|
Figrada,
aragtida iyo nuxurka uu bogaan xambaarsan yahay waxay gaar u tahay
qoraha. Allgedoonline wax lug iyo mas'uulayad ah kuma laha aragtidan.
Allgedo waa saxaafad madax banaan waxeyna soo dhaweyneysaa
aragtiyadaha kala duwan si kastaba ha u xag jireenee.
Baryo
iyo baqdin
By:
Shaafici Xassan Maxamed
Xagg
diinta islaamka wax”baryo” iyo ”baqdin”
labadaba lagu caabudaa Rabbi, laakiin nin dhallinyaro ah, oo
magaciisa la yiraahdo Fahad Yaasiin xaaji Daahir ayaa wuxuu qoray labo
maqaal oo uu mid ku baryey
Cabdiqaasim Salaad Xassan, midna uu kaga baqay Cabdullaahi Yuusuf
Axmed.
Inta aanan aragtiyo koobkooban ka dhiiban qoraallada
wiilka ayaan waxaan in yar ka saxayaa hababka markii dad wax loo
sheegayo wax loo tebiyo. Horta qofku labo waddo ayuu mid maraa markii
uu arrimahaan oo kale qorayo.
Midda kowaad waa in uu qoraalka oo dhan hadalka ku
wajaho akhristaha, oo uu tusaale ahaan sidaan u wado ”Cabdiqaasim
wuxuu jeclaa Maxamed Siyaad”. Midda labaad waa in uu hadalku qofka
laga qorayo toos ugu aaddan yahay, tusaale ahaanna waa sidaan
”Cabdiqaasow waxaad jeclayd jaalle Siyaad”.
Labadaas siyaalood isku maqaal gudihiis la iskuma
qaso, oo waa in mid la raaco, laakiin Fahad waxaa la moodaa in uu
cusbo iyo saliid isku soo walaaqay, oo mar wuxuu toos ula hadlayaa
qofkii uu wax ka qorayey marna wuxuu la hadlayaa akhristaha, taas oo
muujinaysa in uu mudane Fahad Yaasiin u baahan yahay in wax loo
sheego.
Waxaa laga yaabaa in ay dad badan oo ogaa in aanan
dhallinyarada internetka kula murmin ay la yaabaan in aan haatan Fahad
Yaasiin xaggiisa xoogaa ereyo ah u tuuro.
Run ahaantii waa arrin wanaagsan
in dhallinyarada qaarkood marmar lala hadlo.
Ugu horraytii wuxuu Fahad hadalka ka bilaabay
“Cabdiqaasim wuxuu siyaasadda ku biiray asaga oo da’ yar!”. Haddii
runta loo hadlo wuxuu Cabdiqaasim siyaasadda Soomaaliya ku lugdarsaday
markii la abaabulayey shirkii Carta, waxayna da’diisu ahayd 62
sannadood, filkaas oo ah cimriga ay dadka reergalbeedku madaxa la
galaan marxaladda hawlgabka.
Dadkii kacaanka la soo shaqeeyey laguma tilmaami karo
in ay siyaasad ku jireen, laakiin Maxamed Siyaad keli ah baa la oran
karaa wuxuu ku jirey siyaasad maddaama uu keligiis lahaa dhammaan
siyaasadda kacaanka. Dadka kale xataa guryohooda ayeysan u
madaxbannaanayn, oo in ay reerkooda gaar u dhaqdaan uma uu oggolayn
Maxamed Siyaad Barre.
Xubinta labaad oo hadalka Fahad waxay ahayd “Nasiib
wanaag waxaa bilawday hindisihii walaaltinnimo ee ka soo baxay
madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle”. Hadalkaani ma aha hadal uu Fahad
asagu leeyahay, ee waa halhayska Cabdiqaasim, waana hadal aan wax
macne ah u lahayn danaha ummadda soomaaliyeed. Maskaxda aan bislayn
waxaa lagu gartaa in ay ka buuxaan sawirro aysan ayadu lahayn iyo in
uu ka soo baxo hadaaq aysan caddayn karin meel uu ku sal leeyahay.
