Hadduu
alifku kugu labashubmoo, laaxin
kugu raago
Laamiinta iyo
Baqara way, kaa layiigsamine
Lahjad xumidu
weligeedba way, kugu
liqdaarraane
Leexleexa iyo
beenta iyo, diintu waa labo’e
Likaacooyinkaa Xamar ka yimi, ma
laha liibaane
Laayaanka soo
baxay runtay, labadib leeyeene
Ummaddoo
ladnaanaysah bay, leexo
kiciyeene
Laarrigakan
diday waa ciyaal, looma
taliyaahe
Waa
leeddofuul aan bulshada, luun ka
rogahayne
Liisha maanso
maahmaahdu wow, laafo bixisaaye
Lixaad bay u
yeeshaa haddii, lagu
lammaanshaaye
Waxaan soo
ligligayaa mid aan, lacagi
goynayne
Libdho soo
baxdaa lagu qashaa, lihi
xalaaleede
Loogashada
habeenkoo baray, tuugo
legeddaaye
Leg xaaraan
ah bay meel mugdi ah, laqanyo
daacdaaye
Laamiga ma
maro ruux hadduu, duul ku
lowfaraye
Intuu luuq
istaaguu afkiyo, luqunta
duubtaaye
Dhagartiyo
luggooyadu maryey, kugu
lucuumaane
Lasow kuma
barxana diintayada, libin
ilaahaye
Lafdigii
jihaadkay xumaan, ugu lug
qaadeene
Rag tawxiid
laqimayaa sidii, liigga loo
qalaye
Lullumada
sideeday mugdiga,
libirsanaadaane
Markuu layrku
damey waa kuwii, laayey
dhaawaca’e
Laye waxay ku
fooldhaqanayaan, licigga dhiiga
ahe
Niman
labokelyood ahi maxbuus, qori ma
leefshaane
Markii ciidan
loo loollamay, liil u diriraane
Liidnimo
Bu’aalay faleen, lixuhu ooyeene
Laabta waxay
ku haystaan ajnebi, labowajiile
ahe
Dalkiisii nin
uu laaday baa, laanbadda u
sida’e
Lafeheenna
waxa dhuuxay waa, laaji dhiig
qaba’e
Laagihii
Shabeelliyo Jubbay, carab
lahaysiine
Dhulkeennii
la laayacay rag kale, lamadegaan
moodye
Eriteriga
laafyaha xun baa, beerihii
limane
Lubbi ma laha
jaajuus hadduu, leefin doon
yahaye
Laaluush
shisheeyuhu baxshaa, luray
dadkeenniiye
Nimankaa
lulmaysani qolay, loxox ka
qaataane
Leelada
dadkii siiyey baa, lumiyey
duulkaane
Niman baa
lisahayoo u dhaqa, sida
lo’doodiiye
Luqmadday
cuneen waxay la gelin, loxod
ciriiryoone
Waa lool cid
kale leedohoo, niman lammeeyaane
Luqluq bay ku
iibsanahayaan, ciidda luulka ahe
Laandayro
baas baa sitoo, way lalmanayaane
Lugtool bay
tafahayaan sidii, labo jir
daayeere
Waxay
laamalooyo u koreen, laalac
foolxumo’e
Lajnaddaan
wareersani dad bay, licib ku
dheeleene
Libaaxay
bulshadu dooratey, qarax u
laalaane
Bumbo
loolible u dhiib risheer,
Liibiyaan ahiye
Intay niman
Lubnaan ahi direen, laaye
madaxdiiye
Leggay kaga
dhufteen Deerowgii, luqadda
toosnaaye
Madfac
lalahayaa Yuusuf Yey, loo
laxaamadaye
Labo jeerna
ina Geeddi bay, lebi u fuuleene
Lixdameeye
jeer bay rag kale, libiq ka
siiyeene
Teer iyo
Libooyay dadkii, ledid u
diideene
Lohlohda iyo
orodkoodu waa, laqanyo joogto
ahe
Layliga waxay
ugu jiraan, le’ashadeenniiye
Nin kastoo
lafdhabar qaran ah baa, loox ku
daabacane
Lanbarray ku
soo qorahayaan, liiska geerida’e
Laqdabada
intii diiddan bay, lahan ka
qaadaane
Dhiigay sidii
liinta iyo, leben u quutaane
Sida lowska
shacabkay rabaan, inay u
laystaane
Lisin iyo
billaawey sitaan, luudi
dhagareede
Lakabbeeye
miinada siday, lun ugu aaseene
Ludda
aadnigay sida biyaha, uga
ladaabtaane
Laabjeexe
dumarkii markay, laxawga
saareene
Laacii
udgoonaa ma jiro, laydha
galabeede
Lebbiskii
hufnaa waxa beddeley, luufaf
dacal dheere
Labeeb talada
weligiisba wuu, luqun
jibbaaraaye
Ma liiqliiqdo
ruuxii dadnimo, lexejeclaystaaye
Lafti hadday
yihiin gobannimay, lulan
lahaayeene
Laqwi weeye
axad qaawan oo, lig isi siiyaaye
Waa laacdan
doqoneed hadday, labakac
leeyeene
Lusha waxay
ku gubayaan dhiskoo,
labaderyaale ahe
Lingaxay ka
qaadeen suntay, liqi lahaayeene
Luflufkay
cuneen waxa ku xiga, lulugyo
naareede
Lafta
dhereran iyo waxay ka jabin,
liiqa bawdada’e
Liishaanku
wuu qaban hadday, loxoskii
diideene
Xumahay u soo
lahanayaan, laasim way heline
Laleemooyinkoodaa ku mudin,
leebkii geerida’e
Legdankiyo
siyaasada run baa, lagu
labeenshaaye
Ninkii kugu
liddi ah maalin baa, laga lib
qaataaye
Lillaahi iyo
daacadi ka dheer, leyl midkii
guda’e
Leelleelka
ceebeed markaad, hore u
luufluuftay
Leegleegsi
dirireed haddaan, lamahuraan
joogo
Gunti laguma
laalaabi karo, xagaladii Liife
Lihiinteenna
qarannimo intaan, shidayey
luubaanta
Laalka iyo
oogada intaan, laanta sare
joogey
Looyaan
colaadeed adaa, labay
adduunkiiye
Liglig baa
ku mudin meel kastood, lawga
gelisaaye
Lali
maysid weligaa haddaad,
labagallaysaaye
Looxmaxfuud wuxuu qorin inaad,
laamadood noqone
Waxaad
loolinaysaba rag baa, loodin oo
jebine
Luuqdayda
keliyaa jarjarin,
locobbadaadiiye
Haddaad
labolegdaysana sidaan, laacayaad
noqone
Lafoguridda
hadalkaagu waa, lohod itaalkiise
Laqbayntaada
xumi derisyaday, kugu likaysaaye
Markaad igu
lartaba anigu waan,
labojibbaamaaye
Laxdii
kawkabtaa waa in ay, labac
ahaataaye
Sidii laahi
falan been intaad,
labocanlaynaysid
Laqmashada
carruurtii dugsiga, laashin haw
noqone