Wadatashi ay yeesheen
culuma’awdiin,aqoonyahano,
waxgarad, Nabadoono, Ganacsato
iyo Dhalinyaro reer Leelkase ah
waxay ku falanqeeyeen kuna
qiimeeyeen, guud ahaan xaalada
dalka iyo isbadalada isdaba
jooga ah ee Soomaaliya ka
socda, hadaba annaga oo ah dadka
ay magacyadooodu hoos kuqoran
yihiin.
Markii aan aragnay saamaynta
dhinacyo badan leh ee isbadalada
maanta socda ay ku yeesheen guud
ahaan ummada soomaaliyeed iyo
gaar ahaan mujtamaca reer
Puntland.
Markii aan qiimaynay rabitaanka
Shacabka Somaaliyeed gaar ahaan
reer Puntland waxaan soosaaray
Bayaankaan:
1. Waxaan
go’aansanay in aan si
dhamaystiran u qaadano ku
dhaqanka Shareecada Islaamka
maadaama aan nahay dad Muslim
ah.
2. Waxaan
taageersanahay oo soo
dhaweyneynaa cid walba oo ku
dhawaaqday in ay ku dhaqmayaan
Shareecada Islaamka.
3. Waxaan
usoo jeedineynaa guud ahaan
Ummada Soomaaliyeed iyo gaar
ahaan Shacabka iyo Maamulka
reer Puntland in ay kudhaqmaan
Shareecada Islaamka kana xukun
yeeshaan Kitaabka Alle.
4. Waxaan
soo jeedinaynaa in Maamul
Goboleedka Puntlad uu isugu
yeero Culumaa’udiinka,
Aqoonyahanada, Isimada iyo
Waxgaradka reer Puntland si loo
hirgaliyo ku dhaqanka Shareecada
Islaamka.
5. Waxaan
soo jeedinaynaa in loo daayo
ummada Soomaliyeed in ay
Aayaheeda ka tashato lagana
daayo Faragalinta Shisheeye.
1.
Dr: Xasan Maxamuud Takar
2. Sh.
Maxamuud Sh. axmed
3. Sh
Ibraahim Sh Axmed
4. Dr:
C/naasir Sh.Ibraahim
5. Dr.
Muuse Maxmauud Takar
6. Dr.
Axmed Maxamed Dhoqle
7. Dr
Axmed Maxamed Faarax (Dheeli)
8. Nabadoon,C/salaam
Xasan Maxamed (Jalamad)
9. Nabadoon
Maxamed C/samed Cilmi
10. Nabadoon C/naasir Cigaal
Xirsi (Faracade
11. Sh. C/casiis Axmed Garweyne
12. Sh. C/kariin Maxamuud Takar
13. Dr. C/qaadir Khaliif Xaashi
14. Ganacsade Maxamuud Ibraahim
Cagmadhige
15. Ganacsade Muuse C/lle Jaamac
(Naash naash)
16. Nabadoon Jaamac Axmed Shire
17. Nabadoon Aaden Warsame
Cismaan
18. Ganacsade,Daahir Yusuf C/raxmaan
19. Nabadoon C/wali Maxamed
Liibaan