|
Nayroobi (1)
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
July 18, 2004
Waxaa magaalada Nayroobi telefoon u soo diray mudane kornayl Daahir
Riyaale Kaahin. Telefoonka dhawaaqiisa waxaa ka dheeraa codka
qabqableyaasha ka buuxey qolka weyn oo uu telefoonka dhacayey derbigiisa
surnaa.
Lix goor markii uu dhacay baa waxaa qabtay jeneraal Moorgan, oo
telefoonkii dhegta saaray asaga oo ku qoslayey sheeko ay qabqableyaasha
badankoodu ku qosleen, laakiin uusan xaaji Muuse Suudi ku qoslin.
Moorgan wuxuu telefoonka dhegta saaray asaga oo soo eegaya rag badan oo
uu u qosol badbaa Barre Hiiraale.
Codka telefoonka ka soo baxay Moorgan si fiican uma uu maqal, waayo
waxaa markii uu qosolkii dhammaaday aad u murmayey Axmed Cumar Jees iyo
Cismaan-Caato. Axmed Cumar Jees baa mar kasta oo uu Cismaan Xassan arko
wuxuu ku eedeeyaa in uu ka gardarnaa jeneraal Caydiid, oo uu fidwowale
daallin ah yahay, Cismaanna wuxuu ugu jawaabey:
-
Maxaa aniga iyo Caydiid dhexdayada ku geliyey?
Markii uu Cismaan-Caato sidaas lahaa waxaa indhaha ku gubayey Xuseen
Caydiid, oo aammusan. Axmed Cumar jees oo xanaaqsan baa wuxuu eegay
Xuseen Cadiid, wuxuuna asaga oo qaylinaya Caato ku yiri:
-
Awowgi la gub ummadda oo dhan baa tuug kuu qaba oo og in aad waagaas
fidmo abuurtay, waana lagu karhadaa.
Moorgan weli ma uu maqlin hadalka uu Daahir Riyaale u sheegayo oo
telefoonka ka sharqamaya, wuxuuna asaga oo Axmed Cumar Jees iyo
Cismaan-Caato Xasan midba mar eegaya yiri:
-
War naga aammusa, nacallaa idinku yaale, telefoon baannu ku hadlaynaaye!
Waxaa inta uu hadalkii hoos u dhigay u jawaabey Cismaan-Caato, oo yiri:
-
Nacallaa adiga kugu yaal, doofaar doofaar dhalay!
Cismaan wuxuu jeebka kala soo baxay tubaako, wuxuuna asaga oo tubaakadii
afka gashanaya maqlayaa Moorgan oo la hadlaya Daahir Riyaale, oo
telefoonka ka soo diray magaalada Hargaysa. Weli waxaa hoos ka nuxnux
leh Qanyare iyo Xasan Abshir oo uu Qanyare faraxsan yahay, Xassanna uu
miskiin u eg yahay, wuxuuna jeneraal Moorgan leeyahay:
-
War aamusa waa Daahir Riyaalee? War bal warran Daahir?
Kornayl Daahir haddii uu Moorgan kala sheekaysan lahaa saaxiibnimadoodii
hore wuxuu ka baqayaa in kuwa la joogaa ay ogaadaan in uu Moorgan
saaxiibkiis yahay, wuxuuna yiri:
-
Waryaahee ka warran raggii kale annaga Somaliland baa nala yiraahdaaye?
“Annaga Somaliland baa nala yiraahdaa“ wuxuu maqashiinayey kuwa la
joogaa oo uu isaga dhigayey in uu qaddiyadda daacad u yahay, wuxuuna
iska ilaalinayey in ay ogaadaan in uu la hadlayo jeneraal Moorgan.
Jeneraalka laftiisu waa uu fahmey in uu saaxiibkiis istustus samaynayo,
wuxuuna yiri:
-
Ma waxaad damacdeen in aad shirka timaaddaan?
