WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
Cadayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S
Somaliedu.com
Somaalijecel
SomaliTalk
Somalitech
Somalicitizen

Soomaaliga
 

Allgedo -  Isniin,  October 23,  2006

Dadka ree gadoodow (Gabay)

Mu'alif: Caalamin sh cilmi
c_elmi@hotmail.com

Gabaygan waxaa tiriyay abwaan Caalamin Sh. Cilmi Jamac asaga oo ka soo horjeeda abaabulka dagaal ee Jubooyinka la rabo in lagu aado wuxuuna yiri:
 

Daraad bay ahayd gabay markaan daabacoo dhigaye
oon difaacayay reetolkay,duudsi kii yiriye
maantana dantoodaan rabaa inay dareemaane
 

Oon lagu dagaal galin waxaan duxi karaacayn e
dad haday yihin maalintii loo dar daar wariyay
didmo kuma jawaabeen sidii deero iyo cowl e
 
Hadii dunidu waa yaab qabtee sabanku door soomay
waa sida dabayshoo waqtigu dabamar weeyaane
marka doog ladaaqaba abaar diirataa dhiciye
 
Sida daa imkay sheegay oo diinka ku cadeeyay
dalagoo yaraadiyo miraha duurka laga goosto
daacuun dagaal iyo wixii dilayo ruuxaaga
danbi sababay baa jiro intaa aafo soo dagin e
 
Waxaa loo gu dow galay xaqay daba maraayeene
dariskooda waa cuni jireen sida dugaagiiye
markaa dabeed loo qadaray inay duloo baane
 
Dakadiyo badiiyoo qafilan doonyo xiranaayo
wax dagiyo wax siiduulayaba dabamarkii beeca
dur duradi lawada dhuuqayiyo doolar kiyo saad ki
 
Darays iyo rag wada ciidana oo danab ku haaneedan
dabaa baad waxaan haysanee duni kufaanaynay
darajiyo rag wada haybad leh dowlad nima deeni
 
Hadaan shalay daleel oga tagnay duunyadiyo malki
dab hadaanan ridin ciida waa lagu dagaalaaye
waxa maanta loo duulayaa waa damiir li iye
 
Deeq lagu kuf riyay bay ahayd dararti jeerkiiye
dacatigaan samayniyo markii dulan na aafeeyay
duul kale inan eer sanaa dowba ma ahayn e
 
Hadaan maanta daan iyo kadaan diriro waayaabe
wax ladoonay weeyee hadii damacu suuroobo
dakadii kismaan yiyo hadaan dacaladii gaarno
 
Mar haduu diwaankii haroo dumiyay nooyaalo
waxba nooma daa woobayaan daa in abid keene
da'yartiyo war hoy yaan ilaha naka daa duumin
 
Doqonkii fakaday ee ayaan duurka laga goobay
marki dibada laga soo heliyo dacaladii howd ka
doodiisu waatay ahayd haygu daaline e
 
Ninkaan labada daalood mid qaban daaduf buu noqon e
wax ba yaan dariikii rabigay daacad loo marine
darbi adag niman baa dhigtoo dunida ciirayn e
 
Daqar kiyo boogaha bataa dumiyay reerkiiye
dadkaleeto daayoo markuu diini kala yaacay
in daleel habayn looga tago ;aguma diimayn e
 
Qoontuba halkay daaraneyd looma daadagin e
duqow looma xulin iyo ikhyaar dow galkii hore e
waa lagu dag dagay baan qaa doorka maata ah
 
Dac nigiyo dhibaatadu markay daginka saamayso
diciif kiyo midkii liita way damaq yaraadaane
ninki diraca waa gara nayaa dow halkuu jire e
 
Taariiq da duuga ah hadii dabagal loo doodo
darsinkii nasoo maray hadii daaqad laga tuuro
diiwaan la raaciyo hadaan diritadii wayno
 
