| |
|
|
|
|
Allgedo! Sports, Thursday, Dec. 8, 2005 |
Faaqidaada Ciyaaraha iyo Asbuucan! Kulan xiiso weyn lahaa oo eey fooda isku dareen Labadda Naadi Manchaster United oo Dalka Ingiriiska ka socotay iyo Naadiga Benfica oo ka Socday Dalka Portaqiiska ayaa Xaly ka dhacay Goorka weyn ee la Yiraahdo Garoonka Iftiinka oo Caasimadda Portaqiiska ku Yaala. Kulankan ayaa ah mid labadda kooxood si weyn ugu Soo diyaar garoobeeyn ahna mid loogu soo baxaayeey Wareega labaad ee Horyaalnimadda Naadiga Qaarada Yurub, Manchaster ayaa ku rajo weynid in eey guushu raaci doonto, maadaama eey u saftaan Xidigo Caan ku ah Kubada Cagta Aduunka oo qaab ciyaareed Fiican leh Sidda:- Weyne Rooney, Ruud Van Nisterlooy, Ferdinand,Saha, Paul Scholes, Gigis, Gray Nivell, Van Der Saar iyo Xidigo kaleba, Halka Naadiga Bebfica eey u Saftaan Xidigo aad u da yar kana khibrad yar kuwa Manchester laakiin ka Dadaal Wanagsan isku Duubni iyo Qaab kooxeed ku Ciyaarayeey Guushuna ku raacday 2-1, sidaasna ay ka huleeshay Kooxdii Magac weynid ee Ingiriiska aheyd Tartanka Qiimaha weyn leh ee Horyaalnimada Qaarada Yurub. Sanadkii 1968-kii ayeey Manchester isla garoonkaas kaga Guuleeysatay Benfica kuna hantiday Horyaalka Kooxaha Qaaradda Yurub, Laakiin Wiisha Da'da yar oo u badan Reer Brazil ayaa odayaashii Hore u Aaray oo Ku Yirii Xidiga Man-United Maanta Shalay Ma aha. Waxaa Wareega Labaad u soo baxay Naadiyadii la Filaayeey intoodii badnaa sida;- Barcalona-Real Madrid- Loyan- Arsanol, Chelsea, Liverpool, Yuvantuus, Ac Milan, Inter Milan, Benfica, B. Munchin, waxaase lama filaan noqotay Kooxdda Rangers ee Soctland oo Markii ugu Horeeysay u soo Gudubtay Wareega Labaad,Iyo Kooxaha Villarreal iyo Udanisa ayaa iyana Wareegaas u soo Gudbey. FIFA:- Waxaa la filaayaa in maalinta Jimcaha ee soo socda la Sameeyo Qori Tooristii Koobka Aduunka 2006-ka oo laga Qaban doono Dalka Jarmalka lana filaayo in uu Noqdo mid Qaab Ciyaareed Wanaagsan lagu soo Bandhigo Goolal Badana la dhaliyo. Sidda Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka(FIFA) qeexay Waxaa 8-da qeybood kala hogaamin doona Dalalkan:- Argentin- Brazil- Jarmalka, Faransiiska, Ingiriiska, Mexsico, Talyaaniga, iyo Dalka Spain oo loo gartay kuwa ugu Wanaagsan Aduunka Waqtigan, Waxaa la Yaab noqotay markii Liiskaas laga Waayey Dalalkan- Holland iyo Portugal oo ah kuwo muujiyeey Qaab Fiican iyo Hanaan Ciyaareed Heer Sare ah oo ka Sareya kuwa Dalka Ingiriiska, Talyaaniga, Spain iyo Miexsikoba. Sikasta ha ahaatee Ciyaaraha Kuubka Aduunka ee Sanadka 2006-da ayaa la rajeeynaayaa in uu noqdo mid hab nabadgelyo leh ku dhaca oo daawadayaashu ku raaxeeystaan Qaab Ciyaareedka Xidigaha Waaweyn ee Caanka ah ee Qaaradaha Koonfurta Mareykanka, Yurub, Afrika iyo Aasiyaba. Kooxda Qaranka Somaaliya:- Kooxdii Qaranka Somaaliya ee ka qeyb-qaadaneysay Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa Guul Daro weyn la kulmay kadib markii Sadex Kulan laga Badiyeey Goolal badana laga dhaciyeey oo gaaraaya 15-Gool. Waa la Filaayeey in Qaranka Somaaliyeed Guulo Wax ku ool ah soo hoon kareen xiligan adag ee dalku ku jiro oo Duruufuhu iska adag yihiin, xiriirka Somaaliyeed ee Kubadda Cagtana Khilaaf Weyni ka Dhex Jiro, Waxaan Oran karaa weey Mahadsan yihiin Xulka Da'da Yar iyo Tababarahoodu Macalin Geele Waxeeyna Mudan Yihiin Taageerid iyo Gargaar u fidin si Mustaqbalka loo Helo Xul Qaran oo Wanaagsan oo lala Xisaabtami Karro. -Alla Mahad Led- -Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)- -Huddersfield- Engaland- -sharifhassan50@ahoo.com- allgedo@allgedo.com |
|