
iyo guushii ay soo hoyeen, marka laga reebo dagaaladii ay
lagaleen qabaailka am qabqablayasha qaarkood.
waxaan hubaa in Ururkaasi
uu hantay ama uu kasbaday taageerada in badan oo kamid ah
dhalinyarii aqoonta lahayad iyo waliba xubno firfircoon oo
kamid ahaa askartii dowaldii Siyaad Bare ee ay shaqa
la,aantu ku dhacaday kadib burburkii dowlada.
waxaa ay ahayd isku day
wayan oo ay madaxda ururkaasi ku qorshayanyeen sidii ay
hogaanka iyo talda dalka ula wareegi la haayeen, ma ahan
ujeedada qoraalkan inaan kaga warbxino waxqabadkii (Al
itaxaad) ee waxaan u carabaabnaya waa in uu ahaa isku day
ama kacaan fashilmaya oo lagu doonayey ugu yaraan in laga
dhaqan galiyo shareecdada islaamka gudaha Soomaliya, haduu
rabo ha ahaado kii ugu danbeeyey oo noociisa ah.
kacaanada islaamiga ah ee
dunida soo maray kaliya ma ahayan kii ugu horeeye ee
Akhwaanka Masar iyo Alitaxaadka Soomaliya oo kaliya, ee
iyana waxaa jiray ururo kale sida (Dhaalibaantii
Afgaanistaan) iyo isku daygii Dumiquraadiyada Islaamiga ah
ee Aljeriya ka dhacaday bilowgii sagaashameeyadii ee uu
hogaaminyey Dr.Cabaas Almadani.
si kastaba xaalku ha
ahaadee in badan oo kamid ah muslimiinta dunida ku nool ayaa
aminsan in laga weecday oo lagarab maray wadadii xaq ahayd,
kadib markii ladhaqan galin waaye Manhajkii iyo Dastuurkii
alle noo soo dajiyey oo uu yiri asaga isku dhaqa dhan
walbaba waad liibaanaysaan labda daaroode,waxaan ay ku
doodayaan in aan guul indhaha lasaarayan inta Kitaabka alle
loo soo laabanayo oo la dhaqan galinyo, waa arin aan muran
la hayan oo la isku wada raacsan yahay in inta kitaabka alle
ku dhaqankiis meesha ka maqan yahay aan la guulaysan doonin,
laakiin hadii la waydiiyo dadyowga jecel dhaqan galinta
kitaabka guud ahaan gaar ahaana kuwa isbadal diimeedka aad
ugu judbaysan ee loo yaqaan islaamiyiinta kacaaka ah sida
iyo qaabka ay u rabaan in aan uqaadano kitaabka waxaan hubaa
in ay su,aashaas jawaabteedu keenayso buuq aan yaran, waxaan
xaqiiqa ah in qof walba ama urur walaba uu ku doodi lahaa in
sida uu asgu rabo ee kusalaysan aydoolajiyadiisa iyo
figradihiisa diimeed ay tahay mida ugu fiican in loo fahamo
dhaqan galinta iyo qaadashada kitaabka.
taas macnaheedu waxaa
weeye, Tusaale ahaan qolyaha loo yaqaan Jihaadiyiinta ama
kuwa jecel in ay alle dartiis udhintaan waxaa ay aamin san
yihiin ama ay urkaan Kitaabka ku dhaqankiisu in ay tahay in
gaalada lalaayo oo dhagata dhiiga loodaro, waxaan ay u
haystaan ama ay aamineen in aan guul iyo barwaaqo la
gaarayan inta Jihaad la,aani jirto, aanana rajo laga qabin
in ay soo noqoto sharaftii iyo cisadii islaamku la haan
jiray waayo waayo.
waa shaya xaq ah in la
jihaadaa waan mid ay ku faaftay Dowaladii islaamiga ahayd ee
uu sameeyey (Nabi Mux,med S.C.W).
waxaase iyana meesha ku
jirta sidee ayaan ujihaadnaa iyo xiligeen jihaadi karnaa?
