|
April 8, 2004
Iyadoo ay ka curteen Somalia Roobabkii Xilliga Gu’ga ayaa waxaa meelo
badan oo ka mida dalka ka billawday u diyaar garoowga Tacabka Beeraha
Gobaladda Shabeelooyinka, iyo
Hiiraan oo uu maro Wabiga stn ayaa waxaa ka billawday diyaar garoow
xoogan oo loogu jiro Tacabka Beeraha, Waxaana deegaanadaasi ay dadku
billaabeen inay diyaarsadaan Abuurkii ay Isticmaali lahaayeen iyo
qalabkii ay Beeraha ku falan lahaayeen, iyadoo Bisha Soo socota si
rasmiya ay u billaaban doonto Beeridda tacabka Sannadkan.
Qiimaha lagu kireeyo Cagaf
Cagafyadda Beeraha Falla ayaa kor u kacay, Waxaana cariiri galay
helitaanka Cagaf Cagafyadda ay isticmaali lahaayeen Beeralaydu, iyadoo
sidoo kalana uu kor u kac ku yimid Qiimaha Shidaalka oo gaaray heerkii
ugu sareeyay.
Beeralayda danyarta ah ee
xoogooda ku fasha Beeraha ayeeysan wax saamayn ah ku yeelan kor u kaca
ku yimid shidaalka iyo ciriiriga ay galeen Cagaf Cagafyaddu, Waxayna
billaabeen inay Gacmahooda ku fashaan Beeraha,
Roobabka gu’ga oo xilligoodii
ka soo daahay ayaa yimid waqti ay dalka oo dhan ka jiraan Abaaro xoogan
oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyadda ku dhaqan Gobaladda
Dalka Somalia.
Abdi Wali
Ibraahim Aadan (Garyare), Muqdisho/Somalia
garyare20@hotmail.com
Allgedo
Online
|