WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Talaado,  October 17,  2006

Somali Reconstruction and social Development ry        

Apajakuja 7 B 45

01600 Vantaa

Finland

www.sorasood.com

sorasod@gawab.com
 

Ujeedo   Cambaarayn  falka lagula kacay taliyaha Boliska  somaliyeed
 

Gudoomayiha ururka SORASOD Eng Idiris Hassan Farah waxuu soo saarayaa war saxaafadeedkaan cambaaraynayo falka lagula kacay taliyaha Boliska  somaliyeed  jen: Cabdi Madooben  kadib markii  lagu handaday  hab qabiil kaasoo ah arin aan meesha ku jirin waxaanan xasuu sinaynaa qolooyinka uu qabiilku madax maray inaanay jirin faa iido laga gaarin 16 sano ee qabiil qabiilka loo hardamayay.

Sidaa darteed waxaan cambaaraynaynaa kooxaha isku bahaystay qabiilka ee handadayo TBS Jen: Cabdi madoobe taasoo ah mid aan la aqbalikarin sinaba. 

Sidaa darteed waxaan Xaabsade iyo  Aadan saransoor oogu baaqaynaa inay joojiyaan falalka  burcad nimada ah  ee ay kula kacayaan masuuliyiinta qaranka gaar ahaan Jen Boliska Somaliyeed ee hadii ay jiraan wax sixid u baahan  lagu saxo wado sax ah ee aan arinka qabiil laga dhigin.

Ugu dambayntii waxaan guud ahaan umada soomaaliyeed meel kastaa oo ay joogto oogu baaqaynaa inay ka hortagaan cid kastaa oo  lid ku ah  nabada iyo degenaan shaha iyo waliba daris wanaaga.

 

Wada shaqyan wacan.


Gudoomiyaha ururka SORASOD
Eng. Idiris Hassan Farah
idirishf@hotmail.com






          




 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                         contact us at: allgedo@allgedo.com