HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Gabdhaha indho shareerka wata oo bilaabay inay ka hayaamaan Jawhar iyo warar kale

April 3, 2004

WARARKII MAANTA: APRIL 3, 2004

  • Maxamed Dheere oo sheegay in duulaan uu ku soo wajahanyahay,
  • Gabdhaha Indho shareerka wata oo billaabay inay ka Hayaamaan Jawhar,
  • Dadwaynaha Muqdisho oo Taakulayn u fidiyay Agoonta iyo dadka Waalan,
  • Dawladda Belgium oo kulan la yeelatay Jaaliyadaha Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda,
  • Maraykanka oo sheegay inay sii daynayaan Qaar ka mida Maxaabiista Guantanama Bay,
  • Telefeshinka Al-Arabia oo Maraykanka soo xasuusiyay wixii ka qabsaday Somalia,

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com , Garyare@msn.com, Garyare20@yahoo.com

Maxamed Dheere oo sheegay in duulaan uu ku soo wajahanyahay,

Hogaamiye kooxeedkii loogu hadal haynta badnaa Toddobaadyadii la soo dhaafay, Maxamed Cumar Xabeed "Maxamed Dheere" ayaa mar kale eedayn dusha uga tuuray Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho, Maamulka Gobalka Shabeeladda Hoose, Ganacsato Caan ah iyo Jaamacadda Carabta.

Maxamed Dheere oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Jawhar ayaa sheegay in Shiiq Yuusuf Indhacade oo Madax ka ah Gobalka Shabeeladda Hoose uu abaabulayo Ciidamo ay kala leeyihiin Dawladda Ku Meel Gaarka ah, Maxkamadaha Islaamiga ah, Ganacsato ay ka mid Yihiin Siciid Coloow oo madax ka ah Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia, iyo Siciid Nuur Gariish oo Madax ka ah Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways, Wuxuuna sheegay in Qaybihii ugu horeeyay ee Tiknikadaasi lagu soo weerarayo oo uu leeyahay Ganacsade Siciid Coloow ay gaareen Deegaanka Wanlawayn oo uu ka socdo Abaabul dagaal oo asaga lagu soo weerarayo, Waa sida uu hadalka u dhigayee.

Maxamed Dheere waxa uu sheegay in Kooxahan isi soo bahaystay oo sida uu sheegay kula coloobay dagaalka uu kula jiro Argagixisaddu ay taageero dhaqaale ka heleen qaar ka mida dalalka ku jira Jaamacadda Carabta, Wuxuuna Hogaamiye Kooxeedkan sheegay in dalalkaasi uu C/qaasim ka dhaadhiciyay in Somalia uu ka billawday dagaal diimeed.

Maxamed Dheere oo ka taliyo Magaaladda Jawhar iyo deegaanadda u dhaw dhaw ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa uu si isdaba joog ah u soo saarayay Warsaxaafadeedyo inta badan uu ku eedaynayo Hogaamiyayaasha Soomaalida Qaarkood, Waxaana uu noqday ninka loogu hadal haynta badan yahay Somalia, iyadoo dadka intiisa badana ay la yaaban yihiin Diblomaasiyadda uu la yimid Maxamed Dheere oo ah hab dhaqan aan horay looga baran Kooxaha Soomaalida.

<><><>

Gabdhaha Indho shareerka wata oo billaabay inay ka Hayaamaan Jawhar,

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/hoose ayaa sheegaya in dumarka xirta Indhashareerka ay halkaasi ka haajirayaan, ka dib markii uu maamulka Maxamed Dheere mamnuucay in lagu xirto Indhoshareerka deegaanada maamulkiisa uu xukumo, iyadoo talaabadaasina uu Maxamed Dheere ku sheegay inuu amaanka ku sugayo.

Ilaa markii Maxamed Dheere uu soo saaray wareegto mamnuucaysa in deegaanada gobolkaasi lagu xirto Indhoshareerka, waxaa soo Baxaysay in dumarka ay ku culus tahay inay furaan Indhoshareerka, iyagoo dhinaca kalana aan awoodin inay bixinayaan Ganaac Lacageed oo gaaraya lix milyan oo shilin Soomaali ah lagana rabo haweenaydii lagu helo iyadoo xiran indhashareer,

Goobjoogayaal ku sugan Jawhar ayaa u sheegay Saxaafada in haween badan ay ka haajireen Jawhar kadib markii ay u cuntami waysay inay u hogaansamaan Go’aanka Maxamed Dheere, Waxaase la sheegay inay jiraan tiro yar oo haween ah isla markaana u hoggaansamay inay oggolaaadaan Amarka lagu mamnuucay Indhashareerka.