Hadalladii Ismaaciil Cumar Geelle oo sidoodii ah ayuu
Fahad wuxuu ku saleeyey maqaalka uu Cabdiqaasim kaga hadlay, oo
tusaale ahaan wuxuu qoray waxyaalo ay dadku ku qoslaan sida “Waa tii
ay soomaaliyi Carta ku dhisteen barlammaan”!
Ereyga “Soomaali” waa uu og yahay Ismaaciil Cumar in uu
ku xadgudbayo, laakiin danihiisa gaarka ah ayaa ku jira in uu sidaas u
bahdilo, hase ahaato ee Fahad wuxuu iska qaatay wax uu maqlay. Waxaa
jira xaddiis oranaya “Qofka waxaa xumaan iyo shar ugu filan in uu iska
tebiyo wax allaale oo uu maqlay”. Wuxuu xaddiiskaasi ka digey in sida
Fahad oo kale la iska weriyo wax laga maqlay Ismaaciil oo kale.
Aayad Qur’aanka ka mid ah baa waxay leedahay: “Haddii
uu qof faasiq ahi idiin keeno war cusub waa in aad hubisaan, si aysan
dad xogmoogeyaal ahi ugu kedsoomin oo aydnaan hadhow uga qoomamoon”.
“Faasiq” waxaa ku sifoobey mudane Ismaaciil Cumar
Geelle, waxaana “xogmoogeyaal” ah dad badan oo uu ka mid yahay Fahad
Yaasiin. Sidii uu ilaahay u sheegayba waxaa qoomamooday dad badan oo
markii hore ku caasiyoobey aayaddaas Qur’aanka ah, waxaana dadkaas
aayadda khilaafay ka mid ahaa shiikh Cumar-Faaruuq.
Yarka Fahad ahi ceeb weyn ma uu laha, oo wuxuu aayadda
kaga jiraa ereyga “bijahaalatin = xogmoogi”, isla markaas kalmadda ay
aayaddu leedahay “naadimiin = qoomamaysan” waxaa ku sifoobey dad badan,
oo haddii ay Rabbi u soo laabtaan laga yaabo in uu iska cafiyo, maxaa
yeelay naxariistiisu waa waasac.
Waxaa qoraalka Fahad ku jira ereyo sidaan ah “Dadka
shakhsiyadda Cabdiqaasim yaqaanney waxay yiraahdaan waa nin aftahan
ah….. isku daya in aad ku qanacdid fakraddiisa”! Horta dad gaar u
yaqaan loogama baahna Cabdiqaasim in la weydiiyo hadalkiisa, oo waxaa
jira idaacado badan oo asaga oo hadlaya laga maqlo.
Aftahmadu ma aha wax uu qof kastaa caadifad iyo jahli
ku jasuureeyo, ee waxay leedahay xeerar caalami ah, waxaana dareen
sare u leh dad gaar ah. Anigu waxaan weligay ahaa dadka jecel
aftahmada, waxaana jeclahay in aan ka shaqeeyo wax hadal curintiis iyo
qiimayntiis ku saabsan. Ereyada “aftahmo” iyo “qancin” waxaan
caddaynayaa in uu Fahad gef ku sameeyey, waxaana sababay “bijahaalatin”!
Fahad wuxuu soo qoray “Waxaan ka mid ahaa dadkii
diiddanaa in laga horyimaado dawladda uu Cabdiqaasim madaxda ka ahaa”!
Nebiga CSW ayaa waxaa u yimid nin u sheegay in uu sinaystey, wuxuuna
nabigu ccw ku yiri “War armay si kale wax u dhaceen?”. Wuxuu nebigu
csw la yaabbanaa ninka weyn oo la soo taagan “Waxaan ahay saani”!
Waxay soomaalidu ku maahmaahaan “Wax ay duul xil moodaan bay duul
xarrago moodaan”.
Hadallada Fahad uu Cabdiqaasim ka qoray waxaa ka mid ah
“Aad baan ugu farxaa markii aan Cabdiqaasinow kugu dhex arko shirar
caalami ah”! Markii laga faalloonayo arrimaha Soomaaliya waxaa fiican
in dhexdhexaad laga yahay sida aniga iyo Mawliid Macaane, ee in nin
aan ummadda waxba u qaban oo hanti iyo xoolo u harraadan lagu farxaa
ma aha wax uu nin dhallinyaro ah oo maskax furani qoraal iyo aragti ka
dhigto.
