|
|
|
Allgedo News, October
31, 2006 |
Maamulka
Deg. G/haarey oo cambaareeyey
dilkii Deg. Bu'aalle loogu
geystey dadkii dhaawaca ahaa iyo
kuwo kale
Maamulka Deg. G/haarey ayaa
maanta war cad oo ay ka
soo saareen
degmadaasi ayaa waxay si kulul
ugu cambaareeyen falal dilal ah
oo baryahii la soo dhaafey
Magaalooyinka Bu'aalle iyo
Kismaayo looga geystey rag
Beesha SADE ka soo jeeda oo
qaarkood dhaawac ay ahaayeen,
halka kuwo kalena hayb qabiil
loo diley, iyadoo falalkaasina
ay geeysteen Ciidamo ka tirsan
Maxkamadaha oo deegaanadaasi ku
sugan.
Haddaba warcad oo maanta deg.G/haarey
si wadajir ah ay u soo saareen
Maamulka iyo Odayaasha Degmada
G/haarey oo nuqul ka mid
warsaxaafadeedkaasi
Saxaafada Gudaha iyo Dibada loo
qeybiyey ayaa falalkaasi
waxaa lagu tilmaamey kuwo
arxandaro ah, islamrkana aan la
sii fiirsan karin sii
socoshadooda.
Ciidanka maxkamadaha ee jooga
Deg.Bu'aale iyo Kismaayo
waxay 48dii saac ee la soo
dhaafey ay ku dileen Bu'aalle
iyo kismaayo dad ka badan 6qof
oo qaarkood dhaawac loo diley ,halka
2kalena Guri iyo gaadiid lagala
degay dabadeedna Toogassho lagu
diley.
Falalkan dilka ah ayaa
lagu tilmaamey kuwo naxariis
daro ah oo xad gudub ku ah
shareecada islaamka ,xeerarka
soo jireenka ee dhaqanka
soomaalida iyo baaqa caalamiga
ee xaquuqda aadanaha,sidaas
darteed Maamulka iyo
Odayaasha Deg.G/haarey waxay
falalkan xariirka ah ay u arkaan
kuwo qorsheysan oo laga soo
shaqeeyey, isla markaana ay ka
dambeeyaan kuwo damiirkii
dadnimo ay ka dhamaatey.
Maamulka G/Haarey iyo Odayasha
waxay ugu ugu digayaan
maxkamadahu inay ka waantoobaan
falalka dilka micno darida ee
lagula kacayo dadka maatada ah,
haddii ay sii socdaan oo aan
laga waantoobin arimahaasi waxay
saameyn ku yeelan doonaan
isusocodka dadka arimahaasi ay
khuseeyaan warsaxafadeedkan oo
ay soo saareen Maamulka iyo
Odayasha G/Haarey ayaa waxaa ku
saxiixnaa Gudoomiyaha G/haarey
Gaarane Nuur Maxamuud.
A.C S.
Baardheere
Allgedo News Media Network (ANMN)
|
 |
|
|
|
|
|
|
|