HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK | SIGN/VIEW: GUESTBOOK    

 

G.E.D.O.
Luq Education Development Project
 

 

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 
Jan. 7, 2005
 

SIDEEN DADKA DIINTA UGU SHEEGNAA???.

Qaybtii 1aad:


Shaki kuma jiro in ummadu ubaahan tahay cid wax u sheegta,wax loo sheegana waxaa ay ugu jecal yihiin diinta alle,gaar ahaan mida islaamka, oo ah mid uu dhexdeeda ku idil yahay khayr aduun iyo liibaan aakhiraba,hadaba si loo xaqiijiyo hadafka ah sheegida iyo faafinta diinta islaamka ayaa waxaa la helayaa qaarka mid ah ummada islaamka oo aygu ku hawalan sheegida iyo fidinta dacwada kuna caan baxay in ay dadka wanaaga ugu yeeraan,meel walba oo ay ka joogaan dunida guudkeeda, waxaan loo yaqaan (Ducaad), waxaa ay faafiyaan khayrka shartana waa ay kadigaan, tilmaanta ah in waxasan bulshada lafaro xumaantan laga reebo waa astaan u gooni ah ummada islaamka, waxaan ay ku heleen abaal marin ah in ay ummadihii naga horeeyey oodhan ay ka khayr badan yihiin,sida uu alle ku sheegay Qur,aankiisa kariimka ah aayadda (110 ee suurada aala-cimraan,) si hadab loo gaaro guushaas wayan ayaa alle waxaa uu yiri waa in la idnka helaan koox dadka ugu yeerta khayrka wanaaga farta isla mar ahaantasna sharta uga digta, fiiri aayada 104 ee isla (suurada aala-cimaraan.)

Mar hadii aad ogaatay in la is faray khayrka sheegidiisa waxaad xasuus naataa in ay jiraan wadooyin la maro iyo qaabab la adeegsado marka loo danleeyahay in diinta dadka dhexdooda lagu faafiyo,dabcan waxa aan qormadaan ku eegayno inta badan waxaa ay noqon doontaa dad muslin ah oo larabo in la faro wanaaga kamse marnaan doonto habka iyo qaab sheegida dadka aan ayagu muslinka ahayan ee loo sheegayo diinta islaamka, qaab sheegidaan ayaa waxaa loo yaqaan (wasaa'il adacwa) oo loola jeedo wadadda lagu gaaro sheegida xaqa ama diinta,waxaan jira wadooyin dhowar ah oo muhiin u ah qofka daaciga ah ee asgu isu xilsaaray sheegida iyo fidinta diinta, rabana un uu dadka khayrka ugu yeero, sidoo kale waxaa iyan jira wadooyin iyo wadiiqooyin aan toosnayan oo ay la gudboon tahay qofka wanaag sheega ahi in uusan cagataba saarin marid halkeedaba ha joogtee, inta aanana ku sii fogaan ka hadalka wadooyinka oo un ah qayab kamid ah habka iyo qaabaabka uu adeegasnayo faafiyaha diinta,waxaan jeclahay inaan xuso in qofka jecal diinta faafinteeda isla markaan ku hawalan sidii uu arki lahaa diintii oo lawada qaataya gaal iyo muslinba, carab iyo cajaba, ama madaw iyo cadaanaba, waa in u yaqaan wax uu dadka ugu yeerayo iyo meesha uu usocdo hadafka uu higsanayo kuma filna oo kaliya inuu yahay wanaag sheege, waxaan is waydiinyanaa su'aalo dhowar ah oo aan hubo in hadii aan uhelno jawaabo sax ah ay noo fududaan karaan inaan helno jawaabata munaasabaka ah ee ku aadan su'aasha kor ku xusan ee aan maqaalkeen ciwaanka aan uga dhignay, waxaan kaloo balan qaadayaa in ay noqon doonto mid sahasha wadadda aan usii marayno sidaan dadka xaqa ugu sheegi lahayan, aan bilowno su,aalaheeni aanana is waydiino marka ugu horaysa -mar hadii aan isku raacanay in ay lagama maarmaan tahay qaadista wado toobiya ah oo aad ufiican si aan ugaarno meesha aan usocono waliba gaarid kaliya ma ahane waqti fiican oo munaasab ah- ma haynaa wadiidii uu qaaday Nabi Mux,ed (s.c.w.) iyo asxaab tiisii la noolaayad markii ay dadka diinta ugu yeerayeen?