Go’aanka uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Indhashareerka ayaa ah kii ugu hadal haynta badnaa 14 sanno kadib riditaankii Maamulkii Maxamed Siyaad ee uu soo saaro Qabqable Dagaal, Waxaana tan iyo markii ay soo baxay wareegtadaasi isi soo tarayay cabashooyin laga muujinayo, Iyadoo Culumadda Soomaaliyeed intooda badana ay isku raaceen in Maxamed Dheere uu diinta uga baxayo Wareegtadda uu ku mamnuucay Indhashareerka iyo Cimaamadda ay xirtaan Ragga Muslimiinta ah haddii uusan deg deg uga laaban.

<><><>

Dadwaynaha Muqdisho oo Taakulayn u fidiyay Agoonta iyo dadka Waalan,

Dadwaynaha Muqdisho ayaa billaabay inay Taakulayn dhaqaale u fidiyaan Caruurta Agoonta ah ee ay xanaanayn jirtay Hay’adda Al-Xaramayn iyo dadka Waalan ee Muqdisho ku tabaalaysan.

Dadwaynaha Muqdisho ayaa billaabay inay u dib u jaleecaan dhibaatadda dadka taagta darran Muqdisho ku haysata, kuwaasoo 14 sanno ka hor la hilmaamay, Waxaana Waddooyinka Waawayn ee Magaaladda Muqdisho iyo Goobaha ay dadka isugu yimaadaan la dhigay Sanaadiiq Kaalmo loogu aruurinayo dadka Waalan iyo Agoonta.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa iyaguna door muuqda ka ciyaaray hawlaha loogu gurmanayo Agoonta iyo Dadka Waalan, Waxaana lagu arkayay maalmihii la soo dhaafay Waddooyinka Waawayn ee Muqdisho Culumaa,udiin wata Codbaahiyayaal isla markaana bulshadda ku wacyi galinay inay gacan ka gaystaan Gurmadka loo fidinayo dadka Waalan iyo Agoonta aan haysan Daryeelka.

Hawlahan Gurmadka ah ayaa ku soo beegmay xilli markii ugu horaysay Muqdisho laga hirgaliyay Xarun wayn oo ka kooban labo qaybood oo lagu kala xanaaneeyo dadka Waalan iyo Agoonta.

<><><>

Dawladda Belgium oo kulan la yeelatay Jaaliyadaha Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda

Dowladda Belgium ayaa shalay shir la qaadatay jaaliyadaha dibadda ee ku nool waddankan oo ay ka mid tahay jaaliyadda Soomaalida.

Shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen Jaaliyadaha Ciraaq, Iiraan, Niger, Argentine, Columbia, Armenia, Marooko, Kosovo, Syria, Chechnia, Rwanda, Congo iyo Somalia ayaa looga hadlayay dhibaatooyinka dadka soo haajiray ay ku qabaan sharciga, caafimaadka, guryaha iyo luuqadda, iyadoo Belgium-na sida sharciga ah looga hadlo labo luuqadood, Dhinaca Dawladda Belgium waxaa kulankaasi uga qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jacques Dowine, xildhibaanno ka socday xisbiga Social Party iyo wakiil ka socday Duqa Magaalada Brussels.

Bashiir Xasan Cabdi oo dhinaca Somalia kulankaasi uga qayb galay ayaa sheegay in Soomaalida ay dhibaatadda ugu wayn ka haysato dhinaca Luuqadda,

Jaaliyadihii ka qayb galay Kulankaasi Waxa ay ka cawdeen in sababaha ugu weyn ee hor taagan inay dadka dhex galaan ay tahay dhibaatooyinka guryaha iyo shaqo helitaanka oo lagu xiro luuqadda. Dhibaatooyinka ay xuseen waxaa ka mid ah qofka aan sharciga lahayn oon u xaq u lahayn kaalmada dowladda iyo caafimaadka, taasoo qasab ka dhigtay in qofku uu raadsado shaqooyin suuqa madow ah.

Madaxdii Ka socotay Dawladda Belgium oo ka hadlay iyaguna kulankaasi ayaa ballan qaaday in la siinayo Sharci dadka ka soo haajiray Somalia iyo Kosovo oo aan lahayn meel ay ku noqdaan.

Kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ka dhacay Degmadda Molembeek ee Caasimadda Brussels oo ka mida degmooyinka ay Soomaalidu u badan yihiin ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay Filim ka tarjumaya Dhibaatooyinka ay qabaan dadka Qaxootiga ah, Sida uu soo sheegayo Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah Suxufi Soomaaliyeed oo degan Brussels.

<><><>

Telefeshinka Al-Arabia oo Maraykanka soo xasuusiyay wixii ka qabsaday Somalia

Telefeshinka Sattelite-ka ah ee Al-Carabiya ayaa dib u soo xusuusiyay Shacabka Maraykanka dhacdo xanuun leh oo Sannadkii 1993-dii ka dhacday Muqdisho.

