|
|
 |
Allgedo,
Maqaal, November 18,
2006
|
|
KELIGII
CUNOOW KELIGAA DIFAAC ....
keligeed cuntooy keligaa celceli !!
Waxaa lafishaa isbadal iyo
caadalad marka saldhigu yahay
cadaalad, laakiin nin isagiiba
sida uu ku yimid kursiga
puntland umadu wada ogtahay,oo
ah handadaadaad iyo inaadeeroow
soomaaliyaan ka helay kursi ee
fariiso,isla markaana ku laayay
dhalin yaro reer puntland ah oo
aan waxba galabsan,makeeni karaa
wanaag iyo maamul fiican?
nin CANADA qol ku xiraa uuna soo
duulay oo tuute usoo qaatay
dhiiga shacabka puntland asagoo
GENARAAL AH lasaftay jifo
hoosaad ma la oran karaa waxa uu
keenayaa cadaalad iyo sinaan?
waxan durba aragnaa sida uu isu
balaarinayo oo uu jifadiisa
uugu dhiibay maareeya yaasha iyo
ilaha dhaqaalaha oo puntland iyo
dhan walba ama ha haato dhaqaale
ama ha ahaato saldano ee
isbadalka uu wadaa waa mid ku
salaysan qabyaalad oo uu beelaha
qaarna ku takoorayo qaarna soo
dhawaysanayo.hadaad istiraahdo
warninku sidaan maha xusuuso in
uu arin qabyaaladeed iyo jifo
hoosaad dhiig uugu daadiyay
puntland.tii unbuuna wadaa.mar
uu handadayay maxamed cabdi
xaashi oo aan isku shuqlinin
doorasho markuu arkay meesha la
la aaday hanaankii puntland ayuu
wuxuu yiri cade "HADII UU
DOORASHO QABAN WAAYO MAXAMED
CABDI
XAASHI WAN DAGAALAMAYAA KAMANA
YEELAYO" wuxuuna hada isu
haystaa nin xoog ku jooga.
Jagooyinka hada wuxuu ka qaaday
hal jifo oo ah jifada cali
saleebaan oo lagu handadayo reer
mudug iyo nugaal oo ah cali
saleebaan dhexdiida oo laysku
bad badalay uun,si tolku xataa
dhexdiisa isugu xumaado.kan ka
qaad inaadeerkii u dhiib!!!
wuxuba waa habqabiil oo cidwalba
wasiirkeeda iyada unbaa leh oo
macnuhu yahay madaxweeyna
nimadana hal cid unbaa
dhaxlee.mala orankaraa hada
waxbuu sameeyay isbadal ah mar
hadii cali saleebaan laysku bad
badalayo? hadii gaagaab ama
faroole laga qaado mawaxaa lagu
badalayaa jifadooda? mise laga
qaadi karaa? waxa uu iska indha
tirayaa cade muuse kheyre hadii
sida uu cade sheegay gardaro ku
weeraray nin shacab ah gurigiisa
oo booliisku dadka iska ulaynayo
iyadoo la eegayo sharciga u
dhigan puntland mala ga qaadayaa
kheyre jagada? mise waa lama
taabtaan?
Hadaba xikamadaa waxay tahay in
jagooyinka aan waxba aheen ee ay
dadkoodu soo diidaan lasiiyo
beelaha kala ah,dhulbahante,
warsangali iyo majeerteenka aan
aheen jifadooda maxamuud
saleebaan.cade ma waxa uu
naleeyahay waxaan wax
kabadalayaa eexdan baahday ee
umadu layaaban tahay oo ah wax
walba aniga.tusaale.
LIISKA KUWA KU QABAYSTAY
QABIILKA:
TALIYAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA
IYO KUXUGEENKIISA
TALIYAHA BOOLISKA PUNTLAND
WASIIRKA MAALIYADA
WASIIRKA QORSHEEYNTA IYO
XIRIIRKA CAALAMIGA
WASIIRKA DAWLADAHA HOOSE IYO REE
MIYIGA
GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE
PUNTLAND
AGAASIMAHA GUUD LA DAGALANKA
ARGAGIXISA(cismaan diyaano)
WASIIRKA
HORMARINTA HAWEENKA IYO ARIMAHA
QOYSKA
WASIIRKA HAWLAHA GUUD IYO
GAADIIDKA
WASIIRU DAWLAHA MADAX TOOYADA
WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA
Akhristoow maanka ku hay
gobolada iyo beelaha ku bahoobay
puntland oo dhan waxay wadaagaan
16 wasiir halkan 7 ka mid ah
reer baa jeebka gashaday hab nin
jeclaysi iyo qabyaalad ku
salaysan oo xataa sadbursi
dhaaftay, halaka umada soo
hartay ay ku filaan wayday
beeliha ay kamid yihiin kuwan
hoos ku xusn oo intooda badan
aan helin
waxba.
