WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times
Somali Links
 
  

Allgedo News, Talaado,  October 17,  2006

Baaq ku aadan xiisadda ka dhalatay handadaadda iyo cagajuglaynta lagu hayo Taliyaha Ciidanka booliska Somaliyeed

Annagoo ku hadlayna magaca urur samafal ah oo ka howlgala gudaha dalka Somaliya waxaan ka codsanaynaa in cuqaasha iyo malaaqyada beesha Digil iyo Mirifle in ay xakameeyaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaashooda oo maalmihii ugu danbeeyey si ka baxsan sharciga ugu gaysanaya handadaad iyo cagajuglayn mawaadin Soomali ah isla markaana ah masuul ka tirsan dawladda ku meel gaarka ah oo fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo. 

General Cali Maxamed Looyaan (Cali Madoobe)  waa taliyaha ciidanka booliska Soomaliyeed, waxaana uu xaq u leeyahay in si xor ah uu ugu noolaado magaalada Baydhabo oo loo doortay in caasimad ku meelgaar ah ay u noqoto dawladda KMG ee Soomaliya. Genralaalka waxaa uu markasta fuliyaa awaamiirta dawladda, falka ka dhacay garoonka waxaa fuliyey ciidamada dawladda waxaana awaamiirta lahaa madaxada sare ee dawladda sidaas darteed uma aragno in taasu u fasaxayso maleeshiyo ka tirsan beesha Digil iyo Mirifle in ay handadaad iyo cagajuglayn u gaysato mawaadin gudanaya shaqadiisa kuna khasban in uu u hogaansamo awaamiisrta madaxda sare iyo wax ka qabashada amniga iyo kala danbaynta taas oo ah masuuliyaddiisa. Waxaan kaloon xasuusinaynaa in Baydho ay tahay xarunta dawladda loona baahan yahay in laga gudbo nidaamkii dalka burburiyey 16ka sano oo ahaa qofka dhib sheeganaya uu isku dayo in uu gacantiisa sharciga ku fuliyo iyadoo laga tillaabsanayo  nidaamka garsoorka. Waxaan u sheegaynaa in ay ku kalsoonaadaan dawladda ay ku soo dhaweeyeen degaankooda ayna ku qancaan go’aanka ay dawladda ka gaarto dhibaatda ka dhacday garoonka Baydhabo. 

Haddii la xakamayn waayo maleeshiyada sida gardarrada ah u handadaysa taliyaha booliska waxaa dhici doonta in arrintaas ay saamayn ku yeelato degaanada Bay, Bakool, Jubada Dhexe iyo Gedo taasuna ay sababto barakac iyo in la dhibaateeyo dad badan oon waxba galabsan maadaama aan waaya arag u nahay dhaqanka xun ee Soomalida oo ku dhisan aargoosiga taasuna ay keento in dib loogu noqdo dagaalkii sokeeye oo laga nastay sanooyinkii ugu danbeeyey gaar ahaan degaanada aan kor ku sheegey oo dadka wada  degan ay kuwada noolaayeen darisnimo wanaag, is dhexgal  iyo is xurmayn sanooyinkii ugu dambeeyey.    

Annagoo ku hadlayna magaca ururka samafalka ah oo ka howlagala degaanadaas waxaan mar kale ka digaynaa khatarta ka dhalan karta khilaafka hadda ka taagan Baydhabo sidaas darteed  waxaan ka codsanaynaa malaaqyada, waxgaradka, aqoonyahannada iyo jaaliyadda dibadda ee Digil iyo Mirifle in ay xakameeyaan maleeshiyaadkooda ayna wax ku raadiyaan habka sharciga ah maadaama Baydhabo ay fadhi u tahay dawladda KMG ah, haddii ay si shakhsi ah wax uga tirsanayaan gereraalka waxaa ay wax ku raadin karaan habka dhaqanka ah ee ay beelaha Soomaliyeed ku xalliyaan khilaafaadkooda marnaba uma aragno xal in xoog wax lagu xalliyo. 

Ururka Samafalka HIRDA waa waajib saaran in uu ka digo khatarta ku imaan karta bulshada raydka ah ee ku nool guud ahaan Somaliya gaar ahaan degaanada uu ka howl galo.

 

Wa billaahi Tawfiiq.

 
Inj. Maxamed Cabdisalaam Cigaal
Guddoomiyaha Ururka Samafalka HIRDA
info@hirda.org
 


 

 

 

         

 

 

Jawaabtii Amin Amir ee habaarkii Sh. Sharif Sh. Ahmed halkan ka dhageyso

Halkan ka daawo

Ciidamadii Col. Bare Hiiraale xagey u guureen?

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com