HOME | NEWS |MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
 
 

Sad Libaax iyo Muusanow!
By:
Cali Shire Jaamac/ Sharmaake@hotmail.com

July 18, 2004 @ 11:30 PM


Waxaa maalmahaan shabaqadaha internetka, ee soomaalida hareeyey gabay loogu magac daray ”Sad Libaax” iyo qoraallo aan taabo galin oo dad kala daba muusanaabeen. Sad Libaax waxuu ahaa gabay yaab leh ah oo dadka soomaaliyeed ka soo dhaweeyeen meel kasta oo ay geelasha ku kala raacdaan ama ay ariga kula gataan. Gabaygu waxuu door weyn ka cayaaray rajo galinta qof soomaaligaa oo waayahaan danbe qalibiga ka daxalaystay, waxuu kale oo soo kordhiyay in ay lamahuraan tahay in aan kala furfurin sohdimaha soomaaliya inta hadda joogta. Waxaa hubaal in Sad Libaax noqon karo dood looga qaybgalo, waa maxay soomaali weyn?

Meelaha loo yaqaan fadhikudirka ayaa waxaa aad u saameeyay doodihii ka faraqmay Sad Libaax. Hablaha shaaha iyo jaadka gada waxaa u labba jibaarmay dakhligii u soo xaroon jirey, xaasaskii guriyaha joogayna waxaa ku baaray cashadii iyo qadadii maadaama raggoodii ku soo daaheen doodihii Sad Libaax soo kordhiyey

Curiyaha Sad Libaax Shaafici Xassan Maxamed waxuu adeegsaday qaabin iyo doojin si aad ah loo agaasimay, waxaa kale oo uu Sad Libaax ku shamcay  miro tayo iyo tabar leh. Waxaan oran karaa waa nin ku wanaagsan doodaha oo aan doodihiisa boos ugu banaanan dadka maangaabyadaada, laakiin qofkii wax ah  ah waa laga yaabaa in uu meel aan la filayn tabco kala helo, laakiin  tabco yaqaan muku jiraa soomaalida maanta joogta?

Waxaa anfariir igu riday dadka ka  muusanaabay Sad Libaax, haka muusnaabeene maxay soo kordhiyeen? Dooduhu waa wax loo baahan yahay, oo dadka doodaya waxaa ka faa’iideysanya mushtamaca ay doodayaashaas ku dhex  nool yihiin ama kuwa ka fogba, laakiin markii doodo hal dhinac ka hanqaado dhanka kalana ka naafowado waxay la mid tahay Mike Tyson oo cayaar la xiisaynayey feeryahankii ka horjeeday dag dag u diray.



 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: allgedo@allgedo.com