HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

April 8, 2004


Gudoomiyaha maamulka magaalada Jawhar Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa lagu soo waramayaa in uu wado dadaal uu ku doonayo in uu ku ballaariyo awoodiisa gobolka shabeelaha dhexe oo ay ka wada arrimiyaan isaga iyo Hogaamiye Kooxeedka kale ee Muuse Suudi Yalaxow

Wararka naga soo gaarama magaalada Jawhar ayaa sheegaya in Maxamed dheere uu ku guulaystey inuu hanto taageeradda beel ka mid beelihii horey xurguftu ugala dhaxaysay Muuse Suudi balse lagu tiirin jirey Taageerayaashiisa.

Kulan looga hadlayo taageerada maxamed dheere looga hayo deegaanka Gumarow ee Gobolkaasi ayaa lagu wadaa in uui dhaco iyadoo maxamed dheerana uu qayb ku leeyahay qaban qaabadiisa, waxaana la sheegay in ay noqon doonto deegaan cusub oo hoos yimaada maxamed dheere.

Beeshaas oo uu ka soo jeedo Duqii hore ee magaalada Muqdiso Xuseen Cali Axmed ayaa taageeradeeda siisay maamulka uu madaxda ka yahay maxamed dheere ee xanuntiisu tahay magaalada Jawhar, laakiin lama oga halka ay ku dambayn doonto dadaalada uu maamulka maxamed dheere ka wado gobolka shabeelada dhexe.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Isma’il Jimale ayaa dhibaato ku tilmaantey haamo ay ku jiraan Qashin oo lasoo dhigay Xeebta Cigo ee ka tirsan gobolka Galguduud

War ay kasoo saartey magaalda Muqdisho ayey Hay’addu ku sheegtey in gobo dalka ka mid ah ku soo caariyeen Haamo Qashin ku jiro, waxayna ugu Baaqday Maraakiibta shisheeye iyo kuwa sida sharci darada ah uga kalluumaysta Xeebaha dalka Somalia inay joojigaan halista ay ku hayaan Nolosha shacbiga Soomaaliyeed.

Hay’addu waxa kale oo ay ku Baaqday in la joojiyo dagaalada dhawaanahaanba ka socday magaalda Muqdisho, oo wixii qilaaf ah ee jira lagu dhameeyo wada hadal.

Dhanka kale waxay Hay’addu Xustay in Haamahaasi ay ku jiraan Qashinka kasoo hara Warshaddaha Sameeya Aalada Nuclear-ka ee wadamada Caalamka, kuwaasoo ay sheegtey inay dalka soomaliya isaga soo fogeeyaan Wasaqda kasoo harta Warshadahooda, iyagoo kasoo dhaqaajiya dadkooda iyo dalkooda.

Sidoo kale Hay’adda Dr. Isma’il Jima’ale ay Carabka ku dhufatey inay jiraan Hoomiyayaal Somalia caan ka ah ku waasoo ay Hay’addu sheegtey in  Qandaraas ku soo qaataan Nolosha Ummadda Soomaaliyeed, inkasoo Hay’addu aysan sheegin magacda dadka ka dambeeya arrintaan.

 

Maamulka Goboleed Puntland ayaa markoodii ugu horeysay ka hadlay qaabka loo wajihi karo nabadaynta deegaanka Xeraale oo dhawaan ay ku dagaalamayeen labo beelood oo halkaasi wada dega

Ku xigeenka Madaxwayanaha maamul goboleedka Puntland Maxamed Cabdjo Xaashi ayaa sheegay in uu ku dhawaaqi doono dhex dhexaadin nabadeed oo uu kala dabqaadi doono beelihii dhawaan dagaalka xoogan ku dhex marey deegaanka Xeraale ee Degmada Cabudwaaq ee ka tirsan gobolka Galduduud.

Maxamed Cabdhi Xaashi oo soo gaarey Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Beelihii ku dagaalay Xeraale ay isaga ka codsadeen in uu soo dhex galo dhex dhexaadina ka galo arrimaha ay isku hayaan.

Maxamed Cabdi Xaashi oo u waramayey qaar ka mid ah Saxaafada ayaa sheegay inuu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono labada dhinac ee isku haya Deegaanka Xeraale, isla markaana xilliga kulankooda uu ku dhawaaqi doono shir ballaaran oo ay isugu immaan doonaan labada dhinac ee ay dirirtu dhex martey.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa tilmaamey in isaga oo tixgalinaya codsiga uu sheegay in uu uga yimid labada dhinac uu billaabayo sidii loo dhamayn lahaa mashaqadii ba’nayd ee ka dhex dhacday ladada beelood loo soo afjari lahaa.

