|
April 8, 2004
46 qof oo
Ciraaqiyiin ah ayaa geeriyootay kadib markii xalay ay duqayn aan
naxariis lahayn u gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku Masjid ku
yaala Magaaladda Fuluuja ee Dalka Ciraaq
Afhayeen u hadlay Maraykanka ayaa
ku dooday in Masjidkaasi Rasaas looga soo furay Ciidamadooda, Wuxuuna
sheegay in Masjidka ay Gabaad ka dhiganayeen Kooxo Argagixiso ah,
Laakiin Iimaamkii Masjidkaasi ayaa beeniyay sheegashadda Maraykanka,
Waxa uuna sheegay in Diyaaradaha Maraykanku ay si ula kac ah u duqeeyeen
Goob lagu cibaadaysanayay.
Magaaladda Fuluuja oo wali go’doon
ku jirta ayeey wararka ka imaanayaa sheegayaan in Ciidamadda Maraykanka
ay ku guuldaraysteen inay gudaha u galaan Magaaladaasi, Waxaana dagaal
qaraar oo Wadooyinka la iskula soo baxay ugu dambayntii lagu jabiyay
Askarta Maraykanka oo dib uga soo gurtay Aagaga Dagaalka, Laakiin
Maraykanka ayaa illaa iyo hadda ka gaabsanaya inuu faah faahin ka bixiyo
Khasaaraha ka soo gaaray Fuluuja.
Tan iyo markii ay dagaaladdu ka
bilawdeen Faluuja waxaa ku dhintay in ka badan 100 boqol oo Ciraaqiyiin
ah, iyadoo tiro kalana ay dhaawacmeen, Waxayna wararku ugu dambeeyay
sheegayaan in Diyaaradaha Dagaalka iyo Taankiyadda Maraykanku ay duqayn
xoogan ku hayaan Magaaladda Faluuja.
Dhinaca kale Magaalooyinka Samaawa
iyo Baghdad ayaa xalay laga Maqlayay Qaraxyo Xoogan, iyadoo Qaraxyadda
Qaarkoodna ay ka dhacayeen Meel aan sidaa uga fogayn Saldhiga CIidamadda
Japan, Waxaana heegankii ugu sareeyay la galiyay Ciidamadda Japan si ay
uga hortagaan Weeraro lagu soo qaado.
Afhyeen u hadlay Askarta Maraykanka
ayaa isna sheegay in Baghdad looga dhaawacay labo Askari, Wuxuuna
sheegay inay labadaasi askari ku dhaawacmeen weerar ay ku soo qaadeen
Kooxo Argagixiso.
Afhayeen u hadlay isna Wadaadka ugu
sareeya Shiicadda Ciraaq, ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay gacanta ku
dhigeen Askar Maraykan ah, Wuxuuna sheegay inay dhawaan soo bandhigi
doonaan Muuqaalka askartaasi ay qabteen, Laakiin ma jiraan warar Madax
banaan oo xaqiijinaya Sheegashadda Shiicadda.
Abdi Wali
Ibraahim Aadan (Garyare), Muqdisho/Somalia
garyare20@hotmail.com
Allgedo
Online
|