Haddii aad doonayso inaad dhigato
xaflad ama aroos ama dhalasho ah maxaad u baahan tahay?. Ugu horayn maad
raadsatid masrax aad u wayn oo ku qalabaysan daahyo bilic leh, kuraas
badan iyo miisaan. marka xigga raadso koox fannaaniin ah oo ku hubaysan
dhar qurxoon oo isku eg iyo iyo durbaano IWM.
Ogow in masraxa iyo kooxda fanku kaa
sugayaan qadar lacag ah oo kiradooda ah. Bal ka waran haddana sidoo kale
inaad rabto inaad ka dhigato Magaaladda Muqdisho riwaayad siyaasadeed.
Way sahlan tahay howshaas oo kale haddaad u baahato waxaad kala
xiriirtaa generaal Maxamed Nuur Galaal. Generaalku wuxuu haystaa ilaa
600 oo xirmo oo ah dirayskii ciidamaddii Soomaaliyed oo uu ka dhaxlay
ciidamaddii UNISOM, wuxuu kaloo haystaa xooggaa durbaano ah. Dirayskaas
oo feeraysan ayaa waxaa lagu kaydiyaa jananka gurigiisa.
Marka Hoggaamiye u baahdo in loo
ciyaaro xaflad ayaa waxaa lala soo xiriiraa jananka, dabadeed gorgortan
ka dib haddii lagu heshiiyo qandaraaska ayaa galaal rag isagu jira
odoyaal iyo dhallinyaro ka soo aruuriyaa xaafadaha Huriwaa iyo bakaaraha,
dabadeed dirayska ayaa loo galiyaa waana la gaardisiiyaa iyadoo laga
dhigayo in ciidamaddii qalabka siday ee Soomaaliya inaysan xagtini
gaarin. Wuxuu jeneraalku yiraahdaa, "Anigoo ku hadlaya magaca Ciidamada
Qaranka Soomaaliyeed waxaan u diyaarnahay inaan midnimadda iyo
nabadgalyadda qaranka Soomaaliya aan sugayno oo aan loo baahnayn Ciidamo
Shisheeye. Anagaa walaahi ku filan".
Mahadi ha gaartee, BBCda Yuusuf
Garaad baa ka faa'iidaysata fursadaas oo riwaayadda oo cusbaysan
gaarsiisa shanta qaaradood. dabadeed, xafladdii intaas bay ku dhamaataa
oo dharka dirayska ahaa ayaa la codsadaa in meesha lagu baxsho si loogu
cesho hoyga Galaal. Ka dibna jananku wiilashii buu guntiga kiiba xooggaa
u galiyaa oo yiraahdaa " waad mahadsantihiin waa inoo mar kale, anaa
idinla soo xiriiraya munaasabad kale haday timaado".
Dhawaan xafladaan munaasabadlaha ah oo
aan soo sharaxnay ayaa ka dhacday magaaladda Muqdisho ka dib markii koox
Baarlamaanka ka tirsani ay goosteen inay sahan ku tagaan magaaladda
Muqdisho si looga hortago in Dalka Ciidamo la keeno. Intii aysan
xubnahaasi ka duulin Nayroobi ayay la xiriireen jeneraal Galaal iyo
raggiisii. Gorgortan yar ka dibna waa lagu heshiiyay kharashka sugidda
amaanka waftiga. waxaa la hawlgaliyay ilaa 2400 oo maleeshiyo ah iyo
ilaa 120 tekniko ah oo balanqaad lacageed loo sameeyay. genaraal
galaalna qandaraaskiisii yaraa ee salaan-sharafta isna gaar buu u qaatay.
waxaa la qiyaasayaa in la kharashgareeyay in ku dhaw nus milyan doolar
oo ay bixisay hay'ad huwan magac gargaar.
Haddaba khidadan maxaa looga jeedaa?
Akhriste Sidaad la socotay baryahaan waxaa jirtay dood ku saabsan in
dalkeena la keeno ciidamo shisheeye oo dalka xasiliya iyo in kale ,
Doodaasi baarlamaanka iyo dowladda qaar ka mid ah ayaa ka biyo-diidsan
iyagoo ka cabsanaya inay lumiyaan danahooda ku hoos jira foowdada ka
taagan dalkeena hooyo maanta. Kooxdaasi waxay rabaan in Ra'yul caamka
loo sheego in Muqdisho amaan tahay oo dawladdu ciidamo la'aan ka shaqayn
karto si marka dowladu xamar tagto madax furasho loogu qabto.
Waxaa xaqiiqo ah in guddoomiyaha
Baarlaamaan Shariif Xasan iyo raggiisu aysan ajnabi ahayn oo ay garan
karaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dacalada dalkeena oo ah mid
foowdo ah oo ay Soomaalidu ku guuldaraysatay inay xalliyaan mudadii 15ka
sanno ahayd ee la soo maray.
Su'aasha taalaa hadda waxay tahay
madaxwaynaha la doortay dhawaani ma siin doonaa qandaraas kale oo
munaasabadle ah jaanka galaalan mise xal kaluu raadin doonaa oo Soomaali
u wada dan ah.
Fiiro gaar ah: Fariinta uu wato
qoraalka sare waxay u gaar tahay qoraaga uu magaciisa kor ku qoran yahay,
sidaas awgeedna Allgedo wax shaqo ah kuma lahan.
allgedo@allgedo.com
|