Kornayl Daahir Riyaale haddii uu hadalka Moorgan la sii wadwado wuxuu ka
baqayaa in codkiisa laga maqlo telefoonka, isla markaas haddii uu
Moorgan fartiin u dhiibi lahaa wuxuu ka baqayaa in uu illaawo, waayo
waxaa ayaamahaan socda cayaar caalami ah oo xiiso badan. Wuxuu yiri:
-
War Maxamed Qanyare dhiib!
Wuxuu og yahay Maxamed Qanyare in uusan illaaweyn fartiinta, waxaana
gacanta u taagey Moorgan oo telefoonkii dhegta ka qaaday, Qanyarena
dhaqso ayuu u soo orday. Moorgan markii uu dhegta telefoonka iska
dhiibayey xoogaa buu qoslayey, Maxamed Qanyarena daacad buu u ekaa,
wuxuuna yiri:
-
Ahlaan! Aryaa Daahir ma roonidoo?
Daahir wuxuu Dareemay raaxo iyo nasniin markii uu ilaahay Moorgan
dhaafiyey, wuxuuna yiri:
-
War waa nabade, dee waxaan kuu sheegi lahaa in aysan xukuumadda Nayroobi
laga soo wadaa khusayn Somaliland, ee sidaas u sheeg dhammaan kuwa kula
jooga.
Qanyare wuxuu dareemay in fartiin siyaasadeed oo weyn lagu aamminey,
wuxuuna u qoslay si dhixdhix ah, dabadeedna wuxuu yiri:
-
Aryaa beeso dhinnoo aan kuu soo diray ma heshay?
Qanyare wuxuu hadalkaas uga jeedey in ay qabqableyaasha kale dareemaan
in uu kornayl Daahir xariir fiican oo gaar ah la leeyahay, ee lacag uma
uu dirin Hayrgeysa. Kornayl Daahir Riyaale wuxuu la yaabay lacagta uu
sheegayo Qanyare, wuxuuna yiri:
-
Gaw! Waar ninka ila hadlayaa ma Cabdiqaasim baa?
Qanyare in uu Daahir u jawaabo ma uu rabo, waayo dantiisu awalba waxay
ahayd in ay ragga kale dareemaan in uu lacag siiyo Daahir, wuxuuna
jawaab uga dhigay:
-
Aryaa Cabdullaahi Yuusufaa raba inaw kula hadlee ma la hadleydaa?
Kornayl Cabdullaahi Yuusuf wuxuu xoogaa ku qoslay sida uu Qanyare isugu
dirayo asaga iyo Daahir Riyaale, waxaana istaagey Muuse Suudi, oo yiri:
-
Yeehoy minow Daahir nin la hadlaayo anigaa la hadlaya!
Kornayl Daahir Riyaale xoogaa buu aammusay, waxaana intii uu aammusnaa
ku qayliyey Qanyare oo yiri:
-
Xaad la aammustey waraan kaa sugaahe?
Muuse Suudi wuxuu u dhawaadey Qanyare oo telefoonkii dhegta ku haya,
Daahirna markii uu cabbaar aammusnaa buu wuxuu la hadlay rag agtiisa
fadhiyey, oo uu ku yiri:
-
Waryaarahee, Cabdillaahi Yuusuf baa doonaya in uu ila hadlee miyaan la
hadlaa?
Khilaaf xoog leh baa dhexgalay raggii xafiiska kornayl Daahir la joogey,
waxaana dhegaha Qanyare ku dhacaya muran badan oo ku saabsan in uu
Daahir la hadlo Cabdullaahi iyo in kale, Qanyarena wuxuu leeyahay:
-
Aryaa ninaa raba inaw kula hadlee xaad uga baqee?!
Muuse Suudi weli wuxuu taagan yahay Qanyare agtiisa, wuxuuna isu qabaa
ninka uu Qanyare sheegayaa in uu asaga yahay, wuxuuna Muuse telefoonka
dhegtiisa ku qabsaday Qanyare oo qoslaya, oo Muuse wuxuu yiri:
-
Xaw iiga baqaa?
