BAYAAN
LAGU TAAGEERAAYO BAYAANKII
CULIMADA REER MUDUG AY
KASOO SAAREEN GALAKACYO
Wax garadka iyo culimada
iyo dhaliyarada beelaha
Muumin Aadan (Leelkase)
ee North America ayaa
bayaan ay kutaageerayaan
bayaankii laga soo saaray
galkacyo kasoo saaray Mineapolis….
Waxaan go aansanay ku dhaqanka
diinta islaamka waxaana
ugu baaqeynaa dhamaan shacabka
ku abtirsada Tanade Daarood
oo ku nool degaanada Puntland in
ay wax alaaliyo wixii ay ku
taageeri karaan kor u qaadista
diinta ilaahay aysan cidna
uga shinsan ayna talo saartaan
ilaahay.
Waxaan ugu baaqeynaa Maamulka
Puntland in ay ka saaraan
ciidamada Ethopian-ka ah ee ay
soo dhoobeen inta u dhexeysa
Galodogob iyo Galkacyo
tuulada Xero Jaale. Waxaan ugu
baaqeynaa dhamaan bulshada Reer
Puntland oo lagu yaqaan
diin jaceylka iyo u gargaarida
diinta Ilaahay in aysan ku
hodmin dhagarta ay wadato
dowlada Ethiopia oo ay la
dooneyso in ay isku dhufato
beelaha somaaliyeed si ay
u kala fogaadaan.
Ku dhawaaqista maxkamad waxaa ka
muhimsan ku dhaqanka diinta
islaamka oo aan cidna lagu
xumeyneyn taas ayuuna ilaah kugu
quweynayaa.
Waxaan ugu baaqeynaa in aysan
noqon dhalinyarada beelaha
Leelkase kuwa ku hoodma waxa uu
ugu yeeray Cade Muuse dagaal
qabiil ayna ku biiraan cid
alaaliyo cidii quweyneysa
kitaabka Ilaah. Shalay hadaad ku
dhimatay dagaal qabiil manta
ayuu kii xaqa ahaa ku kortaagan
yahay ee towfiqda alaha waa
fajiyo Reer Puntland.
GUDIGA QABANQAABADA SHIRKA:
1. Maxamed Siyaad (Giir)
2. Ali Muse Ducaale Mohamed Ali (Baraajaale)
3. Dr. Cabdulahi Mohamed Jicib
4. Dr C/salan Cabdulahi
5. Siciid Muse Ducaale
6. Abdulahi Salad Jamac
7. Daahir Farax Ducaale
8. Yaxye Mohamed (Afmagad.)