Sida goonle aaroo wax badan
garab ku taagleeyey
Oo
gabow haleeloo gadhkiyo guudka
ka caddaaday
Oo
gooni socodoo beryahan gabay
itaalkiisu
Ay
gaaja kala qaartayoo gibil
madoobaadey
Oo
goodirkii iyo ka qaday geriga
jiidhkiisa
Gawskiisa hilib uu geshaa bilo
kusoo gaadhey
Hadba wuxu yar gaan-gaambiyoo
gorodda laadshaaba
Koluunbaa nasiibku u geshaa gaan
wax weerariye
Raxan dibi ku gawdiida baa
guulle kulanshaaye
Gaaddada kolkuu soo dhigtoo
gooha damin waayo
Goosha iyo yaridkaa ka baqa inuu
gallaaftaaye
Kolkuu goosto dhawr jeer ayuu
gudub u foofaaye
Aniguna geddiisii ninkaa gaydh
qabaan ahaye
Kolkii la is giguun-baan sedkay
gobol cantuugaaye
Maantana gedaha muuqdabaan gebi
ka faalloone
Afartaasi arartaan guntiyo
gamasyadaydii dheh
Mawjado is garaaciyo baddoo
gebiga soo jiidhay
Gu’ga oo kaliil soo curtiyo
gumucyadiisii dheh
Wax
dhaaxaan u geylamay inaan
sharaftii giijaaye
Qarannimada garab joogsadoo
gaadhka ka hayaaye
Gungumiyo abees wixii na ganay
goodkii nagu yaacay
Gafaniyo qaniinkii na jaray
garabcaddii naaxday
Goblamooyinkii Xamar dunshey
guduridii leeftay
Kuwii gawracee maatadii gobolba
meel aadshey
Gaala raacyadii soo bixiyo
goosatiyo tuugta
Ee
godanba magac u baxshee
calamadow gaaftey
Giddi xabashi noo soo gashay ugu
gargaareene
Gabbal baasi maantuu u dumay
geyiga Soomaali
Ee
calankii gaashada lahaa cadowga
loo geeyey
Godkii nala ku ridey baan wallee
gudhada jiifnaaye
Afartaana gees baan u dhigay oo
ma gaasiro eh
Gawdhgawdhi maayee murtida
maydin garansiiyey
Gunta gabayga meeshaan u wado ma
u gawaan raacshey
Kud
ka guur qanja u guur hadday
gelinba kuu joogto
Gudcur dama adoo gudaya iyo gegi
habaas weynle
Geed qodax ku saydhiyo adoon
gocondhadow jeedin
Galawgiyo waraabuhu aduu kugu
guraabaasay
Gurraacada maskiyo kuu ureen
gocorka waabaydu
Gawdiisa fooraha aday dhiillo
kugu gaaxdey
Gii’diisa aar goonlihii gebi ka
yeedhayso
Gurdankii dugaagiyo adoon geedka
kala saarin
Oo
habas ku guul guuli iyo jalawda
guumaystu
Oo
aan gayoobine deyoow gees u
dulugleeyey
Xiddigaha middii galac tiraad
guruxa saartaaye
Gaaraa bidhaankaad iftiin gibina
mooddaaye
Geddaasaa naflaydii arlada ugu
guhaadoone
Dawlad garab gashiyo waa ka
samir qaran golayntiise
Gar
cadaawe goob lasku galay meel la
kala giigay
Giniista Afrikaankiyo Amxaar
gacan togaaleeyey
Gamboolayda carabtuna Namruud
kuu gol qabataysay
Godob maammul lagu soo dhisoo
gubadka uun yaalla
Geeddiga dameer lagu rariyo
gaabis socon waayey
Geedkaa ha gaadhina sirbaa lay
gunaanadiye
Shir kastoo la galo waa illeyn
gocasho kuu reebye
Ummaddaa la kala gawdhiyee ee la
kala gooyey
Danteedii hadday garan lahayd
dhibi ma gaadheene
Afar kale gadaafaha nabsigu
gelinba waa cayne
Girligaanka soo guuxi iyo
sebenka gii’leeyey
Quwadaha gedoodiyo magliga soo
gangaansamay dheh
Ayaamahan is gurayiyo waqtigan
sii gabaabsiyaya
Gumaadka iyo aanada batiyo
dhiigga gobo’leeyey
Geyigeer abaaroobey iyo badaha
soo guurey
Kaymaha galoolkii madhee qudhacu
gaajooday
Ee
ay goofafkii haawadeen gu’gu ka
soo raagey
Webiyadan yaxaaskii ka gudhay
hoos galgalanaayo
Dabaylaha gufaacada kacshee eed
gudgude mooddo
Xayawaanka gaag belay ee goostay
faracoodu
Muslinkaa la gaasiray naflaha
gawda laga saaray