1.dhulbahante oo lafac ah
majeerteen
2.warsangale oo la fac ah ama
lasiman majeerteen
3.leelkase daarood
4.yusuf daarood(ortable)
5.carab saalax
6.ma dhibaan
7.dashiishle
8.liibaan gashe
9.Janbeel
Majeerteenka aan aheen
Maxamuud Saleebaan.
10.wabeeneeye
11.siwaaqroon
12.cali jabraa iil
13.ugaar saleebaan
14.cali saleebaan
15.ismaaciil
saleebaan
16.amaanle
17.nuux jabraaiil
18.idig facale
19.daan weeyne
20.amarti waaq
21.cali ibraahiim
22.maxamuud ibraahiim
23.cabdiraxiim ibaraahiim
24.cabdalle ibraahiim
Masoo wada koobi karo beelaha
majeerteen ama daarood ama
soomaaliyeed ee dagan puntland
laakiin waa uun tusaale, marka
16 kii wasiir waxay qaateen
jifada cade muuse 7 kamid ah
uuguna muhiimsan ayagoo haysta
madax weeyne nimadii.waxaad
yaabi lahaydeen hadaan idiin soo
bandhigo agaasimayaasha,iyo
wasiir ku xigeenada.iyo
gudoomiya yaasha dagmooyinka
puntland wuxuba waa iyaga
xaqiiqdii.
Hadaba suaashu waxay tahay ninka
cadaaladaradaan dhisay oo
madaxweeynu ku ah sidan miyaa
keeni kara isbadal? ma
orankaraan cadaalad buu wax u
qaybin? Mase kasugi karaa
cadaalad?
waxaadse dadwaynoow is
waydiisaan boobkan iyo
qabyaaladan iyo xaqiridan ka
baahday gayiga puntland intee in
le eg ayay soconkartaa
cadaalad darada iyo dulmigu?
cade muuse iyo jifadiisa malaga
aqbali doonaa waxay isku raaceen
oo ah maamulku sheega?
GUNAANAD
Umadu waxay ka gadood santahay
yeyda aan damiirka laheen ee
diinta dhinac maray oo
dhiigmiiradka ku haya shacabka
puntland ee xalaasha ah.looma
dulqaadan doono ee waxa laga
hortagi si midaysan kuwa ehelka
isku gubaya oo xaalufinaya
kheeraadka degaanka, iyagoo u
adeegaya gaalo iyo dad aynaan
isku diinba aheen.wax walba
aniga
qaadan mayno,hadaanahay shacabka
puntland.cabdullahi yusuf axmed
waxa uu kusameeyay puntland oo
dulmi iyo xaqiraad ah iyo eex
unbuu la dhextagayaa beelaha
walaalaha ah ee koonfureed iyo
soomaali. tan waxaa ka siidaran
sidey u maamuleen 12 kursi ee ku
soo aaday beesha majeerteen oo 7
ka mid ah ay ayagu qaateen waa
maxamuud saleebaane halka inta
kale ee aan aheen maxamuud
saleebaan qaateen 5 kursi waxaa
taas ka sii daran in ay beesha
majeerteen ku soo kordhiyeen
qabiil cusub oo ah GALGALE oo ay
maxamuud saleebaan ka dhigteen
..haduu cadaalad ku maamuli
waayay puntland miyuu soomaali
cadaalad ku maamulayaa???
akhristahaan udaayay jawaabta.
Liiban Ali
qaalid3@hotmail.com
Afeef:
Nuxurka qoraalka sare iyo
fariinta uu xambaarsan yahayba
waxay gaar u tahay qoraha
qoraalka oo ah kan uu magaciisa
kor ku qoran yahay.
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com
|
|
|
|
|
|