|
April 8, 2004
Wakiiladda Shirkadaha Xawaaladaha
Fadhigoodu yahay Jawhar oo u xirnaa Maamulka Maxamed Dheere ayaa shalay
galab la sii daayay kadib markii la bixiyay qayb ka mida lacagihii uu
Maxamed Dheere ku dalbaday in laga siiyo
Wakiiladdan oo u fadhiyay Jawhar
Shirkado ay ka mid yihiin Amal Express, Towfiiq Nation Bank, Kaah,
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo kuwo kale ayaa lagu ganaaxay midkiiba
lacag gaaraysa 72 Milyan oo Shilin Soomaali ah kadib markii lagu soo
eedeeyay inaysan soo marin Maamulka Shabeeladda Dhexe isla markaana ay
si sharci darro ah uga shaqsanayeen Jawhar iyagoo aan haysan Ruqsad,
Waxaana dadaal dheer oo ay sameeyeen Masuuliyiinta Shirkadahaasi iyo
Waxgaradka Gobalku ay ku qanciyeen Maxamed Dheere in midkiiba laga siiyo
Wakiiladaasi 20 Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah uuna iska sii daayo.
Mid ka mida Wakiiladaasi oo shalay
markii la soo daayay Qadka Taleefoonka kula soo xiriiray STN ayaa
sheegay in lacag Madax Furasho ah laga qaatay, isla markaana uu arko
xarigiisa mid ka mida Afduubyadda Burcaddu ay sameeyaan ee ka dhaca
Somalia, Wuxuuna ninkan oo codsaday inaan magiciisa la shaacin
xaqiijiyay inaysan sii wadi Karin hawlihii ay ka hayeen Jawhar, sidaas
darteedna ay ka fiirsanayaan Hanaankii ay ugu adeegi lahaayeen
Macaamiishooda iyaga oo aan fariisin ka samaysan Jawhar.
Abdi Wali
Ibraahim Aadan (Garyare), Muqdisho/Somalia
garyare20@hotmail.com
Allgedo
Online
|