|
Gudoomiyaha
maamulka magaalada Jawhar Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa
lagu soo waramayaa in uu wado dadaal uu ku doonayo in uu ku ballaariyo
awoodiisa gobolka shabeelaha dhexe oo ay ka wada arrimiyaan isaga iyo
Hogaamiye Kooxeedka kale ee Muuse Suudi Yalaxow
Wararka naga soo gaarama magaalada
Jawhar ayaa sheegaya in Maxamed dheere uu ku guulaystey inuu hanto
taageeradda beel ka mid beelihii horey xurguftu ugala dhaxaysay Muuse
Suudi balse lagu tiirin jirey Taageerayaashiisa.
Kulan looga hadlayo taageerada
maxamed dheere looga hayo deegaanka Gumarow ee Gobolkaasi ayaa lagu
wadaa in uui dhaco iyadoo maxamed dheerana uu qayb ku leeyahay qaban
qaabadiisa, waxaana la sheegay in ay noqon doonto deegaan cusub oo hoos
yimaada maxamed dheere.
Beeshaas oo uu ka soo jeedo Duqii
hore ee magaalada Muqdiso Xuseen Cali Axmed ayaa taageeradeeda siisay
maamulka uu madaxda ka yahay maxamed dheere ee xanuntiisu tahay
magaalada Jawhar, laakiin lama oga halka ay ku dambayn doonto dadaalada
uu maamulka maxamed dheere ka wado gobolka shabeelada dhexe.
Abdi
Wali Ibraahim Aadan (Garyare), Muqdisho/Somalia
garyare20@hotmail.com
Allgedo
Online
|