Guud ahaan sida uu Fahad uga hadlay Cabdiqaasim waxaa
ka muuqatay in uu baryootamayo oo uusan lahayn aragti aan ahayn in uu
jecel yahay, isla markaas waxaa la dareemayaa in uu Fahad dawladdii
millateriga ahayd jeclaa. “I dooro aan ku dayacee!” waa oraah
miskiinnimo ah oo la moodo in nin iyo reerkiis ay isweydaarsadeen, ee
aan labo nin oo qaangaar ah ka dhexayn karin.
Intaas wuxuu nuxurkiisu ahaa qoraalladii Fahad Yaasiin
xaaji Daahir intooda baryada ahayd, waxaanna uga sii gudbaynaa intii
baqdinta ahayd. Ninka la yiraahdo Cabdullaahi Yuusuf buu wuxuu ku
tilmaamay in uusan la saaxiibin qofkii garasho iyo aqoon ku dhaama.
Aniga laftaydu mar aan fakrad sidaas u dhow aamminsanaa
baa jirtey, waxaanse aragtidaas xooray markii aan daraasad tartan ku
sameeyey dad asaga la saaxiibka iyo kuwa uu loolanku ka dhexeeyo. Run
ahaantii dadka oo dhan baa iska liita, oo haddii loo fiirsado kuwa
asaga ka soo horjeeda laftooda waxaa la ogaanayaa in ay xaabo kale
yihiin, oo aysan saaxiibbadiis iyo mucaaradkiisu isdhaamin. Sidaas
darteed ninkii suxufi ah waxaa la gudboon in uusan noqon tulud il la’
oo geedaha ay isha xigtaa fayowdahay keli ah daaqda, ee waa in uu isu
eegaa dadka ka soo horjeeda iyo kuwa kale oo uu markaas caddaalad
sameeyaa.
Kuwa la saaxiibka ahi waxay rabaan in uu jago iyo magac
u yeelo, oo waa uu ku yar yahay mid aragti dadnimo iyo fiiro dheer
kula shaqeeya, isla markaas kuwa ka soo horjeeda waxay muujiyaan in ay
asaga neceb yihiin ee aragti siyaasadeed oo ugu yaraan tiisa la mid ah
nama ay tusin. Siyaasi meesha uu joogo u dhashay oo aragti dadka soo
jiidan karta kala horyimid weli lama hayo, waxaanna u malaynayaa in
dadkii caqliga lahaa ay ku dhammaadeen xabsiyadii iyo toogashadii ama
dagaalladii sokeeye.
Dhammaan dadka siyaasadda ku jira haddii isha la mariyo
waxaa la dareemayaa in ay meesha ceebi ka dhacday, oo ay u badan
yihiin xoolo kale. Qaar darajooyin ciidan ama dawladeed soo maray
ayaan waxaan iskula hadlaa “Sidee qof caykaan ah loo gaarsiiyey
mansabka noocaan ah?”, haddana waxaan isku qanciyaa in ayba arrintaasi
tahay sababta kharribtay dalkii oo dhan, oo dalka hore iyo gadaalba
waxaa lagu walaaqayey xididnimo iyo xigtonimo.
Cay ma aha haddii la yiraahdo soomaalidu waa dad guud
ahaanba tayo liita, waayo qof siyaasi ah oo hadal macquul ah ku hadlay
oo soomaali ah weligay ma aan dhegaysan, mana aan arag ama maqal
siyaasi wax la taaban karo meel ay soomaaliyi joogaan ka qabtay.
Waxaan soo aruuriyey boqollaan cajaladood oo ay duubeen
wadaaddo soomaaliyeed oo loo hanweyn yahay, waxaanna ka waayey mid
keli ah oo hadalka si saxan oo fiican afkeenna ugu gudbin kara, ama uu
hadalkiisu bilow iyo dhammaad macquul ah leeyahay. Waa dad iska
durqamaya oo aan la aqoon afka ay ku hadlayaan in uu soomaali yahay
iyo in kale, isla markaas aysan inta af soomaaliga ahi qaab ahaan iyo
ereyo ahaan midna u hagaagsanayn.