Gulufkaa kharribay Jeejniyee
lagu dul gawriirshey
Gardarrada mutuxan iyo hadh
galay gamaska dhiigaystay
Ciraaq gabawarkeediyo afghan
garabka naafoobey
Falastiin gabbood li’ida iyo
silica loo geystay
Diinteer kun gaan noqotay ee la
isku gaadaayo
Guutooyinkeer wayraxee miinada u
gaatey
Ee
gaban is miidaamiyiyo gabadh
itaal mooday
Ummadaha is garab roorayee
godinta soofaystay
Hubka soo gardaadsanahayiyo
belada guuxaysa
Gumucyada atomikaadka iyo sumaha
gawdiida
Giddigoodba waa aakhir saban
gebagebayntiiye
Fidnaa soo gafuur weyn wallee
nabadi waa gawe’
Afar kale digniin gaara iyo gole
ka faallayn dheh
Waaga galalacdiisiyo shamsada
gumucyadeedii dheh
Axmed Gurey gammaankuu watiyo
gulufyadiisii dheh
Kol
hadduu abwaan gabay tirsho amase
geeraaro
Garashiyo aqoontii naflaha ugu
galliimeeyo
Sow
meesha inuu soo geshaa gob’oda
sow maaha?
Geeska Afrikaad baa beryahan
galow ka qayshaaye
Gurmadyaa lakala geynayaa labada
geesoode
Gujo nimay ku raagtoo naxdini
goob walba u joogto
Geerida horteedii nimuu goosmay
ubadkiisu
Oo
gacaladiisii hadh galay iilka
lagu gaabshey
Wuxu gooho leyl dhexe cidlada
ciil la golosleeyo
Ninkii gacan u fidiyaba marbuu
gacalkii moodaaye
Godob buu tirsanayaye haduu
dirirta soo gaadho
Gaashaan biriyo buu noqdaa geesi
aan biqine
Gudeeddii dagaal oogihii loogu
gorofaadshey
Jihaadkuu la galay suudi iyo
duulki garab joogey
Galladdii ka soo waaddaybaa loo
gol leeyahaye
Goortay maxkamaduhu hanteen
guusha libinteeda
Xaqu inuu gardaadinahayaa guurow
loo tumaye
Kolkii ay Indhacadde u godleen
lays-la-garan waaye
Shuurada kolkii lagu galda’ay
gole la maageeray
Ee
gaysh qabiila ah la yiri qabo
guddoonkeeda
Ee
gaar ahaan looga dhigay lays-la-garan
waaye
Agoomaha gunuusee Markiyo, Gedo
ku baayaalay
Guutada intay garab marsheen
gebi ma laaceene
Goortay Kismaayo u gudbeen
lays-la-garan waaye
Burco gelelefkeediyo fidnada
haatan gami weyday
Hiiraan wadaaddada gabbacan ee
gilgilanaaya
Gaalkacayo goortay damceen
lays-la-garan waaye
Afar kale gorfayn iyo talaan uga
gudbaayaaye
Guubaabo mooyee arrini waa mid
gaammuraha’e
Garba duubi maayee runbaa lagu
guddoonshaaye
Xaajadii gurracantaa in badan
laga giriifaaye
Xaqu gaabin maayee haddii diinta
lagu gooyo
Geyigaan ku noollahay haddii
nuurku wada gaadho
Godan waliba waa doogsanlaa
guulle idankiise
Waxse gama’a ii diidayee
dhiilladay geliyey
In
khamiis la ii soo gashado ii
gabbado tuuge
Kolkaa inay gablooshaan ka biqi
la is gabraartaaye
Dhaawac goorrintaa muuqatiyo
galabba reer laynta
Waxa soo gumaamadan qalbigu ila
gulaallaaye
Goblamoow Zinaawiga amxaar
gaadhka daba jooga
Iyo
guul darraystaha la jira garab
ka doonaaya
Giddigood jihaadigu hadduu gaar
isugu qaysho
Talibaan geddoodii haddii guriga
loo waabo
Oo
tima-caddiyo geyshyo kale la
isku soo gaadho
Haddii la isku galo xeradayada
la isku soo giirto
Oo
maatadii goommanayd gu’ iyo
dayrtiisa
Lago gubo maadaafiic mar kale
kuma gelaayaane
Gashi waxad ka doontaa nimaad
geda taqaannaaye
Ninkii gabadin kuu rari haddaad
igu gargaar weydo
Durba looma guuxee hubsaad kaga
geyootaaye
Afar kale xusuus guud haddaan
gobol ka soo qaato
Oo
aan gondaha hoose iyo dhawro
gogosheenna
Runtu inay gawaan jooga tahay
gar alle sow maaha?