Dig toor iyo aqoon yahan haduu dayro ku abaado
hadaan dowdar ma oyee wax garad diidno hadalkiisa
dabka kuwa had iyo jeer watee damacu aafeeyay
damiir laawayaashaan ka nixin doobka dhima naayo
 
Hadaynaan dareemine waqeen dabagal noo raacno
sidi duulki nabi muuse yiri dowra waligiinba
daa iro hadaynaan kabixin waa dareen culuse
 
Daacad waagu taladiidaday daris wadaa gaane
waa wixi duqii nagu hoday dacarti jeer kii
mukihii ragii daad sanaa laga dawaareeye
 
Hadaan daysan lahayn maalin tii lama daqiiqeene
dama naashahaa reetol kay daadun shoo rogay e
dakan kooda maqan bay sidii dumar iloobaane
 
Mantana dariiqi yoo kalay dacalka saareene
had ba dowlis kii go,a hayay dabada hays taane
waa kaa durbaan kii utumar daalim kii rogay e
 
Maalin tay dagaal joogto oo daas laqabanaayo
dadka wow horeeyaan intay danab ka qaatane
dogob kiyo sidii xaabadaa lagu danays taaye
 
Maandhow dirac dii horaan darisnay xaalkaane
doogiyo barwaaqada markii darar la maalaayo
darbi adag ayaa laga dhigtaa sida dugaagiiye
 
Doon lagu koraa bay noqdeen dabaqi dheeraaye
waxay hiil dubaaxina hayaan duq iyo wiilkooda
daal baa abaal koodu noqon amase diihaal e
 
Dure.iyo kobtii hiileh baan dagis ku fiicnayn e
duun yadaada waa laga rartaa xida duuga ah e
abaar lama dul gowriiri karo daaq haduu jire
 
Daruuru haday kaa maraan diir hariyo gowlin
gadiid ku duushiyo adoo dacarihii awr leh
dixda,gogol hadaad jiif sataa dow dar baa tahay e
 
Daarood waxaa nooga daran dabaqi naareed e
daba dhilif amxaariyo haduu dixiri gii raacay
maxay tahay dan tuu noo hayoon ogu dugaalay no
 
Deeqaa ilaahay halkuu mariyay daadkiisa
darantiyo caleentaa wixii dagay ku noolaaday
waa diinka ee bee kuwaa diga yo maanraacno
 
Daraad ba abaartii dhacdee dunida aafaysay
maantaan dad iyo duunyaba wada dagaagay nay
daryeel bay walaalaha yagu nala dul joogeene
 
Goormuu amxaar noo dan qaday diga sho ma oyaane
dadka reer gadoodow abaal door ahaa jire e
hadaan gaalo soo dadab sanoo daab cadaha qaadno
nabsi soo dag dago baa jiree duuga bal an dhowro

 



Afeef:  Allgedo shaqo kuma lahan aragti cabirka suugaan yahanada ama qoraalada dadweynaha ay ku naqdinayaan  hadba mowduucii ay iyagu doortaan.




Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com
 

Halkan ka dhageyso
Amin Camir '' Markii aan..."
 
Ciidamadii Col. Bare Hiiraale xagey u guureen?

Somalis' future is in question?

Halkan ka daawo

Somalia has not had a central government in 15 years. Now two groups are vying for governmental control..

Read more...

Qabrigii Maalka!

Dulmi maa duugmaa?  Manii la daboolo na, waa soo daahiraa!" 
(Reer Banaadir-Maahmaah.)

(Riix halkan)
 

 

Celsius temperature conversion formulas

UNIT of MEASURE
conversion table

 

Dimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qoto dheer!
 

Somali Sub Clan Seeks Separate Country whereas, the rest of Somali people eager to say  “Somalia is one nation under one God!" 
full story...

 

NEWS RELEASE

October 27- 28, 2005 Governor James B. L. E.  School future search! (Click here)

 



 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com