Qanyare xoogaa buu xaaji Muuse gadaal u tururturreeyey, wuxuuna
telefoonka ka dhegaysanayaa rag murmaya, oo ka doodaya in uu Daahir la
hadli karo Cabdullaahi iyo in kale.
Muuse Suudi wajigiisa xanaaq yar baa ka muuqda, Qanyarena farxad baa
laga dareemayaa. Qabqableyaashii kale waxay eegayaan Qanyare iyo Muuse,
oo waxaa qoslaya Barre Hiiraale iyo Maxamed-Dheere. Xuseen Caydiid qaad
buu cunayaa oo waxaa laga dareemayaa in uusan danaynayn dhibta kala
haysata xaaji Muuse Suudi iyo Qanyare.
Jeneraal Moorgan debedda ayuu u baxay si uu beeb tubaako ah u daarto,
waxayna albaabka isku dhaafeen Cabdiqaasim, oo aysan wada hadlin.
Cabdiqaasim markii uu soo galay buu wuxuu yiri:
-
Anigu haddii aan ahay madaxweynaha Soomaa…..
Intuusan hadalkii afkiisa ka soo dhammaan baa waxaa u jawaabey
Maxamed-Dheere, oo yiri:
-
Arhey, madaxweyne beele telefoonaa lagu hadlaa!
Cabdiqaasim wuxuu ku fariistay kursi u dhawaa kornayl Cabdullaahi
Yuusuf, wuxuuna inta xaggiisa madaxa u duwdey ku yiri:
-
Ina walaalow gacaliye waa kee midka lala hadlayaa?
Markii uu Cabdiqaasim sidaas lahaa wuxuu eegayey xaaji Muuse Suudi iyo
Qanyare oo uu mid telefoon haysto midna uu si daacad ah u fiirinayo
afkiisa, oo uu aammusan yahay. Kornayl Cabdullaahi Yuusuf wuxuu inta
Cabdiqaasim eegay ku yiri:
-
Waa ina Riyaale Kaahin, oo waxaa ku cayaaraya ina Qanyare.
Cabdiqaasim xoogaa buu inta qoslay wuxuu yiri:
-
Xaaji Muuse maad iska fariisatid?
Waxaa weli hadlaya Qanyare oo leh:
-
Aryaa Cabdullaahi mahuu taagan yahay minaad la hadlaysid!
Xaaji Muuse Suudi baa Qanyare u jawaabey, oo wuxuu ku yiri:
-
Yeehoy, Cabdullaahi maahiye xaaji Muusaan ahay.
Cabdullaahi Yuusuf baa wuxuu hadal ku celiyey Cabdiqasim, oo wuxuu ku
yiri:
-
Lacago ina Riyaale loo diray baa intii aadan imaan laga hadlayey.
Cabdiqaasim xoogaa buu naxay, wuxuuna ka shakiyey in uu Daahir Riyaale
cabsan yahay, oo uu sheegay xisaabo labadooda shakhsiyan uga dhexeeyey,
laakiin naxdintaas wuxuu ku qarsaday laabtiisa ee wajiga wax weyn lagama
dareemin, wuxuuna isyiri ”Ma la hadashaa?” oo wuxuu u holladay in
Qanyare ku yiraahdo ”Ha iga sii dayn”, haddana wuxuu fahmey in aysan
meeshu ahayn meel wax kasta lagaga hadli karo.
Qanyare wuxuu telefoonka ka maqlay kornayl Daahir oo leh:
-
Waar macasalaamo.
Cismaan-Caato wuxuu ka shakiyey in ay Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi asaga
wada xamanayaan, wuxuuna kursi agtooda ah ku soo fariistay asaga oo
niyadda iska leh ”Ninkii talyaanniga ahaa faa’iido xoog leh buu ii
sheegay. Haddii uu shirku fashilmo saddex fursadood baan inta la hubo
haystaa. Ilaahay waxaan ka baryey in aysan weligeed Soomaaliya dawlad
yeelan, haddii ay yeelatana aysan lixda bilood oo soo socda dawladi
dhalan”.