Dhinaca kale waxaa degmada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud gaarey xubno dhawr ah oo ka tirsan dowlada KMG ah, isla markaana ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, si ay uga qayb qaadaan nabad raadinta la doonayo in  lagu nabadeeyo beelaha ay dirirtu u dhaxayso.

 

C/llaahi Cabdi Koofi oo ah Ku xigeenka Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan Maamul Goboleed uu yeesho Gobolka Hiiraan, hadii uu miro dhal noqon waayo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee la’isku mari la’yahay, hakadna ku jira

C//llaahi Cabdhi Koofi ayaa isagoo u waramayey qaar ka mida Saxaafada dalka sheegay inay diyaar u yihiin ku dhawaaqida Maamul goboleed hadii uu bur buro shirka Soomaalida uga socda dalka Kenya.

Waxa uu Koofi tilmaamey inay ku guda jiraan diyaarinta qaabkii loo dhisi lahaa Maamulka Goboleedka ay doonayaan inay u sameeyaan gobolka Hiiraan, isagoo carabka ku dhuftay in asagu uu ka mid yahay raga u sharaxan inay madaxka noqdaan maamulkaasi, waxa uuna qiray inay jiraan siyaasiyiin kale oo iyaguna u sharaxan xilkaasi.

Dhinaca kale goor sii horaysay ayey ahayd markii  guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxada Jubba Korneel Barre Aadan shirre (Barre Hiiraale) uu shaaca uga qaaday inay dhisayaan maamul goboleed ka taliya deegaanadda hoos yimaada Isbahaysigooda.

Waxaana horey deegaanada uu ka taliyo C//laahi Yuusuf ka jiray Maamul goboleed la magac baxay Puntland, halka  gobollada Waqooyiga ay sheegeen in ay yihiin dowlad madax banaan ayna la baxeen Somali land, taasi waxay muujinaysaa in dalkii Somalia uu noqdan meelo kala qoqoban uuna u kala qaybsamay Land iyo Land.

 

Shirka wasiirada arimaha dibadda ee wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD isla markaana looga hadli lahaa Arrinta Somalia ayaa mar kale dib loo dhigay

Dublumaasiyiin ku dhowdhow IGAD ayaa shabakadda warbaahinta Shabele u sheegay in dib loo dhigay Kulankii IGAD ilaa dhamaadka bishan aynu ku jirno. Dib u dhaca soo noqnoqanaya ee ku yimid shirka wasiirada arimaha dibadda ee IGAD ayaa warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay ugu wacantahay iyadoo wasiirada Lixda ah ee dalalkaasi aysan isku mawqif ka ahayn Shirka Soomaalida taasina ay keentay inay qaarkood ka cudurdaartaan ka qayb galka shirka.


Suudaan ayaa horay uga gaabsatay in ay ka qeybqaadato shirka IGAD ee inta badan looga hadlo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Kenya.

Ithiopia ayaa sidoo kale shirarkii ugu danbeeyay aan ka soo qayb galin, Waxayna u  soo dirsanaysay  Wakiilo aad u hooseeya Marka loo eego Hanaanka Shirka oo ah Heer Wasiir, iyadoo Eritrea-na aysanba soo xaadirin Shirarka IGAD ee looga hadlayo Arrinta Somalia.

Jabuuti iyo Kenya oo shantii bilood ee la soo dhaafay ku kaliyoobay dhaqaajinta iyo socodsiinta Shirka Soomaalida oo caqabado waaweyn ay ka horyimaadeen ayaa iyaguna ilaa haatan muujinaya rajo ay ka qabaan in xal la gaaro lagana gudbo mashaakilka shirka hortaagan.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya Mr. Misiyoka ayaa waxa uu wadaa hanaan uu ku doonayo sidii talaabo wax ku ool ah loo qaadi lahaa isla markaana hogaamiyayaasha shirka ka biyo diidsan loo qancin lahaa. Laakiin marka loo eego Tanaasul La’aanta Kooxaha Soomaalida iyo kala jiidashadda IGAD ee Kooxaha Siyaasadda ayaa waxaa muuqata in Dadaaladda Wasiirku ay noqon doonaan kuwo aan horumar samayn. 