Wadaad, siyaasi iyo qof kale oo arrinta uu metelayo si
af fiican iyo qaab qurxoon u sheegi kara oo soomaali ah lama hayo,
isla markaas lama hayo qof soomaali ah oo wax muuqda bulshada u qabtay,
wuxuuna qof kastaa doonayaa in la ammaano ama uu helo wax uusan
astaahilin, oo uusan fahamsanayn sidii uu ugu guulaysan lahaa.
Maaddaama aynu dhammaanteed caaqyo nahay ayeynaan ka
faa’iidaysan karin haddii midkeen ay ajnabi aqoon baraan. Dadka ay
qofka soomaaliga ah isku jaamacadda ka baxaan wuxuu kaga duwan yahay
in uusan dadkiisa aqoonta ugu gudbin karin afkooda si macquul ah, isla
markaas wuxuu rabaa in uu dad meel gawaan ah dhooban ugu faano
shahaado uusan waxba ugu qaban. Sidaas awgeed ilaa hadda lama hayo qof
soomaali ah oo faa’iido leh, waxaana daliil u ah sida uu dalku yahay
iyo in 2 sannadood shir loo fadhiyey oo barlammaankii qabiil lagu
qaysaday. Haddana qabiilkii in lagu heshiin la’ yahay, oo ay dad
ajnabi ahi u qabinayaan beel kasta intii ku soo aaddey iyo in ay
qabiilooyinka qaarkood rabaan in ay dalka intooda goostaan.
Hadalka Fahad waxaa ku jirta in uu nin gaar ah ku
eedeeyey jabhadihii qabiilooyinka oo Soomaaliya uga caray Maxamed
Siyaad. Anigu waxaan aamminsanahay in aysan qabiilooyinkii kacaanka
debedaha uga qaxay oo soo jabhadeeyey ku khaldanayn dagaalladooda,
waxaanna rumays nahay haddii ay wax jihaad la yiraahdaa sidoodaba
jiraan in lagu tilmaami karo dagaalladaas.
Qabiilooyinka soomaalida haddii aan dalkooda lagu
cabburiyeen oo ay xorriyad ku helaan uma ay kala firxadeen dalal kale,
waxayna ummaddu dareemeen in aysan gobannimadoodii ayaga gacanta ugu
jirin, ee madaxa lagaga taagan yahay, oo uu cadow buntukh iyo katiinad
sitaa ku hareeraysan yahay.
“Gobannimadu ma ahayn in uu,
bahal garqaadaaye
Ma ahayn dhurwaa in uu la galo, god iyo
booraane…
Gablama ee ka kaca waxaad tihiin, gun iyo shaashleye”.
Waxaan rumaysnahay in uusan Khaliif shiikh Maxamuud
mirahaas beenabuur iyo turufo ula jeedin, ee uu dhibaato uu dareemay
kaga jawaabey. Ninkii doonaaba ha bilaabo ee in dawladdii kacaanka
dagaal lagala horyimaado qofka diidani wuxuu diiddan yahay
madaxbannaanida soomaalida.
Waxaa jira dad aan fakarayn oo iska yiraahda “Si aan
jabhadayn iyo dagaal ahayn baa lagu beddeli karey nadaamkii cadowga
ahaa!”. Haddii lagu beddeli karey may ayagu ku beddelaan? Sidaas dadka
u hadlaa waa kuwii ahaa jawaasiista iyo kuwii ummadda cabburinayey,
waxayna afka ka dhawrayaan in ay dadka la horyimaadaan in ay kacaankii
jeclaayeen, waayo waxay og yihiin in ay meel kasta ka buuxaan dad la
soo dhibay, isla markaas waxay rabaan in dhibaatadii nadaamkaas ka
farcantay ay dusha u saaraan ummaddii inta dalkooda lagu silciyey
debedaha u firxaday.
