|
April 8, 2004
Maamulka Goboleed Puntland ayaa
markoodii ugu horeysay ka hadlay qaabka loo wajihi karo nabadaynta
deegaanka Xeraale oo dhawaan ay ku dagaalamayeen labo beelood oo
halkaasi wada dega
Ku xigeenka Madaxwayanaha maamul
goboleedka Puntland Maxamed Cabdjo Xaashi ayaa sheegay in uu ku dhawaaqi
doono dhex dhexaadin nabadeed oo uu kala dabqaadi doono beelihii dhawaan
dagaalka xoogan ku dhex marey deegaanka Xeraale ee Degmada Cabudwaaq ee
ka tirsan gobolka Galduduud.
Maxamed Cabdhi Xaashi oo soo gaarey
Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Beelihii
ku dagaalay Xeraale ay isaga ka codsadeen in uu soo dhex galo dhex
dhexaadina ka galo arrimaha ay isku hayaan.
Maxamed Cabdi Xaashi oo u waramayey
qaar ka mid ah Saxaafada ayaa sheegay inuu kulamo gooni gooni ah la
yeelan doono labada dhinac ee isku haya Deegaanka Xeraale, isla markaana
xilliga kulankooda uu ku dhawaaqi doono shir ballaaran oo ay isugu
immaan doonaan labada dhinac ee ay dirirtu dhex martey.
Maxamed Cabdi Xaashi ayaa tilmaamey
in isaga oo tixgalinaya codsiga uu sheegay in uu uga yimid labada dhinac
uu billaabayo sidii loo dhamayn lahaa mashaqadii ba’nayd ee ka dhex
dhacday ladada beelood loo soo afjari lahaa.
Dhinaca kale waxaa degmada
Cabudwaaq ee gobolka Galguduud gaarey xubno dhawr ah oo ka tirsan
dowlada KMG ah, isla markaana ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, si ay uga
qayb qaadaan nabad raadinta la doonayo in lagu nabadeeyo beelaha ay
dirirtu u dhaxayso.
Abdi Wali
Ibraahim Aadan (Garyare), Muqdisho/Somalia
garyare20@hotmail.com
Allgedo
Online
|