 

Iyadoo ay ka curteen Somalia Roobabkii Xilliga Gu’ga ayaa waxaa meelo badan oo ka mida dalka ka billawday u diyaar garoowga Tacabka Beeraha

Gobaladda Shabeelooyinka, iyo Hiiraan oo uu maro Wabiga stn ayaa waxaa ka billawday diyaar garoow xoogan oo loogu jiro Tacabka Beeraha, Waxaana deegaanadaasi ay dadku billaabeen inay diyaarsadaan Abuurkii ay Isticmaali lahaayeen iyo qalabkii ay Beeraha ku falan lahaayeen, iyadoo Bisha Soo socota si rasmiya ay u billaaban doonto Beeridda tacabka Sannadkan.

Qiimaha lagu kireeyo Cagaf Cagafyadda Beeraha Falla ayaa kor u kacay, Waxaana cariiri galay helitaanka Cagaf Cagafyadda ay isticmaali lahaayeen Beeralaydu, iyadoo sidoo kalana uu kor u kac ku yimid Qiimaha Shidaalka oo gaaray heerkii ugu sareeyay.
 

Beeralayda danyarta ah ee xoogooda ku fasha Beeraha ayeeysan wax saamayn ah ku yeelan kor u kaca ku yimid shidaalka iyo ciriiriga ay galeen Cagaf Cagafyaddu, Waxayna billaabeen inay Gacmahooda ku fashaan Beeraha,

Roobabka gu’ga oo xilligoodii ka soo daahay ayaa yimid waqti ay dalka oo dhan ka jiraan Abaaro xoogan oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyadda ku dhaqan Gobaladda Dalka Somalia.

 

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Dr Ismaaciil Jimcaale ayaa walaac ka muujisay Haamo loogu shakiyay inay Sun ku jiraan oo sannadkii hore ku soo caariyay Xeebta Cige ee Gobalka Galgaduud

Hadal qoraal ah oo ay shalay hay’addu ka soo saartay Muqdisho ayeey ku sheegtay in Haamahaasi oo loo maleeyay inay ku jiraan waxyaabo sun ah ay cabsi wayn ku hayaan dadka deegaanadaasi ku nool kadib markii ay Mirireen Haamahaasi, Waxaana haddii ay dilaacaan laga yaabaa inay Qatar wayn ku keenaan dadka iyo duunyadda ku nool deegaanadda u dhaw dhaw halka ay haamahaasi yaalaan.
 

Hay’addu waxay sidoo kale wallaac ka muujisay Maraakiibta sida joogtadda ah Badaha Somalia ugu daadiya Qashinka ka soo hara Warshadaha Waawayn iyo sunta Nugliyeerka, Waxaana ay sheegtay hay’addu in Qatar wayn ay ku soo fool leedahay Somalia haddii aan si deg deg ah looga hortagin u adeegsiga Xeebaha Somalia goob qashinka caalamka laga soo fogeeyo lagu shubo.
 

Hay’addu waxay wax laga naxo ku tilmaantay in dalalka qaarkood ay ku fakaraan in qashin ay shacabkooda qatartiisa ka soo fogeeyeen inay shacab kale oo dandaraysan ku waxyeeleeyaan. Waxayna ka dalbatay Beesha Caalamka inay gacan ka gaysato sidii loo bad baadin lahaa Xeebaha Somalia oo baylah u ah Maafiyadda Xeebaha Qashinka ku shubo.

Xeebaha Somalia oo aan 14 kii sanno ee la soo dhaafay lahayn Ciidamo illaaliya ayaa waxaa si joogto ah loogu shubayay Qashinka ka soo hara Warshadaha Nugliyeerka, Waxaana kol hore Fadeexad muujinaysa in arrintaasi ay lug ku leeyihiin Qaar ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda Soomaalida oo lacag yar ku iibsaday Xeebaha Somalia.