Haddii aynu tusaale xoog badan u soo qaadanno dhibtii
dadka soomaalida loo geystey Cabdullaahi Yuusuf laftiisa waxaa la
xiray isla markii uu kacaanku dhashay, wuxuuna xirnaa sannaddo iyo
sannaddo! Haddii imminka Fahad la weydiiyo “Ma wuusan xaq u lahayn in
uu dalkiisa ku noolado asaga oo aan la dhibin? Denbigeese lagu xiray?”
ma uu helayo jawaab aan ahayn in uu Maxamed Siyaad lahaa xuquuq ka
sarraysa midda ummadda inteeda kale oo ah in uu qofkii uu rabo
dilkiisa iyo xabsigiisu u bannaanaa!
Haddii uu qof dadka ka mid ahi xaq kuugu yeesho in uu
markii uu rabo qofkii uu rabo xiri karo ama uu toogan karo maxaa
diidaya in dalka looga baxo oo qorigii uu dadka ku taagey mid la mid
ah lagu taago? Maxaase diidaya in inqilaab lagu beddelo dhibaatada
ummadda lagu salladay iyo heesaha ciqaabeed oo aroortii dhegaha la
isaga naaray.
Xoogaa yar oo xagga taariikhda ah baan waxaan ka
saxayaa hadalka ah “Ninkii ugu horreeyey oo soomaali u jideeyey in
xoog wax lagu kala qaato iyo ninkii ugu horreeyey oo soomaali baray
keligitalisnimo waa kornaylka!”.
Waxaasi taariikh run ma aha! Maxamed Siyaad dalka
xukunkiisa ma doorasho ayuu ku qabsaday? Midda kale yaa tiriyey goorma
ayaase la tiriyey gabaygii ahaa:
”Maqrib dumey sidiisii xeryaha, ma u madooyey”?
Ciwaan hoosaad ah ”Guusha ama geerida” ayaa ka mid ah
qoraalka mudane Fahad, wuxuuna uga jeedey in aannaan aniga iyo asagu
waayadaan dhimanayn, laakiin uu Cabdullaahi Yuusuf dhawaan geeriyoon
doono! Waxaa la sheegay in oday cirro badan uu wiilkiisii ku yiri:
”Aabbow malaggii ku dili lahaa miro badan baa sanada u soo go’aya”.
Wuxuu uga geedey in ay cirradu daliil u tahay in uu dhaqso u dhiman
doodo, odaygiina wuxuu ku jawaabey ”Maandhow malaggu miraha curdanka
ahna waa uu gurtaa”.
Waxaa jira hadal Cabdullaahi Yuusuf ka soo yeeray oo
gef ahaa, kaas oo uu Fahad Yaasiin ka sharqamiyey oo ahaa in haddii uu
soomaali si fiican u yaqaan uusan bilaabeen dagaalkii uu kacaanka kala
horyimid. Run ahaantii in uu Cabdullaahi waxaas ku hadlaa waxay ahayd
iska miskiinnimo, waayo jahaad ay ummadda soomaaliyeed soo galeen in
uu ka shallaayaa waxay noola muuqataa caaqnimo ama xoolonimo.
Horta ninkii wax qoraya waa in laga dareemo in uusan
qof ka baqayn. Waxaa hadalka Fahad ku jira ereyo fuleynimo ah oo ahaa:
”I dooro aan ku dilee”. U aan malayn mayo nin maanta dil u xiisoqabaa
in uu jiro, waayo waxaa la soo wada ogaadey in uusan dhiig
soomaaliyeed oo la daadiyaa qofna u soo jiidin sharaf iyo mustaqbal.
50-60 qof baa madaxweyne u sharraxan shirka Keenya, una
aan malayn mayo in uu ku jiro mid maanta dili lahaa Fahad Yaasiin,
waayo dilkii uu dagaallada sokeeye iyo geeridii ku timid dadkii uu
kacaanku xasuuqayba haddii uu ka badbaadey ma wuxuu ka baqayaa shirka
dib-uheshiisiinta soomaaliyeed iyo murraxiinta?! Baryo iyo baqdin
uusan ilaahay ku jirrabin buu Fahad asagu isku jirrabayaa!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers
|