Dadkaygoow garaadkiinna lumay
gocasho oygiina
Guuldarradiyo ceebtiyo wexeer
ciilku nagu gaaxdey
Guhaaddiyo dhibkii layna baday
kama gedoodaane
Waa
hooyo kii guursadaa waa adeer
gar-ahe
Ninkii idin gumaadaad xumaan ugu
garbaysaane
Good laba afla ah iyo kolkay
mici gabaarraydu
Idin goosataa baad ilmada gobo’
ka siisaane
Kolkuu gacan ku dhiigluhu ilkaha
gabal idiin muujo
Sacabkow garaacdaan sidii geesi
caan baxaye
Gadaalna uma dhugataan wuxuu
geystey waa hore’e
Shalaytoo gabaahiiradii oonku
idin gooyey
Gacma hoorsigii iyo qaxii gaaja
dalandoolka
Maata gawracii gees ka gees
dhiiggu gabaxleeyey
Godkay maanta taalbaa ka daran
gabawarkeenniiye
Caqligaan gulaallayni waa garan
karaayaaye
Anna waan gorfayn jiray murtida
gole ka fuulkeede
Guntina mayo dhuuxiyo laftaan
idin garwaaqsiine
Guubaabo qaran baan tirshee
geliya laabtiina
Afartaana gibilkaan ku xidhay
gabayga aashayda
Maansadan ga’leyda ah anaa
guulle ii wacaye
Gefna lama hadlee gabayga waan
soo gunaanadiye
Toban iyo lix sanay gaaxsanayd
gobada maandeeqe
Gacan midiglihii dheelmiyaa weli
guhaadayne
Geesna uma bed qabo oo hadday
gooha oloshaaye
Gabanaday dhashiyo waa le’deen
kii godli lahaaye
Gaajay u hoobteen dadkii gebi ku
noolaaye
Siday u gudhay goonyaha arlada
geeri loo badaye
Gasiin kale ha joogee baryaad
gorofsanaysaane
Dirirkii gu’yaad iyo la waa
gamashki dayreede
Gawlaha diraaceed la mood xays
gabaabsiya’e
Isha gulucle soomaalidaa silic
la gawdiidda
Waxay galabsadeen baad ilaah
kaga gudaysaaye
Maantana gufaacooyinbaa soo
gadaal noqone
Geyigaa ogoomoobey baa loo gol
leeyahaye
Gadhwadeen Amxaar iyo wadaad
madaxnimow gaaftey
Iyo
cadow gabraartaa hodiyo
goosatiyo tuuge
Garab sheegte oo qarankayagii
waa gelgelintaase
Gawaan raacu yeelkiis nimaan taa
ka gubanayne
Gumownaye ha noolaatadii yaa mar
kale geeya!
Gumownaye ha noolaatadii yaa mar
kale geeya!
Gumownaye ha noolaatadii yaa mar
kale geeya!
Afeef: Allgedo shaqo
kuma lahan aragti cabirka
suugaan yahanada ama qoraalada
dadweynaha ay ku naqdinayaan
hadba mowduucii ay iyagu
doortaan.
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com