 

Wakiiladda Shirkadaha Xawaaladaha Fadhigoodu yahay Jawhar oo u xirnaa Maamulka Maxamed Dheere ayaa shalay galab la sii daayay kadib markii la bixiyay qayb ka mida lacagihii uu Maxamed Dheere ku dalbaday in laga siiyo

Wakiiladdan oo u fadhiyay Jawhar Shirkado ay ka mid yihiin Amal Express, Towfiiq Nation Bank, Kaah, Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo kuwo kale ayaa lagu ganaaxay midkiiba lacag gaaraysa 72 Milyan oo Shilin Soomaali ah kadib markii lagu soo eedeeyay inaysan soo marin Maamulka Shabeeladda Dhexe isla markaana ay si sharci darro ah uga shaqsanayeen Jawhar iyagoo aan haysan Ruqsad, Waxaana dadaal dheer oo ay sameeyeen Masuuliyiinta Shirkadahaasi iyo Waxgaradka Gobalku ay ku qanciyeen Maxamed Dheere in midkiiba laga siiyo Wakiiladaasi 20 Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah uuna iska sii daayo.

Mid ka mida Wakiiladaasi oo shalay markii la soo daayay Qadka Taleefoonka kula soo xiriiray STN ayaa sheegay in lacag Madax Furasho ah laga qaatay, isla markaana uu arko xarigiisa mid ka mida Afduubyadda Burcaddu ay sameeyaan ee ka dhaca Somalia, Wuxuuna ninkan oo codsaday inaan magiciisa la shaacin xaqiijiyay inaysan sii wadi Karin hawlihii ay ka hayeen Jawhar, sidaas darteedna ay ka fiirsanayaan Hanaankii ay ugu adeegi lahaayeen Macaamiishooda iyaga oo aan fariisin ka samaysan Jawhar.

 

46 qof oo Ciraaqiyiin ah ayaa geeriyootay kadib markii xalay ay duqayn aan naxariis lahayn u gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku Masjid ku yaala Magaaladda Fuluuja ee Dalka Ciraaq

Afhayeen u hadlay Maraykanka ayaa ku dooday in Masjidkaasi Rasaas looga soo furay Ciidamadooda, Wuxuuna sheegay in Masjidka ay Gabaad ka dhiganayeen Kooxo Argagixiso ah, Laakiin Iimaamkii Masjidkaasi ayaa beeniyay sheegashadda Maraykanka, Waxa uuna sheegay in Diyaaradaha Maraykanku ay si ula kac ah u duqeeyeen Goob lagu cibaadaysanayay.

Magaaladda Fuluuja oo wali go’doon ku jirta ayeey wararka ka imaanayaa sheegayaan in Ciidamadda Maraykanka ay ku guuldaraysteen inay gudaha u galaan Magaaladaasi, Waxaana dagaal qaraar oo Wadooyinka la iskula soo baxay ugu dambayntii lagu jabiyay Askarta Maraykanka oo dib uga soo gurtay Aagaga Dagaalka, Laakiin Maraykanka ayaa illaa iyo hadda ka gaabsanaya inuu faah faahin ka bixiyo Khasaaraha ka soo gaaray Fuluuja.

Tan iyo markii ay dagaaladdu ka bilawdeen Faluuja waxaa ku dhintay in ka badan 100 boqol oo Ciraaqiyiin ah, iyadoo tiro kalana ay dhaawacmeen, Waxayna wararku ugu dambeeyay sheegayaan in Diyaaradaha Dagaalka iyo Taankiyadda Maraykanku ay duqayn xoogan ku hayaan Magaaladda Faluuja.

Dhinaca kale Magaalooyinka Samaawa iyo Baghdad ayaa xalay laga Maqlayay Qaraxyo Xoogan, iyadoo Qaraxyadda Qaarkoodna ay ka dhacayeen Meel aan sidaa uga fogayn Saldhiga CIidamadda Japan, Waxaana heegankii ugu sareeyay la galiyay Ciidamadda Japan si ay  uga hortagaan Weeraro lagu soo qaado.

Afhyeen u hadlay Askarta Maraykanka ayaa isna sheegay in Baghdad looga dhaawacay labo Askari, Wuxuuna sheegay inay labadaasi askari ku dhaawacmeen weerar ay ku soo qaadeen Kooxo Argagixiso.

Afhayeen u hadlay isna Wadaadka ugu sareeya Shiicadda Ciraaq, ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen Askar Maraykan ah, Wuxuuna sheegay inay dhawaan soo bandhigi doonaan Muuqaalka askartaasi ay qabteen, Laakiin ma jiraan warar Madax banaan oo xaqiijinaya Sheegashadda Shiicadda.

 

Abdiwali Ibrahim Adan (Garyare), Muqdisho/Somalia
garyare@hotmail.com

Allgedo Online

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com