Telefeshinka Al-Carabiya oo ka mida Telefeshinadda Carbeed ee sida wayn loo daawado ayaa soo bandhigay dhacdadii 3 October ka dhacday Muqdisho, kadib markii ay dagaal Qaraar Bartamaha Muqdisho Maalin cad isaga hor yimaadeen Taageerayaashii Janaraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Ciidamadda Maraykanka ee Rangers-ka.

Dagaalkan oo socday Hal Maalin ayaa sababay in la dilo qaar ka mida Askarta Maraykanka isla markaana la soo rido Diyaarado Helikobtaro ah oo ay askartaasi isticmaalayeen.

Telefeshinka Al-Carabiya ayaa laga daawaday 11 sanno kadib dhacdadaasi oo keentay in maydadka Askar Maraykan ah lagu jiido Waddooyinka Muqdisho, iyadoo ugu dambayntiina ay Maydadkaasi dab qabadsiiyeen Taageerayaashii Caydiid.

Soo bandhigidda dhacdadan ee Telefeshinka Al-Arabia ayaa ku soo beegantay wax yar kadib markii afar qof oo Maraykan ah lagu dilay Magaaladda Fuluuja ee dalka Ciraaq, Waxaana maydadka dadkaasi lagu jiiday Waddooyinka Waawayn ee magaaladaas, iyadoo ugu dambayntiina la suray Hilbaha afartaasi qof Buundo wayn oo ku taala Fuluuja.

WARGEYSYADUA CAALAMKU MAXAY KA QOREEN SOMALIA

<><><>

Maraykanka oo sheegay inay sii daynayaan Qaar ka mida Maxaabiista Guantanama Bay

Maraykanka ayaa sheegay inay sii daynayaan illaa iyo shan iyo toban qof oo ka mida Maxaabiista ku xiran Saldhiga ay Ciidamadda Maraykanku ku leeyihiin Gacanka Guantanama Bay ee Dalka Kuuba.

Dadkan la sii daynayo ayaa la sheegay in badankood ay u dhasheen dalalka Jordan, Ciraaq, Suudaan, iyo kuwo kale, waxaana la sheegay in sii daynta dadkan ay timid kadib markii lagu waayay wax dambi ah.

Maxaabiistan la sii daynayo waxay qayb ka ahaayeen dagaal yahanaddii carbeed ee uu maraykanku ku soo qabtay dagaalkii uu ku qaaday Afghanistan dabayaaqadii 2001-da, goortaasoo ay ka taqulaseen Nidaamkii Islaamiga ah ee dalkaasi ka talinayay.

Ma ahan markii ugu horaysay ee Maxaabiis laga sii daayo Guantanama Bay, iyadoo dhawaana la sii daayay shan qof oo Ingiriis ah, Laakiin waxaa isa soo taraya qayla dhaanta laga keenayo Nolosha Xabsiga Guantanama Bay oo ay Maxaabiista laga soo daayo qaarkood ku tilmaameeen inay tahay goob si arxan darro ah loola dhaqmo dadka ku xiran.

<><><>

Maamulka Bush oo eedayn u jeediyay Shirkado uu sheegay inay farsamadda Hubka Nugliyeerka u gudbiyaan Iiraan

Maraykanka ayaa sheegay inay ugaarsan doonaan Shirkaddo ay ku eedeeyeen inay farsamadda Hubka Nugliyeerka u gudbiyeeen Iiraan,

Maraykanku waxa uu ku hanjabay inuu xayiraad ku soo rogi doono shirkadaha lagu helo inay u gudbinayeen Iiraan Tiknoolajiyadda Samaysashadda Hubka Nugliyeerka, Waxaana hadalkan lagu sheegay inuu socdo dabagal la doonayo in lagu xaqiijiyo doorka qaar ka mida shirkadaha caalamku ay ka ciyaaraan faafinta farsamooyinka Nugliyeerka,

Hadalkan ayaa la sheegay inuu si gaar ah saamayn ugu yeelan karo qaar ka mida Shirkadaha Ruushka oo la aaminsan yahay inay yihin kuwo ugu badan ee kala gudbiyo Farsamooyinka Nugliyeerka,

Maamulayaasha Mosco ayaa horay u sheegay inay ka caawinayaan Iiraan Samaysashadda Nugliyeerka sida Nabadgalyadda leh loo isticmaali karo.

 

Source: Somalitalk

 

 

ARAGTIDA U.G.P.C.


Click Here to Read about UGPC..

 

TALO BIXINTA GEDO

Sidee Gedo xal loogu heli karaa? 
Fadlan figradaada oo qoraal ah noo soo gudbi si aan u daabacno
 Guji...
 
ARAGTIDA ALLGEDO
Waa maxay ujeedada loogu tala galay abuuritaanka allGedo Online?... Guji....
 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com