Cismaan oo isla hadlaya ayaa waxaa soo fariistay xaaji Muuse iyo Qanyare
oo meeshii telefoonka isku mar ka soo dhaqaaqay, wuxuuna Qanyare Cismaan
ku yiri:
-
Aryaa xaad la maahsan tahay, qandho daroogada gadda?!
Waxaa hadalkii galay Cabdullaahi Yuusuf oo yiri:
-
Haddii uu shirku najaxo wacad allaan Soomaaliya daroogo danbe lagu
gadayn, laguna beerayn!
Cabdiqaasim baa asaga oo ay kahasho ka muuqato wuxuu yiri:
-
Maad naga saartaan toobbigaas?
Maxamed-Dheere ayaa si xanaaq ah hadalkii u soo galay, wuxuuna asaga oo
Cabdiqaasim indhaha ku gubaya yiri:
-
Yee ma daroogaad u doodee?
Cismaan-Caato ayaa inta uu tubaakadii bushunta hoosteeda carrabka kula
riixey wuxuu yiri:
-
Horta yaa loo hanjabi karaa? Dalka sow annagu ma lihin haddii aannu
waxii aannu rabno ku beeranno?
Waa markii ugu horraysey oo uu Maxamed-Dheere qoslay, wuxuuna yiri:
-
Xaad beer iyo walax la beero ka taqaan?
Waxaa illinka ka soo galay Moorgan oo beeb tubaako gacanta midig ku
sida, oo tubaakadii uu soo cabbey qaaceedii qaar ka cocdo. Wuxuu yiri:
-
Midkii reer Boorame oo telefoonka la soo dhalandhoolay….
Waxaa hadalkii ka dhexgalay xaaji Muuse Suudi, oo yiri:
-
Madaxweyne yaa naqahaaya?
Dadkii oo dhan baa qoslay, waxaana u jawaabey Cabdiqaasim oo yiri:
-
Madaxweyne aniga ayaa ah!
Cabdullaahi Yuusuf baa wuxuu yiri:
-
Markii dawladda la dhiso waa in Muuse loo magacaabaa duqa magaalada
Muqdishu.
Cabdiqaasim baa hadalkii ku soo laabtay oo wuxuu yiri:
-
Anigu haddii aan ahay madaxweynaha ummadda soomaaliyeed…
Xasan Abshir oo maanta oo dhan iska aammusnaa baa istaagey, wuxuuna
asaga oo caraysan yiri:
-
Walaalayaal TNG wakhtigeedii wuu dhammaaday. Ilaahay idankiis hadda ayaa
dawlad loo dhan yahay….
Maxamed Qanyare ayaa hadalkii dheeraa Xasan ka kala gooyey:
-
Arhey Cabdiqaasim iyo Xasanow warka ka hera! Waxaan beriga hayaa
siyaasad weyn oo uu Daahir Riyaale igu aamminey ee aan mugga iga
dhegaysta.
Waxaa farxay Ahmed Cumar Jees oo yiri:
-
Eeggada warka na sii!
Qanyare markii uu sheekadii u holladay baa waxaa hadal hor leh furay
Xuseen Caydiid oo caagad kookokoollo ah ku qayilayey, wuxuuna yiri:
-
Musharrax baan ahay, haddii la i doortana Somaliland waxba ma aha!
Aabbahay alle ha u naxariistee wuxuu ahaa halgamaa weyn, Daahir
Riyaalana haddii aan la kulmo wuu og yahay arrintaas.
Barre Hiiraale oo aan rabin in aad looga murmo Somaliland iyo jagada
madaxweynaha ayaa wuxuu yiri:
-
Xuseen labadeennu haddii aynu wasiirro helno ayeynu nasiib leenahay.
Maxamed-Dheere ayaa inta uu Xuseen eegay wuxuu yiri:
-
Arhey madaxweyne lahaane deyntii lagugu xiray waa xaq dadow ee iska bixi!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
|