HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Warqad furan oo ku socota ergada Beesha Sade ee ka qeyb qaadanaya shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee Nairobi
 

July 10, 2004

 

Ilaah baa mahad leh, nabadgelyo iyo naxariisna Nebi Maxamed korkiisa ha ahaato. Walaaleyaal, inkastoo beesha Sade ay la wadaagaan walaalahooda Soomaaliyeed dagaalka daba-dheeraaday oo hor-istaagay habsimi u socodkii hannaanka  dhaqan-dhaqaale iyo kobaca bulshadeed, hadana beeshatan waxaa soo wajahay xilli qalafsan oo  naceyb iyo qaraar badan, kasoo abuuray kala shaki siyaasadeed iyo kalsooni darro baahday. Waxaa kale oo beesha Sade la wadaagaan Soomaalida inteeda kale  kala qeybsanaan, qadarin la'aan, wax isu quur la'aan  iyo tanaasul la'aan, taasoo ah sababta ugu weyn ee loo dhisi la'yahay dowlad Soomaaliyeed oo dadka wada deeqda lana mahadiyo. Xilligan qalafsan oo soo wajahay beesheena wuxuu noqday  cashar adag, lakiin casharkaan adag waa inuu Beesha Sade baraa feejignaan ku wajahan mustaqbalkeeda.

Walaaleyaal, 

Shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee mudada dheer ka socday Jamhuuriyada  Kenya ayaa u muuqda mid gebagebo ah oo lagu soo dhisi doona dowlad taag daran oo mustaqbalkeedu mugdi ku jira. In kasta oo dadkii beesheena u matalayey shirkaas ay siyaasad ahaan iyo ficil ahaanba kala qeybsanaayeen, haddana waxay muujiyeen dhabar adeyg iyo dulqaad badan muddadii uu shirka socday. Aniga oo aaminsan inaad ka gudbi kartaan khilaafka idiin dhexeeya si kastaba ha u dhib badnaadee, ayaa haatan waxaa la soo gaaray xiliggii aad meel iska dhigi laheydeen farqiga idiin dhexeeya si aad salka ugu dhigtaan  hanaan iyo waa cusub oo la mahadiyo kuna fadhiya go’aan qaadasho bar-tilmaameedkiisu yahay talo wadaag, xaqsoor, xukun qeybsi iyo xulushada dad tayo leh oo maareeya ammuuriheena.

Walaaleyaal,

Waxaan door biday inaan idiin soo qoro warqadan furan aniga oo ku cabirayo aragtidayda ku aadan xulushada xubnaha muhiimka ah ee beesheena ugu qeyb geli lahaa dowlada dhexe ee Soomaaliya oo aan is leeyahay waxay qeyb lixaad leh ka qaadan doontaa mustaqbalka caruurteena. Waxaan idiin soo jeedinayaa inaad taariikhda dib u milicsataan idinka oo qiimeyn iyo il gaar ah ku eegaya horumar la’aanta joogtada ah ee deegaanada ay dadkeenu degaan. Horumar la’aanta deegaanadeena waxaa loo aaneyn karaa hagrashada ay hagradeen dowladihii dhexe ee Soomaaliya soo maray oo iyagu lahaa jaangooyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada. Inkasta oo horumar la’aantaan ay tahay qeyb ka mid ah taariikhdeena, hadana waxaanu awoodnaa inaanu si hagaagsan u qorsheyno aayaheena anagoo ka faa’iideysanayna waxyaabihii sababay horumar la’aantaas.

Walaaleyaal,

Horumarka iyo kobaca bulsho  kasta waxaa mus’uul ka ah dadka markaas nool, waana diciifnimo  inaan ka rejeyno dad laga soo doortay gobolo  kale inay dhisaan goboladeena, sidaa darteedna waa inaad si feejignaan leh uga fiirsataan dadka aad u xuleynsaan golaha barlamaanka, golaha wasiirada iyo hay’adaha sare ee dowladda.