maxaase na looga baahana yahay inta aanaan qariga qaadin ama
aanaan miinada isku qarxinin?, waxaa kale oo muhiin ah inaan
naqaan cida aan la jihaadayano ma kuwa maanta madaxda ka ah
dunida islaamka sida boqorda khaliijka iyo madaxwayanayaasha
caalmka islaamkaa?.
qolyaha ah jihaadiyiinta
marna ma jeclaa in ay maqlaan su,aalahan iyo kuwa lamid ka
ah waxaan ay u arkaan kuwa caqabad looga dhigayo shaqada ay
hayaan ee ah gaalo ladirirka, waxaan ay ula muuqdaan dadka
su,aalahaan wadaa in ay wali ku howlana yihiin hadal maligii
galay, waxaa ay jawaabtooda ku aadan su,aalhaas oodhan kusoo
gaabinyaan waa dhamaataya xiligii dooda iyo muranka ee orad
oo qorigaaga soo qaado maanta waad aragtaa in la ugaarsanyo
qofkasta oo muslin ah meel walba dunida ha ka joogee.
baryahaan danbe waxaaba ay
taargada kadhiganyeen madaxda wadamada islaamka iyo in ay
falal isugu jira dil iyo qarbudaad kasmeeyaan gudaha
wadamada muslinka ah, waxaa ay ku andacoonayaan in aysan
gaari karin gaalkii ay usocdeen inta ay ka sukeeyaan kuwan
muslin u eka ah- waa sida ay aaminsan yihiin- ha ahaado
askari ama masuul kale,waxaan ay ku xukumeen gaala raacnimo
iyo in ay yihiin khaaimiin dhulkii iyo dhaqaalihii islaanka
gacanta ugaliyey gaal si ay isii haystaan xukunkooda ama ay
ugu ilaashadaan kursigooda.
iyana waxaa dhanka kale
taagan oo figaradaas si wayan uga soo horjeeda qolyo kale oo
aaminsan in Jihaadka ay ka horayso oo laga hormariyo
hagaajinta caqiidada dadka islamar ahaantaasna la dhiso
shaqsiyada qofka muslinka ah si loo helo shaqsiyada muslin
ah oo fiican dhan walabana ka dhisan, ama ummada aydoon
laqasbin madax iyo shacaba diyaar unoqata in ay qaataan oo
ay dhaqan galiyaan diinta islaamka, waxaan ay ku celcelinyaa
in awooda lasaaro wax loogu yeero (Atarbiya Watasfiya),oo ay
ula joodaan barbaarinta qofka lagu barbariyo culuumta
islaamka aydoo qalbigiisa laga nadiifinyo wax kasta oo wax u
dhimi kara iimankiisa iyo islaanimadiisa,markaas kadibana
loo gudbo udiyaar garowaga jihaadka wayan ee uu qur'aanku
xusay,
waxaan ay uyaqaan ama ay
uhaystaan in qolyaha maanta ku baaqaya jihaad ayasan wax
natiija ah iyo guul mida usoo hoyanaynin islaamka in ay dhib
iyo fidno soo kordhiyaan ma ahane,waxaan ay ugu yeeraan in
ay yihiin dhalin yaro xanaaqsan oo aan cilmi sidaa usii
buuran lahayan oo wax ku salayanaya xamaasad iyo judbo aan
xiligeedii la joogin.
marka laga hadalyo madaxda
islaamka waxaa ay aaminsan yihiin in ay yihiin dad muslimiin
ah isla markaan ah (Waliyul Amri) loona baahan yahay in la
maqlo oo la adeeco ayana xaaran tahay in dagaal lagala
hortago, waxaan waajib ah ayay leeyahihiin in loo duceeyo si
ay u noqdaan kuwo ku toosan wadada xaqa ah oo cadaalda iyo
diin jacayal dadkooda ku dhaqa.
max,med xasan yuusuf(shariifka)
email.shariifka99@hotmail.com
Nairobi, kenya
Lasoco qatbta
saddexaad
SIDEEN DADKA DIINTA UGU SHEEGNAA???.
Qaybtii 1aad
Riix
halkan...