ma malayanyo inaan isku diidanahay in wadadaasi ay ahayd mida ugu fiican uguna toobiyaysan wadooyinka loo qaado ama loo maro fidinta dacwada waase hadii aan isla ogal nahay in ay wadooyinku badan yihiin oo dhaantood guul iyo liibaan lagu gaari karo, waxaan sidoo kale wad ognahay in Nabi Mux,ed (s.c.w) iyo ardadiisii ay diinta gaarsiiyeen qaaradaha dunida oo dhan marka laga reebo America iyo Australia, oo iyagu xilgaas ahaa kuwa aan aad loo aqoon ayan ku gaarsiyeen mudo kayar (100sano ) dhabtii waxaa ay mareen wado sax ah oo aan leexleexad lahayan taas oo ay ku hanteen quluubta iyo kalsoonida dadkii dunida kula noolaa xilgaas intooda badan, dadka waxqora ayaa waxaa ay saldhig uga dhigaan in heerkaas ay gaaraan ayadooo figradoodu ay sidaas curdan u tahay ayana kalsoonidaas hantaan dhowar sababa bood ayana ugu wayn tahay ayagoo saafi ka dhigay quluubtooda iyo waliba quluubta dadka ay wax usheegayeen isla markaan waxaa ay ka saareen jahligii iyo mugdigii ay ku noolaayeen, si taasi ay unoqto mid taaba gashana waxaa ay awooda saareen sidee loola dagaalamai lahaa (SHIRKIGA) oo ah alle oo wax kale lagu lamaaniyo waxna lala wadaajiyo,waxaa kaloo ayan guushaas qayab ka ah bay yiraaheen,ayaga oo naf ahaantoodu ka runsheegayey mabaadiida ay aaminsanaayeen,iyo wax ay ka turjumayeen ee islaanimada ahayd, si taasi uhirgashan waxaa ay ka fogaadeen dhamaan wax walba oo wax udhimi kara qorshahooda iyo hadafkooda sida Qabyaalada, iyo aduunyo jacaylka, waxaan dhacaysay in mararka qaarkood ay dagaal isga horyimaadaan wiil iyo aabihiis oo uuwiilku aabihiis alle dartiis qudha uga jaro, ama la arko oday reerkiisi iyo caruurtiisiba alle dartiis udayriyey, meel fogba ha u raadin hadii aad jeceshahay inaad waxka ogaatid sida ay heerkaas ku gaareen ee waxaad si sahal ah u tiraahdaa waxaa ay fahmeen qur'aanka asga ayeyna udhaqan galiyeen sidii alle ugu tala galay in loodhaqan galiyo, waxaan ay u heleen maclin fiican ayaguna waxa ay ahaayeen arday ku fiican qaadashada iyo fahanka wax uu usheegayo maclinkooda, hadii jawaab taadu tahay haa waa haynaa wadadii rasuulka ee toosnayd iyo jidkii wanaagsanaa hadaba maxaan ugaari la nahay meeshii iyo heerkii ay gaareen intii ay ku jireen fidinta iyo faafinta xaqa, waxaadna maskaxda ku haystaa in faafinta iyo fidinta xaqa lagu hawlanaa walin lagu hawlan yahay wax kabadan 3 jibaar mudadii ay wadeen, waxaad ujeedaa islaamku maanta heerka uumarayo ama dunida islaamka aan iraahee hadii aad eegto xag dhaqaale ayagaa ugu liita xag maamul iyo hogaamin ayagaa ugu xun madax wax hogaamisa caalamaka oodhan, xag miltari ama ciidan warkeeda daa oo haba soo hadal qaadin, uleexo dhanka waxbarshada kaba siidaran, oo waa meesha ugu hoosaysa dunida oodhan, waxaa laga yaabaa inaad isku qanciso waa wax alle nooqoray waxadse ogaatee in somalidu horay utiri (doqon alle taqaan lagama gar helo).

malaha waxaa suura gal noqon karta inaan tiraah ma haysno maclin fiican oo wax noo sheega, ogsoonow oo ha hilmaamin in uu na dhexyaal kitaabkii alle oo ah midkii u rasuulku nooga tagay uuna noo sheegay in hadii aan qabsno aan nalaga guulaysanayan,isla mar ahaantaas aan haysano waayo aragnimo iyo tusayaal badan oo wax ku ool ah oo aan ka dhaxal nay kooxdii naga horaysay, waxaan isleeyahay waxaad moodaa inaad ku qancsan tahay in loo baahan yahay in wax kale lagu kordhiyo ama wax laga badalo wadadii si ay unoqoto mid la jaan qaadi karta waqtiga casriga ah iyo xiliga lagu jiro, waxaan baryahaan soo shaac baxayey codad ku baaqaya in la casriyeeyo qaabaka loo faafinyo diinta, oo waxaa ay leeyeehiin waxaad moodaa in lagu fashilmay qaabkii Taqliidiga ahaa ama soo jireenka ahaa ee hore, waxaan loogu yeeraa qaabkaan (tajdiidul khidaabul islaami).

Ma tahay midaan danbe mid wax kabadali karta heerka uu islaamku marayo iyo xaalada lagu jiro, mase tahay mid soo hoynaysa guul la taaban karo oo wax ku ool noqon karta, dib umilicso urur diimeedyadii is badal doonka ahaa ee soo maray dunida,ama la aas-aasay kadib burburkii dowaladii islaamka.


Lasoco qayabta 2aad



Max'ed Xasan Yusuf (shariifka)
Nnairobi-Kenya
shariifka99@hotmail.com


 

Fiiro gaar ah:  Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar yahay qoraaga uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeed, Allgedo shaqo kuma lahan.
 



allgedo@allgedo.com


 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com