HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 


Kismayo, SOMALIA (Allgedo), January 31, 2005


Wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa waxay Allgedo la yeelatay Guddoomiyaha Golaha la magac baxay (Golaha Nabadgelyada iyo Mmidnimada Qaranka, Mudane Jaamac Aadan Dheere), wareysigaas waxa uu u dhacay sidan:

Allgedo: Gudoomiye ku soo dhawoow shabakadda warbaahinta ee Allgedo, ugu horayn waxaan ku waydiinaynaa waxaad tagtay deegaanka Beerxaani oo ah halka ay ku sugan yihiin ciidamadiina, kulan ayaadna ku qabateen yaa kasoo qayb galay kulankaasi? maxaase looga hadlayay?

Guddoomiye Jaamac: Waad mahadsan tihiin bahda Allgedo, waxaan dhawaan ka so laabtay socod aan ku tagay deegaanka Beerxaani oo ah halka ay ku sugan yihiin ciidamadeena waxaanan kulan la yeelanay beelo dhowr ah oo aan ka wada arinsanaynay sidii aan wax uga qaban lahayn xaalada cakiran ee goboladan, waxaana isku afgaranay in aan kulan kale qaban qaabino goor dhaw si looga baxo dhibaatada hada taagan.

Allgedo: Waa kuwama kuwa dhibaatada aad ka sharqaminayso wada ee aad ka shiraysaan?

Guddoomiye Jaamac: Haa walaal dhibka waa badan yahay waxaana ka mid ah daka wada nimanka sheegta isbahaysiga dooxada jubba.

Allgedo: Gudoomiye markii aad dhisayseen golahan waxa aad saxaafada u sheegteen in aydnaan wax dhib ah u samaynayn golahaan hadana ciidamo ayaad saarteen waxa aadna sheegteen in ciidamada aadnan u saarin in aad wax dhib ah ku samaysaan, hadana waxaa dhacay iska hor imaad deegaanka cidamadiinu ku sugan yihiin ku dhexmaray ciidamadiina iyo kuwo kale oo isku hayay gacan ku haynta gaari tikniko ah, waxaa fooda ll isla daray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac, taasi sooma dhaawacayso go'aankiinii ahaa in aydnaan ciidamada meesha u gayn in ay rabsho sameeyaan ama ay cid la dagaalamaan.?

Guddoomiye Jaamac: Waa run walaal ciidamada nabad iyo in aysan dhib gaysan ayaan meesha u gaynay,deegaankuna waa deegaan aanu leenahay dadkuna waa dadkeenii Kismayana cidamada waxa aan uga saarnay in aan ciidamadeenu ka mid noqon kuwa fowdada mararka qaar ka rida Kismaayo, een gaariga laysku haayay beelbaa lahayd, beeshii lahayd oo si qaldan loo adeegsadayna waa ka daba tagtay,maamulka Barre Hiiraalana soo adeegsaday waxa ayna ahayd arin nalooga gardarnaa.

Allgedo: Gudoomiye sidoo kale waxaa jirta in maalin dhawayd isweer laga qabtay gurigaaga oo ay ciidamada amaanka u qaabilsan isbahaysigu ka qabteen kadib markii mid ka mid ah ciidankaaga uu xabad ku liishaamay ciidamadaas oo waddada xilligaasi marayay, waxa ay arintani dhalisay in ay halis gashay noloshaada iyo mida ilaaladaadaba, waxa ayna arintii gacanta u gashay oday dhaqameedka beesha sade arintaas saamayn intee leg ayay kugu yeelatay?

Guddoomiye Jaamac: Arintaasi waxa ay daba joogtay isku daygii Beer xaani la igu soo weeraray, waxaa haddana la igu soo weeraray gurigayga oo Kismaayo ah, waxaana weerarkaasi mas'uul ka ah Barre Hiiraale oo ciidamada soo diray, haddana cid aan u haysano ma jirto maadaama nalagu soo weeraray dan aan u haynay ummadda Soomaaliyeed.

Allgedo: Maxaa idinka dhexeeya oo aad isku haysaan adinka iyo isbahaysiga dooxada Jubba?

Guddoomiye Jaamac: Wax kale ma ahan Barre waa wasiir waana xildhibaan anaguna waxaan nahay dadka deegaanka waxaana rabnaa in aan wax ka baddalo habka hada wax loo maamulayo, waa taas mida ugu wayn oo uu  Barrena diiddan yahay.

Allgedo: Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in aad ka caraysan tihiin laba arrimood oo adiga jifadaada ku qasabtay in ay kiciyaan jifooyin kale, waa mide waxaa la leeyahay waxaad ka caraysan tihiin in aad waydeen xubinimadii aad baarlamaanka ku lahaydeen oo aad Barre ku eedaynaysaan in uu idin daba mariyay, midna waa in maamulka isbahaysiga uusan ka dhex muuqan xibin ka tirsan beeshaada maxaa ka jira arintaas?

Guddoomiye Jaamac: Ah ah ah ah , walaal waxaas ma jiraan annaguna hadda beel kaliya ma nihin ee waxaan nahay Soomaali badan arintaasna ma ahan waxjira.

Allgedo: Hadii Barre dawladda uu ka midka yahay uu aado adigu ma waxaad u diyaarsan tahay in aad beddesho asaga?

Guddoomiye Jaamac: Maya anigu waxa aan ahay nin ganacsade ah oo raadinaya meel uu ku ganacsado mana doonayo umana dagaallamayo in aan xil qabto hadda ee waa in nidaam la helaa.

Allgedo: Waxaad ahayd nin ganacsade ah oo caan ka ah Kismaayo, haddaba maxaa kugu qasbay in aad noqoto siyaasi koox xukuma ama gole xukuma xilligan oo la filayo in dawlada dalku ay shaqayso?

Guddoomiye Jaamac: Waa mahadsan tihiin horta waa run anigu ganacsade ayaan ahaa waxaan igu qasbay in aan waayay meel aan ku ganacsado, sababtoo ah hantideena ayaan meel aan ku aamino aan waynay.

Allgedo: Ma jiraan wax wada hadal ah oo dhex maray adinka iyo isbahaysiga dooxada Jubba?

Guddoomiye Jaamac: Maya maya wada hadal nama dhexmarin.

Allgedo: Diyaar ma u tihiin in la idin wada hadal siiyo xilligaan oo aad maamulka wax ka qabataan?

Guddoomiye Jaamac: Horta annagu wada hadal ma diidanin, laakiin ma doonayno diyaarna uma nihin in aan xiligan wada hadal la yeelano Barre iyo maamulkiisa toona.

Allgedo: Hadii dowladdu timaado dalka oo shaqayso ma ku noqonaysaa ganacsigaaga mise siyaasadda ayaad ka sii xuub siibanaysaa?

Guddoomiye Jaamac: Ah aah kikik walaal Deeqo hadii dawladi timaado nabadna la helo maxaa hortaagan in aan ganacado.

Allgedo: Waad mahadsantahay mudane

Guddoomiye Jaamac: Idinkaa mudan

 

Deeqo yuusuf shire (D/SONNA) /allgedo
Kismaayo, Somalia

 

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at:
webmaster@allgedo.com