Ururka
dhalinyarada reer puntland ee ku
nool dalka Denmark ayaa ku
baaqay in puntland lagu dhaqo
shareecada islaamka
Dhalinayarada kasoo jeeda
Puntland ee ku dhaqan dalka
Denmark ayaa baryihii ugu
dambeeyay kulammo waxa ay uga
socdeen magaalada Copenhagen ee
caasimadda dalkaasi.
Kulammadaasi ayaa waxaa kasoo
baxay go’aamo dhowr ah oo ay ka
mid yihiin In shacabka puntland
lagu maamulo xukunka islaamka.
Guddoomiye kuxigeenka ururka
dhalinyarada reer puntland ee
denmark axmed c/qaadir cadceed
ayaa sheegay inay ugu baaqayaan
shacabka reer puntland inay ku
dhaqmaan shareecada islaamka.
Website-yada soomaaliyeed ayaa
qaarkood waxa ay u barteen
aflagaadada masuuliyiinta iyo
isku dirka beelaha dhexdooda ah.
Haddaba website-ka idamaale ayaa
waxa uu nuqulkiisa hore kusoo
daabacay aflagaado ka dhan ah
suldaan c/salaan xaaji axmed
nuur oo katirsan salaadiinta
soomaaliyeed.
Suldaan c/salaan xaaji axmed
nuur ayaa waxaa uu kamid yahay
salaadiinta ugu waawayn puntland,
waxaan aflagaado ay kasoo
gaartay website-ka idamaale.com
oo ay leeyihiin dad qeyru
mas'uul ah oo had iyo jeeraale
jecel in ay faafiyaan been iyo
warar aan sal laheyn, kuwaasoo
kasoo jeeda deegaanka Dameeralay
ee kililka shanaad ee Ethiopia.
Suldaanka ayaysan ahayn markii u
horraysay oo ay soo handadaan
beeshaasi, waxaana jirta in
hadda ka hor suldaanka
gaarigiisii ay tuugo kasoo
jeedda beel katirsan beelahaasi
ay dheceen.
Aflagaadada iyo handadaada ka
dhanka ah Suldaan c/salaan ayaa
waxaa si wayn uga xumaaday
shacabka uu suldaanka u yahay oo
sheegay inay tallaabo cad ka
qaadayaan dadkii dambigaasi ku
kacay.
Beesha aflagaadada iyo
handadaada la baratay suldaanka
ayaa waxa ay tahay beesha iyadu
uu kasoo jeedo gacan ku
dhiiglihii horay u dilay suldaan
ka tirsanaa salaadiinta
soomaaliyeed ee Puntland.
Haddaba beesha uu kasoo jeedo
suldaan c/salaan ayaa waxa ay
digniin kama dambays ah u
diraysaa beeshaasi iyada oo uu
mid ka tirsan odayaasha
beeshaasina yiri “ Ma ahan inaan
mar dambe u dulqaadanayno
handadaada ka dhanka ah
suldaankayaga ee waxaanu
qaadayna tallaabo cad”.
Handadaada iyo aflagaadada
salaadiinta oo soomaalidu aysan
caado u lahayn ayaa waxaa dhaqan
ka dhigtay beesha uu kasoo jeedo
gacan ku dhiiglaha horay
Suldaanka ugu dilay Puntland,
kaasoo iminka sheegta in uu
yahay mas'uulka ugu sareeya
xukuumadda Dowladda FKMG ah.