WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
  


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo News, Isniin,  October 30,  2006

Dhaawac la xaqiijiyey in Bu'aale lagu toogtey


Golaha Odayaasha B/dheere oo cambaareeyey dilkii Deg. Bu'aalle loogu geystey dad dhaawac ahaa.


Golaha Shacbiga deegaanka Baardheere ayaa maanta warsaxaafadeed uu ka soo saarey Deg.Baardheere waxay si kulul ugu cambaareeyen falkii dilka ahaa ee shaley subax lagula kacay 3 qof oo dhaawac ahaa kana mid ahaa maxaabiis ay hayeen maxkamadaha oo yiiley goob caafimaad oo ciidanka maxkamaduhu ay kala baxeen goobtii, wax yar ka dibna ay toogasho ku dileen.

haddaba qoraal maanta loo qeybiyey saxaafada oo nuqul ka mid ah soo gaarey Allgedo iyo allwadani  ayaa waxa uu u qornaa sidatan Ciidanka maxkamadaha ee jooga Deg.Bu'aale waxay shaley oo taariikhdu ahayd
29/10/2006dii toogasho laga baaran degay ay ku dileen 3 qof ee kala ah.

1-Mahad Faarax Cali oo da,diisu ahayd 25jir
2-Xuseen Xasan Cali(X.Farey) oo da,diisu tahay 40jir.
3-Dhicis Cabdi Cagaweyne,oo da,diisu tahay 20jir

Falalkan dilka ah  ayaa lagu tilmaamey kuwo naxariis daro ah oo xad gudub ku ah shareecada islaamka ,xeerarka soo jireenka ee dhaqanka soomaalida iyo baaqa caalamiga ee xaquuqda aadanaha, sidaas darteed Goluhu waxay Q/midoobey, Jaamacada Carabta iyo wadamada Ururur Goboleedka IGAD u sheegayaan in aaney marnaba raali ka noqon doonin in ay maxkamaduhu wax saameyn ah ku yeeshaan Deegaanka Baardheere iyo weliba Gobolka Gedo.

Golahu waxuu ugu digayaa in maxkamadahu Degmadani ay ka daayaan faragelinta joogtada ah ee xaga isgaarsiinta ay ka wadaan, waxii talaabo ah ee ka yimaadana mas'uuliyadeeda ay qaadi doonaan Maxkamadaha ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo ay soo saareen Golaha shacbiga deegaanka Baardheere oo uu ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Golahaasi Xuseen Cali Biixi.



Axmed Cumar Saalixi

 

Allgedo News Media Network (ANMN)


 

 

 

         

 

 

Jawaabtii Amin Amir ee habaarkii Sh. Sharif Sh. Ahmed halkan ka dhageyso

Halkan ka daawo

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com