Walaaleyaal,

Idinka oo og kaalinta iyo waajibaadka aad ku leedihiin koonkan, aaminsan nadaamka furfurnaanta, qarsoodi la’aanta iyo la xisaabtanka shaqsiyaadka idin mateli doona, ku kalsoon kheyraadka dabiiciga ah, xoolaha nool iyo beeraha uu Eebe ku maneystay deegaanadeena, ka niyad xun horumar la’aanta iyo dagaalka Gedo ee ahliga ah, ayaa waxaan idiin soo jeedinayaa inaad madaxa ku haysaan  arrimahan soo socda markii aad xuleysaan dadkii idiin mateli lahaa qaranka Soomaalyeed:

1. Waa ineysan noqon kuwo leh tayo xummo Rabbaani ah
2. Waa ineysan noqon kuwo  laga indho saabay qiimaha uu dhulkooda iyo dadkooda leeyahay
3. Waa ineysan noqon kuwo danahooda gaarka ah ka doortay danta guud
4. Waa inaad u aragtaan waxa aad dooranaysaan inay yihiin mustaqbalkii caruurteena, dadkeena iyo dhulkeena
5. Waa inaad tixgelisaan isla markaana dib u milicsataan sooyaalka taariikhda adinka oo is weydiinaya maxaa sababay horumar la’aanta joogtada ah ee ka jirta deegaanadeena.
6. Waa inaad isweydiisaan yaa wax ku soo siyaadin kara ama wax ka bedeli kara xaalada murugada leh ee dadkeena iyo deegaanadeenu ku sugan yihiin
7. Waa inaad xeerisaan xaqsoorka oo  haddii beesha Sade ay hal xubin ka hesho goloha wasiirada  ay xubintaasi ka timaadaa Gobolka Gedo oo isagu waligii aan nasiibkaas helin.
8. Dadku waxay isugu jiraan qaar la tijaabiyey oo waxa ay galaan iyo waxa ay gudaanba la yaqaan, sidaa darteedna waa inaanan mustaqbalka Sade loo hibeyn shaqsiyaadkii la soo tijaabiyay oo ku guul dareytay howshii loo diray.
9. Waxaan qaabaa in fursad la siiyo dhalinyarada iyo gabdhaha beesha Sade, maxaa yeelay waxay wataan maskax furfuran oo caafimaad qabta, koritaana diyaar u ah oo aan weli la tijaabin.

Waaleyaal,

Marar badan ayaa waxaan is weydiiyaa "ma dadka xiligan nool ayaa tayo xun, mise qiimaha dhulka iyo dadka ayeysan fahansaneyn"? Dadka  beeshaan u dhashay ee dibada ku nool waxay nasiib u heleen inay ka bad-baadaan dhibaatadii ka dhacday Soomaaliya, hase-yeeshee, marna xil iskama saarin sidii ay Sade uga bixin lahaayeen dhibaatadaas, iyadoo qaarkoodna ay  dhibaatadaas hurinteeda ka qeyb qaateen. Waxaan dadka dibedda ku nool u soo jeedin lahaa  kana  codsan lahaa  inay ka qeyb qaataan walaaleynta dadkooda. Haddii aysan taa yeelina, ineysan isku hawlin dhibaateyntooda xilligan ay sida weyn u jilicsan yihiin. Colaad huriyeyaasha beesheena waxaan xasuusinayaa in dagaalka dadkeena dhexdiisa ah uusan guul ku faan laheyn, isla markaanaa cidna iyo koox gaar ah midna ku guuleysan karin. Sidaa darteed, walaaleynta iyo nabadeynta dadkan wada dhashay waa waajibaad saraan dadka hadda nool. Dowlad dhexe haddii la dhiso iyo haddii kaleba, waa inaan u howl galnaa soo gabagabeynta ilhaanada dagaalka iyo hrumar la’aanta.

Warbaahinta waa aalad xoog badan waxayna qeyb weyn ka qaadataa hurinta iyo qaboojinta colaadaha, sidaa darteed labada shabakadood ee Gedonet iyo Allgedo oo iyagu soo baahiya wararka deeganadeena, waxaan ka codsanayaa inay qeyb lixaad leh ka qaataan qaboojinta colaadaha iyo horumarinta deegaanadeena iyaga oo aad uga taxadaraya wararka ay baahiyaan. Waa inay noqdaan qalooc toosiyeyaal ee aysan noqon qalooc horseedeyaal

Aniga oo ka faa'iidaysanaya fursadan ayaan waxaan jeclaan lahaa inaan bogaadin iyo taageero u diro waxgaradkii  u dhabar adeygay ka hor taga dhicitaanka dagaal cusub oo ka dhaca B/xaawo. Sidaas si la egna waxaa u mahad celinayaa wax garadka reer Mandheere oo gacan lixaad leh ka geystay ta'kuleynta iyo nabadeynta arrimaha B/xaawo. 


Waad mahadsantihiin

By Ali Malaaq Ahmed
raamoraaxo@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com